Home » Qoraallada Halkudhegga "Gentleman"

C/rahmaan Farooloow: Meles Zenawi goormuu Soomaali noqday?

Aug 25, 2012
Salaamu Calaykum In mudo ah waxaan ka leex-leexayay in aan wax ka iraahdo xaalka ama arrimaha dalkeena  ee jahwareersan balse markaan maqlay, dhageestay ama arkay Soomaali ah oo siyaabo aan la yaabay ooga hadlay geeridda ku timid R/wasaarihi hore ee dalka Ethiopia Meles Zanawi ayaan garwaaqsaday in aan wax ka iraahdo. Sida caadiga ah marka uu qof geeriyoodo Islaamka waxa uu qabaa in qofka laga geeriyooday... 
Halkudheg:

Soomaaliya:- Tashan Weydaye Waa Laguu Talin

Jun 28, 2011
Asalaamu Calaykum “Adigoon Tabar Hayn, Talana Aan Hayn, Oo Talaab Gabay, Kolka Tooyooy, Niman Turuqyo Leh, Oo Tafaafulan, Oo Aan Kuu Turin, Ku Taxaabtaan, Ee Lagula Tago, Tashan Weydaye, Waa Laguu Talin” sidaa waxaa yiri Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed. Akhristoow, waa wax laga naxo lagana arga-gaxo daruufaha adag ee la soo dersay danyartii Soomaaliyeed meel walbay joogaanba, sida... 
Halkudheg:

Qiyaasta Sawir Gacmeedka Amiin Arts…Maxaa xiga kadib Bur-burka Ururka Al-Shabaab?!.

Apr 10, 2011
Hordhac. Soomaalida gaar ahaan dadka la socda Siyaasada Soomaaliya waxa ay ogyihiin in Magacan Al-shabaab uu soo shaac baxay sanadkii 2006 oo ku beegnayd, wakhtigii Midoowgii Maxaakimta ay ka  curteen magaalada Muqdisho, kuna fideen gobollada koonfurta Soomaaliya. Ururka Al-shabaab ayaa si aad ah u soo shaac baxay xilligii dalka Soomaaliya ay soo galeen Cadowga Ciidanka dalka Itoobiya iyadoo marki... 
Halkudheg:

“Dadka dilka, dhaca iyo Boobka ka daaya oo Guyahooda u daaya” Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Mar 24, 2011
Aduunkan Shaqsi iyo Koox walba oo Taariikhda soo marta waxbaa lagu xasuusan doonaa, Soomaaliya waxa ka dhacay 20 sano ee ugu danbeesay qof looga sheekeenayo ma jirto, Dhibaatadda nagu heesato daafaha dunida uma baahna in cidna loo sharxo, sida nabad iyo kala danbeyn aan ugu baahanahay ka wada hadal umaba baahna. Qof walba Danbigiisa Alle ayaa kula xisaabtami doono, Kama hadlayo in Maxamed Siyaad Saxnaa... 
Halkudheg:

Soomaaliya:- 20 Sano Qax iyo Dowlad La’aan!

Jan 9, 2011
“20 sano kalle oo dagaal iyo dowlad la’aan ah diyaar ma u nahay?” Aniga oo web-ka  google.com ka raadinaya dhibaatadda Dagaalada iyo saameenta uu ku leeyahay bulshooyinka  ayaan isheedu qabatay “List of civil war” kadib markii aan sii aqriyay waxaan ku arkay in dalka Soomaaliya oo kaliya uu yahay dalka kaliya ee 20 Sano oo xiriir ah ay dagaalo ka socdaan laga soo bilaabi sanadkii 1991-2011. Dalka... 
Halkudheg: ,

Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee Dalka Kenya halkuu ku danbeeyay? Yaase iibsaday?! Q.2aad

Sep 26, 2010
15 million Kenya SHILLINGS ayaa lagu iibsadey Dhismihii Safaaradda Soomaalida ee Nairobi, balse lacagta Dhismaha Safaradda Soomaalida uu marayo waxaa lagu qiyaasay 130,000,000 Kenya Shilling… F.G Intii la socotay qormadan waxaan qormadii hore ku soo sheegnay Sandkii 1969-kii in ay dowladda Soomaaliya iibsatay dhulka safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya balse sanadkii 1973 ayay dowladda Soomaaliya... 
Halkudheg: ,

Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya halkuu ku danbeeyay? Yaase iibsaday?! Q.1aad

Sep 18, 2010
Warbixin: Gurigii Safaaradda Soomaalidu ku lahayd Nairobi ee la iibsadey burburkii Soomaaliya kaddib, ciddii iibsatey, taariikhda dhismaha gurigaas iyo xilligii dawladdii Soomaaliyeed iibsatey….. – – –  ***- – – “Dowladaha Ethiopia, Uganda, Kenya, Burundi iyo Dowladdaha reer Galbeedka Sida Mareekan-ka waa Cadowga koowad ee Soomaaliya Qarnigan 21-aad.” Ibrahim... 
Halkudheg: ,

Safarkeygii Dalka Malaysia | Ibraahim Daa’uud

Aug 25, 2010
Kadib safar aan ku soo maray Mogadishu, Berbera, Hargeysa iyo Djibouti ayaan July 19, 2010 habeyn Isniin ah 11pm ka soo duulay gagida/garoonka Diyaaradaha ee caasimada dalka Djibouti ee Djibouti anigoo soo raacay diyaaradd ay leedahay sharikadda Yemenia Airways, waxaan ku soo hakaday intii aan safarka ku soo jiray Caasimada dalka Yemen ee Sanca, Magaaladda Dubai iyo Caasimada dalka Indonesia ee Jarkarta. July... 
Halkudheg:

Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay? – Berbera, Hargeysa, Jabuuti – Safarkii Dheeraa ee Gentleman

Aug 5, 2010
Bil ka hor July 3, 2010  ayaan ka safray Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya anigoo ku wajahanaa dalkeena Soomaaliya waxaana raacay  Diyaaradda ay leedahay Shirkadda Juba airways ee sanadkii 1998 la aas aasay, saacad iyo Bar Duulimaad ah waxaan  muddo 45 Daqiiqo ah ku hakanay ama transit ku aheyn Garoonka Aden-Adde International Airport oo shaqo sidaas u sii badan aysan ka socon xilligaas. Waxaan... 
Halkudheg:

Shariif Sheikh Axmed: Sanad kadib ma Madaxwayne mise Maxbuus?!

Jan 31, 2010
 “Cabdulaahi Haduu Ethiobiyaan Keenay, Sheikh Shariif Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Somaliyeed” Sheikh, Macalin, Gudoomiye iyo Madaxwayne waa magacyadda Sheikh Shariif Sheikh Ahmed xilliyo kala duwan loogu yeeri jiray balse hadda darajada ama magaca uu Shariif huwanyahay waa Madaxwayne. Sanadkii 2003 ayay aheyd markii uu magaciisa soo ifbaxay kadib markii la afduubtay wiil ka mid ah ardaydii... 
Halkudheg: ,
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...