Home » Qoraallada Halkudhegga "gaas"

C/weli Gaas oo isu-Sharaxay Madaxtinimada Soomaaliya

Aug 8, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa shaaca ka qaaday in C/weli Gaas uu isu sharaxay madaxtinimada Soomaaliya. Warsaxaafadeedkaas oo u qornaa sidan: Khudbadii Ra’iisul wasaaraha oo ku dhawaaqay musharaxnimada xilka Madaxweynanimada Soomaaliya Muqdisho 08, August, 2012, waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxanyahay xilka madaxaweyananimada. Ra’iisul wasaaraha... 
Halkudheg:

Shirkii Kooxda Xariirka Caalamiga ah oo Ka Furmay Roma iyo Ra’iisul Wasaare Gaas oo Khudbad Ka Jeediyey

Jul 4, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa tibaaxay qodoba looga hadlayo shirka ka furmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, sida Dhameystirka xiliga kala guurka, Sidii loo wajihii lahaa wixii kadanbeeya kala guurka iyo qodobo kale sida ku cad warsaxaafadeedka oo u qornaa sidan: Mudisho 02, July 2012……. Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arimaha dibadda Talyaaniga shirkii... 
Halkudheg: ,

Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka oo sheegey in Raiisul Wasaare Gaas uu Mudan yahay in Xilka uu ka dego ka dib markii Qaraxii ka dhacay Kaniisadii Gaarisa uu u saariyey Dadka Soomaliyeed

Jul 4, 2012
Qaar ka tirsan Xildhibaanada barlamanka ku meel Gaarka Soomaaliya ayaa Talaadadii shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho. Xildhibaanadan ayaa shirkooda Jaraa’id waxa ay uga hadlayeen hadalo sida ay sheegeen ka soo yeeray Maalinimadii shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya Dr Cabdiweli Gaaz. Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka mid ahaa xildhibaanadii goobtaas... 
Halkudheg: ,

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Faaffaahin ka bixiyey Shirka Roma uga Furmaya Saxiixayaashii Road Map-ka

Jul 2, 2012
Iyadoo dhawaan Xukuumadda Talyaaniga ay shaacisey in Kooxaha Soomaalida ay u qabanayso Shir weeyne Caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa misana waxaa arrintaa si hor dhac ah uga hadlay Ra’iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaaz. Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta Waraysi siiyay ayaa qiray in shirkaasi uu jiro isla markaana ay soo qaban qaabinayso Hay’adda ICG kaasoo sanadkan ay... 
Halkudheg:

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dawladda FKMG oo Ra’iisul Wasaare Gaas ku Eedeeyay inuu ku been Abuurtay.

Jun 27, 2012
  Iyadoo uu dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya Xuseen carab Ciise uu sheegey in ay bixiyeen lacagihii Mushaaraadka Ciidanka ah isla markaana la joogteyn doono ayaa haddana arrintaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda. Col. Axmadeey Maxamed Nuur oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dawladda KMG ee ku sugan Aagga afgooye oo la hadlay qaar... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqday Degmada Balcad

Jun 26, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa sheegay C/weli gaas oo Talaada 26-kii June 2012 uu booqasho ku tegeyBalcad. Warsaxaafadeedka ayaau qornaa sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Degmada Balcad ee Gobalka Sh/ Dhexe. Muqdisho, June, 26, 2012 ———- Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad... 
Halkudheg: , ,

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Odoyaasha Dhaqanka ku Boorisey in ay iska Diyaariyaan Qaybtii Haweenka ee Boqolkiiba Soddon

Jun 15, 2012
iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka iyo Mas’uuliyiinta dowladda oo Aas-qaran u sameeyay gudoomiyiihii hore ee Baarlamaanka Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Marwo Hodon Saciid Ciise ayaa qado sharaf u sameysay Ururada Haweenka Soomaaliyeed, Iyadoona ay ka soo qeyb gashay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Kenya

Jun 14, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa u qornaa sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Kenya (Arbaco, 13 June 2011) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor Cabdiweli Maxamed Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya ayaa maanta kulamo la kala qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki iyo Ra’iisul Wasaaraha... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed ka soo baxay Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda FKMG

Jun 11, 2012
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada DFKMG ayaa u qornaa sidan: (Muqdisho, 11 June 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, warbixin arrimaha amniga, Dhameystirka Qorshaha Roadmap-ka iyo Siyaasadda Dowladda... 
Halkudheg: ,

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in aanay Waxba u Dhimayn Xiriirka Somaliya iyo Turki Dilkii Dhawaan Muqdisho lagu Dilay Ganacsade Turkish ah.

Jun 9, 2012
Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid tahay Dil Dhawaan ganacsade u Dhashay Dalka Turkiga lagu Dilay Magaalada Muqdisho. Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz ayaa sheegay in Xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Islaamka ah inuu ahaa mid soo jireen ah isla markaana markii qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka dhaceen... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiwali Gaas “…Axdi Qarameed Laguma Shaqeyn Karo…” Shir Jaraa’id – Video

May 29, 2012
“Dastuurka Waxaa Loo Ansixnayaa si kumeel gaar ah” Prof Gaas – “Dastuurku Wuxuu u Baahan Yahay Afti, Si Loo Qaadana Waxaa Loo Baahan Yahay Tirakoob oo Wadankuna Nabad Gelyo Yahay Ama Xor Yahay, Intaas oo Dhan Hadda Lama Suubin Karo, Waxaana Loo Ansixinayaa Si KMG-nimo Ah…” Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maal mahii la soo dhaafay booqasho ku tegey dalka... 
Halkudheg:

Prof. Gaas oo Nairobi kula kulmay Odinga, ugana warbixiyey xaaladda Soomaaliya

May 28, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in ra’iisul wasaaraha DFKMG uu warbixin dheer siiyey Raila Odinga taas oo kusaabsan “xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dalka iyo sida ay Soomaalidu uga go’antahay soo afjaridda xilliga KMG ah oo uu sheegay in madaxda Soomaalida ay Addis Ababa heshiis taariikhi ah ku soo gaareen oo ay la socoto jadwal mucayan... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed: Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo u ambabaxay Adis Ababa.

May 20, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa sheegay “Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku saleysan in Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay kaga qeyb galayaan Shir ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhameystirka Barnaamijka Kumeel Gaarka.” Waxaana warku intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya uu gaaray Addis Ababa... 
Halkudheg: ,

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo ka qayb galay kulan looga hadlay Xoriyadda-qowlka

May 18, 2012
Warsaxaafadeed: Muqdisho, Khamiis, May 17, 2012—————-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay kulan labo maalmood ka soconayay Xalane kaa oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Warfaafinta loogana hadlayay Qebyo-Qoraalka Dastuurka ee ku aadan Arrimaha Xuquuqul Insaanka. Ugu horeyn Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdulaahi Bille... 
Halkudheg:

Xukuumadda KMG oo heshiis Is-afgarad MOU ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM.

May 11, 2012
DFKMG ayaa heshiis is-afgarad MOU waxay la saxiixatay Qaramada Midoobey. Heshiiskaas is-afgarad ama MOU nuquladiisii la kala saxiixday lama faafin, waxaase warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG lagu sheegay in qodobada la kala saxiixaday ay kamid yihiin kuwo la xiriira xuquuqul insaanka. Xukuumadda oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM. Ref: XRW/OM/PR 0175/05/12 Muqdisho,... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Mas’uuliyiin ka kala socota Koonfur Afrika iyo Mozambique.

May 10, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Muqdisho, May,10, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socda Koonfur Afrika iyo Mozambique. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaatay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Mr. Jeffrey Radebe, Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr, Didumusi... 
Halkudheg:

Prof. Gaas oo Muqdisho kula kulamy Saraakiil UN-ka, Mareykanka, UK, AMISOM & Midowga Yurub

May 9, 2012
Kulan ay ka soo qayb galeen Qaramada Midoobey, TFG-da, Ahlusunna, Galmudug, Puntland, IGAD, AMISOM, Mareykanka,  Britain iyo Midowga Yurub ayaa waxaa ka qayb galay ra’iisul wasaaraha DFKMG sida ku cad warsaxaafadeedk ahoose oo ka soo baxay DFKMG… Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay kulan Amniga looga hadlayay oo maalintii labaad uga soconayay Xalane iyo kulamo... 
Halkudheg:

Dowlada Jaban oo Kuwareejisay Gawaari iyo Qalab Kala Duwan Ciidanaka Booliska Soomaaliyeed

May 8, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in Japan ay Ciidanka Booliska ugu deeqday 16 Land Garuuser, 2 Ambalaas 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda iyo koofiyadaha aan xabadu karin. Warsaxaafadeedkaas hoos ka akhri War Saxaafadeed: Isaniin May, 07, 2012 Dowlada Jaban ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed... 
Halkudheg: ,

War-saxaafadeed Shirkii Golaha Wasiirada May 03 2012

May 4, 2012
Shirka Golaha Wasiirada Muqdisho, Khamiis, May 3, 2012——-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga dhagaystay warbixino Gudiyo loo xilsaaray shirka ay isgu imaanayaan hogaamiyayaasha dhaqanka kaas oo lagu wado inuu si... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Bulshada Rayidka ah.

Apr 29, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa tibaaxay sidan: Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda oo maanta kulan la qaatay Bulshada Rayidka ah. Muqdisho, Axad, April 23, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah. Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Faahfaahiyey soo Xulidda Baarlamaanka cusub

Apr 13, 2012
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey soo afjaridda Xilliga Kala guurka ah, iyo qorsheyaasha Roadmap-ka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii sheegay in heshiiskii Soomaalida ee 6dii September 2011 uu ahaa mid taariikhi ah oo soo celiyey karaamadii iyo sharaftii ummadda... 
Halkudheg:

Farmaajo oo Sheegay in Xilligii uu Ra’iisulwasaaraha u ahaa DFKMG ay joojiyeen Heshiiska Shirkadda Hallidayfinch, kaddib markay ogaadeen in aan dani ugu jirin dalka Soomaaliya…

Apr 10, 2012
xitaa waxay shirkaddaasi isku dayeen in ay ii qabtaan ballan dalka Kuwait in aan tago bacdamaa ay xiriir la lahaayeen dawlada Kuwait… Laakiin bacdamaa aan aragnay in aan wax dan u ah ugu jirin dalka markaas meeshaas ayaan ku ku joojiney xiriirkii shirkaddaas… Maxamed Farmaajo…. Sii Akhri  Read More →
Halkudheg: , ,

Warsaxaafadeed Shirkii Golaha Wasiiradda DFKMG oo qodobo laga soo saaray maanta.

Apr 5, 2012
Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiiradda ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Dr. Abdiweli Mohamed Ali, loogana hadlay Qaraxii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay Tiyaatarka, heshiiskii Gaalkacyo, arrimaha amniga iyo goboladda, Is-afgaradkii Soomaaliya iyo Jarmalka kala saxiixdeen 31kii Maarso 2012 iyo heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga miinooyinka. Golaha Wasiiradu waxey... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Apr 1, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu uga qeyb galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaa oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda Q/midoobey ee UNPOS. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Ku-Simaha... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Mar 29, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasoo ay uga qeybgalayaan kulan uu soo qaban qaabiyay xafiiska siyaasada ee Q/midoobay UNPOS kaasoo looga hadli doono horumarka dhinacyada Siyaasada, Ammaanka iyo Roadmap-ka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka Caalamiga... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...