Home » Qoraallada Halkudhegga "ciyaaraha"

Khabiir Soomaali ah oo loo Magacaabay in uu Kormeero Garoomada K/cagta Eritrea

Dec 31, 2012
Isagoo ah Wakiil buuxa oo ka socda xiriirka Kubada Cagta Africa ee CAF ayaa Khabiir ka socda xiriirka Kubada cagta Soomaaliya Dr. Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Farey) oo horayna u ahaa Garsoore heer FIFA waxaa uu u socdaali doonaa dalka ku yaala waqooyi Bari ee Qaarada Africa Eritrea si uu usoo indha indheeyo Garoomada Kubada Dagta dalkaasi hadii ay gaarsiisan yihiin heer lagu marti gelin karo cayaaraha... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Cusub ee loo Doortey Kubada Cagta Jabuuti oo is Bedal Balan Qaaday

Nov 11, 2012
Guddoomiyaha Cusub ee xiriirka Kubada Cagta Dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi ayaa balan qaaday in uu sameyn doono is badal dag dag ah oo xaga horumarka Kubada Cagta ah. Gudoomiye Suleymaan ayaa balan qaadkan ku sheegay khudbad uu jeediyay saaka kadib markii xilkan loo doortay afarta sanadood ee soo socota. Doorashada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil sar sare oo ka socotaUururka Kubada Cagta... 
Halkudheg:

Tartankii Xiisaha Badnaa ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo la soo Gabgabeeyey

Oct 13, 2012
Kooxda ku cayaareysay Magaca Xiddigaha Ruweys ayaa ku guuleysatay Koobka Jaaliyada Sooamaliyeed ee Magaalada Jiidda ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo muddo Bilo ah soo socday. Waxaa Garoonkii buux dhaafiyey Mas’uuliyiin , qaar ka mdia Ciyaartoydii weynaa ee Berisamaadkii Wadanka ka ciyaari jirey oo uu ugu horeeyey Goolhayihii Naadiga Horseed iyo Qaranka Jeylaani Khaliif Maxamed iyo Dadweyne aad... 
Halkudheg:

Muqdisho: Kooxaha Elaman iyo Dahabshiil oo lagu Furey Tartankii Jeneraal Daa’uud

Aug 22, 2012
Waxaa ka furmay Garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho Tartanka koobka General Daa’uud oo ah Tartan caan ah oo Sanadkiiba mar uu qabto Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta. Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood waxaana cayaartii ugu horeysay ay dhex martay kooxaha Elman iyo Dahabshiil cayaartaas oo ugu dambeyntii ku soo idlaatay 4-1 ay Guushu ku raacday Naadiga Elman. Guddoomiyaha... 
Halkudheg:

Horyaalka Soomaalida Jiddah oo soo Gaaray wareega 8-da

Jul 15, 2012
Horyaalka jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ayaa soo gaaray wareega 8-da waxaana kooxaha soo baxay ay kala yihiin: Jubba Airways, Banaadir, Goley, Blue Star, Iftin Star , Sharbatle, Xiddigaha Ruweys, iyo Batroolka. Kadib markii ciyaaro adag ay dhexmareen kooxaha Iftin iyo Boondheere – Jubba Airways iyo Jiin wabi, Banaadir iyo Janaale, Goley iyo Blue Stars aya akooxaha... 
Halkudheg:

Wararkii ugu Dambeeyay ee Horyaalka Soomaalida Jidda

Jun 12, 2012
Iyadoo magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga uu si xiiso leh uga socdo tartanka sanadlaha ah ee horyaalka kubada cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jiddah ayaa ayaa cayaarihii ugu dambeeyay waxaa kooxuhu isu arkeen sedan: Xiddigaha Ruweys VS Batroolka – Iftin stars VS Baanow Stars –GololeyVS Fc-Alba – iyo Janaale VS LLPP . Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey kooxaha Kooxaha Xiddigaha... 
Halkudheg:

Horyaalkii 37 aad ee kubadda Cagta ee Soomaaliya oo ka furmey Magaalada Muqdisho

Jun 5, 2012
Garoonka Jaamacada ee Syasadda iyo Saxaafada ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay horyaalka 37aad ee kubadda cagta Dalkeenna ayadoo tartankanna ay ku tartamayaan ilaa Sideed kooxood oo ka tirsan kooxaha heerka Koowaad. Halkan ka daawo Sawirada Furitaanka tartanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Xiriirka Kubadda Cagta,gudiga Olombikada iyo kumanaan kun oo... 
Halkudheg:

Tartanka Dugsiyada Kubbadda Gacanta oo furmay

Jun 3, 2012
Markii ugu horeysay muddo dhowr sanadood ah ayaa ardayda soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdsiho waxaa ay ku tartamayaan cayaarta kubada gacanta oo ka dheceysa garoonka arradan ee 1-da Luulyo Ex 21-ka October ee ku yaala degmada Cabdi Casiis ee magaalada Muqdisho. Tartanka ayaa si rasmi ah u furmay shalay galab wuxuuna socon doonaa muddo 2 todobaad ah sida masuuliyiintu ay sheegeen. Dhalinyaro... 
Halkudheg:

Natiijooyinka Ciyaarihii ugu Dambeeyay Tartanka Soomaalida Jeddah

Jun 3, 2012
Ciyaaro ka tirsanaa Tartanka Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa isaga hor yimid Kooxaha kala ah: Jubba Airways VS Midnimo sidoo kale waxaa wada kulmey kooxaha Sharbatle Ajax iyo Xiddigaha Kakane . Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey kooxaha Jubba Airways iyo Kooxda Midnimo . Ciyaartaasoo ciyaar adag oo ilgaar ah... 
Halkudheg:

Hay’adaha SOYDEN iyo CPD oo Muqdisho ka furay Tartan Isboorti oo loogu Magac-daray Isbedelka Dhallinyarada

May 26, 2012
Hay’adda Horumarinta iyo Isku-xirka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN iyo Hay’adda CPD ayaa Muqdisho ka furay Tartan isboorti oo ay ku tartamayaan 10-kooxood oo ka kala socda Sideed Degmo oo Gobolka Banaadir ka tirsan iyo laba kooxood oo ka socda ciidanka booliiska Soomaaliyeed.Furitaankii tartanka oo ka dhacay garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan kasoo... 
Halkudheg:

Maxaa ka Cusub Tartanka K/Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda?

May 17, 2012
Ciyaaro ka tirsan Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la qabtay 11/05/2012 waxaana kooxuhu isu arkeen sedan: Jubba Airways waxay madaxa isla galeen L L P P – halka Xiddigaha Kakane iyo Iftin Stars ay wada cayaareen iyadoo Waberi Star ay la cayaartay Bakool iyadoo Blue Stars iyo Fc Alba-na ay cayaar adagi dhex martay. Aan ku horeyno... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda isboortiga Soomaaliyeed una tacsiyeeyey

Apr 6, 2012
Muqdisho, April 6, 2012——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Isboortiga Soomaaliyeed oo uu si shaqsi ah uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Guddoomiyihii Olembikada Soomaaliyeed Aadan Haaji Yabarow (Wiish) iyo Guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamud Nuur (Mugabe). Sidoo kale... 
Halkudheg:

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo soo Saaray Nidaam Cusub oo ku Wajahan Heshiisyada Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda

Mar 26, 2012
Waxaa maanta Hatelka Saxafi ka dhacay shir ay isagu yimaadeen Masuuliyiinta Xiriirka kubadda Cagta , Guddiga Fulinta Gudoomiyayaasha Kooxaha Heerka Koowaad , Iyo Tababarayaashooda , waxaana Kulankaan looga Hadley sidoo loo furi lahaa Hoyyaalkii Kubadda Cagta ee Soomaaliya ee Sannadka 2012 iyo Nidaam Cusub oo ku wajahan Heshiisyada lala galayo Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda Halkan ka daawo sawirada Kulankaa... 
Halkudheg:

Shirweynihii Sannadlaha ahaa ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo Dhawaan lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho

Sep 25, 2011
  Waxaa dhawan Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Shirweynhii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubaada Cagta kasoo Sannadkiiba mar la qabto , waxaana ka soo qaybgaley Masuuliyiin ka tirsan Guddiga Olambikada Soomaaliyeed , Madaxda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Madaxda Naadiyada , Goboladda , Ururada Ciyaartoyda , Tababarayaasha , Garsoorayaasha, Dhaqaatiirta, Saxaafadda Ciyaartoydii... 
Halkudheg:

Taratankii 18aad ee Ciyaaraha Gobolada oo ka furmay Magaalada Garoowe

Dec 17, 2010
Waxaa Magaalada Garooowe oo ah Magaala Madaxda Maamulka Puntland  ka furmey Tartanka 18 aad ee Ciyaaraha Gobolada oo Muddooyin aan la qaban arrimo la xiriira Nabadgelyada waxaana lagu wadaa in tartankaan uu ka duwanaado Tartamdii Hore maadaama ay ka qaygalayaan Ilaa 15 Gobol oo kala ah Bari, Nugaal Sanaag , Sool , Mudug , Galgaduud , Hiiraan, Shabeelada Dhexe , Shabeelada Hoose , Baay, Bakool , Geddo,... 
Halkudheg: ,

Sheekh Yuusuf Al-Qardawi Muxuu ka yiri Hadalkii Obama ee koobka Aduunka 2022

Dec 7, 2010
Heyada kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday 02 December, 2010 in dowladda Qatar ay ku guuleesatay marti galinta koobka aduunka 2022 kadib tartan ay la gashay dowladdaha Australia, Japan, south Korea iyo dowladda Mareekanka. Dowladda Qatar ayaa dadaal u gashay in ay noqoto dowladda ugu horeeysa ee Carab ah ee ku guuleeysata marti galinta koobka aduunka ee 2022 insha Allah ayna ka dhimantahay... 
Halkudheg:

TUSKER MIYAA BADASHAY TUSMADII QARANKA?

Dec 2, 2010
Waxaa maalintii Isniinta taariikhduna ahayd 29-ka bisha Nofember ee 2010 lagu soo daabacay ama laga sheegay guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed in ciyaartoyda Xulka Qaranka Kubadda cagta ee dalka Soomaaliya ay ka badbaadeen shil baabuur. Shilka baabuur oo ka dhacay magaalada Darsalaam ee dalka Tanzania. Nasiib wanaag waxa uu dhaawac fudud uu gaaray afar ciyaartoy oo kali ah, halka saddex ciyaartoy... 
Halkudheg:

Kooxda Elman oo ku Guuleysatay Tarankii dib u soo Nooleynta Nabada

Oct 28, 2010
Naadiga kubada cagta ee Elman ayaa ku guuleystay tartankii dib usoo nooleynta nabada Soomaaliya oo todobaadyadii la soo dhaafay ka soconayay Garoonka Dugsiga Tababarka Booliska ee Magaalada Muqdisho. Cayaarta oo ahAyad mid aad u adag ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadweyne aad u fara badan oo kala taageerayay labada kooxood, waxaana la arkayay taAgeerayaal Mikrofono wata oo gaaf wareegaya daafaha... 
Halkudheg:

Xulka Qaranka Soomaaliya oo u Diyaar ah Xulka Dalka Sudan

Oct 3, 2010
Xulka Qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 23-ka sanadood ayaa ku sugan dalka Jabuuti oo ay ku qaadanayaan tababar ay ugu diyaar garoobayaan lugta hore ee cayaaraha is reerb reebka Olombikada aduunka ee ka dhici doona London 2012-ka. Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Sacid Carab oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa u sheegay saxaafada in... 
Halkudheg:

Tartankii Dugsiyada Gobolka Banaadir ee Kubadda Cagta oo la soo gabagabeeyey

Aug 16, 2010
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada caga ayaa si guul ah kusoo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo mudo 10-maalmood ah soconayay loona qabtay caruruta dhigata dugsiyada hoose iyo dhexe, kaas oo ay koobka qaadeen caruurta dugsiga jaabir Bin Xayaan. Halkan ka daawo Sawirada Cayaartii kama dambeystya ahayd ee dhacday Shalay ayaa waxaa isku haleelay dugsiyada Jaabir iyo Macmuur waxaana guushu 1-0 ku raacday... 
Halkudheg:

Xiriirka FIFA soo Dhaweeyey Doorashadii Gudoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Jul 23, 2010
Hayadda ugu sareeysa Xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa hambalyo iyo Bogaadin u soo dirtey gudoonka cusub ee xiriirka Kubada somalia oo dhowaan dib loogu doortey Congresskii 8aad ee lagu qabtey magaalada Muqdisho Warqadda ayaa waxaa uu gudoomiyaha FIFA ku yiri Mudane Said Muganbe aad ayaan ugu faraxsanahay qaabka wacan ee laguugu aaminey in 4 sano oo kale aad hogaamiso xiriirka kubadda cagta... 
Halkudheg:

Saciid Mugaambe oo mar kale loo doortey Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed

Jul 20, 2010
Shirweynihii 8-aad ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Saxafi International ee magaalada Muqdisho. shirweynahan ayaa waxaa lagu doortay xubnaha guddiga fulinta ee maamulaya afarta sano ee soo socota waxaana guddoonka sare ee XSKC cod aqlabiyad ah loogu doortay Saciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe]. Masuuliyiin ka kala socotay wasaarada isboortiga iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed... 
Halkudheg:

Guddiga Isboortiga SORCO oo Casuumaad loogu sameeyay Atlanta

Jul 14, 2010
ATLANTA: Waxaa magaalada Atlanta ee cariga Mareykanka lagu qabtay xafladd aad iyo aad u sareysay oo ay qabanqaabiyeen Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta, taa oo lagu casumay Halyeeyadii Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo markaan sameystay Guddiga la magacbaxay SOMALI RUNNERS COMMUNITY ORGANIZATION. waxaana xafladda Casuumaadda lagu sharfay Xubnaha Guddiga oo kala ahaa Mudane Cabdi Warsame... 
Halkudheg:

Tartanka Xiddigaha K/Koleyga oo ka Furmay Muqdisho

Jun 21, 2010
Muqdisho : Garoonka Dugsiga sare Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga ka furay tartantii xiddigaha Wiilasha Kubadd Koleyga oo ay ka qeybqaadanayaan 14- kooxood oo ciyaaryahanada laga soo xulay horyaalkii 25 ee Kubadda Koleyga. Halkan ka daawo Sawirdo Dheeraad ah Xafladda furitaanka oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinaca GOS iyo... 
Halkudheg:

Warar goos goos ah Cayaaraha Aduunka 2010

Jun 17, 2010
London 19/06/2010: Cayaaraha aduunka 2010 ayaa si habsima ah uga socda dalka Koonfur Afrika, waxaana la marayaa ciyaaraha wareegoodii koowaad, iyadoo ay fooda is wada dareen dalalka 32 ah ee ka qayb galaya World Cup sanadkaan. Ilaa hada kooxaha wada dheelay awoodo badan oo is dheer yihiin kama muuqan, marka laga reebo xulka dalalka Germany iyo Argentina oo soo bandhigey ciyaar wanaag iyo firfircooni... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...