Home » Qoraallada Halkudhegga "Amiin"

Konton Kun oo Doolar oo Halis Wadata !!

Feb 21, 2013
(Warbxin Xiiso leh) “Rasaasta aan Maqleyney Alla Waa Wariye Hebel ee Deriskeennaa ahaa waxa la diley , markiiba Laba Nin oo ka dhawaa halkii lagu diley Wariyaha ayaa meel Luuq ah ku eryadey Raggii Diley Wariyaha waxayna labadii nin markii ay soo galeen Luuqa ayey yara Hakadeen ka dib markii ay dareemeen Muqdi yar maadaama uu markaa Dayaxana uu sii dhacayey, Salaadii Cishana laga soo baxay , inta... 
Halkudheg:

Saxaafadda Saaxiib la Noqo ka dibna Feer Jilib kala Daal.

Jan 16, 2013
Aad baa u jecelahay in aan Qalinkeyga ku difaaco Suxafiga hase yeeshee mararka qaar waxaa ku qabaneysa Maxaa Qalinkaada ugu duifaaceysaa waayo waxaa maalin waliba ka dhaca Qalaad aad u weyn haae yeshee Xaalada Soomaaliya ee Xiligaan ay ku jirto ayaa ku tusineysa in aad si aad ah uga Xumaato wax ay siyaasiyiinta kula kacaan Suxufiyiinta bal fiiri wixii ama dib u qooraanso wxii Suxufi ahaa ee Sida Gardarada... 
Halkudheg:

Gaza iyo Khaliijka kala War La’

Nov 28, 2012
Qofna kama Qarsooneyn wixii ka dhacay Magaalada Gaza ee Dhulka reer Falastiin , Hub nooc kasta ayaa lagu Garaacay iyadoo ay Daawanayeen Malaayin Muslimiin ah iyo Walaalahooda Carbeed inkastoo Wadamada qaar Shacabkooda ay ku Muujiyeen Banaanbaxyo sida ay uga Xun yihiin waxa ka dhaca Gaza Hadana Dalal qaar baa laga diidey in ay Banaanbax Muujiyaan sida Wadamada Khaliijka oo Xitaa Warbaahintaoda loo... 
Halkudheg:

Lacag Kunaa u yar, Darajana Xidiglaa u yar, Xilna Madaxweynaa u yar.

Aug 9, 2012
Markii ay sii idlaanayeen lacagihii Soomaalidu lahaan jirtay ee Shilinka Soomaaliga ayna u dambeysay wax qabriga la dhigo lacagta Shanta Boqol ah ayaan waxaan la yaabay hees uu sameeyey Maki Xaaji Banaadir oo ahayd “Lacag Kunaa u yar kunaa u weyn”, waxaa la yaab leh in Dal uu Nidaam Dowladeed ka jiro in uu isticmaalo Hal Naqashad oo lacag ah, wax walba waxay ku soo dhamaadeen in Kun wax lagu... 
Halkudheg: ,

Dayaxa Waa IIB

Apr 21, 2012
Tan iyo markii la magacaabay Dowladda uu Madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2009, waxaa soo noqnoqday heshiisyo ku aadan Badda iyo Dhulka Soomaaliya, waxayna arrintaani ka dhiidhiyey Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qoray qoraalo fara badan oo Dowladda looga digayo in heshiisyo noocaas ah gasho iyadoo heshiiskii 7-dii April ee sanadkii 2009 ay dowladdu si weyn ugu fashilantay... 
Halkudheg: ,

Far iyo Suul State

Feb 10, 2012
Wax walba waxay ku wanaagsan yihiin in ay ahaadaan ama u wada shaqeeyaan si midnimo guud, taa haddii la waayana waxaa imaanaya tafaraaruq, baaba’ iyo is eedeyn, dhibaatadaasi midnimo la’aanta keentay waxay noqneysaa mid aan waligeed joogsan, Allah ayaa horey  noogu sheegay qur’aankiisa “Xarigayga qabsada idinkoo Wadajira, Tafaaraaruqana iska ilaaliya”, taasi dadka Soomaaliyeed... 
Halkudheg: ,

Tacsi ku Wajahan Magacii Dowladnimo

Jan 22, 2012
Markay ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa durba bilowday magacyo horey ay ka raacsan tahay ‘S’ oo ah magacyo u taagnaa ururo siyaasadeed, waxaana magacyadaasi ay galaafteen kumaan kun oo Somaali ah, kadib markii dadkii magacyadaasi sameeyey ay labo labo isku qabsadeen iyadoo mid waliba uu isagu isku haysto midka saxda ah. Maanta oo aan mareyneyo sanadkii 21-aad ee intaan ku... 
Halkudheg: ,

Marna ma Milez-saa marna ma Musaveni-yaa

Jun 2, 2011
26-ka Janaayo ee fooda nagu soo haysa ee Sannadka 2012 hadduu Alle idmo waxaa buuxsamaya 21 sano oo ay Soomaaliya ku jirtay Burbur iyo dagaalo aan dhamaad laheyn, waxaana xiligaasi barbardhac noqonaya 21 sano oo Maxamed Siyaad Barre wadankaan xukumayey oo ay dadku haysteen nabad iyo xasilooni iyo 21 sano oo dowlad la’aan ah. Haddii aan dib u fiirino xaaladda burburka iyo dagaalada waxaa xaqiiqo ah... 
Halkudheg: ,

Xujeyda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed!!

Apr 18, 2011
Maqaalka oo sawiro wata ka eeeg halkan Maqaalkaan aan ugu Magacdarey Xujeyda Siyaasiyinta Somaaliyeed halkee u Xaj tagaan? waa Maqaal aan muddo ururrinayey waxaana u soo qaatey Sida Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u aamineen in Siyaasigaan Tagin Adis-Ababa uu yahay Siyaasi wax badan ay ka maqan yihiin,waxaana mooda in lagu Waajib yeeley tegista Magaaladda Adis-Abab iyagoo og in Itoobiya ay tahay Dowlad... 
Halkudheg:

Walaal i sii Shaah Daqran!! | Amiin

Mar 24, 2011
20 kii sano ee ay Soomaalida ku jirtay Dowlad la’aanta iyo fowdada ayaa wax weliba waxaa ku yimid isbedel, haddii aan soo qaadano afka Soomaaliga waxaa ku soo biiray ereyo ka sameysmay xaaladda jirta, ku sii dheeraan meyno in 20 kii sano wixii erayo ah ee soo kordhay aan soo qaadano, balse waxaan soo qaadan doonnaa erayadii soo kordhay intii u dhexeysay 2000-2011 ee dhanka biibitooyinka shaaha laga... 
Halkudheg:

Afrika ma Xorbaa Baa ?

Feb 3, 2011
Magaca maqaalka waa Su’aal dad weyn, balse dadka qaar baa u qaadanaya in Afrika ay xor tahay, aniga fikirkeyga waxaan dhihi lahaa afrika xor ma ahan waayo Gumeystayaashii Afrika Gumeystay waxay badeen arrimo fool xun oo waaweyn oo dhinaca Bini’aadannimada ah, waxay sidii xoolihii intay dadka qoorta isaga xiraan ku qaadi jireen maraakiib si ay ugu safriyaan wadamadooda, qaarkood waxay ku sii dhiman... 
Halkudheg:

Farmaajo Ma Qaban Doonaa RIGOORAHA Shariif Xasan ?

Nov 24, 2010
Qofkii Daawada Cayaaraha K/cagta waxa uu isla markiiba garan karaa in kooxda markay dooneyso in ay guuleysato ay guushaasi ku timaado dadaal ay wada galaan Cayaartooyda Kooxda hase yeeshee mararka qaar guushaasi waxa ay ku xiran tahay haddaba Khibradda Goolhayaha, marka lays mari waayo waxaana farta lagu wada fiiqaa Goolhayaha waayo isaga ayaa laga sugayaa sidii uu Kooxda ugu keeni lahaa Guul aad... 
Halkudheg:

Maxaa Sabab u ah Khilaafka Madaxda Soomaalida ?

Oct 26, 2010
Markii ay meesha ka baxday Dowladdii Malatariga ahayd ee Max’ed Siyaad Barre waxaa la soo maray khilaafyo fara badan oo sababay khasaarooyin isugu jira naf iyo maalba leh. Waxaa is qoomay markiiba Gen. Max’ed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed, haddii uu dulqaad jiri lahaa xiligaa ama tanaasul isla markaana Cali Mahdi loo deyn lahaa labadii sano ee loo doortay madaxtinimada dalka sidan arrintu... 
Halkudheg: ,

Barakac aad u dheer: 1980-2010 | Amiin Yuusuf

Oct 13, 2010
Qoraalka oo Sawirro wata halkan ka daalaco (pdf) Maalin dhaweyd aniga oo ka soo qaxaya agagaarka Black Sea ayaa hoos waxaan ka iri “ilaa iyo intee ayaan qaxaan ku jireynaa”, balse waxaan niyadda ku dejiyey in rajada Alle aan laga quusan insha allah mar ay ahaatana laga bixi doono xaaladan murugsan, waxaana bilaabay in Reerkii iyo Alaabti halkaas ka soo rarto oo aan raadiyo meel ka xasiloon meeshaan... 
Halkudheg:

Taageerada Mareykanka Waa Afka Baarkii | Amiin Yuusuf

Oct 1, 2010
Waagii uu jiray dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay xulafadii ay kala hogaaminayeen Midowgii Soofiyeeti iyo Mareykanka ayaa waxa ay labadaasi isbahaysi dadaal dheer u galeen in ay soo jiitaan dowladaha kale si ay taageere ugu helaan mawqifkooda siyaasadeed, waxaana ka dhexeeyay tartan aad u weyn oo xitaa lagu bixin jiray Malaayiin Doolar, waxaana ka faa’iideystay wadamo fara badan oo ay ku jirtay Soomaaliya. Xiligii... 
Halkudheg:

Bakaaro Allow Ur u bixi !! | Amiin Yuusuf

Sep 1, 2010
Qoraalka oo sawiro leh halkan ka eeg (pdf) Markii bilowdeen dagaaladii sokeeye ee soomaaliya sanadkii 1991dii ayaa ganacsatada Soomaaliyeed waxay bilaabeen in ay ku soo uruuraan Suuqa Bakaaraha kadib markii ay soo guureen Suuqyo kale oo ku yaalay Magaalada Muqdisho, iyagoo Suuqaan bidayey in ay xoolahooda ugu heli karaan nabagelyo buuxda, wixii waqtigaas ka dambeeyey suuqu waa uu balaartay isagoo markii... 
Halkudheg:

Dadka Albinos-ka loo yaqaan oo Noqdey Dil Sugayaal | Amiin Yuusuf

Sep 1, 2010
Maqaalka oo sawiro wata ka eeg halkan (pdf) Maqaalkaan inaan qoro waxaa igu qasbay markaan dareemay in dadka loo yaqaano Albinos-ka  ee ku nool East Africa ay soo wajahday xaalad aad u adag kadib ,iyadoo dadkaan  markii hore ay ahaayeen kuwo dhibaato qaba  loogu siyaadiyey dhibaato kale oo ay abuureen qaar ka mid ah bulshada ku nool wadamada East Africa iyagoo bilaabay in dadkaasi ay ula dhaqmaan... 
Halkudheg:

Ileyn dibir kama dheregto!! | Amiin Yuusuf

Aug 26, 2010
Maqaalka oo sawiro wata ka akhri halkan GUJI Tan iyo markii Madaxweynimo loo soo magacaabay 31-kii Janaayo 2009 Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxay dadka oo dhan niyadda ay ku hayeen in xaalka Soomaaliya uu ka soo reynayo isla markaana wixii markaa ka dambeeyey lagu noolaan doono nabad iyo baraare hase yeeshee xaalku waxa uu isku bedelay in markii  kooxihii ka soo horjeeday magacaabista Sheekh Shariif... 
Halkudheg:

Koonfur Afrika: Sidaan idinkuugu lisnay Noogumaydaan Hambeyn!! | Amiin

Jul 3, 2010
Sanadkii 2000-dii ayay ahayd markii Qaxooti u dhashay wadanka Zansibaar ee Tanzania ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, xiligaas waxaa dalka ka jiray dagaalo iyo dhibaatooyin fara badan mana aheyn Soomaaliya dal qaabili kara qaxootigaas, maalintaas Idaacadda BBC-da oo aan  dhageysanayey waxaa daadihinayey idaacadda Weriye Axmed Xasan Cawke, waxa uuna cinwaan uga dhigtay Qaxootiga Soomaaliya yimid (Addoo... 
Halkudheg:

Silaca Qurbaha iyo Saxariirta Dalka | Qore: Amiin Yuusuf

Jun 15, 2010
Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu ku haminayaa sidii uu mar ku tagi lahaa dalalka Dibadda dariiq kasta ha u mareen, qaarkood naftooda ayay haligeen markii ay isku dayeen in ay ka gudbaan Saxaro iyo Badweyn, waxaana maalin walba dhegaha dadka ku soo dhacaya dad Soomaali ah oo ay la qalibantay Doomo iyagoo doonaya in ay gaaraan meel ay kaga nabadgalaan dhibaatooyinka ka taagan wadankooda oo haatan labaatan... 
Halkudheg:

Muqdisho: Magaaladii Fashilka

May 15, 2010
1991dii markii ay burburtay Dowladdii Milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Max’ed Siyaad Barre ayaa waxaa Soomaaliya ka bilowday qalalaase kaas oo saameyn ku yeeshay gebi ahaanba dalka Soomaaliya marka laga reebo gobolo sameystay maamulo gaar ah, hase yeeshee magaalada Muqdisho oo ah hooyada burburka iyo dhibaatada Soomaaliya ayaa noqotay magaalo ay ku fashilmaan wax kasta oo la sameeyo ha noqoto... 
Halkudheg:

Muqdisho iyo Khadad Cagaaran oo hor leh | Amiin Yuusuf Khasaaro

Apr 29, 2010
Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso Xaaladda Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sanooyin ugu dambeeyey hareeyeen dagaalo aan dhamaad laheyn oo xitaa inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ka quusteen in uu dhaco wax heshiis ah, balse dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxay is weydaarsadaaan oo laabtooda ku qaboojiyaan “Naxariista rabi lagama quusto, waxaana rajeyneynaa in isbedel deg... 
Halkudheg:

Maxaa keenay in Adis-Abab heshiis ay ku saxiixdaan Dowladda Federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljameeca

Mar 15, 2010
Maalmahan waxa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kulan uga socday Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana kullankaasi ka qaybgalay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dhinac, waxaana heshiiskaasi ka soo shaqeeyey beesha Caalamka oo iyadu dooneysa in Dowladda Federaalka ay xoog milatari ka hesho dhinaca Ahlu Sunna Aljameeca, waxa uuna heshiiskaasi soo maray marxalado kala... 
Halkudheg:

Muqdisho: Hoobiye iyo Horumar

Mar 10, 2010
Daawo Sawiradda Muqdisho 20 sano ayaa waxaa ka socday dagaalo aan hakad laheyn kuwaas oo galaaftay naf iyo hanti badan ilaa iyo hadana ma jirto saansaan looga bixi karo dhibaatadaasi gaamurtay, waxayna dagaaladaasi ay keeneen in ay dalka yimaadaan ciidamo shisheeye oo kala duwan marka laga soo bilaabo 1992-dii iyo waqtigaan, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed cabaqad kuma aysan noqon dagaaladaasi iyo... 
Halkudheg: ,

Walaalo is Nacay way Xabaalo badiyaan wayna Xoolo yareeyaan.

Mar 1, 2010
Maqaalkaan halkaan aan ku soo bandhigi doonohalku dhigiisu , dhab ahaantii waa run haddii ay walaalo isnacaan in ay xabaalo badinayaan ayna xoolo yareynayaan. Aan dib u qooraansano taariikhda markii uu Islaamku ku faafay adduunka uuna xoogeystay ayaa waxa uu gaaray wadamo ku yaala Qaaradda Yurub gaar ahaan Andulus ayna ku jireen Wadamada Spain, Portugal iyo deegaano ka tirsan dalka France. Waxaana... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...