Home » Qoraallada Halkudhegga "Alwaqaar"

Siyaasada waxaa nooga horeysay wadaadnimada

Dec 22, 2015
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xilligii maxkamadaha islaamiga booqasho ku tagey magaalada Dhuusamareeb ayaa kutub caqiidada islaamka ka hadlaysa u qaybiyey culimo suufiyo ah, wuxuuna ku yiri soo akhriya oo wixii khalad idiin la muuqda aynu isla aragno. Culimadii kutubtii ayay soo akhriyeen, ka dibna waxay ku dheheen kutubtaan wax qalad ah kuma aanaan arag. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu culimadaan tuso... 
Halkudheg:

Tolkayow inoo kala doora

Oct 21, 2014
Nin kasta oo ina ka mid ah wuxuu jecelyahay inuu sharaf iyo karaamo ku noolaado oo aadanuhu qaddariyaan isaga, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba, mana jiro nin jecel ama raalli ku ah in la ihaaneeyo, la gumaysto, la dulmiyo ama hoos loo eego isaga iyo inta uu jecelyahayba. Dhinac kale dad badan oo inaka mid ah ayaa doonaya inay liidaan, dulmiyaan, laayaan, boobaan ama barakiciyaan qabiilooyinka ama... 
Halkudheg:

Cadow iima aha

Oct 13, 2014
Ninkii jecel Ilaahay iyo rasuulkiisa, diinta islaamkana rumaysan oo qadarinaya waa walaalkay igu leh xuquuqda walaalnimada xataa haddii uu i nicibyahay ama i colaadiyo ama uu nicibyahay kooxdayda ama tolkay ama deegaankayga, waxaana u arkayaa inuu yahay walaalkay igu gafay oo u baahan in gafka iyo qaladka laga saxo sida dambiyada iyo gafafka kale looga saxayo. Laakiin waxaa cadow ii ah ninkii la collooba... 
Halkudheg:

Soomaaliyeey dhib wadaag noqonaye dheef wadaag ma noqonaa?

Oct 12, 2014
Soomaalida qolo walba waxay u haysatey in colaadda iyo dagaalku dhibayo qolada ay is hayaan kaliya, iyaguna ay ka faa’iidayaan ama ugu yaraan aan wax kasoo gaarayn laakiin waxaa xaqiiqo noqotay wax walba oo soo gaara qolada la is hayo inay qolada kalena soo gaarayso, dhimasho, dhaawac, dhac, qax, dhaqaale burbur, agoon, gablan, araamil (dumar laga dhintay) iwm. Kolkii gobolada dalka qaybo ka... 
Halkudheg:

Askar badal ah

Oct 12, 2014
Shaqaaluhu waxay u kala baxaan kuwo si buuxda cid ugu shaqeeya oo waqtigooda oo dhan ciddaasi leedahay ama ku takrifalayso iyo shaqaale dadka u dhexeeya oo ciddii u timaadaba shaqo u qabta, sida: harqaanlaha ama kabatolaha iwm. Askartu waxay ka midyihiin shaqaalaha sida buuxda ugu shaqeeya cidda ay askarta u yihiin, loomana oggola inay cid kale u shaqeeyaan ama amar ka qaataan, waxayna diyaar u yihiin... 
Halkudheg:

Gabadhu si ay u noqoto marwo iyo hooyo maxay u baahantahay?

Oct 7, 2014
Qormadaana waxaynu kusoo bandhigaynaa waxyaabaha xaqiiqa ahaan looga baahanyahay gabadha si ay marwo iyo hooyo u noqoto, waxyaabahaas oo diin ahaan iyo nolol ahaan loogu baahnayahay, waana kuwaan soo socda: 1- nin geeyaan ah (diin iyo akhlaaq leh). 2- say ninimo ugu filan 3- nolol ahaana dhaqan kara (masruuf lugu noolaado u heli kara ama usoo shaqayn kara). 4- hoy ku filan iyada iyo saygeeda u heli... 
Halkudheg:

Alshabaab intii la is watey maxaa wax loogu sheegi waayey?. Qeybta 1aad

Jan 30, 2012
          Qoraalkaan waxaa laga diray xarunta maamulka Jamaacada Ictisaam ee magaalada Muqdisho habeen sabti ah oo saacaddu ahayd 10:30 PM, taariikhduna ahayd 04 March 2006, taariikhdaas oo ahayd 13 beri ka dib markuu qarxay dagaalkii Muqdisho ee maxkamadaha iyo isbahaysiga, qoraalkuna wuxuu xambaarsanyahay warbixin iyo soo jeedin ku socota maamulada jamaacada ee dalka iyo dibadaba.  FG:... 
Halkudheg:

Dhaqanka Islaamka: Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka oo Jaamacadda Bariga Afrika

Jan 28, 2012
Qoraalkan waa khulaasadii dowro ka hadlaysa dhaqanka islaamka oo Jaamacadda Bariga Afrika ay xagaagii 2010 lagu siiyey macallimiinta dugsiyada sare ee magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, waxayna ila noqotay in dad badan ka faa’iidaysan karaan. Waa kan mulakhaskii dowradu: Thaqaafada Islaamka (Islamic Culture) Ahmiyadda iyo fadliga cilmiga – Ilaahay wuxuu ku amray nabiga صلى... 
Halkudheg:

Boqorkii ka cararay boqortooyadiisa | Axmed C/samad

Mar 21, 2011
alwaqaar@hotmail.com Imaamu Axmad iyo Bazzaar baa ka wariyey Cabdullaahi Ibnu Mascuud inuu nabigu (scw) yiri: Reer Banii Israa’iil nabi Muuse ka dib waxay khaliif (madax) ka dhigteen nin khaliifa ah, markaas buu habeenimo dayax ah kacay oo salaad ku tukaday Bayt-almaqdis korkiisa, markaas buu soo xusuustay arrimo uu sameeyay, markaas buu baxay, wuxuuna ku soo daadagey xarig, markaas baa xariggii... 
Halkudheg:

Carabta iyo af carabigu ma ajnabibaa? (qeybta 1aad) | Alwaqaar

Jul 22, 2010
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Inkastoo ay horey u jireen dad ku hawlan in shacabka Soomaaliyeed la kala fogeeyo iyo in laga fogeeyo diintooda iyo dadkooda, haddana waxaa beryahaan soo xoogaysanaya dadka ka doodaya magacyada carbeed ee dadkeenu la baxaan ama ay u baxshaan goobaha iyo hay’adaha ay qadarinayaan. Waxay kaloo buuq iyo dicaayad farabadan ku hayaan luqada carabiga iyo manaahijta waxbarashada... 
Halkudheg:

Warbixin: Bursaalax iyo barismaadka cusub

Jul 1, 2010
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Magaalada Bursaalax waxaa la aasaasay qiyaasta sannadkii 1961kii. Waxaa kaloo lagu magacaabaa Burar. Magaalada waxaa loogu magacdaray Alle ha u naxariistee halgamaagii Saalax Jaamac Kaarshe oo isagu magaalada aasaasay, kana mid ahaa halyeyadii ururkii gobanimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL. Waa magaalo muhiima oo ay maraan waddooyin waaweyn, sida: waddada Gaalkacyo ku... 
Halkudheg:

Soomaalida iyo is dhaxalsiinta colaadda | Axmed C/samad

Jul 1, 2010
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Soomaali kuma gaar ahee aadanuhu way colloobaan, waxayse ku kala duwanyihiin nooca colaadda (inay xaq tahay iyo inay baadil tahay), cidda lala dirirayo oo noqon karta cid mudan colaad ama aan mudnayn, siday u koobaan colaadda baaxaddeeda ama u baahiyaan iyo siday u xalliyaan ama u joogteeyaan. Waxay kaloo ku kala duwanyihiin siday u ilaaliyaan akhlaaqda dagaalka.... 
Halkudheg:

Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1] | Sh. Axmed C/samad

Apr 28, 2010
 Sheikh Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Jifo walba waxay laamiga ka dhisatay tuulo u gaara; si ay ugu noqoto xarun iyaga loo yaqaan. Tuulooyinkaas la weegaaray maaha deegaan samaysi iyo magaalo dhisasho midna ee waa ficil lagu muujinayo jiritaanka gaar ahaaneed ee jifadaas. Si kale haddii loo dhoho waa ku dhawaaqid dawlad gaara iyo gooni isu-taag ay jifadu isaga soocayso dadka kale ee dhalashada... 
Halkudheg:

Intii aan qabyaaladda iyo balaayada bilaabay!

Mar 13, 2010
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Wuxuu ahaa nin sheekha oo aan muddo dheer saaxiib ahayn, waayadaan dambena wuxuu dacwada ka dhex wadey soomaalida u qaxday Yurub. Markii salaadda cishaha laga soo baxay ayaan isa salaanay, ka dibna labadayadii iyo labo nin oo kale ayaa isla jaanqaadnay. Intuba inta ka dhaqsa lehe wuxuu hadal iiga bilaabay: ninyohow aad iyo aad baa laguu jeclaa intaadan qabyaaladda... 
Halkudheg:

Habeenadii Cabsida | Axmed C/samad

Feb 3, 2010
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Qoyska adeer Cali wuxuu yaaley meel bahgooyo ah oo u dhexaysa labada beelood ee colaadda ehliga ahi u dhexaysey. Goor cawaysin ah ayaa qaylodhaan soo yeertay, waxaana laga qaylo keenay qoyskii adeer Cali oo la yiri col baa ku habsaday. Wada tashi ka dib waxaa la guddoonsaday in wixii waa la baryo la sugo, cidina aysan guure ugu kicin halka laga qaylo keenay. Guddoon... 
Halkudheg:

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q. 3aad) | Sh Axmed C/samad

Nov 11, 2009
Qisadii nabi Muuse iyo Khadir (Q. 3aad)   Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com      Qeybihii koowaad iyo labaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay: qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo la turjumay, ahmiyadda gaar ahaaneed ee qisaani leedahay iyo qeyb ka mid ah faa’iidooyinka qisada gaar ahaan faa’iidooyinka Alle weyne ka hadlaya iyo kuwa cilmiga ku saabsan. Qeybta seddexaadna waxaan ku soo... 
Halkudheg:

Dabinkii la inoo dhigaba ma ku dhacaynaa? | Sh Axmed C/samad

Nov 1, 2009
Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com Ma yara dabinada la inoo qoolay oo aynu badankooda ku dhacnay, walina aynaan ka bixin iyo kuwa aynu hadda ku sii soconoba. Iyada oo muddo aynu ku jirnay laandayro marar kala duwan ina la kacay, xargo badana ina ku xirxiranyihiin, oo cadaaweheenu hadba meeshii uu doono ina ka cantuugayo ayaa Alle mahaddi si aan la filayn mar loo hinqaday, xargihii badnaana bar la iska... 
Halkudheg:

Qisadii Nabi Muuse iyo Khadir |Q-2aad

Oct 21, 2009
Qeybtii koowaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo aynu af soomaali ku tarjumnay. Qeybta labaadna waxaan ku soo qaadaynaa qayb ka mid ah faa’iidooyinka iyo cibrooyinka inoo ku sugan qisadaan qiimaha badan. Qisada waxaa ku jira cilmi iyo faa’iido badan oo aan hal maqaal lagu soo koobi Karin; sidaa darteed waxaan ka dhigaynaa labo qaybood, isla markaasna si... 
Halkudheg:

Qisadii nabi Muuse iyo Khadir|Q-1aad |Sh. Axmed C/samad

Oct 18, 2009
Bukhaari iyo Muslim baa ka wariyey Saciid Ibnu Jubeyr in uu yiri: Cabdullaahi Ibnu Cabbaas baan ku iri: Nawf Albikaaliy wuxuu ku andacoonayaa: in Muusaha raacey Khadir uusan ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil, markaas buu yiri Ibnu Cabbaas: been buu sheegay cadawga Ilaahay!. Ubay Ibnu Kacab baa ii sheegay in uu rasuulka (scw) ka maqlay isaga oo leh: Muuse ayaa ka dhex kacay reer Banii Israa’iil... 
Halkudheg:

Nin walaalki Alle darti u jeclaaday oo isagiina Alle jeclaaday

Oct 6, 2009
Muslim baa ka wariyey Abuu Hureyra in uu nabigu (scw) yiri: nin baa booqday walaalkiis tuulo kale ku sugan, markaas baa Ilaahay jidka u cimilgaliyey (dhigay) malag, markii uu soo maray buu yiri: xaggee doonaysaa?, markaas buu yiri: waxaan doonayaa walaalkay oo tuuladaan ku sugan. Wuxuu yiri (malaggii): ma wuxuu kugu leeyahay wax gallaad (gacan) ah oo aad uga abaal-gudaysid?. Wuxuu yiri:... 
Halkudheg:

Is caddee!|Sh.Axmed C/samad

Aug 15, 2009
Is caddee waa oraah loo jeediyo ninkii Muqdisho taga oo hadalkiisa ama ficilkiisa ay ka caddaan weydo cidda uu ka tirsan yahay ama uu taageersan yahay. Waxaa kale oo dhacda in qofka si toos ah loo weydiiyo su’aalo haddii uu ka jawaabo lagu ogaan karo ra’yigiisa. Is caddayntu waxay laga ma maarmaan u tahay in ay dadka aad la joogtid idin dhexmarto sheeko dhab ah, oo noqon karta mid kalsooni xambaarsan,... 

Qurbacleey iyo qoyska|Sh.Ahmed

Aug 2, 2009
Qurbacleey iyo qalalaasaha qoyska Qoyska waxaa wada unka wiil iyo gabar iska soo dhex doortay dad oo dhan, isuna haya kalgacayl iyo kalsooni weyn. Qoyska waxaa la unkaa iyada oo lammaanaha is guursaday, ehelkooda, asxaabtooda iyo muslinka oo dhan ku wada faraxsan yihiin, waxaana laga fishaa deganaansho, xasilooni iyo is badal wacan oo dhinac walba kaga yimaada nolosha lammaanaha qoyska wada dhistay.... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...