Home » Qoraallada Halkudhegga "abaaraha"

Hayadda SAHDO oo Muqdisho ka qaybisey Deeq Lacageed oo ay u soo Wakiisheen Hayadda Horn Africa Development Trust

Aug 10, 2011
Waxaa Magaalada Muqdisho weli soo gaaraya dad fara badan oo ka soo carerey ama ay saameeysey Abaaraha ka dilaacey Gobolo ka tirsan Soomaaliya waxaana dadkaan ay Abaarta Saameeysey u soo gurmaday Hayado kala Duwan, Dalal ka tirsan Dunida,Jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Dibadiisa iyo Gudihiisa waxaa laba  Xero oo ku taal Degmooyinka Hodan iyo Waaberi laga qaybiyey Deeq lacageed oo la gaarsiiyey,Xerada... 
Halkudheg:

Jaamacadda Muqdisho oo gargaar kala duwan siisay 500 oo qoys oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha

Aug 9, 2011
Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdish ayaa maanta oo Talaado ah gargaar kala duwan u qaybisay 500 oo qoys oo ka mid ah dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya. Gargaarkan oo isugu jiray caano, daawo, dhar iyo timir ayaa waxaa loo qaybiyay dad ku jira kaam ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gargaarkan ayaa qayb ka noqonaya gargaarro uu guddigan... 
Halkudheg:

Jaaliyadda Soomaliyeed ee SALAALA ee Saldanada Cumaan oo Deeqdii ugu Balaarneyd soo gaarsiyey Dadka Abaaraha Saameeyeen

Aug 9, 2011
Jaaliyadda Soomaaliyeed SALAALA ee ku Nool Dalka Saldanada Cummaan ayaa soo gaarsiiyeen Deeq Lacageed iyo Raashiin walaalhooda ay waxyeeleeyeen Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya. Deeqdaan ay soo Direen Jaaliyada Salaala ayaa waxaa loo soo wakiishay Shiikh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka Dhibaateeysan looguna iibiyo Raashiin . Ku talagalka deeqda ayaa wuxuu ahaa in la gaarsiiyo in ka badan kun... 
Halkudheg:

Weli waxaa jira dad soomaaliyeed oo dadkooda iyo dalkoodaba jecel

Aug 9, 2011
Sida aan ogsoon nahay tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa soo ifbaxay kaalimo basdan oo u baahday in wax laga qabto kuwaas oo ay dowladu iyada dadka ka haqab tiri jirtay sida adeegyada bulshada dhinac walba haday ahaan lahayd caafimaad,waxbarasho IWM, hadaba arintan waxaa u istaagay hay’ado badan iyo ururo samafal kuwaas oo qaarkoodna ay yihiin dowli qaarna wadani ayaa... 
Halkudheg:

Xeradii Badbaado ee Dadka Abaaraha oo loo bixiyey Ma Badbaado

Aug 7, 2011
Dhawaan ayay ahayd markii xero ay Dowladdu u sameysay dadka ka soo barakacay abaaraha kuna taalay agagaarka Xoosh ee degmada Dharkeynlay ay ka dhacdo xanuun badan oo maalmihii la soo dhaafey   Shacabku hadal hayaan kadib markii dad gaaraya 12 qofood lagu dilay kuwaas oo ahaa dadkii ku jiray xeradasi, waxaana falkaan gaystay Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka oo watay Gawaari Tikniko ah. Falkaan... 
Halkudheg:

Deeq ka timid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanak oo loo qaybiyay barakacayaaha Abaaraha

Aug 7, 2011
Deeq ka timid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanak oo loo qaybiyay barakacayaaha Abaaraha  Deeq ay soo ururiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maanta loo qaybiyay qaar ka mid ah barakacayaasha abaaraha oo ku jira kaam ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Deeqdan oo ahayd lacag caddaana ayaa waxaa loosoo wakiishay Suhuur Xasan Axmed oo... 
Halkudheg:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Sheffield UK oo Deeq Lacageed oo ay soo direen loo qaybiyey dad ku jira Xerada Ansalooti ee Muqdisho

Aug 6, 2011
Iyadoo welii Magaalada Muqdisho ku soo qulqulayaan dadka ay saameeysey Abaaraha kuwaas oo ay ka muuqato Darxumadii iyo Dhibaatadii Abaarta ayaa Hayada SWACRO Somali Women Children Rescue Organization waxay xerada lagu magacaabo  Ansaloot  ee Degmada Xamar JabJab  ka qaybisey Deeq Lacageed  oo ay qaybinteeda u soo Wakiisheen Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Sheffield UK waxaana lagu magacaabaa... 
Halkudheg:

Ma Fogeysanayo in Muqdisho lagu iibiyo Xoolo Bakhtiyey”Xuseen Fiidow Cali”

Aug 4, 2011
Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya 1991 waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay arrimo fara badan oo dadka ku reebey Ma hadho  waxayna arrimahaan inta badan dadku ku sababeeyeen dowlad la’aanta jirta, waayo dadka haddii aysan haysan sharci kala haga, waxaa xaqiiqo ah in ay sameynayaan wixii ay doonaan, iyadoo ay taasi jirto ayaan xuuraansi u galay arrimo ka mid ahaa kuwo ugu foosha xun ee... 
Halkudheg:

Gudiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliyeed ee Dalka Norwey oo deeq gaarsiiyay barakacayaasha

Jul 31, 2011
Deeq gargaar biniaadanimo ah oo ay soo aruuriyeen gudiga gurmadka abaaraha Soomaaliyeed ee dalka Norwey ayaa maanta la gaarsiiyay dadka ay abaaruhu soo sal kiciyeen ee ku jira xerada Aala-Yaasir ee gobolka Shabeelaha Hoose. Deeqdan oo isugu jirtey Bariis, Saliid, Caano-Boore iyo timir ayaa waxaa la gaarsiiyay qoysas gaaraya ilaa 1000 kana soo barokacay gobolda koonfureed ee dalka soomaaliya halkaasoo... 
Halkudheg:

OGEYSIIS:Gurmadka abaaraha ee London(UK)

Jul 27, 2011
Waxaa si naxariisi ku jirto laga codsanayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed qaasatan jaalliyada ku dhaqan magaalada london,laguna wargelinayaa inay kasoo qayb galaan shirka taakulaynta dadka soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka soomaaliya kuwaasoo aan dhiman nooleyna,oo la doonayo in gacan laga geysto looguna gurmado abaaraha baahsan ee argagaxa leh, Waxaa shacabka soomaaliyeed loogu baaqayaa... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...