SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2007

Dhacdooyinkii Soomaaliya ee Sanadka 2007

Qayta Labaad:

March  

2/3/2007: Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray Dowladda Uganda oo  ahaa in ay wada hadal la furayaan Maxaakiimta, waxayna wada hadalkaasi ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona laheyn, waxaana Dowladda Uganda loo diray digniin culus oo ku aadan in ay Ciidamad Uganda si dhaqsi leh uga baxaan gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo Maxaakiimtu sheegeen in ay isku si ula dagaalami doonaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda.

4/3/2007: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay qabsatay Dowladda Itoobiya, waxaa kale oo uu intaa ku daray in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay isaga xoreyn lahaayeen Gumeysiga cusub, waxa uuna ka digay dagaalka ciidamada Itoobiya lala galayo loo wajaho qaab qabiil, isagoo soo jeediyey in la sameeyo xisbi siyaasadeed oo la mid ah middii SYL.

5/3/2007: Waxaa la dilay Mu’adinkii Masjidka Xareed, kadib markii ay soo weerareen kooxo dabley ah, ilaa iyo haddana lama garanayo sababtii loo dilay shiikhaasi oo ay ka xumaadeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, iyadoo la og tan iyo markii ay dhaceen dagaalada Sokeeye kuwo bartilmaameed u noqday kooxaha siyaasadeed ee isaga soo horjeeday dalka, waxaana dalka lagu dilay culima’udiin fara badan.

6/3/2007: Ciidamada Uganda ayaa dalka soo gaaray oo noqday ciidamadii ugu horeeyey ee ka socday Midowga Afrika, hase yeeshee bulshada Soomaaliyeed ayaa ku kala qaybsantay imaansha ciidamadaasi, qaarkood waxay sheegeen in ciidamadaani ay muhiim u yihiin arrimaha nabadgelyad, qaarkoodna waxay sheegeen in aysan waxba ku soo kordhin doonin gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca nabadgelyada, hase yeeshee sarkaal u hadlay ciidamada Uganda ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Uganda ay Soomaaliya u yimaadeen sdii ay u nabadeyn lahaayeen, isla markaana waxa uu sheegay in dhex dhexaad ka yihiin Siyaasadaha ka jira gudaha dalka Soomaaliya, balse mas’uul u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxa uu sheegay in ay la dagaalami doonaan.

6/3/2007: Mareykanka ayaa ganaax dul dhigay Bankiga Islaamka, kadib markii lagu eedeeyey Bankigaasi in uu gacan siiyo wax uu ugu yeeray Mareykanku kooxo argagixiso ah, waxaana Bankiga laga xayiray dhaqaale fara badan oo dalka Mareykanka yiilay iyo bankyo kale oo ku yiilay dalalka Yurub, waxa uuna Xayiraadaasi saameyn ku yeelatay arrimaha Soomaaliya, maadaama Bankigaasi uu Soomaaliya ka hirgelinayeen mashaariic la xiriirtay dhinacyada Wabrashada, Caafimaadka iyo Biyaha.

6/3/2007: Ismaaciil Cumar Geele oo sheegay in aan Maxaakiimta Islaamiga looga maarmin Siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Maxaakiimtu ay qabteen hawlo fara badan oo la xiriira dhinac nabadgelyada, waxa uu u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay wada hadal la furto Maxaakiimta Islaamiga, hase yeeshee C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in uusan marnaba wada hadal la geli doonin Maxaakiimta Islaamiga.

9/3/2007: Waxaa garoonka Muqdisho uu dab ku qabsaday Diyaarad laga lahaa Kazaqistaan oo la sheegay in ay Dowladda Federaalka u keentay qalab, sidoo kalana waxay qalab u waday ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, hase yeeshee warar kala duwan ayaa ka soo baxayey dabkaasi, qaar ayaa sheegayey in Diyaaradda lala helay Gantaal, halka warar kale sheegayeen in diyaaraddaasi iskeeda uu dab u qabsaday.

9/3/2007: Gen. C/raxmaan Warsame Caarre ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu galay  gemeysi, Shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in uu u diyaar garoobo dagaal si dalka looga saaro Itoobiya, waxa uuna Janaraalku ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadatay dagaalkii 77.

13/3/2007: Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa Ciidamada Itoobiya ku kufsadeen agagaarka Balcad, waxayna Haweeneydaani jirtay 37 sano, waxayna dhashay 8 carruur ah, waxaana falkaani si weyn uga carooday Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ku tilmaamay mid horey loogu yaqiinay Ciidamada Itoobiya, waana Haweeneydii ugu horeysay oo Saxaafadda la hadasha sheegtana in ay kufsadeen Ciidamada Itoobiya, waxaana Haweeneydaani loo uruuriyey dhaqaale si ay isugu daaweyso.

13/3/2007: Waxaa qarax lala beegsaday Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye mar uu marayey agagaarka wadada ka timaada Xamar Billa ee tagta Madaxtoonyada, waxa uuna Gaarigii uu la socday noqday Koombo, waxaana loola cararay Isbitaal ku yaala Magaalada Nayroobi oo uu mudo kadib ku geeriyooday, waxaana xilkiisii loo magacaabay Wiilkiisii C/fitaax Ibraahim Cumar.

19/3/2007: Waxaa weerar lagu qaaday dekedda Muqdisho, xiligaas oo ay ku xirnaayeen Maraakiib fara badan oo badeecooyin u siday Magaalada Muqdisho, waxayna Maraakiibtu bilaabeen in dekeddaasi ka cararaan, qaarkoodna waxaa la sheegay in ay u weecdeen dekedo ku yaala dalka.

20/3/2007: Ciidamada Dowladda FKMG ayaa Isbitaalka Banaadir kala baxay Mu’adinkii masjid ku dhex yiilay Isbitaalka oo lagu macaabo Macallin Aadan, waxaana sidoo kale horey loola watay dhowr qofood oo Isbitaalka ka shaqeyneysay, waxaana arrintaai ka hadlay maamulka Isbitaalka Banaadir oo sheegay in aysan sii wadi Karin hawlaha Isbitaalka, sidoo kale waxay sheegeen in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay xaq dhowrto goobaha caafimaadka ee loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed.

20/3/2007: Waxay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Dekedda Magaalada Muqdisho oo muddo ay ku sugnaayeen, waxaana dhowr jeer weeraro loogu gaystay dekedda Gudaheeda, sidoo kale askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa ku geeriyooday Badda gudaheeda, kadib markii la sheegay inay ku harqadeen, qaarkoodna mar la wareystay waxay sheegeen in aysan weligooda arkin bad, waxaana ciidamada Itoobiya xilkii Dekedda ku wareejiyeen Ciidamada wadanka Uganda  .

20/3/2007: Waxaa weerar lagu qaaday guriga Maxamuud Max’ed Culusow oo ah guddoomiyaha Siyaasadda Beesha Cayr, waxaana weerarkaasi fuliyey Ciidamo daacad u ahaa Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshda gobalka Banaadir Max’ed Cusmaan (Dhagax Tuur), waxaana markii uu dhacayey weerarku kulan ku lahaa guriga Odoyaal ka tirsanaa Beesha Cayr, mar la wareystayna qaar ka mid ah odoyaasha Beesha Cayr waxay weerarkaasi ku eedeeyeen in laga soo maleegay xarunta madaxtoonyada, basle dhagax ayaa beeniyey in uu weerarkaasi ku lug lahaa, waxa uuna yiri “ma garanayo sabab aan ku weeraro guriga walaalkey Culusow”

21/3/2007: Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeysay wareysi siiyey Wargeyska Alsharqal-Awsat tan intii ay Dowladdu Muqdisho la wareegtay, waxa uuna wareysigaasi ku sheegay in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga sii wadi doonaan dagaalka, sidoo kale waxa uu ka waramay dhibkii uu kala kulmay markii uu duurka ku jiray, waxa uuna yiri “Dhibka i gaaray waxaa iiga walwal badan dhibka lagu hayo Ummadda Soomaaliyeed oo aanan ka seexan”

21/3/2007: Dagaal ka dhacay Muqdisho ayaa lagu jiidjiiday ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo  Soomaali, qaarkoodna dab ayaa la qabadsiiyey, waxayna dagaaladani ka dhaceen deegaano ay ka mid yihiin Shiirkole, Wasaaradda Gaashaandhiga ilaa iyo Jidka warshadaha, waxaan wadooyinka isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa jabka la gaarsiiyey Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxaana sidoo kale la gubay calanka Itoobiya iyo kan Mareykanka, waxayna dadweynuhu ku dhawaaqayeen “Waa jabeene jabiya”

22/3/2007: Maxaabiis ka tirsanaa Ciidamada Dowladda FKMG ayay sii daayeen Odoyaasha Beelaha Hawiye, kadib markii lagu qabtay dagaalo ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna Ciidamadaani ahaayeen kuwo u dhashay dhamaan gobalada Soomaaliyeed, iyadoo intii la hayeyna loola dhaqmay si wanaagsan, qaarkoodna waxay sheegeen in aysan arkin marti-soor noocaan oo kale ah, waxaana maxaabiistaasi loo gaday dhar, waxaana la siiyey lacag jiscin ah.

22/3/2007: Diyaarad laga lahaa dalka Kazaqistaan ayaa ku dul burburtay duleedka Balcad, waxaana ku geeriyooday 7 qof oo qaarkood la sheegay in ay ahaayeen Ijineero u yimid inay wax ka qabtaan diyaar iyana horey dab ugu qabsaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana dadkii ku geeriyooday dib loogu celiyey wadankoodii, hase yeeshee diyaaraddaasi ayaa waxaa ka soo baxayey warar kala duwan, qaarkood waxay sheegayeen in diyaaadda lala helay Gantaal, halka kuwo kalana ay sheegyeen in Diyaaradda ay iskeed u dhacday, hase yeeshee diyaaraddaasi markii ay soo dhacdy oo ay burburtay  Dowladda Kazaqistaan waxay joojisay wixii duulimaad ahaa ee ay ku tagi jirtay gudaha dalka Soomaaliya.

24/3/2007: Waxaa shirkii ugu horeeyey yeeshay Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiil Itoobiyaan ah, waxa uuna kulankaani ahaa mid ka fool ka fool ah oo looga hadlayey sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, waxayna Odoyaasha Beelaha Hawiye sheegeen in kulankaasi si weyn la isugu afgartay, hase yeeshee Saraakiisha Itoobiya ma aysan faahfaahin waxyaabihii la iskula soo qaaday, waxaana la dareemayey ciidamo Itoobiyaan ah oo buux dhaafiyey deegaano ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo u diyaar garoobayey dagaal ay ku qaadaan fariisimada kooxihii ka soo horjeeday.

25/3/2007: Cali Max’ed Geedi ayaa Nayroobi kula kulmay Abuukar Cumar Caddaani. Waxa uuna kulankaani ahaa kii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadaan, waxaana ka qaybgalay rag ay si aad ah isugu dhow yihiin Xaaji Abuukar Cumr Caddaani oo ay ka mid yihiin Max’ed Dheere, Salaad Cali Jeele iyo Siyaasiyiin kale, waxaana Xaajiga laga codsaday in uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka, waxa uuna Xaajigu beeniyey warar uu horey u faafiyey Cali Max’ed Geedi ee ahaa in Xaajigu aqbalay in uu dalka ku soo laabto, Dowladdana uu gacan siiyo, waxa uuna Xaajiguy wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona laheyn, waxa uuna sheegay in uu halkaasi ka sii wadi doono dagaalka uu kula jiro ciidamada Itoobiya.

27/3/2007: Waxaa qarax ismiidaamin ah ka dhacay deegaanka Darmoolay, kaas oo uu fuliyey nin naftii hure a, waxayna khasaare xoog leh ka soo gaartay Ciidamada Itoobiya, waxayna taasi keentay in halkaasi ciidamada Itoobiya isaga guuraan, wuxu kaloo qaraxaasi keenay in ciidamo Itoobiyaan ka baxsadaan xeradii ay ku jireen una cararaan dhankaa iyo wadanka Yemen.

28/3/2007: Waxaa la dilay C/Naasir Axmed Aadan (Seerjito)  xili uu ku sugnaa agagaarka Taleex, waxaan dilkiisa gaystay labo nin oo bistoolad ku hubeysan, iyaogo markii dambana maydkiisii Gaari kula cararay kadibna ku tuuray meel aan sidaasi uga fogeyn goobtii lagu dilay. Seerjito waxa uu markaa ka soo bogtay dhaawac horey loogu gaystay agagaarka Maxkamaddii hore ee Xararyaale, kadib markii uu nin hubeysani uu rasaas ku furay.

29/3/2007: Waxaa bilowday dagaalkii Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ku dhex maray Magaalada Muqdisho, waxa uuna ahaa dagaalkii koowaad ee dhex mara labada dhinac si ka fool ka fool ah, waxaana Magaalada Muqdisho laga maqlayey daryanka rasaasta culus, waxaana bilowday in dad fara badan ay ka baxaan guryahoodii, waxa uuna dagaalkaani socday mudo afar maalin ah, iyadoo Odoyaasha Beelaha Hawiye Ciidamada Itoobiya ku eedeeyeen in ay ka baxeen heshiiskii Xabad joojinta, sidoo kale dagaalkaan xooggiisa waxa uu ka dhacay agagaarka Cali-Kamiin, Fagax, Hotel Ramadaan iyo Garoonka Cayaaraha ee Stadium Mogadishu.

April

2/4/2007: Waxaa istaagay dagaalkii Muqdisho ee socday afarta maalmood, wuxuuna dagaalkaasi gaystay khasaare isugu jiray naf iyo maal, waxayna labada dhinac ku ballameen in la kala aasto maydadka, sidoo kale waxay isku raaceen heshiis xabad joojin ah, hase yeeshee heshiiskaasi xabad joojinta ah saraakiisha itoobiya waxa uu ka ahaa afka baarkiisa, balse waxay isku diyaarinayeen dagaal ay mar kale la galaan kooxaha ka soo horjeeday, waxayna labada dhinac bilaabeen in ay qotaan dhufeysyo waaweyn si midba midka kale isaga difaaco.

2/4/2007: Gacma Dheere ayaa dadka qaxay ku tilmaamay dalxiisayaal, waxaana arrintaani si aad ah uga carooday bulshada Soomaaliyeed, oo iyagu horey ula daalaa dhacayey dagaalo soo noq noqday, hadalka Gamca Dheerana waxa uu daboolayey dadka faraha badan ee ka qaxay guryahooda, walibana waxa uu is hor taagay gargaar la gaarsiin lahaa kadib markii ay is qabsadeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo Hay’adda WFP oo Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka Raashinka, hase yeeshee gacma Dheere waxa uu hay’addaasi ku eedeeyey in raashin dhacay ay hay’addaasi siineyso dadka barakacay, hase yeeshee WFP waa ay beenisay warkaasi, waxayna ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

3/4/2007: Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa heshiis xabad joojin ah la gaaray saraakiil Itoobiyaan ah, balse Odoyaasha Beelaha Hawiye waxaa la dhihi karaa heshiiskaa  xabad joojint a ah waa lagu qayaanay, waayo Odoyaasha beelaha Hawiye ma aysan garaneyn qaabka loo galo heshiisyada Xabad joojinta ah, waayo dhinacooda oo keliya ayaa ku dhawaaqay, halka la rabay in dhinaca kalana  ay ku dhawaaqaan, isla markaana ay goob jog ka noqdaan koox saddexaad oo kormeer ku sameysa qaabka ay xabad joojintu u socoto.

4/4/2007: Waxaa la kala aastay Maydadka dagaalkii Muqdisho ka dhacay, waxaana gacan ka gaystay Hay’adda Bisha Cas, meelaha qaarkood ayaa laga soo saaray dad mayd ah kadib markii la sheegay in ay ciidamada Itoobiya ay si bareer ah u toogteen, sidoo kale dagaalkaasi waxa uu gaystay khasaare ah in dad badan ay ka barakacaan deegaanadoodii, waxayna kala aasida maydadka socotay mudo saddex maalmood ah.

4/4/2007: Waxaa Suuqa Bakaaraha lagu dhex dilay Col. Yaasiin Dhuuxyaweyn, oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana dilkiisa gaystay kooxo aan la garaneyn, waxa uuna dilkiisu qayb ka hayay dagaalka lagula jiro in la baabi’iyo saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana horey loo dilay ilaa iyo dhowr iyo 30 sarkaal oo aan waxba galabsan.

4/4/2007: Waxaa Ereteriya gaaray Xuseen Caydiid, oo Ra’isul Wasaare ku xigeen ka ahaa Dowladda Federaalka, waxayna tagistiisii Ereteriya ay dhabar jab ku noqotay Dowladda Federaalka, waayo waxaa horey Ereteriya u joogay Guddomiyhii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii Midowga Maxaakiita Sheekh Shriif Sheekh Aadan, wuxuuna Xuseen Caydiid sheegay mar la wareystay in sababaha uu ug a soo tagay dowladda federaalka ay tahay kadib markii ay ciidamada Itoobiya xasuuq ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana lagu xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah, sidoo kale warar ayaa waxay sheegayaan in Xuseen Caydiid uu ka carooday wareysi  uu bixiyey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed kadib markii uu Xuseen Caydiid ku tilmaamay nin aan caadi aheyn.

7/4/2007: Waxaa la dhaawacay Xasan Qalaad oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha dhaqaalaha ee gobalka Banaadir, wuxuuna dhaawiciisa yimid mar uu damcay in uu kala dhex galo labo nin labo oo ilaaladiisa ka tirsan, inkastoo warar kale sheegayaan in ulakac ah loo dhaawacay Qalaad, iyadoo dhaawiciisa markii dambe loo qaaday Magaalada Nayroobi.

9/4/2007: Waxaa la aasay dhufeysyadii ka qodnaa Magaalada Muqdisho oo ay horey u sameysteen Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana la furay qaar ka mid ah wadooyinka Gobalka Banaadir, hase yeeshee furinta wadooyinka iyo duugista dhufeysyada, waxay ahaayeen kuwo aysan labada dhinac daacad ka aheyn, waayo meelaha rasmiga ah ee isaga soo horjeedeen dhufeysyadaasi lagama duugin, waxaana muuqday saan saan colaadeed, waxaana labada dhinac soo gaaray gurmado xoog leh.

9/4/2007: Salaad Cali Jeele ayaa dagaalkii Muqdisho ka socday ku tilmaamay mid qabiil, waxa uuna beeshiis ka codsaday in ay garab ku siiyaan dagaalkaasi, waxaana hadalkaani si aad ah uga carooday Odoyaasha Beelaha oo uu ugu horeeyey Xaaji Cabdi Iimaan iyo Siyaasiga Caanka ah ee C/llaahi Sheekh Xasan.

10/4/2007: C/llaahi Sheekh Xasan ayaa raagelin ka bixiyey hadalkii Salaad Cali Jeele, wuxuuna u soo jeediyey labada beelood in aysan dheg jalaq u siin wararkaasi, sidoo kale waxa uu uga digay beesha Mudulood in ay iska ilaaliyaan hadalada ka soo yeeraya siyaasiyiinta wax ka garadka ah kuwaas oo doonaya in ay isku baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyago u adeegaya beelo kale.

15/4/2007: Ciidamada Itoobiya ayaa gabar ku kufsaday Xaafadda Xamar-Bila, waxaana gabadhasi soo gaaray dhaawac aad u culus, kadib markii ay isaga boodeen ilaa iyo dhowr askari, waxayna da’deedu ahayd 17 jir, waxana la dhigay Isbitaalka Xaawo Cabdi, ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiya ay kufsadaan Haween Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay wasiirka War-faafinta Ereteriya in ciidamada Itoobiya maalintii cudurka Aids-ka qaadsiyaan ilaa iyo labo gabdhood oo Soomaali ah.

15/4/2007: Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa mar kale wareysi siiyey Sharqal-Awsat, waxa uuna sheegay in ay sii wadi doonan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxa uu ka codsaday Dowladda Sucuudiga in ay soo kala dhex gasho xaaladda ka taagan Soomaaliya ka taagan, Dowladda Itoobiyana ku cadaadiso sidii ay uga bixi lahayd Soomaaliya.

19/4/2007: Waxaa bilowday dagaalkii labaad ee Muqdisho, kaas oo socday 9-maalmood, waxa uuna dagaalkani gaystay khasaare isugu jira naf iyo maal, waxaana ku barakacay ilaa Hal Malyan oo qof, iyadoo lagu tiriyey dagaalkaasi kii ugu xumaa ee ebed soo maray Soomaaliya, waayo waxaa madaafiic lala dhacayay goobo ay degan yihiin dad rayid ah, waxayna madaafiicdaasi ka soo dhaceysay Xarunta Madaxtoonyada, Xerada Asluubta, iyo Wasaaradda Gashaandhiga.

20/4/2007: Waxaa dagaalkii Muqdisho ka socday ka baxsaday 89 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo la sheegay in ay gaareen dalka Yemen kadib markii ay doon ka qaateen xeebaha Soomaaliya, waana askartii ugu badneed ee dagaalka ka baxsatada, waxaana arrintaani faafiyey Wargeys ka soo baxa dalka Yemen, waxayna ciidamadaasi la dejiyey goob gaar ah, iyadoo mas’uuliyiinta Dowladd Itoobiya ay ka dalbadeen Dowladda Yemen in gacanta loo soo geliyo ciidamadaasi.

24/4/2007: Waxaa qarax lala beegsaday xarun ay Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen Afgooye, waxa uuna qaraxaasi ahaa mid ismiidaamin ah oo uu sameeyey qof naftii hure ah, waxayna khasaare ka soo gaartay ciidamdii Itoobiya ee halkasi ku sugnaa, waxa uuna qaraxaani ka mid ahaa qaraxyo is xig xigay oo ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday xarumaha ciidamada Itoobiya sida kii ka dhacay Darmoolay, xarunta Asluubta iyo mid ka dhacay halka uu degan yahay Janaralka ciidamada Itoobiya ee Gabre.

24/4/2007: Waxaa qarax ka dhacay Hotel Ambassador, waxa uuna ahaa miino laga soo buuxiyey Gaari Mark II, waxana ku geeriyooday dhowr iyo toban Askari oo ka mid ahaa ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna Hoteelkaani ahaa mid ay degan yihii wasiirada iyo saraakiisha ciidamada Dowladda, waxaana horey dhowr jeer loogu soo qaaday weeraro is xig xigay, waxayna milkiilayaasha Hoteelka ay sheegen in Weerarada lagu hayo Hoteelkooda uu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo ganacsigooda.

25/4/2007: Meles Zenawi ayaa sheegay in dagaalka ka socda Muqdisho ay wado Beesha Cayr, waxaana arrintaan ka carooday Odoyaasha Beelaha Hawiye oo ku tilmaamay mid uu Meles Zenawi ku kala qaybinayo Bulshada Soomaaliyeed, ma ahan markii ugu horeysay Meles Zenawi ka soo yeeraan hadal noocaan oo kale, waxa uuna horey u sheegay in dgaalka ka sicda Muqdisho ay wado jufo keliya, ciidamada itobiyana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjari doonaan

27/4/2007: Waxaa dhacay dagaalkii Aboole ee deegaanka dhagaxbuur kaas oo lagu dilay 74 Askari oo itoobiyaan ah, waxaana lagu qafaashay 9 shiinees ah, waxa uuna dagaalkaani uu ahaa mid lagu qaaday xarun laga qodayey shidaal, waxayna mas’uuliyiinta Itoobiya sheegeen in weerarkaasi ahaa mid argagiiso ah oo ay ka dambeeyeen Jabhadda ONLF iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, hase yeeshee mas’uul u hadlay jabhadda ONLF waxa uu sheegay in ujeedada dagaalku uu ahaa sidii looga hor tagi lahaa shirkadaha doonaya in ay shidaal ka qodaan deegaanada dhulka Soomaali galbeed.

28/4/2007: Ciidamada Itoobiya ayaa gaaray bartilmaamoodkii ahaa Warshadda Baastada, waxaana soo gebagaboonay dagaalkii labaad ee ka dhaca Muqdisho, hase yeeshee dadka u guurgala, arrimaha dagaalka waxay sheegeen in heshiis hoose uu dhex maray hor joogaya dagaaalka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya si ciidamada Itoobiya u gaaraan warshadda Baastada, waxayna warbixin ay soo saareen Odoyaasha Beelaha in Kun qof lagu dilay Dagaalka, 400 oo kun oo qofna lagu barakiciyey, sidoo kale khasaare malaayiin Doolar ah ayay Odoyaasha beelaha Hawiye sheegeen in ay sababeen dagaalkaasi.

Akhri Qaybta 3aad

W/DAmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com