SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2007

Dhacdooyinkii Soomaaliya ee Sanadka 2007

  • Dhacdooyinkii 2007: Qaybta: 1aad | 2aad

Inta aan u guda gelin wixii dhacay sanadkii 2007 bal aan dib u qooraansano dhacdooyin u baahan in la xuso dabayaaqadii sanadkii 2006 gaar ahaan Bishii Desember dabayaaqadeedii waxayna ahaayeen dhacdooyinkaas

Qaybtii 1aad

December 2006:

19/12/2006: Waxaa bilowday dagaalkii Daynuunaay iyo Iidaale, waxa uuna dagaalkaasi socday mudo sagaal maalmood ah, waxaana markii dambe lagu soo jabiyey Maxaakiimtii Islaamiga oo markii dambe isaga baxay Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo weerareen ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan ciidamada Dowladda Federaalka, waxa uuna Sheekh Shariif sheegay habeenkii uu ka baxayey Muqdisho uu dagaalku hadda kadib noqon doono ku dhifoo ka dhaqaaq.

24/12/2006: Waxaa la duqeeyey Garoonka Diyaaradah ee Magaalada Muqdisho, kadib markii diyaaradaha Xabashida ay gantaal ku dhifteen Garoonka Diyaaradaha oo xiligaasi Maxaakiimtu u isticmaali jireen wixii sahay oo ay u baahan yihiin iyo safaradooda dibadda, taasina waxay walwal iyo jab ku abuurtay ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ee ku jiray safka hore ee dagaalka.

25/12/2006: Waxaa iyana la duqeeyey Magaalada Baladweyne oo ay ka dagaalamayeen ciidmaada Maxaakiimta Islaamiga ah, duqeyntaasi waxay keentay in ciidamadii ay kala firxadaan Magaalada Baladweynana ay soo galaan ciidamada Itoobiya, waxayna ciidamada Maxaakiimta markii dambe isku soo uruursadeen agagaarka Jawhar.

27/12/2006: Waxa iyana safka hore ee dagaalka soo baneeyey ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ee ka dagaalamayey Aaga Daynuunaay iyo Aaga Jowhar, waxayna ciidamadu ku soo uruureen Magaalada Muqdisho oo xarun u ahayd Maamulkii Maxaakiimta.

28/12/2006: Waxaa Magaalada Muqdisho ka baxay Maxaakiimtii Islaamiga oo uu horkacayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana maalinkaasi Magaalada Jowhar soo galay ciidamo uu horkacayo Max’ed Dheere oo xiligaasi xirnaa funaanad ay ku qoran tahay (I Love Jowhar)

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.

28/12/2006: Waxay ciidamada Itoobiya soo gaareen Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana xiligaasi la socday Ra’isul Wasaarii DFKMG, Geedi, waxa uuna Magaalada Afgooye kulan kula yeeshay Odoyaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ku sugnaa gobalka Banaadir, waxa uuna kala hadlay dhinaca nabadgelyada, waxa uuna Ra’isul Wasaaruhu uu sheegay in laga adkaaday wax uu ugu yeeray kooxihii Argagixisada.

31/12/2006: Ciidamada Itoobiya ayaa u dhaqaaqay dhanka Gobalka J/hoose, halkaas oo ay u carareen Maxaakiimtii Islaamiga, waxayna fariisin ka dhigteen ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga Magaalada Jilib, waxaana habeenimadii dhacay dagaal aad u qaraaraa, waxayna taasi keentay in Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ay dib ugu gurtaan Magaalada Kismaayo, hase yeeshee waxaa la yaab lahayd in nin ka mid ah Maxaakiimtii Islaamiga uu degmad Jilib ku dilo ilaa iyo lix askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya, kadib markii uu dhowr jeer uu werar ku soo qaaday.

January 2007

1/1/2007: Waxaa Degmada Afgooye soo gaaray Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo isna kulan kula yeeshay Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda gobalka Banaadir oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada Gobalka Banaadir, isagoo sheegay in Dowladdu u soo guuri doonto Magaalada Muqdisho.

1/1/2007: Waxaa xayiraad lagu soo rogay duulimaadyadii Diyaaradaha ee K/Soomaaliya, gaar ahaan Garoonka Muqdisho, waxa uuna afhayeenkii Dowladda ee xiligaasi C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari) uu sheegay in ulajeedada loo xayiray duulimaadyada ay tahay sidii ay Dowladdu ula socon lahayd waxyaabaha soo galaya ama ka baxaya dalka.

2/1/2007: Waxaa la qabsaday Magaalada Kismaayo, waxaana isla xiligaasi ka baxay Magaalada Kismaayo Sheekh Shariif iyo Mas’uuliyiin kale oo uu hogaaminayey, hase yeeshee maalinkaas subaxnimadeedii ayaa Sheekh waxa uu salaaddii Iidul-Adxaa kula dukatay dadweyne aad u fara badan, waxa uuna ku wargeliyey in la iska difaaco caddowga Itoobiya, waxayna ciidamadii Maxaakiimta u dhaqaaqeen dhanka xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, hase yeeshee ciidamada Itoobiya ayaan ka harin, waxayna dagaal la galeen ciidamada Maxaakiimta, waxayna ciidamada Itoobiya xiligaasi ay garab ka helayeen Diyaaradaha Milatariga Mareykanka duqeyn u gaysanayey ciidankii Maxaaiimta oo iyagu ku jiray Hawd-ka Gudhaa.

4/1/2007: Waxaa Muqdisho soo gaaray Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa Hogaamiyaashii sameystay Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada, waxa uuna Muuse ka yimid wadanka Malaysia oo uu ku noolaa, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey dadweyne fara badan, waxa uuna sheegay in hubkiisa uu ku wareejiyey Dowladda Federaalka.

4/1/2007: Salaad Cali Jeele ayaa ku baaqay in Hubka la wareejiyo, waxaana shacabka Gobalka Banaadir loo qabtay mudo saddex maalmood ah, hase yeeshee Dowladda way ku adkaatay in ay hubkaasi uruuriso, waxayna dadweynaha qaar sheegeen in aysan hubkooda ku wareejin doonin Beel gaar ah.

aididEng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid:Webiyada Jubba iyo Shabeelle waxay ki yimaadaan Itoobiya, waxaana isku dari doonaa xadka labada dal: DHEGEYO

4/1/2007: Xuseen Caydiid ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya xuduudahooda la isku furi doono, isla markaana ay yeelan doonaan hal Baasaboor, hal Ciidan, waxa uuna sheegay in la baabi’iyey xuduudii Soomaaliya ay la lahayd Itoobiya, waxaana arrintaani si weyn uga carooday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood ku muujiyey caradooda banaanbaxyo, hase yeeshee Xuseen Caydiid mar dambe ayuu beeniyey hadalkaasi, isagoo sheegay in uu ula jeeday in Afrika Midowdo.

10/1/2007: Waxaa kulmay C/llaahi Yuusuf iyo C/qaasim Salaad Xasan oo ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira xaaladda Magaalada Muqdisho, waxa uuna C/llaahi Yuusuf sheegay in C/qaasim uu yaya nin Odey ah oo aan looga maarmin arrimaha Gobalka Banaadir, waxa uuna C/qaasim siiyey C/llalahi Yuusuf talooyin ku aadan arrimaha Magaalada Muqdisho.

19/1/2007: Madaafiic ayaa lala beegsaday Villa Somalila, waana markii ugu horeysay oo Villa Somalia lala dhaco Madaafiic tan iyo markii ay Dowladdu soo gaartay Magaalada Muqdisho, waxayna madaafiicdaasi keeneen in Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf uu amaankiisa qalqal galo, waxayna wararka qaar sheegeen in C/llaahi Yuusuf loola carary dhanka Dekedda weyn ee Muqdisho oo ay ku xooganaayeen Ciidamada Itoobiya.

20/1/2007: Maxaabiis u badan Oromo ayaa laga soo dejiyey Garoonka Muqdisho, kuwaa oo ay tiradoodu gaareysay 43 ruux, isla markaana Indhaha iyo Gacmaha ka xiran ayaa laga keenay dalka Kenya, waxaana maalinkii xigay Maxaabiistaasi loo qaaday dalka Itoobiya, waxaana ku jiray Maxaabiis u dhalatay wadamo kale oo aan Oromo aheyn, waxaana arrintaasi si weyn uga carooday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo Dowladda Kenya ku tilmaamay Dowlad u shaqeyneysa caddowga Ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya, sidoo kale Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha ayaa cambaareeyey maxaabiistaasi loo gudbiyey dalka Kenya oo ku tilmaamay mid ka baxsan Sharciyadda Caalamiga ah.

20/1/2007: Max’ed Dheere ayaa 25 Tikniko ah ku wareejiyey Dowladda Federaalka, waxa uuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya la shaqeyn doono Dowladda Federaalka, hase yeeshee hogaamiye kooxeedyo kale oo ay ka mid yihiin Max’ed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi ayaa iyana hubkoodii ku wareejiyey ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaalhi Yuusuf ayaa isna kulamo la yeeshay Hogaamiye kooxeeyadii, isagoo ka dalbaday in ay Dowladda la sha qeeyaan.

30/12/2007: Waxaa la soo gebagabeeyey dagaalkii Ciidamada Mareykanku ka waday Koonfurta Soomaaliya, waxa uuna sheegay Mareykanku wax uu ugu yeeray kooxihii argagixisada ahaa ee ku dhumaaleysanayey Koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee Ciidamada Mareykanku waxay duqeeyeen tuulooyin fara badan oo ay ku dhinteen dad Soomaali ah oo xoolo dhaqato ah, sidoo kalana Diyaaradaha Mareykanku waxay duqeeyaan xoolo fara badan, iyadoo Taleefishinada laga daawanayey Kumanaan Xoolo Soomaaliyeed oo daadsan deegaanadaasi.

February

1/2/2007: Waxaa Nayroobi lagu xiray Xaaji Abuukar Cumar Caddaani, oo ka mid ahaa maalgeliyayaashii Maxaakiimta Islaamiga, waxayna Dowladda Kenya sheegtay in Abuukar la soo taagi doono Maxkamad kadib markii lagu eedeeyey in uu si sharci daro ah ku soo galay, waxaana dhowr jeer Taleefishinada Caalamka la arkay, iyadoo wiilkiisu ku riixayo Gawaarida lagu riixo dadka cuuryaamiinta ah, waxaana la arkayey isagoo ka doodaya Maxkamadda horteeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Kenya ku haysato qalad, waxaase dadaal dheer u galay muslimiinta ku nool dalkaasi Kenya oo aaqirkii ku guuleystay in la siiyo daayo Xaajiga, mar la wareystayna waxa uu sheegy in uu sii wadi doono halganka uu kula jiro ciidamada Itoobiya oo uu sheegay in ay qabsadeen dalka Soomaaliya

6/2/2007: Siyaasiin, Waxgarad iyo Ganacsato ka tirsan Beesha Cayr ayaa Adis-Ababa kulan kula yeelatay Meles Zenawi, waxayna isla soo qaadeen Xaalada Soomaaliya, waxa uuna Meles Zenawi ka codsaday Beesha in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka, hase yeeshee Max’uud Max’ed Culusow oo ah Guddoomiyaha siyaasadda Beesha Cayr ayaa waxa uu sheegay in dhowr shuruudood ay hor dhigeen Meles Zenawi, hase yeeshee shuuradahaasi ma noqon kuwo ay wax ka fuleen.

6/2/2007: C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in uusan la kulmi doonin "Qunyaru Socod iyo Xagjir" toona mar wax laga weydiiyey in uu la kulmayo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna Maxaakiimta Islaamiga ku tilmaamay kooxo argagixiso ah oo aan sinaba Dowladdu ula kulmi Karin, waxaana xiligaasi la hadal hayey in Dowladda Mareykanka dooneyso in ay wada hadal siiso, mas’uuliyiinta Maxaakiimta kuwooda qunyaru socodka ah iyo Dowladda Federaalka.

7/2/2007: Cali Max’ed Geedi ayaa isku shaadheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, waxaana isku shaadheyntaasi xilalkoodii ku waayey Wasiiro fara badan oo uu ka mid ahaa Wasiirkii Caafimaadka C/casiis Sheekh Yuusuf oo ay si aad ah isugu dhawaayeen C/llaahi Yuusuf, waxaana lagu bedelay gabar ay C/casiis si aad ah isugu dhaw yihiin oo lagu magacaabo Qamar Aadan Cumar.

8/2/2007: Sheekh Shariif ayaa Kenya iska dhiibay, iyadoo mudo la hadal hayey in Sheekh Shariif uu ku sugan gudaha dalka Kenya, hase yeeshee Sheekh Shariif waxa uu beeniyey in isku dhiibay ciidamada wadanka Kenya, hase yeeshee safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ayaa waxa uu sheegay in Sheekh Shariif lagu hayo meel gaar ah sida ugu dhaqsiyaha baddana kulan ula yeelan doonaan.

9/2/2007: Ciidamada Itoobiya ayaa ka soo baxay Kismaayo oo ay mudo bil iyo dhowr ku sugnaa, waxayna weeraro kaga imaanayeen kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxayna markii dambe Ciidamada Itoobiya isugu soo uruureen Degmada Jilib, waxaana Kismaayo la wareegay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu hogaaminayey Taliyaha Guutada Koowaad Col. C/risaaq Af-guduud.

10/2/2007: Bam ayaa lagu qarxiyey Saraakiil ku sugnaa Kismaayo, waxaana dhaawacyo ka soo gaareen Saraakiil u badneed Beesha Mareexaan, hase yeeshee kulan ay isugu yimaadeen Odoyaasha Mareexaan waxay bamkaasi ku eedeeyeen in uu ka dambeeyey Col. C/risaaq Afguduud, isla markaana laga soo maleegay Magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiishii ku dhaawacantay loo qaaday Magaalada Adis-Ababa.

11/2/2007: Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa galay Dugsi Qur’aan oo ku yaala Xaafadda Buula-Xuubay, waxayna halkaasi ka wateen Macallinkii Dugsi Qur’aanka, waxaana arrintaani si weyn uga carooday dadweynaha deegaanka oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay wadaan falal ka dhan ah Diinta Islaamka.

12/2/2007: Waxaa la furay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka -VOA, oo ah Idaacad ku hadashada Af-Soomaaliga, waxayna wareysigii ugu horeeyey la yeelatay Madaxweynaha Dowladda Federalka C/llaahi Yuusuf oo la weydiiyey sida uu arko Idaacadda, waxa uuna yiri "Haddii aysan noqoneyn sida BBC-da waan soo dhaweynayaa"

13/2/2007: Waxaa Baydhabo soo gaaray Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Siyuum Musfin oo xiligaasi u yimid sidii uu u dhameyn lahaa khilaafyo yar yar oo u dhexeeyey Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo iyagu isku haystay arrimo la xiriir dhinaca maamulka, waxaana madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu aqbaleen talooyinkii uu u soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

14/2/2007: Sheekh Shariif ayaa Magaalada Sanca ee dalka Yemen kula kulmay Xubno Maxaakiimta ka tirsan, waxayna isla soo qaaday Xaaladda dalka, waxa uuna Sheekh Shariif safarkii dhulka ahaa ee uu ku tagay dalka Kenya, waxa uuna mar kale ku celiyey in ay sii wadi doonaan dagaalka inta ciidamada Itoobiya ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana xiligaasi burburay qorshe ay waday Dowladd Mareykanka ee ahaa in ay kulansiiyo Sheekh Shariif iyo Madaxda Dowladda.

15/2/2007: Gacma Dheere oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ku saxsan yihiin in ay madaafiic ku garaacaan Magaalada Muqdisho, taasina waxay ka careysiisay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalad Muqdisho oo ku tilmaamay Gacma Dheere mid aan ka naxeyn Bulshada Soomaaliyeed.

15/2/2007: Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xasuuq lagu hayey Oromada qaxootiga ku ah Magaalada Muqdisho kadib markii ay soo ifbaxeen dilal fara badan oo ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka kula kaceen Oromada Muqdisho ku nooleed, isla markaana qaarkood gacanta loo geliyey taliska Dowladda Itoobiya.

24/2/2007: Sheekh Shariif oo qadka Taleefanka kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland oo xilgaasi isugu timid klan balaaran, waxa uuna mar kale kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan sidii ay dhaqaale ugu bixinlahaayeen sidii dalka looga saari lahaa ciidamada Itoobiya oo uu sheegay in ay dalka ka wadaan Xasuuq baahsan, Barakicin iyo Kufsi.

27/2/2007: Waxaa Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday K/Afrika, oo isgoo u yimid sidii uu wax uga ogaan lahaa xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, maadaama Dowladda Koonfur Afrika lagu tirinayey dowladaha doonaya inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya, hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda ee K/ Afrika ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba Soomaaliya u diri doonin ciidamo, tan iyo inta ay iska bedeleyso xaaladda Soomaliy...

Akhri Qaybta 2aad....

W/DAmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com