SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXAABADA

Qore: Ibrahim Salah Aden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Odense| Denmark


CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA’I
"ADIGU WAAD RUMEYSAY MARKII AY DADKII GAALOOBEEN, ADIGU WAAD GAROWSATAY MARKII AY DADKII INKIREEN, ADIGU WAAD OOFISAY MARKII AY DADKII BALLANTA KA BAXEEN, ADIGU WAAD SOO JEESATAY MARKII AY DADKII CARAREEN" (CUMAR BINU KHADDAAB)

(11)

Caddiyyu oo boqor ah, welibana aan islaamin: 

Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa waxaa diinta Islaamka u hoggaansamay boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka dib markii uu in fara badan ka biyo diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib markuu madax adeyg iyo ka jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw) siiyay oggolaansho buuxda, ka dib diidmo dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa Caddiyyu Ibnu Xaatim ee qabiilkiisu reer”ddaa’i-ga” ahaa kaasoo looga tusaalo qaato deeqsinimada aabihiis.

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu boqortooyada ka dhaxlay aabihiis, reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u caleemo saareen, sidaa darteed maalka ay tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw) la jahray dacwadii hanuunka iyo xaqa, carabtiina ay Nebiga u hoggaansatay jilibba-jilib dabadii ayaa wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u arkay dacwada Rasuulka mid khatar gelinaysa madaxtinimada iyo boqortooyadiisa. 

Sidaa darteed wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u qaaday Rasuulka cadaawad aad u daran, iyadoo uu weliba uusan garan Rasuulka. Wuxuu xaaladdaas cadaawadeed ku sugnaa muddo gaareysa labaatan sanno, jeer uu markii danbe Alle (sw) laabtiisa ku waasiciyo nuurka iyo iftiinka hanuunka Islaamka. Haddaba, islaamidda uu soo islaamay Caddiyyu waxaa ku dhex jirta sheeko aan marnaba la illoobi karin. Aan marka isaga u deyno si uu noogu sii dhiraan-dhiriyo dhammeystirka sheekadiisa, maxaa yeelay isagaa ku habboon inuu sheekada weriyo.

 Naceybkii Caddiyyu ee uu qabay Rasuulka:

Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu yiri: Ma jrin qof iga necbaa Rasuulka ka dib markaan maqlay. Waxaan ahaa nin ay dadkiisa maamuusaan, sidoo kalena waxaan ahaa nin kirishtaan (gaal ah) ah. 

Waxaan ahaa nin tolkiisa ku dhex nool, oo xoolaha ay tolkiisu ka soo helaan dagaallada afar meelood meel ayaan ku lahaa, sidii ay sameyn jiraynba boqorrada carbeed. Hase ahaatee, markaan maqlay Nebi Muxammad waan la coleeytamay oo waan dhibsaday, laakiin markay arrintiisu bannaanka timid, awooddiisana ay fidday ayna bilaabeen ciidamadiisa iyo ilaaladiisa daggaalka in ay ku fideen barriga iyo galbeedka dalalka carabta ayaa waxaan ku iri wiil adeegahayga ahaa oo geellayga ii raaci jiray: ”waxaad ii diyaarisaa neefaf geel oo goolal (cayilan) ah oo weliba hayin ah, waxaadna iigu xirtaa meel ii dhow. Haddaad maqashid ciidamada ama ilaalada Muxammad oo yimid magaalada durbadiiba ii sheeg”.

Goor subax barqin ah ayaa waxaa xaggeyga soo aaday wiilkii shaqaalahayga ahaa, isagoo igu leh: ”wixii aad damacsanayd inaad sameyso haddii ay magaaladaada soo galaan fardihii iyo ciidankii Muxammad hadda sameey”. Waxaan ku iri: ”hooyadaa gablante’e maxaa dhacay?!”. Wuxuu yiri: ”waxaan arkay calamo daaf-wareegaya guryaha, markaan weydiiyay cidda ay yihiinna waxaa la igu yiri waa ciidankii Muxammad”. Waxaan ku iri, haddaba waxaad ii soo diyaarisaa geelii aan horey kuu faray”.

Isla saacaddiiba waan kacay, waxaan faray ehelkayga iyo caruurtaydaba in laga guuro dalkii aan weliggeen jeclayn. Waxaan billaabay inaan socod-boobo, anniga oo weliba ku socda dhinaca gobolka Shaam si aan u haleelo dadka aan isku diinta ahayn oo aan iyaga la deggo.

Waxaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn: 

Arrinkii qaxa waxay iga deddejisay inaan raad-goobo dhammaan ehelkayga. Markaan dhaafnay meelihii khatarta lahayd ayaa waxaan isha mariyay ehelkaygii, waxaana ogaaday inaan ka soo tagay gabar aynu walaalo ahayn, iyadoo aan uga soo tagnay meeshii la oran jiray: ”NAJD”. Suurto gal iima ahayn inaan iyada u laabto, waan sii soconnay ilaa aan ka nimid dhulkii Shaam, halkiina ayaan iskala deggay dadkii aynu isku diinta ahayn. Hase yeeshee walaashay waxaa qabsaday wixii aan uga cabsanayay.

Anniga oo jooga Shaam ayaa waxaa i soo gaaray warar sheegaya in fardihii ciidamada Muxammad ay weerareen guryaheena , isla mar ahaantaana ay kaxeesteen dad ay ku jirto walaashay, iyadoo loo sii waday magaalada Madiina. 

Naxariista Nebiga ee dumarka:

 Gabadhii aan waalaalaha aynu ahayn waxaa lagu daray dadkii la soo qabqabtay, iyagoo la dejiyay meel u dhow iridka masjidka. Waxaa meeshii soo maray Nebiga (scw), gabadhii markay aragtay Nebiga ayaa waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay wuu dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka ayaa ku yiri: ”waa kuma walaalkaa?”. Waxay tiri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Rasuulka: ”Ma kii Alle iyo Rasuulkiisa ka cararay baa?!”, intaa ka dib wuu isaga tagay Rasuulka. 

Maalintii danbe ayaa waxaa haddana soo maray Rasuulka, waxayna ku tiri hadalkeedii hore oo kale, sidii oo kale ayuuna Rasuulka ugu jawaabayay. 

Maalintii saddexaad ayaa Rasuulkii soo maray, goor ay gabadhiina Nebiga ka quusatay. Hase yeeshee nin meesha fadhiyay ayaa gabadhii ku yiri, orodoo u istaag oo la hadal Nebiga, markaas ayeey istaagtay oo mar kale ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay waa dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”. Rasuulka (scw) ayaa si naxariis ku jirta u yiri: ”waan falay” (macnaha dalabkaaga waan aqbalay).

 Gabadhii ayaa Rasuulka ku tiri: haddaba, waxaan doonayaa inaan haleelo ehelkayga jooga Shaam”. Wuxuu yiri: ”laakiin socdaalka ha ku degdegin jeer aad ka hesho cid tolkaaga ah oo aad ku kalsoon tahay si ay kuu gaarsiiyaan Shaam, sidaa darteed haddaad heshid cid aad ku kalsoon tahay ila soo socodsii”. Markii uu damcay Rasuulka inuu dhaqaaqo, ayaa waxay gabadhii weydiisay ninkii u sheegay inay Rasuulka la hadasho, waxaana lagu yiri wuxuu ahaa Cali Binu Abii Dhaalib. 

Magaaladii Madiina ayeey iska degganayd jeer ay maalintii danbe ay magaalada yimaadaan koox socoto ah oo ay ku kalsoon tahay, kolkaasna waxay u timid Rasuulka (scw) oo waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow waxaan helay dad socoto ah oo tolkayga ka mid ah oo aan weliba ku kalsoonahay kuwaasoo i gaarsiinaya magaaladii ay joogeen ehelkayga. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay codsigeedii, isagoo arad-bixiyay, wuxuu kaloo siiyay neef geel ah oo ay ku safarto, dhinaca kalena wuxuu siiyay nafaqo ku filan inta ay safarka ku jirto. Gabadhii waxay raacdey dadkii socdaalka ahaa.

Caddiyyu wuxuu yiri: Intaa ka dib waxaan billawnay inaan raadinno wararka gabadha, iyadoo aan sugayno imaanshaheeda, innagoo weliba aan sigayno inaan rumeysano wixii naga soo gaarey ixsaankii Muxammad iyo asxaabtiisa ay u galeen walaashay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan dhex fadhiyay ehelkayga markii aan arkay haween saaran gurada awrta ayna xaggeena u soo socoto. Waxaan is iri: ma ina Xaatim baa, alla waa iyadii ayaan is iri markaan hubsaday inay iyada tahay.

Markay na dul-istaagtay oo noo timid, waxay ugula hormartay oraahdan: ”ma kii raxim-gooska ahaa ee daalimka ahaa miyaa, waxaad soo wadatay xaaskaagii iyo caruurtaada, waxaadna ka soo tagtay walaalahaaga tii ugu yareyd (waa iyada)”. 

Waxaan ku iri, walaaleey waxaan kheyr ahayn ha oran, waxaan bilaabay inaan sasabo oo aan raalli geliyo ilaa ay ka raalli noqotay, ayna iiga sheekeesay wixii ay la kulantay. Wararkii ay sheegtay waa wararkii aan hore u maqalay, waxaana ku iri -waxay ahayd gabar caqli badan lehna go’aan adag-: ”maxaad ka leedahay arrinka ninkan (wuxuu ka wadaa Nebi Muxammad scw).

Waxay tiri: ”wallaahi waxaan arkaa inaad sida ugu dhaqsaha badan aad u haleesho, hadduu Nebi yahay waa kii loo degdegi lahaa fadligiisa, hadduuse boqor yahay agtiisa dulli marnaba kuma noqonaysid”.

 Waxyaabihii saameeyay islaamka Caddiyyi Ibnu Xaatim:

Caddiyyu wuxuu yiri: waxaan u diyaar garoobay safar, annigoo u kicitimay magaalada Madiina, waxaana u soo galay Rasuulka (scw), waxaana hore aan u maqlay inuu yiri: waxaan rajeynayaa inuu Ilaah gacantayda ku dhigo gacanta Caddiyyi, waan salaamay isagoo ku jira masjidka. Wuxuu yiri: ”waa kuma?”. Waxaan iri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Wuu ii soo istaagay, ka dibna wuxuu i qabtay gacanta isagoo ii kaxeeyay gurigiisa. 

Wallaahi ayaan ku dhaartaye wuu i sii waday jeer uu waddada kula kulmay haweeney tabardaran oo weliba waayeel ah, waxayna la socotay wiil yar. Haweentii waxay istaajisay Nebiga, waxayna billowday inay kala hadasho danaheeda, wuu la istaagnaa ilaa uu u dhammeeyo danaheeda. Naftayda ayaa waxaan ku iri: ”Wallaahi kani boqor ma ahan”. 

Gacanta ayuu haddana i qabtay ilaa aan ka nimid gurigiisa. Wuxuu soo qaaday barkin ka sameysan harag, isagoo xaggeyga ku soo tuuray iguna leh: ku fariiso”. Intaan ka xishooday baa waxaan ku iri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Wuxuu yiri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Markaas ka dib ayaa waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) oo waan ku fariistay, halka uu isaga fariistay dhulka, sababtoo ah guriga ma lahayn waxaan ka ahayn barkintaas. Naftayda ayaan markale ku iri: Arrintani iyo boqornimo kala dheer”.

Intaa dabadeed xaggeyga ayuu soo milicsaday, wuxuuna igu yiri: ”Caddiyyiyoow, miyaadan ahayn nin Rukuusi oo diin ka dhigta diinta kiristaanka iyo diinta Saabi’iyada?”. Waxaan iri: ”haa oo waa runtaa”. Wuxuu yiri, miyaadan ahayn nin tolkaaga ka qaata afar meelood meel (maalka ay dagaalka ka soo dhacaan), taasoo aynan diintaada kuu banneynin?”. Waxaan iri: ”haa”, iyadoo aan garowsaday inuu yahay Nebi xagga Rabbi laga soo diray. 

Wuxuu haddana igu yiri (Nebigu): 

  • ”Waxaa laga yaabaa Caddiyyiyoow, inay kaa reebayso inaad diinta soo gasho waxa aad aragto ee fuqurada muslimiinta ah, Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay in maalkii uu daaddaato muslimiinta dhexdooda jeer laga waayo cid qaadata.

     

  • Ma waxaa laga yaabaa –Caddiyyiyoow– inay kaa reebayso inaad diinta Islaamka soo gasho waxa aad aragto oo ah tirada yar ee muslimiinta iyo cadoowgooda oo badan, wallaahi waxay u dhowdahay inaad maqasho haweeneey ka safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda jeer ay ka soo booqato gurigan (kacbada-Makka) iyadoo aynan cidna ka cabsanaynin aan ka ahayn Ilaah. 

     

  • Waxaa laga yaabaa inay kaa reebayso inaad soo gasho diinta Islaamka aragtida aad aragto boqortooyada iyo awoodda oo ay gacanta ugu jiraan gaalada, Ilaah ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay inaad maqasho daarihii cad-caddaa ee dhulka Baabil (magaalo ku taalla Ciraaq) oo ay furtaan muslimiinta, keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuzna ay iyaga la wareegeen”.

Waxaan iri: ”Ma boqorkii Kisraa Binu Hurmuz!?”. Wuxuu yiri: ”haa keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuz”. Caddiyyu ayaa yiri: ”markay arrintu halkaas marayso ayaa waxaan qiray shahaadadii xaqa, waana islaamay”.

Caddiyyu Ibnu Xaatim Ilaah ha ka raalli noqdee wuu cumriyay oo wuxuu noqday waayeel, wuxuuna oran jiray: ”waxaan xaqiijiyay labo ka mid ah waxyaabihii uu Nebiga sii sheegay, waxaase ii hartay hal qayb, wallaahi ayaana ku dhaartaye taasna waa tii timaaddo”.

Caddiyyu wuxuu yiri, waxaan arkay gabadhii oo ka soo safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda welibana ayna cabsanaynin ilaa ay ka timaaddo magaalada Makka. Dhinaca kale annigaaba ka mid ahaa fardoollaydii ugu horeeyay ee weerartay, qaadatayna keydihii boqorka Kisraa. Waxaan ku dhaaranayaa inuu yabooha saddexeadna imaanayo. 

Caddiyyu wuxuu yiri: Wuxuu Ilaah doonay inuu xaqiijiyo oraahdii Nebigiisa naxariisyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxayna dhacday yaboohii saddexaad xilligii khilaafadii zaahidka caabidka Cumar Binu Cabdul-caziiz, markii maalkii meel la kala geeyo la waayey jeer laga arko nin ku dhawaaqaya: ”yaa ii imaanaya oo iga qaadanaya maalkii zakada oo cidna ayna imaanaynin” (xilligan waxaa xilligii dowladdii Cumar Binu Cabdul-caziiz, waxaa la yiraahdaa inuu dowladdiisa soo saaray qaraaro fara badan oo uu ku kafaalo qaadayo ummadda gaar ahaan fuqurada iyo dadka aan waxna haysan., sida qofkii doonaya inuu guursado isla markaasna aan haysan hanti uu ku guursado inuu maalkaas ka heli karo sanduuqa dowladda, sidoo kalena ciddii lagu leeyahay deyn isla markaasna aan awoodin inay iska bixiso in sanduuqa dowladda uu ka heli karo iwm. 

Haddaba, waxaa is weydiin leh maxaa muslimiinta maanta ka dhigay mujtamaca ugu liita dunida marka laga fiiriyo xagga dhaqaalaha, amniga, difaaca, siyaasadda iwm, taasi way iska caddahay waa markii ay ka jeesteen ku dhaqanka diintoodii Islaamka kuna dhisan sinnaanta & caddaaladda, dhinaca kalena ahna diin taabanaysa guud ahaan qaybaha nolosha). 

Nebi Muxammad (scw) waa ka run sheegay hadalladii uu yiri, Caddiyyi Ibnu Xaatimna wuu meel mariyay dhaartiisii. 

Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariista dhammaan asxaabta Rasuulka oo uu ka mid yahay Caddiyyi Ibnu xaatim.

###

Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email: ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Daabacaad:
October 18, 2000

CASHARKA HORE

CASHARKA XIGA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SAXAABADII RASUULKA
SOO BOOQO



HTML CD