SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

Gabar Soomaaliyeed oo Laga Raadinayo Webiga Mississipi ee Dhexmara Minneapolis

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota, USA | May 11, 2006

Booliska magaalada Minneapolis ayaa ku raad jooga sidii ay u ogaan lahayeen in gabar Soomaaliyeed laga tuuray buundo dul marta webiga Mississipi ee dhex mara magaalada Minneapolis iyo in ay ayadu iska tuurtay, maadaama markii ugu war dambeysey lagu arkay buundada marta wadada Washinton Ave, sidaas waxaa warka ku bilaabay telefishanka Channel 5.

Sudi Abdi oo 26-jir ah waxa ay ka qalin jebisey St. Thomas University , waxana ay hadda ahayd ardayad dhigata Jaamacadda New York University kana barata caafimaadka, waxaana looga cabsi qabaa in ay dhimatay kaddib markii ay boolisku telefoon ka heleen qof buundada marayey 3:00 a.m. subaxnimadii hore ee Talaadada.

Qoyska gabadha iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa booliska ka caawinayey baadi goobka gabadha laga raadinayo webiga. Waxa keliya oo ilaa hadda la helay waa kabo looga tuhun qabo in ay yihiin kuweedii.

"Waxaan isku deyeynaa in aan helo sida ugu dhaqsaha badan, waxaana u bahanahay caawinaad, waxaana cawinaada ugu baahananay si degdeg ah" sidaas waxaa yiri Osman Abdulle, oo u waramayey Telefishanka Chaneel 5 ee magaalada Minneapolis.

Bill Chandler oo ah sarkaal boolis ah ayaa sheegay in aad loo raadinayo gabadhan Soomaaliyeed.

Warku waxa uu sheegay in biyaha webigu ay ku socdaan xawaare sare.

Gabadha walaalkeed waxa uu sheegay in Isniintii ay timid Minneapolis, kaddib markii ay ka soo duushay New York dhib ay halkaas kala kulantay awgeed.

Boolisku waxay sheegeen in aysan cidna tuhun sanayn, laakiin arrinta uguma yeerin in ay is dishey.

UPDATE: Shan iyo toban cisho ka dib ayaa meydka marxuumad Sudi Abdi laga helay webiga Mississippi, waxaana lagu aasay Minneapolis. (Tacsida Hoos ka akhri)

VIDEO: Halkan ka daawo warka raadinta Gabadha... GUJI...

Isha: http://kstp.dayport.com/


Minneapolis: Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Tacsi u diray Qoyskii ay ka geeriyootey Sucdi Cabdille Cusmaan

TACSI :  

Cabdirisaaq,  Cabdinaasir, Cabdiwaaxid, Cabdiqafaar iyo Cabdiwahaab Xaaji Xuseen, iyo dhammaan qoyska Reer Xaaji Xuseen waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii ay ka geeriyootay Alla-u-naxariisey Sucdi Cabdille Cusmaan (Dayuurad), siiba waalidkeed  - Cabdille Cusmaan (Dayuurad) iyo Asli Sugulle Cali Dafle iyo walaalaheed iyo ehelada kale ee marxuumadda. 

Geeridu waa xaq, laakiin waxaa jirta mid aan sahal looga samri karin. Sucdi Cabdille waxay ku dhalatay magaalada Galdogob, oo kamida gobalka Mudug (Soomaaliaya). Waxayse ku kortay Caasimadda Muqdisho. Waxay ka kamid ahayd dadkii dibedda u qaxay oo soo galay dalka Mareykanka. Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Minnesota University ee magaalada Minneapolis. Dabadeed waxay isku qortay laantaTakhtarnimada (medicine), taasoo ay dhigatay sannadkii ugu horreeyey. Sucdii mar kasta heer sare ay kaga jirte waxbarashada. Si lama filaan ah ayaa Sucdi u geeriyootay. Dhamaan dadkii, siiba eheladii iyo dhallintii ay si gaar ah u yaqiin, waxay  Sucdi ku sifeeyeen inay ahayd: “mid la’is tusay iyo mid aan la calfanayn”. Iyadoo aan loo firiin Sucdi xaghee ku dhalatay iyo yay u dhalatay toona, dhammaan Soomaalida ku nool magalaada Minneapolis iyo agagaarkeed waxay isku si uga xumaadeen oo uga tiiraanyoodeen geerida lama filaanka ah ee Sucdi Cabdille. Waxaan Ilaah uga baryeynnaa Sucdi in hooygeeda uu ka dhigu Jannatul Firdows, Annagoo dhanna, siiba waalidkeed iyo walaalaheed, in samir iyo iimaan naga siiyo. Aammiin.  

Sucdi Cabdille Cusmaan | hussen100@yahoo.com | Mpls, MN, USA

TACSI 

Waxaa may, 24 2006, lugu duugay qubuuraha  muslimiita ee magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis  Minnesota  north ameraca . SUCDI  MAXAMED CABDULLE (DAYUURAD) ALLAHA NAXARIISTEE JANNO KAWARAABIYO.

Sucdi waxay ku dhalatay Somalia magaalada GALKACYO sanadkii 1980. waxay timid  USE 1992 iyada oo toban sano jirtay. Waxay dhamaan iskuulkeeda ku dhamaysatay heer sare waxay naqatay gabadhiihii ugu sareeyay ee 1999. waxay hashay deeq waxbarasho waxayna ka dooratay jaamacadda gobolka minneapilis minnesota dabadeed waxay ubadalatay jaamacadd S. THOMAS UNIVERSITY. WAXAYNA KA QALIN JEBISAY 2004. WAXAYNA JAAMACAD U AADAY MAGAALADDA NEW YORK, HOFSRA UNIVERSITY. WAXAY SUDI BARANAYSAY CAAFIMAADKA WAXAYNA AHEED GABDHAHA UGU FIRFIRCOON DHANICA WAXBARASHADDA. HADABA WAXAA LOOGA TACSIYADAYNAYAA EHELADDII IYO KHARAABADDII AY KAGEERIYOOTAY  SUDI MAXAMED CABDULLE OO KALE AH. 

  • HOOYO: ASLI SUGULLE

  • AABBE: MAXAMED CABDULLE (DAYUURAD)

  • CUSMAAN MAXAMED CABDULLE

  • SHAFIC MAXAMED CABDULLE

  • FARXIYO MAXAMED CABDULLE

  • FARNUUN MAXAMED CABDULLE

  • HAMDI MAXAMED CABDULLE

  • SHUKRI NUUR FAARAX

  • AAMINO NUUR FARAX

WAXAA HALKAN TACSI KA DIRAYA

  • ABDIRISAAQ HAJI XUSSEEN

  • ABDIQAFAAR HAJI XUSSEEN

  • Dr  OMAR ARTAN SALAH

  • Dr’s LUUL XASSAN LAARI

  • Dr’s MARYAN ABDISAMAD

  • Dr AXMED ROBLE

  • Dr FUAAD

  • Dr FOOSI

  • D JAMAL ABDI OMAR

  • FURTUN

  • LAYLA ALI DAAHIR

  • HALIMO SACDIYO

  • NUURO JURU JUR

  • XAWO XAJI XASSAN

  • FAADUMO TIMACAD

  • XAWO

  • ARDO

  • WARSAN GAAYACO

  • XAWO AYEEYO

  • ARDO WALIYO

  • HADAN CARUUS

  • IYO DHAMAAN SOMALI MEDIA ZAKARIA ADEN IYO ABDIMALIK ASKER.

  • SOMALIA WOMEN CIVIL WAR SURVIVALS

Waxaa soo tebiyey Zakaria | zakihaji@yahoo.com

 


AKHRI: SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA:::::

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD