SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley K/afrika iyo xiisad ka taagan dad qaxooti ah oo la tarxiilayo.

Maxamed deeq Cumar Ibraahim, ayaa noqdey qofkii ugu dambeeyey ee Soomaaliyeed ee naftiisa ku waaya dambiyada buuraha sii fananaya ee dalkani halakeeyey, xalayto isagoo taagan illinka dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yiiley tuulo ku taala duleedka magaalada macdanta , dahabka iyo maarta laga qodo ee Rusternburg,gobolka waqooyi galbeedka ee dalka, ayaa sida uu Frontier Fm u sheeqey c/raxmaan Muumin Maxamed oo isagu goobta gaaray, ugu horeyn marxuumka waxa ay xabbada ka haleeshay gacanta, kadib waa uu cararay, balse dhowr xababood ayaa dhabarka lagala haleeley, dhaawicii xabadaha ayuu daqiiqado kadib ugu geeriyoodey rug caafimaad oo lagu dhayayey.

Kooxda falka geeysatay ayaa markiiba goobta ka baxsaday, mana jirin wax hanti ah oo eey ka dhaceen goobta ganacsiga ah, laakiin waxaa la sheegey in muddo todobaad ka hor eey jirtey in rag tuugo ah oo hubeysan ey dukaanka usoo dhaceen, kuwaasoo marxuumka dhintey uu qorigii la qabsaday, kolkii dambane ay meesha ka carareen kadib markii ay xabaduhu ka katibeen, dhacdadaasi ayaa dadka qaar leeyihiin waa laga yaabaa in eey sabab u tahay dilka muwaadhinka Soomaaliyeed.

Maxamed Deeq, waa 25 jir, waalidkiisa iyo qaraabadiisa ka sokow ifka waxa uu oga tagay xaaskiisa oo aan wali u curan, sida ay qaraabada marxuumka ii sheegeen, xaaska waxa ay ku nooshahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Salaadii duhur kadib ayaa lagu aasay qabuuraha islaamka ee Rustenburg.

Dhanka kale waxaa taagan xiisad iyo muran xoog leh, oo hareerey xarooyinka lagu xareeyey dadka qaxootiga ah ee ku barokacay rabshidii dhawaanta dalka ka dhacay, tani ayaa timid markii darsano ciidanka Police-ka ay kolonyo gawaari ah geeyeen xerooyinka si loogu daad gureeyo boqolaal qaxooti ah oo dalka laga tarxiilayo, dadkani ayaa diidey in ey dowolada diiwaan galiso, iyagoo ka cabsi qaba in aqoonsiyadooda dalku jooga ah laga kansalo, dowlada ayaa sheegtey in dadka diidey in la diiwaan galiyo eey tahay in dalalkoodii dib loogu celiyo, kuwa ogolaaday diiwana galintana dowladu waxay dib ugu celinaysaa goobohii ay kazoo barakaceen,halkaas oo dadka qaxootiga ay sheegayaan in eeysan ku amaan heli doonin , mar haddii markii horaba xoog lagu soo barokiciyey.

Dilkani muwaadhinka Soomaaliyeed ayaana tusaale cad ah u ah baqdinta ay qabaan kumanaanka qaxootiga ah ee labbada daran la kala dooansiiyey.

Illaa 7 xero ayaa dalka ku taala, Soomaalida xeryaha ay ku jiraan wali tarxiilka kuma uusan bilaaban, laakiin warar isoo gaaray ayaa sheegaya in boqolaal Soomaali ah iyo jinsiyo kale ah in eey diidanyihiin in la diiwan galiyo,xerooyinka ay ku jiraan waxaa ka mid ah, xerad Aksia oo ku taala waqooyiga Pretoria, iyo xerada Suetwater lagu oo ku taala Marajal baxreyn (meesha ay baddaha isaga darsamaan).ee magaalada loo tamashlo tago ee Cape Town.

Go’aanka dowlada ee kama dambeysta ah ayaa ah in eeysan xerooyinkan sii furnaan doonin, todobaadyo gudahoodna lagu xirro doono, laakiin dooda taagan ayaa ah “side dowladu u sugaysaa amaanka qaxootiga lagu celinayo meelihii laga soo barokiciyey?”, laakiin jawaabta aan dowliga aheyn ee qofka isugu jawaabi karro ayaa ah “dowlada shacabkeedii badbaadin weeysey, ee sanadkiiba 19kun oo qof dambiyada dartood loo dilo, side ayay u damaanad qaadaysaa nabadgalyada dad muhaajiriin ah ee aaban la jecleyn?”.

C/naasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo) , Johannesburg,South Africa.
Email: saxansoxo1@hotmail.com

 

axmedWaraysi: Sh. Axmed Maxamud, Xoghayaha guud ee ururka Albayaan ee Koonfur Afrika
iyo Bandhig carwo cunto karin ah oo lagu qabtay Johannesburg, taas oo lacago deeq ah loogu aruurinayo mashruuc indho fiiqid ah oo Soomaaliya laga fulinayo.. Akhri... July 14

 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 23, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS