SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Koonfur Afrika Mid kalena lagu dhawaacey.

Xaley abaarihii Fiidkii ayaa waxa kooxo ku hubeysan qoryo fudfudud ay toogasho ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kusugan goobtii uu ku ganacsanaayey oo ku taala Magaalo yar oo la yiraahdo Springs oo u jirta 30km Magaalada Johannesburg Dalkaani Koonfur Afrika.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Salaad Maxamed Ciise halka midka dhaawacmay la igu sheegey magaciisa Cabdiraxmaan, kadib dhacdaani foosha xun ayaa waxaa goobta soo gaaray Dhalinyaro Soomaali kale oo iyagu teleefoon looogu sheegay dhacdadaani waxa ayna durbadii goobta ka qaadeen wiilkii dhaawaca ahaa waxa ayna ula carareen isbitaal ka mid ah Isbitaalada Johannesbrug kaas oo xilliganba lagu dabiibayo.

Falkaani ayaa waxaa la igu sheegey inuu sababay ka dib markii uu ku dhintey Nin deegaanka ahaa Duhurnimadii hore ee Shalay Saacadu markay ahayd 11:00 Xiligi Koonfur Afrika, iska hor imaad dhax marey niman burcad ah oo doonayay inay dhac u gaystaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsanayay Xafad la dhaho Holomisa oo ka mid ah Magaalada Springs, ka dibna Nimankii Burcada ahaa ayaa waxay kala Kulmeen Iska Caabin Xoogan Sidaasna uu ku dhintey ninka mid ahaa Dadka Deegaanka.

Dilka ninka deegaanka ah ka dib ayaa waxay dadkii deegaanka ahaa soo qaadeen wareer qorsheysan oo ahaa mid aargoosi ah sidaasna uu ku dhacey dilka Salaad Maxamed Ciise oo ah Muwaadin soomaaliyeed oo ka ganacsanayay Goobtiisa iyo sidoo kale ay dhawac uu ku soo gaarey Muwaadin kale oo la igu sheegey Magaciisa Cabdiraxmaan oo hada isagu Lagu dabiibayo isbitaal ka mid ah Isbitaalada Magaalada Johannesbrug ee dalkaani Koonfur Afrika.

Ciidamada booliska wadanka Koonfur Afrika ayaa soo gaaray goobta uu falkaani ka dhacay iyagoo baaritaano kala duwan ka sameeyay goobtaasi balse aan ku guulaysan in ay gacanta kusoo dhigaan burcadii falkaani sababteeda lahayd waxaana ciidamada amaanka ee dalka koofur africa lagu yaqanaa ama caado u ah in ay baaritaano oo kaliya sameeyaan balse aysan gacanta ku soo dhigin kooxaha dilalka kala duwan ka geysta tuulooyinka wadanka Koonfur Afrika oo ay u badan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee ka xamaasha dalkaani Koonfur Afrika tuulooyinkaasi.

Si Kastaba ha ahaatee Dalka Koonfurta Afrika ayaa noqdey gawaan lagu gawraco Soomaalida u soo nolol raadsatey Dalkaani. arintan ayaa u muuqata waayadaan danbe mid fara ka siibaxaysa Dawladda Koonfurta Afrika oo iyadu hada ku jirta abaabul xoogan oo ah dhinaca dooarashada xilka madaxwayninimada midaas oo ay axsaabta dalkaani ay isku garbinayaan ayaa la dhihi karaa waxay u muuqata mid dawladu faraha ka laabatay wax ka qabashada dhibka lagu hayo dadka qaxootiga ah ee ku nool Koonfur Afrika.

Isku soo wada duube waxaa sii xoogaysana ugaarsiga lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeesta wadankaani Koonfur Afrika iyada oo Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika (SASA) ay u diiwaan gashan tahay Soomaali badan oo lagu dilay dalkan.

Dilku kuma koobna Soomaalida kaliya ee waa dhibaato wayn oo haysata dalkan oo dhan. Waxay Koonfur Afrika ka mid tahay dalalaka aduunka ugu dilka iyo dhaca badan marka laga reebo dalalka ku jira xaaladaha dagaal sida Soomaaliya oo kale.


Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za
Johannesburg
Koonfur Afrika

Akhri: Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha...

:::Faallo:Koonfurta Afrikaay Ileyn Birimageyday Dileen!!!!!

Faafin: SomaliTalk.com |  Jan 27, 2009

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS