SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBE

Dab ka kacay Dhimse uu ku yaalo masjid eey Soomli leedahay, Cape Town oo qofna uu ku dhintey , labbo kalena eey ku dhawacmeen - Apr 19, 2008.

Sawirada halkan ka daawo....

Hal qof ayaa ku dhintey labo kalana waa eey ku dhaawacmeen dab ka kacay dhisme labbo dabaq ah oo gancsiyo waawey eey ku leedahay Soomaalidu, kuna yaalo masjidka kaliya ee Soomaalidu ku leedahay Cape Town.

Dhismaha ayaa ku yaala Xaafada eey Soomaalida u baddantahay ee Belville ee Cape Town, dabkana waxa uu kacay barqonimadii maanta xilli howlaha ganacsi eey si weyn u socdaan . ninka ku dhimtey dabka ayaa magaciisa lagu sheegey Cali Axmed Qarab, waxaana ku dhaawacmey labbo Soomaali ah oo isbitaalka Tygerburg lagu magacaabo loolal cararay.

Gawaarida dab damiska ah iyo kuwa gargaarka degdega ah ee DHUU DHAA_yada loo yaqaano ayaa goobta gaarayu markiiba kuwaaso dabkana xakameeyey, dhaawacana isbitaalada ola cararay.

Waxaa la arkayay Soomaali baddan oo isku dhex miriryaabeeysa suuqa dhexdiisa oo si halhaleel ah alaabahooda u daad gureeysanaya, iyadoo daad gureynta eey illaa iyo hadda socoto, wallow dabkii la damiyey.

Xadiith Xaaji Aadan oo ka mid ah ururka dhaliyarada gobolka Western Cape ayaa ii sheegey in eeysan jirin waxa dhibaato ah oo soo gaartay masjidka, wallow dabka uu aad ugu dhawaa, lamina oga illaa iyo hadda baaxada qasaaraha uu dabka geystey.

Dhismahani oo ah labbo dabaq, ayaa waxa ku yaala ganacsiyada ugu waaweyn ee Soomaalidu dalkani ku leedahay, waana meesha kaliya ee ugu weyn ee loo adeeg tago cid kasta oo dalka ku nool ajaaniib iyo muwaadhinba. Ganacsatada caanka ah ee ganacsiyada waaweyn ku lahaa waxaa ka mid ah ganacsade Suuleey, ganacsade Maxamed Santoore, ganacsade Oday Yaasiin iyo ganacsade Sh. Al bashiir, iyo ganacsiyo kale oo baddan oo yaryar oo haween Soomaaliyeed iyo rag eey leeyihiin.

Sanad ka hor waxaa la hadal hayay in dhismaha la dumin doono, si dhismo cusub goobta looga dhiso lana weyneeyo, lama oga in sidaasi loo yeeli rabay in dhismaha uu duqoobey iyo kale, laakiin sida uu horey qorshaha u ahaa lama yeelin in la dumiyo oo dhismo cusub laga dhiso.

Inta la ogyahay, waa markii ugu horeysey oo dab ceykan oo kale oo si aan loogu talogalin u kacay eey dad Soomaaliyeed ku dhintaan dalkani. Tanina waxa eey noqoneysaa masiibo rabaani ah oo Soomaalida ugu kororta masiibooyinkii dad sameega ahaa ee dadka baddan eey ku nafwaayeen ee dilka iyo gubista ahaa, kuwaas oo wali dalka kasii socda, maalin kastana eey meel qeeylo kasoo yeereyso.

Boobka iyo rabshadaha ka dhanka ah Soomaalida iyo Ajaaniibta oo si aan horey loo arag ugu soo kordhaya K/Afrika. Apr 18, 2008

Boobkii labaad oo mudo todobaad gudihiis ah ayaa loo geystey ganacsiyo eey dad ajaaniib ah leeyihiin labbo maalmood gudahood dalka K/Afrika, iyadoo Dhibanayaasha eey Soomaalidu ugu badantahay xilli eey dadka six ad dhaaf ah ugu soo qulqulayaan dalkani.

Habeenkii xalay ahaa ugu yaraan 8 dukaan oo eey Soomaali leedahay ayaa saameyn xoogan eey ku yeelatay boob iyo rabshado ajaaniibta ka dhan ah oo ka dhacay magaalada Attosdal ee gobolka waqooyi bari ee dalkani.

Sida uu qadka taleefoonka ugu sheegey Somalitalk.com nin magaciisa Asad kusoo koobey oo ka mid ah dadka meesha dukaamada ku lahaa, fiidnimadii ayaa boqolaal dad ah oo wax burburinaya eey cagta mariyeen darsano dukaamo ah oo eey dadka ajaaniibta ah leeyihiin ee magaaladaasi ku yaala, dadka la boobey ayaa waxaa ugu darnaa dad kasoo jeeda dalka Bangaladesh, halka Soomaalida eey intooda baddan ka badbaadeen.

Asad ayaa ii sheegey in eey u suurogasahay in 8 dukaan oo eey Soomaalidu lahayd ay ka daadgureystaan meesha rabshadaha ka dhaceen, maadaama eey ka bilowdeen meel ka yara durugsan oo laakiin isla tuulada ah.

Illaa iminka 7 dukaan oo ka mid ah dukaamadii Soomaalida ayaa gabi ahaanba goobta laga raray, waxaana la’ii sheegey in uu ku haray dukaan uu leeyahay nin Soomaali ah oo magaciisa Cawil lagu soo koobey, markaasina waa galinkii hore ee xalay, xiligaasi oo uu boobkuba socday, sidaasi darteed lama garanayo waxa uu ku suagnyahay.

Dhanka kale shabakadani ayaa xalayto booqatay dad Soomaali ah oo maalmo ka hor ganacsiyadoodii lagu boobey xaafad la yiraado Bariga Memolodi ee duleedka Pretoria , dadkani oo aad u tirro baddan oo aanan aqoonin meel eey maciin bidaan, dhiubaato xoogana eey soo gaartey ayaa Somalitalk oga waramay dhibaatada ku dhacday baaxadeeda, oo eey sheegeen iney tahay mid xad dhaaf ah.

Raga aan la kulanay ayaa kala ah
CabdiSalaam sheikh
Maxamed Cabdulaahi
Cabdi Faarax Cumar
Xassan Nuur Sheikh Maxamed
C/laahi Cali Ibraahim
Xaye C/laahi Guuleed
Maxamed Cabdi Cumar

Iyo rag kale oo baddan .

Dhamaantood waxa eey ii sheegeen in dhibaato baaxad leh eey gaartay, mar aan weeydiiney waxa eey u malaynayaan in dhibaatada faraha kasii baxaysa eey sabab u tahay, ayay sheegeen in eey u malaynayaan in eey tahay arrin siyaasad ka dambeysa.

Sanadkan gudihiisa boobka dhacay 10 waa uu ka badanyahay, mana ahan meel kaliya, waa wax dalka oo dhan wada gaarsiisan, oo lagu bartilmaameedsanayo dadka ajaaniibta oo dhan eek u sugan tuulooyinka dadka madowga ah eey ku dhaqanyihiin eek u ganacsada amaba ku nool. Dhacdooyinkani oo si weyn saxaafada dalka u hadal heyso oo bogaga hore lagu soo qoro maalinkasta, ayaa dhanka dawlada wallow eey jirraan eedeymo ah in eey faraha ka laabatay, hadane waxaa jirraa dadaalo baddan oo xaalada lagu qaboojinayo.

Dr C/laahi Carte oo ah gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida Pretoria oo an la kulmay ayaa ii sheegey in eey jiraan shirar maalmo soconaya oo eey la leeyihiin hey’ada qaxootiga UNHCR dawlada K/Afrika iyo dhamaan dadka arrimaha qaxootiga daneeyo, oo maanta uu shirkooda galay maalintii labbaad.

Dhanka kale iyadopo eey xaalada dalka ka jirta eey sidani tahay ayaa hadane dalka waxaa soo buuxdhaafinaya boqolaal Soomaali ah oo si aan xad lahayn maalin kasta xuduudaha oga soo talaawa, dadka imanaya waxa eey u badanyihiin dhalinyarro da’dooda u dhaxayso 18 jir illaa 40 jir. Waana dadkani cusub kuwa dhibatada ugu badanai eey ku dhacdo, waayo waxa eey markasta halis u yihiin in eey dhibaato xoogani ku dhacdo maadaamaa si habqan ah oo aan loo meeldayin eey u galaan meelaha qatarta ah iyagoo lacag raadinaya, qaarkood waxaa laga shaqaaleeyaa dukaamo meelo Qatar ah ku yaala oo ragii lahaa eey cagta dhigi waayeen amaan dari darteed, markaasaa inta la dheh dhigo ninkii cusbaa kaligiisa looga hoyanayaa.

C/Nasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email: southafrica@somalitalk.com, tell: 27767059384. Somalitalk.com, Johannesburg K/Afrika.

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com