SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBE

Police-ka Toronto oo dad u xirxiray Dilkii Wiilka Soomaaliga ah loogu geystay Canada

Ciidamada Police-ka ee Toronto ayaa Xabsiga dhigay qof oo lagu eedeynayo dilka wiil Soomaali ah, oo magaciisa la oran jirey Abdikarim Ahmed Abdikarim, oo ay ku toogteen banaanka dhisme ku yaal Magaalada Toronto ee Caasimada Canada [March 14, 2008] oo tacshiirad lagu furay marxuumka iyo koox dhalinyaro ah oo gaarayay shan oo dhaawacmay.

Wendell Damian Cuff oo 25 jir ah ayaa ploice-ka waxa ay ka xireen gurigiisa oo ku yaal Deegaanka Amaranth Court oo ka tirsan Magaalada Toronto,isla halkaas oo aheyd goobta lagu dilay wiilka Soomaaliga ah.


Shamso Mohamoud markii loo sheegay in la xiray in dad loo xiray dilkii wilkeedii, Abdikarim Ahmed Abdikarim. (Sawirka/Sun Media)

Ahmed Abdikarim, aabahii marxuumka la toogtey:
Sawirka: CTV

Aabaha marxuumka oo jooga aaskii...

Cuff ayaa la xiray markii saacada Toronto ay aheyd 5:30 a.m,waxaana lagu soo eedeeyay dacwo dil ah iyo waliba isku day oo ku doonayay qorshayaal 5 dil.


sawirka eedeeysane Owen Anthony Smith
Eeg sawirka oo weyn

Ciidamada Police-ka sidoo kale waxaa la sheegay in ay doondoonayaan Owen Anthony Smith,oo ah 25 jir (Sawirka ka muuqda dhanka bidix),kaas oo isna ku eedeeysan isla dambi lagu heysto Cuff.

Mid ka tirsan Ciidamada amaanka ee Toronto ayaa sheegay in policeka ay gacanta ku dhigeyn waqti dambe Eedeeysanaha Labaad ee la yiraahdo Smith.

"sida ay howsho ku socoto waxa aynu xiridoonaa, waqti dambe oo caawa ah,"ayuu yire mid ka mid ah policeka oo hadlayay kahor xiritaanka eedeeysanaha labaad.

Cabdi Kariim Axmed Cabdi Kariim oo 18 sano jir ah ayaa la dilay 14 bishan March 2008.

Waxa uu ahaa Cabdi Kariim arday Dugsiga sare dhigta, Cajal muuqaal ah oo ku xirneyd meesha uu dilka ka dhacayna waxa ay muujisay muuqaalka Cabdi Kariim iyo shan kale oo dhalinyaro ah kuwaas oo ku doodaya meel gees ah,iyadoona wax yar kadib uu dhacay dilka.


Ninka tooganayey marxuumka. Video hoos ka daawo


Aaskii marxuum Abdikarim Ahmed Abdikarim

Faafin: The Star

Faafin: the star

Ruuxa toogtay Cabdi Kariim iyo kaaliye la socday ayaa islamarkiina u cararay jahooyin kala duwan sida ka muuqatay Cajalka Muuqaalka ah ee la helay.

Xiritaanka Eedeeydeysanaha ah ayaa timid kadib markii wareysiyo lala yeeshay shan dhalinyaro ah oo dhaawac ahaan ujeefa Isbitaalka, dadkaas la wareystay Magacyadooda ma sheegin Police-ka laakiin waxa ay sheegeen in dhamaantood ay yihiin Soomaali Canadian da'doodana u dhaxeyso 18 ilaa 21 sano jir yaal.

Ku dhawaad 2,000 oo Soomaali Canadian ah ayaa ka qeyb qaatay aaska C/kariim oo lagu aasay Masjidka Etobicoke Maalmo kadib Geeridiisa.

Dilka C/kariim ayaa ah kii 11-aad ee ka dhaca Toronto Sanadkan Cusub.

Warsaxaafadeedka Toronto Police Halkan ka eeg [pdf]

Wararka kale oo la xiirira dilka marxuumka VIDEO: Halkan ka Daawo Video... [CTV]

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Email: saadaam_7@hotmail.com
Nairobi,Kenya

Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha... AKHRI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com