SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DIL LOO GEESTAY WIIL SOMALIYED OO TAX-KA WADAY GOBALKA WASHINGTON (Reported by HASSAN SUNNI Seattle)

Waxaa Saaka (Axad March 8, 2009) Ka dhacay magaalada TACOMA ee Gobalka Washington una jirta 20 mile Magaalada SEATTLE Dil Fool Xun loona geestay Mohamuud Ahmed oo ahaa wiil Soomaaliyed kana mid ahaa dhalinyarada lagu yaqaano Deganaan iyo aamusnaan , Mohamuud ayaa waxuu ahaa Taxi Driver waxaana uu waday KING-CAP TAX oo ah Company Cusub ayna leeyihiin Dhalinyara Soomaaliyed , Mohamuud ayaa waxaa uu qaaday Dad abaara 4:00 AM. Saaladda subaxna soo dhaweyd balse markuu waday Qadar Daqiiqada ah ay dhacday iney toogtaan,iyadoo aan la ogeyn ilaa hadda Tirada inta ruux uu qaaday iyo sababta loo toogtay intaba.

Mid ka mid ah Milkiilayaasha ayaa waxaa uu Sheegay in uu la yaabay Sababta keentay in Mudda ahi in Taxi-ga uu taagnaado meel Waddo ah, waxaana Tax-iga ku Xidhnaa qalab lagu ogaan Karo meesha uu marayo taas ayaana keentay in Milkiilaha uu mid ka mid ah Dhalinyarada Taxi-ga wada U diro bal si uu usoo ogaado wax ku dhacay Tax-iga Mahamuud ,balse inankii ayaa soo Gudbiyay in Maxamud geeriyooday Gobtana Police Xidhay ayna Diideen in ay gudbiyaan wax tafaasiil ah Imika,

Geerida marxuum mahmuud ma ahan tii ugu horeysay ee ka dhacday Gobalkan Balse Companiga Somaliyed Ee KING-CAP oo isaga ah Mid Shaqeynayay Muddo Sanad ah
ayaa Mahamuud waxaa uu noqonayaa Qofki ugu Horeeyay ee u geeriyooda,

Somalida ayaa iyaga Habeenada sabtida iyo axadda waxaa ay isku dhiira geliyaan in suuq uu jiro maadaama habeenadaas ay yihiin habeeada loo yaqaan WEEKEND-iga Shaqada Badantahay balse waxaa iyana meesha ka madhneyn ee loo baahan yahay Taxadarkeeda ay la yimaadaan

Si kastaba ha ahaate marxuum Mahamuud oo aan Khudbadii Jimcaha ku wada tukanay Hal Masjid ayaa u noqonaya Somalida Takaasida wada mid ay ku waana qaataan iskana ilaaliyaan in ay waqtiyada qaar kood shaqeeyaan iyo in ay qaadaan Dad Khamriga Cabsan ama Ay U maleeyaan In ay Yihiin Dad xun.

Hassan IsmacilYare (Hassan Sunni)
Seattle,Washington
xnuur11@hotmail.com

AMA HOOS KA DAAWO WARKII KING5NEWSTV
http://www.king5.com/topstories/stories/NW_030809WAB-taxi-driver-shot-dead-SW.166826ef.html

Faafin: SomaliTalk.com |  March 9, 2009


Budhcad hubeysan oo shalay galab dukaankiisa ku hortoogatey nin lagu magacaabo Deeq Hurre(Sanweyne)

March 08, 2009 Tuugo budhcad ah ayaa galabta ku dishay dukaankiisa dhexdiisa alle ha unaxariistee nin lagu magacaabo Deeq Hurre(Sanweyne) halka ay dhaawac halis ah u gaysteen Mukhtaar Haybe tuulada Motherwell ee gobolka PE ee Koonfur Afrika.

Marxuumka ay dileen ayay sadex xabadood madaxa kaga dhufteen, wiilka ay dhaawaceena waxay caloosha kaga dhufteen laba xabadood iyo laba xabadood oo kale oo ay gacanta kaga dhufteen gacantiina ay jabtay, tuugada ayaa dukaanka ka qaatay wixii lacag cadaan ah(Cash) ee taalay kadibna baxsaday

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhigaysa dilkii labaad ee sitimaan gudahiisa, iyadoo usbuucan horaantiisii ay tuugadu dileen alle ha u wada naxariistee Cabdullahi Baarax.

Meydkii Deeq Sanweyne iyo dhaawicii Mukhtaar ayaa isbitaalka la geeyey iyadoo aan wax loo qabtay jirin.

Isha: Ogaden News


HALKAN KA AKHRI SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA.....

Feb 20, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley London, UK

Feb 8, 2009: Koonfur-Africa Oo lagu dilay Ganacsadihii 7-aad ee Soomaaliya Sannadkan 2009-ka

Feb 5, 2009: Wiil Soomaaliyeed oo Askar Booliska Minneapolis ka Tirsan ay Toogasho Ku dileen....

Jan 2009: Wiil Soomaaliyeed oo lagu diley dalka maleysiya....

Dec 12, 2008: Wiil Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika

Oct 7, 2008: Labo Ganacsato Soomaali ah oo Lagu Diley K/Afrika iyo 30 Dukaan oo Soomaaliyeed oo la burburiyey

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS