SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

WIILKA LOOHAYSTO DILKII MARXUUM AHMED DABARRAN OO LOOGUDBIYEY MAXKAMADA SARE

Warbixin | USA | June 27, 2001


Leita Cowart / SPECIAL
Marxuum Ahmed Dabarran
Date: 05-10-2001: Atlanta Journal [AJC] Page: A.1
Cobb County police were investigating today the discovery of a body Wednesday evening in an apartment off Roswell Road, with reports that the victim might be a Fulton County assistant district attorney.
Date: 05-10-2001 AJC. Page: A.1
The body of a man found in a Cobb County apartment Wednesday night has been identified as Ahmed Dabarran, a Fulton County prosecutor. Both the Fulton County District Attorney office and the Cobb County police would say little about Dabarran's death.
Date: 05-10-2001 11alive
map 11alive.com: Officers determined that Dabarran's wife was out of the state at the time of his killing. She has been notified of his death.
Date: 05-11-2001: AJC Page: D.1
Police believe the person who killed Fulton County prosecutor Ahmed Dabarran is driving his car. But they don't know what the person looks like, why the person killed the 32-year-old native of Somalia, or whether the killer is a man or a woman.
Date: 05-12-2001: AJC Page: E.3
Every day the attorneys at the Fulton County district attorney's office fight for people devastated by rapists, thieves and murderers. But now they are feeling the raw emotions of a crime victim firsthand. Their well-liked colleague, Ahmed Dabarran,
Date: 05-22-2001 : 11alive
body
Teens Found With Murder Victim's Car
Newnan police stopped and arrested four teens who were in the victim's car:
  • Ziad Burrell of Lithonia, 18
  • Abie Aphonso Rogers of Lithonia, 18
  • Justin David Mitchell of Sharpsburg, 17
  • Reginald O'Neal Pettway of Lithonia, 19
Date: 05-23-2001 : AJC Page: E.6
Police reveal they found car of slain assistant DA on May 15; 4 arrested Police have found the car of slain Fulton County assistant district attorney Ahmed Dabarran, who was found dead in his apartment May 9. Newnan police arrested four men riding in the car May 15,
Rodriquez Rashad Reed
Photo from: wxia.com
Date: 05-25-2001: AJC Page: D.10
Cobb County police have charged a Lithonia man with murder in the death of a Fulton County assistant district attorney. Rodriguez Rashad Reed, 18, was arrested at his father's home in Ellenwood late Wednesday night and charged with the killing of Ahmed Dabarran,
Date: 6/12/01 wxia.com
Police linked Reed to Dabarran's death after they interviewed four teens caught riding around in the victims car's.
Date: 6/22/01
cobbcounty Cobb County Judicial Campus

More of the story Read Here
ohiolawschool Ohio law state university
USA - (SomaliTalk.com, June 27, 2001) - Warbixin maanta ay noosootebiyeen qoyka marxuum Axmed dabbaani waxa ay ku bilaabatan sidan:

Maxkamadii lagu eegayey in la eedeeyuhu ku lug lahaa dilkii marxuumka waxay bilaabatay wakhti kudhow 13:45 PM maalintii Jimcihii lasoo dhaafay (June 22, 2001).

Jawigu magaalada Atlanta iyo nawaaxigeedu wuxuu ahaa mid roob badani ka da'ayey oo qofkii aan dallad sidan ay qoyaanka is arkayeen, hase yeshee maxkamaddu waxay la ciirciireysey dadkii gudaheeda ka buuxay oo qaarkood ay taagnaayeen.

Markii uu xaakimkii soogalay maxkamadda ayaa sidii caadada ahaan jirtey dadweynihii istaageen, dabadeedna wey fariisteen.

Wuxuua xaakimku sheegay sababta eeynu isugu nimid maanta, wuxuuna isla markiiba su'aal weydiiyey la'eedeeyaha oo uu kuyiri denbiga lagugu soo eedeeyey magaranaysaa?. Wuxuuna ugu jawaabay haa.

Intaa markii leys weydaarsadey ayaa xaakimku wuxuu ka codsaday xeer-ilaaliyaha inuu bilaabo. Xeer-Ilaaliyuhu wuxuu u yeedhay dambi-baaraha L.J. SZENIAWSKI wuxuuna weydiiyey su'aalo badan oo ey kamid aheyd in la-eedeeyaha uu soo xidhay uu joogo goobta iyo inkale? Danbi-baaruhu wuxuu ku jawaabay haa, wuxuuna farta ku fiiqay isagoo kudaray waa ninka sita isku-jooga jaalaha ah.

Intaas kabacdi ayaa qareenkii la-eedeeyuhu isna su'aalo badan weydiiyey denbi-baadhihii oo ay kamid ahayd wax caddayna ma heysaa inuu la-eedeeyuhu denbiga lagu soo eedeeyey oo dilka ah inuu sameeyey iyo inkale? Danbi-baaruhu wuxuu si cilmiyeeysan u caddeeyey in uu la-eedeeyuhu lug ku lahaa dilka.

Markaa kabacdi ayaa waxaa hadlay xaakimkii maxkamadda, wuxuuna yiri "Waxaa ii cadaatay in la-eedeeyuhu lug ku lahaa danbigan lagu soo eedeeyey, sidaas daraadeedna waxaan u gudbinayaa dacwadan maxkamadda sare halkaas oo arintan lagu falanqeyn doono si rasmi ah.

Warbixintaas waxaa SomaliTalk soogaarsiiyey qoyska marxuum Aadan dabarran.

Eedaysanaha kuxusan qoraalka waa Rodriquez Rashad Reed.

Waxaa Reer dabaraani lagala xiriirikaraa:
F. Dabarani
Email: dabarani@hotmail.com

 

Posted: June 27, 2001
DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM


WARARKII HORE

MAXKAMAD LASAARAYO WIILKA LOOHAYSTO DILKII MARXUUM AHMED DABARRAN

Warbixin | USA | June 21, 2001

Warbixin SomaliTalk ay soogaarsiiyeen qoyska marxuum Axmed dabarran waxa ay sheegeysaa in Jimcada June 22, 2001 laqaadayo  maxkamad lasaarayo wiilka loohaysto dilkii marxuum Ahmed dabarran  oo May 9 meydkiisa lagahelay gurigiisa.

Maxkamaddan oo ah qeybtedii u horeysey ee lasaarayo Rodriguez Rashad Reed oo ah 18 jir looxiray dilkii Ahmed Dabarran. Waxayna maxkamadu dhacaysaa 1:30pm waqtiga Georgia. Rodriguez waxay, May 24, 2001, Booliska Cobb County ka soo qabteen guriga aabihiis oo ku yaal Ellemwood, Georgia.

Cinwaanka maxkada xukunka laquqabanayo waa:
 

Cobb county judicial circuit
magistrate court
32 waddel st room # 1
Marietta,Ga 30090

Qareenka maxkamaddan qaadaya (prosecutor on the case) waa Tom Cole.

Sababat Jaxkamada Jimcaha [june 22, 2001, 13:30 p.m]

Warbixintu waxay intaas kudartay in sababta maxkamadu ay tahay dhegeysiga wixii sababay dilka marxuumka (probable cause hearing). Waxaana loola jedaa in la ogaado:

  1. in qabashadii lagaga soo qabtay ninka lagu eeydeynayo danbigu gurigii abihiis uu sharci ahaa iyo in kale.
  2. Qofka looxiray dembigan in uu yahay kii ficilka dilka ah geystey iyo inkale.
  3. in danbi dhacay oo marxuumku dhibane (victim) ahaa.
  4. iyo ineey codsadaan dammanad (appeal) iyo inkale.

Dilkii Ahmed Dabarran

Axmed Dabarran oo u dhashay Soomaaliya waxa uu qareen ka ahaa Fulton County, Georgia. Waxaana May 9, 2001 meydkiisa lagahelay gurigii uu deganaa.

Marxuumka da'diisu waxay ahayd 32 jir.

Markiiba Boolisku waxa ay tuhmeen in qofkii dilkaan geystey uu kaxaystay gaarigii marxuumka. Waxaana gaarigii lahelay May 15 iyada oo afar dhallinyaro ah ay wataan.

Kadib waxaa Booliska Cobb County ay sooxireen Rodriguez Rashad Reed oo 18 jir ah, waxayna May 24 xilli habeenimo ah kasoo qabteen guriga aabihiis, waana kan Jimcada maxkamada lasaarayo.

Warbixin Dheeraad ah

Warbinta qoyska Marxuumku waxay intaas kudartay:

In jaamacadda ohio law state university oo ah jaamacadii uu kabaxay Ahmed Dabbaran in ay qabanqaabinayaan deeq-Waxbarasho [scholarship] oo ay ugu magacdarto Ahmed Dabarran.

Waxaa qorshahan hirgelayaa marka ay qoyska marxuumku ay iskusubaridaan lacag dhan $25,000 [fund raising], wixii kadambeeya jaamacada ayaa kafaalaqaadaysa. Tan oo qoyska marxuumku ay codsanayaan in arintaan laga taageero - talo iyo taageeroba. Hadii barnaamijkaan deeqda waxbarsho uu fulo wuxuu magac u yahay ummada Soomaaliyeed.

Cinwaanka jaamacaddu waa:
1800 cannon drive, columbus, ohio 43210

Waxaa jira hay'ad samafal ah oo uu katirsanaa Ahmed Dabarran, hay'addaas oo hadda la sharciyeeyey, waxaana loo ogaladay (501)(c)3 oo ah in ey raadsankarto mucaawino guud [public funding] ama macaawino ka timaada ururada samafalka [private foundations].

Waxaa kale oo jira in masjidka weyn ee Jigjiga dayactir loola niyooday in marxuumku ajar ka helo la bilaabay, dayactirkan oo qaadanaya mudo tobon cisha ah. Waxaana qoyska marxuumku u mahadnaqayaan xawaalada Dahabshiil oo ka deysey lacta ujrada ah [service charge] ee lacagta lagu diray.

Waxaa warbinta qoyku kusoo gababaysay in Marxuumka Aabihiis Aadan Dabarani la keenay Maraykanka kadib dilkii marxuumka.

Warbintaan waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey qoyska Reer Dabarani.

Waxaa Reer dabaraani lagala xiriirikaraa:
F. Dabarani
Email: dabarani@hotmail.com

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM
Posted: June 21, 2001


 

QAREEN SOOMAALI AH OO MEYDKIISII LAGA HELAY GURIGIISA, LOONA MALAYNAYO IN LADILEY
May 11, 2001

ATLANTA, GEORGIA - War aan kasoo xiganey wargeyska accessatlanta waxa uu sheegayaa in meydkii Ahmed Dabarran laga helay gurigiisa oo kuyaal xaafada "Cobb County".

Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA.


Leita Cowart / SPECIAL
Fulton County prosecutor Ahmed Dabarran had not been at work all week.
Photo from accessatlanta
Boolisku waxa ay sheegeen in qofkii diley uu kaxaystay (hadana wato) gaarigii Ahmed, inkasta oo aysan garanayn in uu qofkaasu yahay rag ama dumar.

Sidaas daraadeed waxaa khamiistii magaalada lagu shaaciyey sawirka gaariga oo noociisu yahay "2000 Nissan Altima" taarikadiisuna ay tahay tag 49VF5 kana diiwaangashay gobolka Georgia (Georgia license tag 49VF5), tan oo  boolisku u malaynayaan in goobta dilku ka dhacay (Cobb County) laga kaxaysatay gaariga.

Afhayeenka Booliiska qaybta "Cobb County" oo layiraahdo Dana Pierce ayaa sheegay in aysan garanayn cidda ficilkaan dilka ah geysatey, waxaana uu sheegay in gaariga hadda loo gudbiyey (baaritaankiisa) booliska Atlanta, gobolka, iyo dalka oo dhan.

Booliisku waxa ay sheegeen in ay san ogeyn in wax xiriir ah ka dhexeeyeen qofka diley iyo marxuumka. laakiin u malayn maayaan (boolisku) in arintani ay lug kuleedahay qareenimada Axmed uu ka qayb qaadanjirey sidii  xabsiga loogu taxaabilahaa dembiilayaasha.

Arrinta dilka marxuumka waxay dhabarjab ku noqotay xafiiska qareenada ee degmada "Fulton County" halkaas oo Ahmed uu ka shaqaynayey laba sano.

Ahmed kulankii dhammaadka toddobaadka (weekend) masoo xaadirin isagoo aan soo wicin ama sheegin in uusan imanayn, shaqadana ma iman toddobaadkan. Arbacadii ayaa lawacay 911 qiyaastii 5:37 p.m iyadoo laga welwelsanyahay. Booliskii markaas ayey aadeen gurigiisa oo kuyaal dabaqa labaad ee dhismaha, waxaana meydkiisii laga helay qolka fadhiga (living room). Booliska "Cobb County" waxa ay sheegeen in ay fahamsanyihiin qaabkii uu u dhintay marxuumku, balse aysan ka hadlayn hadda. waxayse caddeeyeen arinta kamuuqatay goobta in ay muujineyso in ladiley marxuumka (homicide).

GEORGIA Police seek missing car of murdered prosecutor
 

tag 49VF5

Meyska marxuumka oo lagarnwaayey maadaama uu jirkiisii isbedeley (decomposed) waxay boolisku kaqaadeen faraha (marxuumka) si ay u cadeeyaan aqoonsigiisa ka hor intii aanay ogeysiin qaraabadiisa.

Ugu horayn waxaa laga shakiyey xaaskiisa, waxaase caddaatay in ay wadanka ka maqantahay, taas oo markaas ay boolisku dheheen ma ahan mid hadda looga shakisanyahay in ay dilkaas geysatey.

"Dhimashada Ahmed Dabarran waxay ahayd mid aad u naxdinbadan xanuuna badan, qofwalba oo katirsan qareemada degmadana uu aad uga naxay" sidaas waxaa yiri Howard oo  ku sheegay qoraal uu soo saaray Khamiistii.

Waxaa layaab leh markii xafiiska qareemadu ay waceen Ahmed, kaddib markii uu shaqada kamaqnaa dhawr beri, in uu PAGER-kiisa  kasoo jawaabey qofkale oo kasoo wacay "Grant Park" kaas oo sheegay in uu Pager-ka ka gatay qofkale.

Source: http://www.accessatlanta.com/partners/ajc/newsatlanta/0511body.html

Posted May 11
Updated: May 13
by: SomaliTalk team


Police seek missing car of murdered prosecutor
Read Here May 11
Wareeysi aanu la yeelanay Raxmo adeerkeeda
W.Q: Mohamud Daar
darman102@hotmail.com
New Zealand

April 7, 2001

NEWZEALAND - Waxaa markay taariikdu ahayd 7/03/01 gaari ku derderay Auckland , New zealand Allah ha u naxriistee Raxmo Mohamed, shilka iyo siduu u dhacay waxaan ka wareysanay Sadiiq Mohamed Faarax oo raxmo adeer u ahaa, waanatan warbixintii oo kooban:

raxma
Rahma Mohamed

Photo: NewsZealand Herald
Saacadu waxaay ahayd 8:55 subaxnimo waqtiga New zealand, Raxmo, hooyadeey iyo walaalaheed oo afar ah ayaa wada socday, Raxmo waxay caawineeysay hooyadeed, waxay marayeen meesha dadka loogu tala galay ineey maraan (footpath), Raxmo ayaa waxay hooyadeed ku tiri hooyo ilmaha xaga hore ka waardiyee anigana xaga dambe ayaan ka wardiyeynayaa (ka ilaalinayaa).

Markiiba way iskala qaybiyeen, sidii bay raxmo xagga dambe kala socotay ilmaha walaalaheed ee afarta ah, wax yar kadib waxaa meeshii soo maray gaari jiidanaya rimoor yar, markii uu rimoorkii la sinaa Raxmo baa waxaa gaarigii ka furmay rimoorkii wuxuuna ka soo baxay wadadii wuxuu markiiba qaatay Raxm, waxaa lagu qiyaasay ilaa 4m in uu kor u qaatay gabadhii (Raxmo) oo markii ay soo dhacday madaxa dhulka ku dhufsatay, ka dib waxay u dhimatay dhaacay xaga madaxa (head injury).

waxaa xusid mudan in, saajinka arinta Raxmo Moxamed gacanta ku haya uu sheegay in kiisku soo gebagebeynayo ilaa labo asbuuc haduu ilaah idmo wixii ka soo baxo arintaa waxaad kala socon doontaa Somalitalk.com.

A/waraxmatulaahi wabarakaatuh.

Qore: Mohamud Daar

Posted; April 7, 2001 (NewZealand time)

Distributed Via Somalitalk.com


Qoraalkii hore ee Mohamud Daar ka akhri halkan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD