SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Garowe: Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas oo beeniyey qoraal ku soo baxay shabakadaha Somalida.

Ramaas Ciiro
Daahir C/qaadir Muuse Leedo
daahirciiro@hotmail.com

Xisbiga Mucaaradka ah ee RPP ayaa si wayn u beeninyay qoraal la sheegay in si toos ah waraysi loola yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee ramaas Daahir Ciiro kaasi oo aan wax ka waydiinay Gudoomiyaha mar Sabtidii (Sabti June 16, 2007) aanu kula kulanay albaabka hore ee aqalka wakiilada kaasi oo loo diiday in uu gudaha u galo kalfadhiga Baarlamaanka ee Sabtidii Furmaya isaga oo wata warqadii caasumaada galida Baarlamaanka arimahaas iyo kuwa kale oo aad u xasaasi ah ayaanu waraysi kala yeelanay.

Somalitalk.com: Mudane maxaad ku beeninaysaa qoraalkaasi ku soo baxay shabakadaha.

Daahir Ciiro: waxaan ku beeninayaa walaalkay Maxamuud cumar bille maruu wax iga waydiiyay arinta is bedelka Golaha xukuumada Cade Muuse waxaan ku iri Hadii uu wax badalo iyo haduusan waxbadalin midna wax iska badalimayaan dhardhaaro dabka loo kala badalaana maxay dabka ka dhimaan.

Somalitalk.com: waxaa qoraalka ka mid ahaa in aad si buuxda u taageersan tahay wasiirada kala ah Cali Cabdi Awaare iyo Maxamed Cali yuusuf sidee arintaas u argtaa.

Daahir ciiro: Ma taageersani mana taageeri karo mana doonayo in aan taariikh nololeedkayga wax u dhimo waxaan u arkaa labadaba dhiman danaystayaal ah oo aan shacabka wax u qaban Gaagaab wuxuu siduu doono u isticmaalaa hantida umada Puntland, Cali Cabdi Awaarena wuxuu is bayska politco u isticmaalaa 4% miisaaniyada dalka taasi oo hada loo sii siyaadshay waxayna tahay magdhaw loo siiyo beesha uu ka soo jeedo uuna u ansixiyay madaxwayne Cade Muuse, waxaas iyo wax la mid ah oo ay sameeyaan wax aan ku taageeri karana maahan.

Somalitalk.com: laba ka mid ah wasaaradihii dalka ayaa la isku badalay arintaana ka waran sidee ayay u saamayn kartaa dalka maxaase sababay is bedelka xiligan.

Daahir Ciiro: Sidaynu wada ogsoonahay dalka cid ka maqan iyo cid joogtaba waxaynu kawada nahay Markhaanti shalay markii la doortay Cade Muuse wuxuu lahaa waxaan dhisayaa ciidanka, waxaan wax ka badalayaa dhaqaala bur burka, labadiina meeshii maalintii xilka loogu dhiibay meel ka sii daran ayay marayaan, sidaa darteed Laba wasaaradood oo magacyada loo kala badalaa dalka waxay ka badali karaan majirto.

Somalitalk.com: Shalay madaxwaynuhu waxa uu sheegay in uu la wareegay awoodii ciidamada, isla markaana uu haatan u soo jeeensanyo dhisida ciidamda iyo amaanka, Horayna madaxwaynuhu waxa uu ahaa awood ugu saraysa ee ciidamada ma haduu soo baraarugay oo taladii ciidamada la wareegayaa mise waa is badal siyaasadeed arintaa figrad ahaan maxaad ka qabtaan ka xisbi ahaan.

Daahir Ciiro: Waxaan ka qabnaa Maanta haduu is yiraahdo ciidan meesha kalsoonidiisa shacab marayso darteed iyo tan ciidanka yar ee jiraba majiraan wax u dhismaya oo ciidan ah waxaanse u arkaa in uu doonayo in uu dhisto ciidan beeleed maxaa yeelay cid taageersan oo aan beshiisa ahayn maanta Puntland kama jirto.

Somalitalk.com: saaka (Sabti June 16, 2007) waxaa furmay Kalfadhigii Golaha wakiilada ma ka qayb qaadateen ka xisbi ahaan.

Daahir Ciiro: Waad mahadsan tahay waa su'aan aan aad u xiisaynayo walaal way jirtaa in nalaku marti qaaday Furitaanka kalfadhiga Golaha wakiilada laakiin Nasiib daro Majirto Madaxbanaani aqalka Golaha ah waayo waxaysan ka madaxbanaanayn Cade Muuse Xirsi oo u eg saaka in uu inqilaab ku haysto Xarunta Golaha wakiilada oo ay ku wareegsan yihiin Ciidamadiisu Dadkana ay baarayaan qofkii ay rabaana ay sii daynayaan qofkii ay rabaana ay celinayaan, Anaga ka xisbi ahaan markii aanu galnay dayrka Gudihiisii ayaa Istaafkii Madaxaynuhu naga soo saaray waxayna nagu yiraahdeen afcad ma ka qayb galaysaan Furitaanka Kalfadhiga warqadii Caasumaadana waa ay nagu soo tuureen Mana aysan naga jeexjeexin oo markhaanti ayaanu u haynaa, Waxaan kale oo aan cadayn u haynaa in aysan Madaxbanaani jirin warqad ay hada ka hor u direen Gudiga joogtada ah madaxwaynaha uguna yeerayeen in uu soo xaadiro qodobadii loogu yeeray oo kala ah:

  • in uu warbixin ka siiyo xaalada amniga eedalka halka uu marayo
  • Dhaqaalihii dalka halka uu marayo
  • Siyaasada DGPL iyo tan xaga maamulkaba

waxaan kaloo cadayn u hayaa In Golaha Xukuumada Puntland arintaasi oo markhaanti intii la doono loo hayo sida xubno ka mid ah shaqaalaha Nec agaasimada Guud ee Madaxtooyada ayaa waxa uu u dhiibay Lacag doolar ah oo Falso ah Xarunta wakaalada Nec Isaga oo leh ka goosta Korontadii aad nagu lahaydeen, Nasiib wanaag Xarunta waxaa taal Makiinad lagu kala sooco dolarka Falsada ah iyo kan aan Falsada ahayn Lacagtii agaasimaha guud uu waday waxay Noqotay Falso arintaas oo aan ahayn been abuur oo aan anigu taagnaan marka ay arintaasi dhacaysay xaadirna aan ku ahaa Xarunta shirkada Korontada ee NEC oo aan ana iska bixinayay Koronto la igu lahaa.

Shacab waynaha Puntland waxaan uga digaynaa in ay iska ilaaliyaan Dollarka Falsada ah ee ay soo samastay Golaha Xukuumada uu hogaamiyo Cade Muuse. Awalna waxay samaysanayeen Lacag Falso ah oo shilin Somali ah oo dalka gudihiisa ay keensadeen makiinadihii lagu samaynaya Falsadaasi taasi oo dalka oo dhan saamaysay keentayna Sicir Bara iyo bur bur dhaqaale.

Somalitalk.com: Mudada xilka puntland waxaa la isku hayaa in ay hada harsan tahay 18 bilood iyo 6 bilood keebaa saxan maxaadse aaminsantihiin idinku innay runtahay.

Daahir Ciiro: Walaal Su'aashaas waad ku mahadsantahay waa su'aal macquul ah Dadkuna ay sugayaan maanta in loo kala cadeeyo. Anaga ka Xisbi ahaan iyo shacabka badankiisba waxaanu aaminsanahay in 6bilood hartay iyo wax ka yar waayo waxaan maanta dalka sharci u ah axdigii kumeel gaarka ahaa ee 1998dii mana jiro shaarci kaa ka danbeyay oo afdi dadwayne looqaaday oo lagu badali karo kaasuna wuxuu cadaynayay in mudada Golaha xukuumadu ay tahay 3sano maxaa yeelay ergo soo dul xanbaara oo ka badan 1000 oo isu timid 1998dii ayaa ku heshiisay cid kasta oo Madaxwayne noqotaa in mudadeedu noqonayso 3sano, hadii la badalayo Axdiga wuxuu noqonayaa qodobka ka hadlaya arintasi mid aan la taaban karin oo sidiisa loo guurinayo qodobkaas iyo qodobka kale oo isaguna ka hadlaya xarunta Magaala madaxda DGPL waa Garowe Labadaa qodob midkoona waa lama taabtaan Sharci kasta oo la samaynayana sidooda ayaya ugu guurayaan.

Somalitalk.com: Maxaad xal u aragtaa Maadaama lagu jiro mudo kala guur ah shacabkuna ay danaynayaan isbedel.

Daahir Ciiro: Waxaan xal u arkaa In sida ugu dhakhsaha badan loo dhiso Maxkamadii Dastuuriga ahayd si ay u noqoto Marjac xaga sharciga ah oo loo noqdo Maanta iyo maalma danbe oo kaleba hadii aan maanta maxkamdaas si dhakhsaha loo helina waxaa dalku ku danbayndoonaa Burbur iyo Jahwareer siyaasadeed, waxaana ku talinaynaa in dag dag loo dhiso Maxkamdii dastuuriga ahayd oo uu shalay Baabi'iyay Madaxwayne Cade Muuse si aan loo helin meel looga dacwoodo xaga sharciga, waxaan u aragnaa maxkamadaas ayaa noqonaysaa marjicii lagu kala bixi lahaa ee waa in si dag dag ah loo dhisaa.

Somalitalk.com: Doorashada soosocta ma isusootaagaysaan idinka oo ah xisbi Mise sida ay dawaladu u maamushaad sheeda ka eegaysaan.

Daahir Ciiro: Hadii ay bilaato waa isu sootaagaynaa anaga oo soo bandhigi doona Barnaamijkayaga siyaasadeed oo ka turjumaya Horumarka dalka Khaasatan arimaha Bulshada iyo Nabad Galyada.

Somalitalk.com: Puntland waxaa la dagay baa la oran karaa askari qori sida oo beeshiisa taageera ka haysta kuwasi oo la wareega siysaada dalka sidee looga bixi karaa Cornayl Jaga doonaya.

Daahir Ciiro: Waxaa looga bixi karaa iyada oo loo gudbo Nidaamka Axsaabta si loo helo rag aqoon iyo waaya aragnimo u leh hagida dalka loo helo, tartanka axsaabta ayaa keeni kara is bedel horumarineed dhaqan iyo dhaqaaleba iyo mid ciidan sidaas ayaan horumarku ku jiraa hadii la qaato Nidaamka Axsaabta sida aduun waynuhuba ku dhisan yahay dhigayana qodobka 6aad faqradiisa 2aad xarafkeeda ( j ) ee axdiga kumeel gaarka ah ee DGPL ee la sameeyey 1998dii.

Somalitalk.com: Ugu danbayntii maxaad kula talin lahayd shacabwaynaha DGPL.

Daahir Ciiro: Waxaan kula talinayaa waa arkaan meesha uu dalku marayo sidaa darteed siyaasiyiinta dalka, Ganacsatada, waxgaradka, dhamaantood waxaan ka codsanayaa in ay ku soo xeroodaa xarunta magaalada madaxda si loo badbaadiyo jiritaanka DGPL oo ay uga qaybqaataan Badbaadinteeda Maadaama lagu jiro Xili ah kala guur siyaasadeed oo khatar badan keeni kara.

Somalitalk.com: waad Mahadsantahay Mudane Gudoomiye, Gudoomiyaha cidii u baahan waxay si toos ah ugala xiriiri kartaa

emailka ah daahirciiro@hotmail.com  ama Mobil Num: 002525747090 Mahadsanidin.

Waraysigan waxaa qaaday A/rizak koronto

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com