SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA


Canada iyo Booqashada Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya



Waxaa taariikhdu Markay ahayd 11 May, 2007 ku yimid booqasho 10 Cisho ah Dalka Canada Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Afrax. Wasiirku wuxuu intuu joogay Canada qaabilay madax heer qaran ah sida: Secretary of Multiculturalism and Canadian Identity Hon. Jason Kenney, Senator Hon. Consiglio Di Nino the chair of senate standing of committee on foreign affair and international trade, Senator Hon. Mike Harb, US Ambassador His Excellence David H. Wilkins, Yemen Ambassador His Excellence Dr. Abdulla Nasher, Ethiopia Ambassador His Excellence Cetashew Hamussa, Director of Bilateral Commercial Relations of Foreign Affairs and International Trade Canada, Borys Wrzesnewskyj MP, Elizabeth Leiva of Foreign and Defence Policy Secretariat, Keith Fountain, Colin Lake of Somali desk at DFAIT.

Wasiirku wuxuu madaxdaas layeeshay kulamo lagu falanqeeyay xaalada Soomaaliya ay maanta marayso iyo sidii Dowlada Canada ay uga qayb qaadan lahayd dib u dhiska dalka iyo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday arimo xasaasi u ah dhamaan bulsha waynta dunida sida , horumarka, amniga caalamiga ah, iyo calaaqaadka laba dal ee Canada iyo Soomaaliya.

Waxaa Wasiirku intii ay socdeen kulamadaan uu la lahaa madaxda dalka Canada lagu wargeliyay in Dowlada Canada ay dhawaan ku dhawaaqi doonto talaabooyin wax ku ool ah kuwaas oo ay faa?iido Somaaliya, talaabadaan oo noqon doonta mid sii xoojisa calaaqaadka iyo saaxiibtinimada labad dal iyo umadoodba.

Waxaa Wasiirka kulamaadaas dhaxalgalka ah ku weheliyay madax ay ka mid yihiin Faarax Maxamuud Aw-Cismaan oo ah madaxa Ururka Canadian Friends of Somalia, Mahamed Axmed iyo Hilowle Mahamed oo ka mid ah waxgaradka reer Toronto, iyo Mamaxuud Eebow iyo Zahro Hassan oo iyaguna ka mid ah Jaaliyadda reer Ottawa.

Wuxuu wasiirku kulamo khaas ah la yeeshay safiirada dalalka safka hore kaga jira taageerista iyo dowlad ku soo dabaalista Soomaaliya, sida Maraykanka, Yeman iyo Itoobiya, wuxuu dowladahaasi uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay silica uga bixi lahayd dowlad waartana oo cagaheeda ku istaagtana u heli lahayd.

Wuxuu safiirku intii uu joogay Magaalooyinka Ottawa iyo Toronto la yeeshay kulamo jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool Canada, isagoo warbixin waafi ah ka siiyay xaalada dhaqaale, siyaasadeed, iyo nabadgelyo ee uu maanta dalka hooyo ku sugan yahay, isagoo ku dhiiri geliyay jaaliyadda dibadu inay khilaafka joojiyaan una guntadaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xal ku soo dabaalida , dib u dhiska, iyo dib u heshiisiinta dalka ka socota, isagoo ku dhiiri geliyay jaaliyadda reer Canada inay wixii talo ah kala bakhaylin maamulka dalka isagoo muujiyay inay dowladu diyaar u tahay soo dhawaynta cidkasta oo wada samaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhamaan Kulamada Jaaliyada ee uu safiirku ka qaybgalay waxaa si wadajir ah u soo agaasimay madaxda bulshada, ururada, haweenka, dhalinyarada, fanaaniinta iyo indheer garadka reer Toronto iyo Ottawa.

Waxaa soo dhawaynta Wasiirka iyo isku dubaridka booqashadiisa daadihinayay Madaxda Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Somalia ee ?Canadian Friends of Somalia iyo Xubno ka mid ah madaxda ururada iyo jaaliyadda reer Toronto iyo Reer Ottawa.

Salaanta Islaamka Kadib, waxaan idinka codsanaynaa inaan maqaalkan ku saabsan safarka wasiirka ganacsiga ee Somalia Dr. Abdullahi Ahmed Afrah uu ku yimid Canada. iyo waxyaalihii uu kala kulmay safarkiisa, iyo madaxda uu la kulmay.

 

La xiriir: info@canadianfriendsofsomalia.org 

Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD