SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

JWXO oo bayaan digniin ah kasoo saartay shirkadaha shidaal ka qodaya Ogadenya iyo xaalufinta dhirta iyo deegaanka

JWXO ayaa bayaan digniin ah soosaartay 3-06-09 oo ay uga digayso shirkadaha weli ku maman inay shidaal ka qodaan Ogadenya,waxayna bayaankaas jabhadu ku cadaysay inay shirkadahan dhul aad u balaadhan ka jarayaan dhirtii ku tiilay say u sugaan nabadda shirkadahaas;

" Waqtigan xaadirka ah waxay shirkadahan ka xaalufinayaan dhirtii ka baxaysay dhul baladhkiisu gaarayo 1600 sq. Km. oo u dhexeeya Cagaarweyne iyo Miir-Khalif oo u dhow Wardheer, iyagoo ka raray aagaas kumanaan reer guuraagii daganaa ah iyagoo baabi’iyay isu-dheeli tirkii dabeecada gobolka oo ah mid xasaasi ah."

Waxay jabhaddu cadaysay inay ku taageerayaan shirkadahan maaliyad xukuumad dambiya dagaal ka galaysa shacabkii lahaa wadanka;

" Arinta baabi’inta noloshii dadweynaha reer guuraaga ah ee goboladaa la dhibaateeyay daganaa waxaa u dheer inay jeebka xukuumadan falal dambiyeedka ka wada dalka Ogadenya oo ay gumaysato ku shubayaan maalkii u fududayn lahaa fal dambiyeedkaa. Taasoo ku sii dhiiri galinayasa xukuumadda Meles Zenawi inuu kula dhaqmo Ogadenya siyaasadda loo yaqaano –Scorched earth policy- ee ah guba waxaad aragtaan. "

Waxay jabhadda sheegtay inay meelaha ay shirkadahan ka hawl-galayaan lagu ilaaliyo ciidan Itoobiyaan ah oo deegaankaas dhan lagu weegaaro iyagoo si qasab ah kaga rara dadka deegaanka kana dhiga waxay dilaan waxay kufsadaan iyo waxay xabsiga dhigaan.

"Taasi waxay ka dhigaysaa shirkadaha inay la wadaagsadaan xukuumadda Itobiya dambiyada dagaal ee laga galayo Ogadenya."

Waxay sheegtay jabhadda ONLF;" Itobiya waxay ku xadgudabtay cahdiga caalamiga ah ee ilaaliya xuquuqda madaniga ah iyo midda siyaasiga ah. Xuquuqdaas oo ku xusan sharciga u dajisan Qaramada Midoobay iyo Hishiiska Caalamiga ah ee Xuquuqul-Insaanka Universal Declaration of Human Rights. "

Xuquuqdan caalamiga ah ee lagu xardhay sharciyada QM iyo dhamaan kuwa caalamiga ah oy ku xoroobeen dagaalkii 2aad ka dib shucuub farabadan oo gumaysi ku hoos jiray;

"ayaa si badheedh ah looga hor-joogsaday shacabka Ogadenya. Waxay maanta u diidan tahay Itobiya shacabka Ogadenya xuquuqdooda ah inay noolaadan oy horumaraan, iyadoo ay QM iyo Midowga Afrikaba ay ka indha dadbayaan."

Ugu dambayntii waxay jabhadda ONLF ku soo gaba-gabaysay;

"Maadaama ay ONLF si joogta ah ugu digtay shirkadahan caalamiga ah iyo xukuumadaha, waxaa iska cad in aanay ku ekaanin oo kali ah inaysan danaynin dhibaatada haysata shacabka Ogadenyee ay qayb ka qaadanayaan meel ka dhaca lagu hayo xuquuqda aadanaha iyo mida siyaasiga ah ee shacabka Ogadenya. Sidaa darteed, Jabhadda Wadaniga ee Xoreynta Ogadenya uma hadhin xal kale oon ahayn inay difaacdo xuquuqda aan la loodin Karin ee shacabka Ogadenya."

Radio Xoriyo
05 Jun 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2009

Shirkadda Range Resources oo Sheegtay in ay Shidaal ka Sahaminayso Badda Puntland...
rayteciyo Shirkada Africa Oil oo Heshiis ku saabsan Sahaminta Dooxada Nugaal iyo Dharoor la gashay Shirkadda Raytec Metals oo laga leeyahay Canada... Akhri... June 1

 

qareFaarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad..
iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka... Akhri/Daawo

 

BAARID | SEARCH


Warqaddii Cali Mahdi: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad
mahdiWareegtadii Cali Mahdi Ku Ogolaaday in Sunta Halista ah Lagu Duugo Soomaaliya
Warbixinadii TV-ga Aljazeera iyo TV-ga RAI oo  lagu soo bandhigay Haraadiga Sunta Halista
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad |
5aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009?


Dhul-Badeedka Soomaaliya



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version