"NEW WAAMO RESTAURANT"

NEW WAAMO Restaurant ee Garoowe...

Waa Restaurant aad ka heleysid cunto macaan oo kala nooc nooc ah iyo cabitaan heer sare ah, iyo weliba shaah iyo coffeega oo sii dheer ee ha moogaan NEW WAAMO, Garoowe...

DSC08313
Sawiro Badan oo laag qaaday NEW WAAMO RESTAURANT Ka Dawo halkan...

Warbixin kooban oo muujineysa restaurantiga NEW WAAMO ee ku yaal magaalaad garoowe iyo qaabka uu u dhisan yahay iyo wax yaabaha hindisahaan nagu dhaliyay..

Waxaa jirta maah maah carbeed oo oranaysa, alxaaja umul ikhtiraac, markii aan qaadanay feker dheex iyo falanqayn anagoo ah C/qaadir Cismaan iyo C/fitaax  Maxamed waxaan aragnay in ay bulshadu u baahan tahay restaurant casri ah oo la jaanqaadi kara qaar kamid ah restaurantiyada aduunka kajira.

Markaas ayaan retaurant-ga dhismihiisa waxaan ka bilownay magaalada Garoowe bishii May 2005 wuxuuna dhamaaday bishii September 2005, waxaana furnay Alle mahadii 3-nov -2005 anagoo markaa u samaynay xaflad balaaran oo aan kasoo qaybgalinay waxgaradka bulshada.

Restaurant-ga wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood oo kale ah:

newaamo1 (5)

Qayb kafateriya ah lehna banaan wayn oo la fadhiisto, qaadi kartana in kabadan 100 qof, qaybta kafateriyada dadka waxay ka heli karaan cuntooyinka fast food-ka ah  sweet-ka  iyo cofe-ga noocaydiisa kala duwana, shaahi iyo cabitaano ama juusyadii oo daray ah ama fresh ah.

Qaybta restaurant-ga waa qaybta ugu wayn ee aan ku soo bandhigno cuntooyinka noocyadeeda kala duwan, wuxuu lee yahay mudulo 6 ah oo midkiiba ay fadhiisan karaan 4 qof o isku darku yahay 24 qof, iyo qayb dhexe oo qaado 40 qof, qaybta dumarka oo qaado 12 qof.

newaamo1 (1)

Waxaa kale oo jira qol ama hool wayn oo aan ugu tala galnay siminaarada, aroosyada iyo xafladaha oo qaado 80 qof, waxaa jira 2 suuli oo ay isticmaali karaan rag iyo dumar.

DSC07226

Waxaa jira xafiis u gaar ah restaurant-ga lehna computer-kiisa si ay shaqada noogu fududaato halkaas ayaana ugu tala galnay inaan dadka ku qaabilno.

siminaarada iyo xafladaha dadka waxaan wax ku siinaa habka ama system-ka buffet-ka ama dadka waxay u yaqaanan "cun inta calooshaadu qaado" ama all you can eat..

DSC07219

Cuntooyinka aan meesha ku soo bandhigno way kala duwan tahay... runtiii halkaana kuma soo koobi karo... waxaan ka jeclaan lahayn in uu qofka labadiisa indhood ku soo arko anaga gacmo furan ayaan ku soo dhawaynaynaa xataa waxaan u samaynay sanduuq aan meeshu ku dhajinay oo aan ugu magac darnay nagu waaci ra'yigaaga si bulshada aan  xiriir fiican ula yeelano...

DSC08301

Haddii haddii aad ku safreysid jidka isku xira Muqdisho iyo Boosaaso, ama Muqdisho iyo Hargeysa ha u dayma la'aan in aad kunasatid maqaaxida "NEW WAAMO Restaurant" oo uu hor maro jidka laamiga ah ee dhex mara magaalada Garoowe.

DSC07218
Sawiro Badan oo laag qaaday NEW WAAMO RESTAURANT Ka Dawo halkan...

Wixii faah faahin dheeri ah, ama wixii fikir ah ee aad nagu biirinaysaan aad baan idin soo dhawaynaynaa si laab furan. 

waxaad nagala soo xiriiri kartaan:

C/fitaax maxamed cabdi : +2525-794037 Email: waamo1@hotmail.com

C/qaadir cismaan c/raxmaan                   Email: caynaashe@hotmail.com

DSC07236

Sawiro Badan oo laag qaaday NEW WAAMO RESTAURANT Ka Dawo halkan...
 

NEW WAAMO RESTAURANT









Sawiro Badan oo laag qaaday NEW WAAMO RESTAURANT Ka Dawo halkan...
 

(C) SomaliTalk.com | Daabacaad: Aug 9, 2007