SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006-2009



Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

Istanbuul iyo Casharada Siyaasadda Erdogaan!

July 03, 2009

 Qaybta 1-aad | 2aad | 3aad  
 

ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Shalay 29/6/2009 ayaan kasoo duulay Nairobi anigoo ku socda Shirka Jaaliyadaha Soomaalida Scandinavia ee ka dhacaya Goteburb 2-5/7/2009. Xalayna waxaan ku nastay Caasimaddii Islaamka (Intaanbuul) weliba hodheel ku yaar xaafadda loogu magic daray Suldaankii Furtay Magaalada Istanbuul, horana ugu magac dheerayd (Qostan tiiniya), Suldaan Muxammad Al Faatix Allaha unaxariisto, Janadiina ka waraabiyo. Mar aan hadda ka hor is bar bardhigay xaafaddan iyo xaafadaha kale ee Istanbuulk ee aan arkay, sida magaalada qaybteeda yurub gaar ahaan barxadda (Taqsiim) ayaan waxaan tilmaamay in, Xaafadda ku magacaaban Suldaan Muxammad Al Faatix (Allaha unaxariistee) , oo u ku yaal Masjidka Weyn ee Magiciisa Xambaarsan, turkiduna u taqaan (Fatih Cami), ay xagga muuqaalka dadka xitaa kaga duwan tahay xaafadaha kale. Xaafaddan waxaad ka dareemeysaa muuqaalla Islaamiya oo badan. Waxaad arkeysaa dumar badan oo xijaaban, ama dhar dhaadheer qaba, dhalinyaro iyo waayeelba. Rag badan oo  koofiyada sitana waad arkeysaa. Magaca Faatix waxaad ku arkeysaa inuu meela fara badan astaan u yahay, hodheelo, dukaama kala duwan iyo iskuulo.

In Mudda ahba waxaan indhaha ku hayey waxa ka socda turkiya, ayaamahaan dambe gaar ahaan sanadahaan dhow ee uu maamulka wadanka hayey (Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka) marka luqada turkiga lagu soo gaabiyana la dhaho (AKP) kaasoo ah xisbi salka ku haya xidida Islaama, dhawr jeerna soo xuub siibtey ilaa uu kasoo gaaro, xisbiga hadda taagan. Waxaa ii muuqaneysey mudadaas, oo aan booqasho ama socoto geediya kumaray wadanka ilaa 12 goor,  laba arrimood oo ku saabsan wadanka iyo hoggaanka xisbiga talada haya, oo si aada loo dareemi karo:

  1. Waa horumarka dhaqaale iyo Siyaasadeed ee wadanku gaaray sanadihii ugu dambeeyey.
  2. Hoggaaminta siyaasadda iyo maamulka sareeya ee xisbiga talada haya oo majaraha u hayo Wasiirka Koowaad Recep Tayyib Erdogan. Iyadoo Xisbiga iyo kawaadirtiisaba uu ku socdo dagaal gudo iyo dibad ah oo aan kala go’ lahayn.

Labadaa arrimood ayaa waxaa ka dhashay taageera aad u weyn oo Xisbigu ka helay shacbiga Turkiga, shacbiyadaas oo noqotay buurta ay ku madax jabaan dhaafina kari waayaan dhammaan weeraradii isdaba joogga ahaa ee ay soo qaadeen:

  1. Mu’asasada Cilmaaniyada Turkiya ee gaamurtey sheegatana iney ilaalineyso mabaadi,dii Ataturk ee Jamhuuriyadda lagu asaasay Xisbiga Caddaaladuna doonayo inuu xididada u siibo, kuna soo celiyo Turkiya xukunkii Islaamka Cusmaaniyiinta ee 80 sano ka hor la burburiyey.
  2. Mu’asasada Ciidamada oo iyana lagu sheego iney tahay Qalcadda ugu Dambaysa ee lagu ilaaliyo Cilmaaniyaddii iyo Nidaamkii Ataturk, oo wixii soo dhaafa Xisbiga Jamhuuriga ( oo ah Godka Madow ee Sunta iyo Waabayda Cilmaaniyadda Turkiya Fadhido) iyo Mua’sasaadka Madanigaa oo kale, inuu Ciidanku luqunta jebiyo.

Weeraradii Ba’naa ee ay soo qaadayeen labadaa Mu’asaso waxaad maanta dareemeysaa iney soo daciifayaan, daalayaan, dalan baabi ay yihiin oo xuurtaynayaan, meesha Xisbiga Caddaaladdu uu sii karraar qaadanayo oo Maalinwalba Cilmaaniyadda God ka saarayo, markuu ka saarana si fiican godka isugu ballaarinayo.

Weeararadii ugu darnaa ee Xisbiga Caddaaladda lagu sigay in lagu mijaxaabiyo, laakiin uu dabinkeeda ka boodey:

  1. Waxaa laysku deyey laba jeer in Xisbiga si qaanuun ahaana siyaasadda looga saaro madaxdiisana xarig iyo maxkamad lala begsado, waxaana falkaas oo si heer sare ah looga soo shaqeeyey lagu soo gunaanadey in Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladdu Maxkamadda Sare ee Wadanka u gudbiyey (buug) tibaaxaya arrimaha uu Xisbiga Caddaaladdu ku burburinayo Cilmaaninimada Dawladda Turkiya, kuna jebinayo Qodobada Dastuurka Wadanka iyo Qawaaniintiisa, sidaas darteedna uu Maxkamadda Sare ka codsanayo in Xisbigana si rasmiya loo xiro, xoolihiisa lala wareego, 70 ka mida madaxdiisana la xidh xidho oo ay ugu horreeyaan, Wasiirka Koowaad Erdogan iyo Madaxweynaha Cabdalla Guul. Arrinkaasu Muddo 4 Bilooda ayuu wadanka gilgiley, lagana baqay in Qaadiyada Maxkamadda Sare oo badankoodu Mu’asasada Cilmaaniyadda Raacsan ay xukunkaas ridaan, wadankuna fawda galo, Hasae yeeshee Maxkamaddii wexey xukuntay inaan dacwaddaas waxba ka jirin, hal cod ayaana xisbigu xukunkaa kaga fakaday Ilaahay fadligiis.
  2. Waxaa laysku deyey in xisbiga lagu cadaadiyo xagga shacabka, iyo barlamaanka, waxaa la diidey in la socodsiiyo magacaabistii Madaxweynaha Cabdalla Guul, taasoo dhalisay inuu Erdogaan Arrinta shacabka ku celiyo oo doorasha cusub la sameeyo, taasoo ay filanayeen Mucaaradku iney ku wiiqi doonaan, laakiin Doorashadii cusbayd  waxaa ka dhalatay in Xisbigu sii xoogaysto 47%, xubnihiisi barlamaankuna kordhaan, taasoo xisbiga awood u siisay inuu hantiyo dhammaan jagooyinkii Dawladda ugu sarreeyey Madaxweynihii, Raaisulwasaarihii iyo Ra’iisul Barlamaankii.
  3. Waxaa laysku deyey Ilaa afar goor kacdoon militeriya, ama kooxo askartii hore ah oo dagaalo huriya, ama amaanka khal khal geliya, ama sidii waayadii hore Militerigu inuu afgembi sameeyo oo talada la wareego , qorshayaal dhawr ah ayaa la maleegey, laakiin Ilaahay fadligiis dhammaan waa la fashiliyey, waxaana ugu dambeeyey midka ayaamahaan sheekadiisu soo baxday, oo ah Qorshe uu diyaariyey nin Kornayl ah oo qeexaya sidii lagu mija xaabin lahaa Xisbiga Caddaaladda, iyadoo isla maanta uu barlamaanku ansixiyey qaanuun cusub oo sheegaya in saraakiisha ciidamada lasoo taagi karo Maxkamad shibil ah xilliyada aan dagaal socon, taasoo ka mida tallaabooyinka qorshaysan oo (Mu’asasadii Ciidamada) ee gaar hayaha ka ahayd (Xukunkii Ataturk) baalasha looga rifayo, iyadoo awoodo aan caadi ahayn horay u qaadatay, oo markey doonto Dawladda kala dirta ama xukunkaba la wareegta sida xilligii General Kancaan Efren uu Madaxweynaha Militerigaa noqday, kaasoo laftiisu hadda ka mida ragga maxkamaduhu sugayaan.
  4. Waxaa ka mida duullaamadaas gabdhaha Khimaarka wata oo Jaamacadaha loo diido, Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha xaasaskooda iyo gabdhohooda oo cadaadis la saaro si aaney usoo gelin xarumaha Dawladda, Cunaqabataynta dhaqaale oo laysku deyey, qorshayaasha Dawladda oo barlamaanka loo fariisto, iclaamka guud iyo qoraalada oo lagula dagaalamo, Reer Galbeedka gaar ahaan kuwooda hoggaamiya sida Maraykanka, Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska oo lagu diro, xisbiyada Mucaaradka oo la taageero, Madaarista oo cariiri la geliyo, waxyaabahaas oo dhan iyo kuwa kaloo badan oo aan la koobi Karin, ayaa xisbiga lagula dagaalamay, laakiin fadliga Ilaahay dhammaan dagaaladaas si buuxda ayuu xisbigu ugu guulaystey.

Dhammaan dabinadii loo dhigay waa ka boodey, godad badan oo inta la qoday weliba la dheereeyey si loogu aasona waa ka tallaabsaday, markaasaa weliba boorka uu kiciyey keliya indhaha wuxuu ka ridey cilmaaniyaddii xuurtayneysey. Erdogaanna libin ayuu ku geeraaray, isagoo aad Mooddo Sayid Maxamad Allaha u Naxariistee, oo Daraawiishtii Gudban ku wacdinaya oo leh:

Galladaa Ilaahay ka badan Geedahaa Baxa e’,

Guushuu inoo yeelay baan idin garwaaqsiine,

Guddiyey I maqal waxaad tihiin gacalahaygiiye.

Gafuurra xun siduu eebahay guuldara u raacshey

Dagaalkaas dhinacyada badan kaga imaanayey Xisbigu wuxu u maamulay si farshaxana oo xikmad iyo xirfad siyaasadeedba ku dheehantahay, dhammaan is bahaysiyadii kasoo horjeedeyna wuxuu ciyaarta siyaasadda uga badiyey  5 iyo 0, Intaa keliya maahane wuxuu si habsami ah oo shacbiga Turkiga cajabisay u maamulayey arrimihii Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, kor u qaadidda Nolosha shacbiga Turkiya.

Mexey tahay siyaasadda uu kaga guulaystey xisbigu mucaaradkiisa? Muxuu wadanka ka qabtay Siyaasad ahaan, Bulsha ahaan, Dhaqaala ahaan, iwm? Waa kuma Shakhsi ahaan Recep Tayyib Erdogan  oo ah hoggaamiyaha Xisbigan iyo qaabka (Styleka) hoggaamintiisa, iyo duruusta uu bixinayo? Guud ahaan maxaa duruus siyaasad iyo maamul laga faaiidaysan karaa tajrubada Turkida, ciddii dooneysa iney ka faaiidaysato? 

Waa Su’aalo aan jeclahay qormooyinka soo socda inaan kaga jawaabo Ilaahay idankiis, anoo ku eegaya, isha qof Soomaaliya, oo shacaba, oo diifi ka muuqato, dalkiisana nolosha aan laga sheekayn ee geerida iyo gaajada lays warsado.. la soco.

 Istanbuul iyo Casharada Siyaasadda Erdogaan!  Qaybta: 1-aad | 2aad | 3aad

  Dhambaall Cusub oo ka Socda Culima Waaweyn!

DHAMBAALKA  MANDELA U DIRAY SH.SHARIF & DR.C.IIMAAN!

WADAADADA SOOMAALIDU AYAAN DARANAA MA AWLAADDII AW JAAMAC BAA?!!Sh. Muxamad Idris

Mariyaa mise waa run! Waxaa isoo gaaraya dhawaq dheer oo leh: Dadow Bishaaraysta ummadii waa hesh.. Akhrr... 

Run ma la isu sheegi karaa?   Q-1aad  | 2aad | 3aad

WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad

Faafin: SomaliTalk.com | July 03, 2009 


MALAYSIYA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com