SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - IBRAAHIM
 

DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


"QARAXYADII LONDON OO JAWAAB U AHAA DUULLAANKII BRITAIN EE CIRAAQ"
Baaritaan ay daabacday wargayska The Guardian ee Uk ka soo baxda ayaa wuxuu qoray in weeraradii 7-da bishaan luulyo lala beegsaday London ay... Guji... July 20


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
Saacadda markay ahayd shanta galabnimo ayaan soo gaaray albaabka weyn ee laga galo xerada weyn Sandholm, ee lagu qaabilo qaxootiga cusub ee dalka Denmark ka codsada laajinimada. "yaad booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i sii" ayay isu-kay raacisay gabar deenish ahayd oo igala hadlaysay muraadayadda gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay. Guji... Jun 23, 2005

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV
Warbixintii Ibraahim Saalax...


SHIRKII AY YEESHEEN URURKA MIDOWGA DHALINYARADA SOMAALIDA SWEDEN 

Qoraalki iyo isku soo dubaridiid:
Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com
Maarso 20, 2005


Shir si wanaagsan loo soo agaasimay, ayna ka soo qaybgaleen dhammaan ururada hoos yimaada daladda ururka Midowga Dhalinyarada Soomaalida Sweden SSUF ayaa lagu qabtay hoolka shirarka lagu qabto ee Kista  magaallada Stockholm ee dalka Sweden. 


Dadweynaha ka soo qayb galay shirka


Guddoomiyaha iyo xubnaha SSUF

Shirka oo albaabada loo furay subaxnimadii sabtida ayaa waxaa ugu horeyntii si wanaagsan martida u soo dhoweeyay shir guddoonka Maxammed Muuse oo u mahad celiyay dhammaan ka soo qaybgalayaashii shirka, wuxuuna si dul mar ahaan dadweynihii ugu dul-aqriyay qaabka uu dhacayo barnaamijka shirka. 

Hadalkii gaabnaa ee uu soo jeediyay shir guddoonka kadib, waxaa hadalkii qaatay madaxa ururka SSUF Xamdi Cali oo ka warbixisay waxqabadkii uu ururka soo qabtay iyo himilooyinka uu tiigsanayo mustaqbalka dhow. “ulajeeddada daladda ururka SSUF waa inuu xoogga saaro dhinaca waxbarashada, is dhexgalka hufan ee bulshada swiidishka, ka hortagga maandooriyayaasha, la dagaalanka midabtakoorka iyo nashaad u gaar ah gabdhaha” ayay tiri Xamdi Cali oo iyadu khudbaddeeda ku soo jeedinaysay afka iswiidishka.  

Xamdi Cali waxay intaas raacisay inay ku rajo weyn tahay in ururkooda ay xiriir iyo wada shaqayn la samayn doonaan soomaalida kale ee ku nool Yurub, intaa kadib waxaa billowday warbixinnadii ay soo gudbiyeen xubnihii ka kala yimid magaalooyinka kale ee dalka Sweden. 

Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil oo ka socday xafiiska suuqa shaqada ee xaafadda Rinkeby ayaa soo gudbiyay warbixin ku saabsan fursadaha shaqada iyo waddooyinka loo marayo marka la dalbanayo shaqada. “waxaan ka mid ahay shaqaalaha ugu da’da yar ee ka shaqeeya xafiiska shaqada Rinkeby, waxaan la kulmaa dhibaatooyin badan oo shisheeyaha ka haysata xagga shaqada, intooda badan ma yaqaaniin qaabka loo maro dalbashada shaqada” ayuu yiri Hayaan oo ka baxay Jaamacadda Stockholm bartayna cilmiga siyaasadda. Warbixintii koobnayd Hayaan waxaa lagu soo gabagabeeyay su’aalo laga weydiiyay suuqa shaqada iyagoo ay weydiiyeen xubnihii halkaas isugu yimid. 


Caliyare Gaani

Waxaa sidaas si la mid ah warbixin soo jeediyay Caliyare Gaani oo ah madaxa ururka dhexdhexaadka ee isagu ka yimid magaallada labaad ee Goteborg, wuxuuna si waafi ah uga warbixiyay waxqabadkii uu qabtay ururkiisa.

Wuxuu Caliyare tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la helo dhalinyaro firfircoon oo ilaashada dhaqankooda, isla mar ahaantaasna ka faa’iidaysta fursadaha ka jira dalkaan aynu ku noolnahay. Dhinaca kale, wuxuu Caliyare ku nuuxnuuxsaday in laga feejignaado dhammaan asbaabaha keena inay caruurta qaadaan waddo aan wanaagsanayn.  

Ciise Dholowaa oo ka yimid dalka Australia ayaa ka mid ahaa martidii lagu casumay shirkii ururka midowga dhalinyarada soomaaliyeed SSUF, isagoo hadallo qiimo badan ka soo jeediyay goobtii shirka. Ciise Dholowaa oo maalmo kahor ka yimid Waqooyiga Ameerika ayaa muujiyay dareenkiisa sida uu ugu farxay kulankii dhalinta soomaaliyeed ay ku yeesheen Kista. “ururka SSUF waan uga mahad celinayaa inay igu marti qaadeen shirkaan qiimaha badan, waxqabadkoodana waxay i gelisay farxad aad u weyn” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo ka waramay guud ahaan ururadii uu maalmo kahor kula kulmay magaalooyinka Toronto ee Canada iyo Minneapolis ee dalka USA


Ciise Dhoolowaa

Ciise Dholowaa ayaa dadkii goobtii shirka joogay uga waramay howlihii bani’aadminimo ee uu ku caawiyay caruurtii soomaaliyeed, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “howlihii ugu wanaagsanaa ee aan qabto waxay ahaayeen caruurtii tabaalaysnaa ee u baahnaa qalliinka degdegga ah ugu qaaday dalka Australia, caruurtaasoo ka badnaa 20 qof”, ayuu yiri Ciise Dholowaa, wuxuuna intaas raaciyay “waxaan dalka Australia degganaa 20 sanno, baaritaanno iyo qoraallo badan ayaan ka sameeyay soomaalida ku nool qurbaha, waxaan ku faraxsanahay inay soomaalida ka sii yaraanayso qabyaaladdii qurisay qarankoodii” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo naxdin iyo walbahaar weyn ay ku beertay gacan-ka-hadalkii ay dorraad isu gaysteen xil-dhibaannadii baarlamaanka DFKMG. “waxaa saakay i soo wacday xaaskayga oo u dhalatay dalka Australia, waxay i weydiisay kadib markay taleefishinka ka aragtay. maxay kuraasta iyo miisaska ugu dagaallamayeen xubnihii baarlamaanka DFKMG” ayuu yiri Ciise Dholowaa oo wejigiisa ay hareereesay murugo markii uu ka waramayay dhacdadaan foosha xun. 

Ciise Dholowaa wuxuu ururka SSFU ku waaniyay inay dadaal badan ku bixiyaan sidii ubadkeena soomaaliyeed aan uga badbaadin lahaayeen mukhaadaraadka iyo guud ahaan denbiyada waaweyn. “ururada soomaaliyeed ee aan Canada kulmay waxay ii sheegeen in gobolka Ontario keliya ay xabsiyada ku jiraan soomaali tiradooda kor u dhaaftay 1400 qof, waa tiro aan aad uga naxay” ayuu yiri Dholowaa oo soomaalida Sweden uga digay inay dhalintooda uga digaan inay qaadaan waddadaas oo kale.  


Abuubakar Caato

In kabadan 8,000 oo Soomaali ah oo haadda lagu hayo Maraykanka ayaa waxaa dhici karta in dib loogu celiyo Soomaaliya (la tarxiilo) ama dacwadooda la dhegeysto... Guji...


Wiil dhalinyaro ah oo xammaasaysan ayaa hadalkii ka qaatay Dholowaa, wuxuuna u sheegay dadweynaha in tirada soomaalida ku jira xabsiyada Sweden aynan dhaafsiisnayn 48 qof “sidaas waxaa ii xaqiijiyay booliiska Stockholm, way habboon tahay haddaynu nahay ururka daladda SSUF ay feejignaadaan si aynan u siyaadin tiradaas” ayuu yiri Abuukaar Caato kana mid ah dhalinyarada firfircoon ee agaasima isboortiga iyo cayaaraha. 

Ciise Dholowaa wuxuu dhalinyaradii isugu jiray wiilal iyo gabdho ku baraarujiyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira dalalkaan. “anniga Asutralia waxa ay ii qabteen iima qaban dalkayga, wuxuu i siiyay waxbarasho lacag la’aan ah, degganaansho jeer aan ka qaato jinsiyadda, waxaan idin leeyahay ka faa’iidaysta fursadaha aad haysataan oo ka xorooba qabyaaladda dalkeenii burburiyay” ayuu yiir Dholowaa oo waqtigan xaadirka ah ku mashquulsan diyaarinta Risaaladiisa Phd-ga kuna saabsan Soomaalida ku nool qurbaha. 


Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil


Qadadii:::
 


Maxammed Faarax

Xaaji Faarax

Hassan_Dolek

Faadumo_Cabdi

Agaasimaha
SSUF

Waxaa sidoo kale goobtii shirka ka hadlay Maxammed Faarax Xaji Warsame oo macallin ka ah dugsiga hoose/dhexe ee ku yaala Rinkeby Stockholm dalka sweden. Wuxuu Maxammed aad ugu dheeraaday ahmiyadda ay caruurta soomaaliyeed ugu leedahay barashada luqaddooda hooyo. “khibraddayda macallinimo waxaan ka bartay caruurta sida wacan u yaqaana afkooda hooyo waa kuwa sida saxda ah u baran kara luqadaha kale” ayuu yiri Maxammed Faarax, wuxuuna waalidiinta soomaaliyeed kula dardaarmay inay ubadkooda kula sheekeestaan afka soomaaliga, gaar ahaan markay guriga joogaan. “inaad caruurtiina ka caawisaan afkooda hooyo waxay idinka caawinaysaa markaad da’ noqotaan, luqaddaada hooyo waa shakhsiyaddaada” ayuu yiri Maxammed Faarax, isagoo tilmaamay isticmaalka luqadda soomaaliga oo aad ugu yar soomaalida ku nool qurbaha. 

Xaaji Faarax ayaa isna ka mid ahaa raggii goobtii shirka ka soo jeediyay hadal gaaban, wuxuuna ka hadlay waajibka waalidka ka saaran caruurtooda, isagoo dhinaca kalena ka digay denbiyada ay caruurta ku mutaystaan ciqaab adag oo caqabad ku noqda mustaqbalkooda xagga shaqada iyo waxbarashadaba. “waxay shaqadaydu tahay inaan caruurta shisheeyaha, gaar ahaan kuwa soomaalida aan ka siiyo talooyin la xiriira falalka denbiyada, waxaadna ogaataan inaanan u shaqaynin booliiska” ayuu yiri Xaaji Faarax. 

Hassan Dolek oo isaguna ka socday xisbiga talada dalka haya ee social-ka isla mar ahaantaana ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee maamula xarunta Stockholm ahna guddoomiyaha daladda ururka dhalinyarada ee turkiga ayaa sidoo kale ka hadlay goobtii shirka, isagoo ka hadlay guud ahaan siyaasadda axsaabta ka jira dalka Sweden. “waxaan idinku boorinayaa inaad si firfircoon uga qayb qaadataan siyaasadda dalka, kana muuqataan jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada dalka” ayuu yiri Hassan Dolek oo ammaan ballaaran u soo jeediyay agaasimaha ururka daladda SSUF Ahmed Hassan oo laf-dhabar weyn u ah ururka SSUF, la’aantiisna aan qabsoomayn shirka maanta. 

Khubadahaas iyo hadalladaas kadib waxay xubnihii ururka guda galeen wada shaqayn koox-koox ahaan loo sameeyay, iyagoo ka doodayay qodobo 4 gaarayay ayna ka mid ahaayeen. 1) Sidee kor loogu qaadi karaa waxbarashada?. 2) Maxay tahay aragtidaada ku aaddan is-dhexgalka iyo ka hortagga falalka debiyada. 3) Sidee kor loogu qaadi karaa dhaqaalaha? 4). Sidee shaqooyin loogu abuuri karaa soomaalida, gaar ahaan dhalinyarada?  

Ugu danbeyntii shirkii ururka midowga dhalinyarada Soomaalida Sweden SSUF oo si fiican u dhacay maalintiisii koowaad, iyadoo ay beritona tahay maalintii ugu danbeysay siminaarka.

GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN

Qoraalki iyo isku soo dubaridiid:
Ibraahim Saalax  Aaden| SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com

Siminaarka Ururka Midowga Dhallinyarada Som. Sweden
Stockholm: Shir ay soo qabanqaabinayaan maamulka ururka midowga dhalinyarada soomaalida... Guji... Mar 19

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 19, 2005 | Sixid: Maarso 20, 05

QORAALADII HORE EE IBRAAHIM

URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK
SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003
SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003
WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

 
GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD