SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ra'ila Odinga:- Somalia waxa ay Khatar ku tahay Nabadda dalka Kenya.!!


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.

http://www.somalitalk.com/gentleman/

Asalaamu Calaykum.


"Siyassadda dalka Mareekanka waa siyaasad labo wajiilanimo ah "Double standard"!. Afayeenka dolwda Kenya Alfared Matua

Hordhac.


August 7, 2008 goorsheegtadda magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ay aheyd 2:30 Duhurimo ayaan booqasho ku tagay dhismihii hore ee safaaraddi dowlada America ay ku laheyd bartamaha magaaladda Nairobi ee Qaraxa lagu bur-buriyay sanadkii 1998 iyaddoo xilligaasi ay ka goobtaasi ay ka socotay xaflad balaaran oo ay soo qaban-qaabiyeyn dhibanaayashii Qaraxyadii safaaradii America ee Nairobi loo geestay iyaddoo banaanka hore ee goobta xafladda ay ka socotay aan ku arkay Teendhooyin ay ku xardhaneed Dhiig ku deeq "donate blood".
 


Mid ka mid waardiyaasha xarunta ay ka socotay oo
fiirinaya sawir la soo xardhay Osana Bin Ladena uu
ka muuqdo.sawirka /AP.

Horay ayaan u sii galay dhismahan oo haatan loogu magac daray "memorial park" iyadoo meesha aan ku arkay sawir gacmeed uu ku sawirnaa Osama Bin laden iyo dad badan oo ay ka muuqdaan dhaawacyo qaarna ay dhinteyn. Calamadda dalalka America iyo Kenya ay meesha dhax babanayeyn goobtaasi oo ay dad badi isugu yimaadeen.

1998 Qaraxyaddii safaaraddaha dowladda America ee Kenya iyo Tanzania.!!

Bishii August 7, sanadkii 1998 abaaraha Saacadda magaaladda Nairobi marka ay aheyd 10:30 subaxnimo waxaa Qarax aad u weyn lala beegsaday safaaradii dowladda America ay ku laheyd bartahama magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, Qaraxaas oo ay ku dhinteyn in ka badan 200 oo qofood iyadoo dad tiradoodu lagu sheegay 5,000 oo kalle ay ku dhaawacmeen dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 12 American ah oo ka mid ahaa Shaqaalihii ka hoolgali jiray safaaradda. Qaraxaan la yaabka ahaa ee ka dhacay Nairobi waxaa la mataaan ahaa Qarax kalle oo Safaaradda dowlada America ee dalka Tanzania lagu bur-buriyay waxaana sidoo kalle Qaraxaan Safaaradda Tanzania ee dowlada America ku dhintay dad ka badan 11 qofood iyadoo tiro kalle oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.
 


muuqaakan waa dad badan oo badbaadinaya qof dhaawac ah Qaraxyadii safaaradda Nairobi ee
dowladda America.

Qaraxyadaan Safaaradaha dowlada America lala beegsaday waxaa isla durbadiiba eeda dusha looga tuuray Ururka Al-Qa'ida balse xilligaasi xaruntiisu ay aheyd dalka Sudan ee dariska la ah dalkani Kenya. Dhank kalle dowlada America waxa ay sheegtay shaqsiyaad ay sheegtay In ay ka danbeeyeen. Liiska dadka dowlada America ay ku tilmaamtay in ay ka danbeeyaan Qaraxyadaan looguna doonista badanyahay waxaa ka mid ah Osama Bin Laden, Ayan Al-dawahiri Fazul Abdullah Mohamed oo reer Galbeedka ay aaminsanyihiin in uu dalka Somalia ku noolyahay, Abdulah Axmed Abdullah oo dowlada America marar badan ku sheegtay in uu ku dhuumaaleeysanayo dalka Somalia gaar ahaan Islaamul Gobaleedka Puntland iyo rag kalle oo dhamaantood ah Islam. Dabcab kama marna dalkeena Somalia oo marar badan ay dowlada America sheegto in ay gabaad u tahay argagixisadda caalamiga ah.
 


waa dhismihii safaaradda dowladda America ee magaalada Nairobi karhor inta
aanan Qarax lagu Bur-Burin dhismaayshana bartamaha magaalada Nairobi ayay
ku yaalaan.

Saafaradii hore ee dowladda America waxa ay ku taali jirtay Bartahama magaaladda Nairobi , balse Qaraxyadaasi kadib waxaa loo wareejiyay deegaanka Girigiri oo ah halka ay ku taal Xarunta UN-ka ee magaalada Nairobi waana meel aad ameenkeeda loo adkeeyay walibana ay ku yaalaan xarumaha safaaradaha ugu badan ee magaalada Nairobi ay ku leeyihiin dowladaha reer Galbeedka.

Dhibanayaasha Qaraxyadan iyo Xuska sanad walba..?

Dhibanaasha Qaraxyadan ayaa sanad walba waxa ay soo diyaariyaan Kullan loogu tala galay in lagu xuso sanad walba markii uu Qaraxn dhacay, balse dhinaca kalle sanadkii 1999 ayaa ugu danbeeysay Madax ka socota dowlada oo ka soo qeebgasha iskaba dhaaf Madax ka socoda dowlada America. Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa yiri Saraakiisa sare ee Dowlada America ee Safaarada America ee Nairobi waxa ay noogu iman la'yihiin waxa ay tahay iyagoo amaankooda u cansanaya iyo in la waydiiyo lacagihii mag-dhowga ahaa ee dadka dhibanayaasha loo balanqaaday. Balse sanad walba dowladda America wax ay sameeysaa xaflado si gaara soo agaasimay laguna dhigo magaalada Nairobi.
 


Muuqaalka sare ee bartamaha magaaladda Nairobi oo
ay iyo dad badan oo jidka safaran iyadoo teendhooyinka
cad-cad ee sawirka ka muuqda ay yihiin xarunta ay
xafladda ka socota ee Momorial Park sawirka/ Ap

Ra'iisul Wasaaraha dowladda Kenya Ra'ila Odinga oo ah shaqsi dadka reer Kenya Muslim iyo Gaalba ay jecelyihiin ayaa ka soo qeeb galay xuska sanad guuradda ka soo wareegatay 10 guuradii Qaraxyadii Safaaradda America ee magaalada Nairobi.

Ra'iisul waraare Raila Odinga ayaa inta badan khudbadiisa ooga hadlay arrimo ay u badnaayeen la dagaalanka Argagixisadda balse haddiiba argagixiso laga hadlayo dalka Somalia afka ayaa lagu buuxsadaa in ay tahay gabaad u tahay rag badan oo argagixiso ah. Hagaag .


Ra'iisul Wasaaraha Kenya Ra'ila Odinga oo ubax dhigaya
Dagaxa logu qoray magaxaydda dadkii ku dhintay Qaraxyadii
safaaradda Ameica ee Nairobi.

Ra'ila Odinga waxa uu khubadiisa ku sheegay in sharci daradda dalka Somalia ka jirta ay cabsi ku tahay amniga dalka Kenya. Isagoo dhinaca kale sheegay in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii Somalia ay nabad waarta ooga dhalan laheyd.

Dhibanyashii la hilmaamay "Forgotten victims".!!

Dhibanaaysha Qaraxyadii lagu Bur-buriyay safaaradda America ee magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxa ay isku magacaabeyn in ay yihiin Dhibanayaashii la Hilmaamay "Forgotten victims" sababta magac ulla baxan maxatahay.?

Congress-ka dalka America ayaa ugu deeqay lacago aad u fara badan Dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Diyaaradaha ahaa ee magaalada Newyork bishii September 11, ee sanadkii 2001 iyadoo qof walba oo dhibaato ay ka soo gaartay weerarkii mag-dhow ahaan loo siiyay lacag gaareeysa $1-2 million dadkaas waxaa ka mid ahaa dadkii American-ka ahaa ee ay waxyeelada ka soo gaartay Qaraxyadii safaaradaha America ay ku laheyd dalalka Kenya iyo Tanzania balse dadka u dhashay Qaaradda Africa waxba waxaa magdhow ahaan loo siiyay lacag gaarayaa $400-9,000 iyadoo la eegayo qof walba sida ay wax u gaareen. Wambua oo u dhashay dalka Kenya arrintana wax laga waydiiyay waxa uu ku jawaabay "Sababta way iska cadahay anagu waxaanu nahay African". Isagoo ulla jeeday in haddii ay dhalashadooda America ahaan laheyd mag-dhow fiican ay heli lahaayeen. Mid kalle oo dhibanayaasha ka mid ah ayaa ku calaacalay in haddii aysan safaaradda America ay leedahay ee Nairobi aysan shaqaale ka ahaan laheyn aysan waxa ku dhacay aysan ku dhici laheyn.
 


Michel Rennerberger safiirka dowladda dalka America u fadhiya dalka kenya oo
saxaafadda kudaha ee dalka kenya u waramaya.

"Dadkii ku waxyeelobay Qaraxyadii argagixisadda ku bur-buriyeen safaaradda aan ku laheyn Nairobi waxay dowladda America ugu deeqday lacag gaareeysa $42 million, waxaan daweeynay dadkii ku dhawacmay, dadkii ku waxyeeloobay caruur ay dhaleena waxan siinay deeqo waxbarasho" sidaa waxaa yiri Safiirka dowladda America ee dalka Kenya Michel Renneberger.

Sidda uu sheegay Micherl Rennerberger lacagta America ay ugu talagashay dadka Qaraxyadan ku waxyeeloobay waa $42 millon balse lacagtani halkeey bay aaday.? Mid ka mid ah dadka ku waxyeelobay Qaraxan una dhashay dalka Kenya ayaa cadeeyay in lacagahaan aysan soo gaarin iyadoo dowladda dalkani ay tahay dowlad ku caanbaxay wax isdaba marinta iyo Musuqmaasuqa "Corruption" " Dowladda waxa ay loona dhaqantaa sida dad Rabshad wadayaal ah oo kalle, mararka qaarna sida dad tuugsanaya oo kalle" sidaa waxaa tiri Flore Wamukowa oo Safaaradda America ee Nairobi shaqaale ka aheyd dhaawac xuna uu soo gaaray iyadoo waliba ay dhashay wiil dhicis ah.
 


Alfred Mutua: Afhayeenka Dowladda dalke kenya.

Dhinaca kalle Afahayeenka dowlada Kenya ninka lagu magacaabo Alfared Matua ayaa yiri "Waxa kalliya ee aan ka cabaneeyno waa in aysan dowlada Kenya awood u leyn in dowladda dalka America ay cadaasi ku saarto sidii ay mag-dhow la mid ah midka dowlada dalka America ay siisay shacabkeeda ay sidoo kalle siiso shacabka dalkeena Kenya" balse dhinaca kalel waxa uu siyaasadda dowladda America ku tilmaamay in tahay siyaasad Labo wajiilanimo ah "Double standard".

Dalka Somalia iyo Argagixsadda.?

Dalkeena Somalia waxa ka socda iyo caalamka waxa uu naga aaminsanyahay intaba waan la soconaa. Waxaan filayaa taasi uma baahna sharaxaad balse Somalia ma dal Argagixisadda gabaad siyaa.?

Marka taarikh dheerba aanan dib ugu laaban waaradii diyaaradeed ee dalka America lagu weeraray kadib Somalia waxa ay noqotay meel ay farta ku soo fiiqaan madaxda sare ee dowladda America ee uu ugu horeeyo madaxwanaha dowladda America G. W Bush.
 


Abdulaahi Yusuf oo farxad ay ka muuqato dhaxdana kaga jira Jindia Frazer iyo Michel
Rannerberger magaalada Baydhabo Ali Geedina meesha wuu ka muuqada sawirka/Daylife.

Somalia hala weeraro iyo maxaa laga weerayaa oo meesha yaal.? waa su'aalo in badan ay is waydiiyeen madaxda dowladda America. Balse intaas kadib waxaa dalka Somalia wixii ka danbeeyay sanadkii 2001 ku soo yaacay Warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa reer Galbeedka iyadoo ugu danbeyntii soo xaqiijiyay in aysan Somalia argagixiso ka jirin. Raggii ugu horeeyay ee sheegay in Somalia ay argagixiso joogto waxaa ka mid ahaa Madaxwaynaha haatan dalka madaxda ka ah Abdullahi Yusuf Axmed.

Dhinaca kalle Midowgii Maxaakimta islaamiga ee Somalia markii ay masraxa siyaasadda Somalia ku soo biireen kadib markii ay dagaal sanadkii 2006 socday ay afka ciida u dareen Hogaamiyashii dagaalka ee magaaladda Mogadishu oo dowlada America dhaqaalo xoogan ooga helayay sidii loo bur-burin lahaa awooda kooxaha waxa ay reer Galbeedka ugu yeeraan Islaamiyiinta. Waxa ay reer Galbeedka bilaabeen ka hadlidda arrimaha Somalia iyo in mar kalle dib loo soo celiyo in Somalia ay joogto argagixiso. Kadib maxaa dhacay.?

Midowgii Maxaakimta Islaamiga oo ka koobnaa kooxo iyo shaqsiyaasad kalla ujeedo ahaa balse isku ujeeda ka ahaa in somalia ay dowlad islaamiyo ah ay yeelato ayaa garan waayay in calaamka wax lala qeebsado, iyadoo dhaliisha ugu weyn ee loo soo jeedinayo ay aheyd kadib markii ay madaxdii Maxaakimta qaar ka mid ah ay yiraahdaan Muslimiinta caalmka waxaan ugu baaqeeynaa in Jihaadka Somalia ay ka soo qeebgalaan waa hadal aad u wanaagsanaa balse xilli aan loo baahneen la yiri. Wixii ka dhashayna waan la socnaa Iyo dhibaatadda heerka an maanta gaarsisantahay.
 


ciidan ka tirsanaa Midowgii Maxaakimta Islaamiga ee somalia.

Dagaalka Qarsoon ee dalka Somalia ka socda xilligan waxaa saldhig u ah waxa loogu yeero Ladagaalanka Argagixisadda "War on terror". Iyadoo dagaalka noocaan ahna uu yahay dagaal aan u dhamaan waxa ku baxda dhaqaalo fara badan oo ay reer galbeedka soo siiyaan shaqsiyaad aan diinba islaam-ka shaqo ku laheyn.

Ugu danbeyntii dalka Somalia waa dal aan Argagxisadda iyo waxan la sheegayaba aan shaqo ku lahey, Somalia waa dal 100% Muslim ah balse dhan kalle Kalmadda Argaxiso oo marka la daba galo loola jeedo dadka Islaam-ka sheekadda way is badaleeysaa arrintu!.
 


Aadan Hashi Ceyrow oo dowlada Mareekanka ay duqeyn ku dishay Alle U naxariisto .

Balse ujeedka ugu weyn ee Somalia dagaalka aan dhamaan lagula jiro waxa ay tahay diinteena Islaam-ka ah. Iyadoo waliba shaqsiyaasad Madaxtinimo sheeganaya ay yihiin kuwa loo adeegsanayo Bur-burinta dalka iyo diinta intaba, balse Alle mahadi Diinta Islaam-ka ah waligeed looma awood sheegan karo Alle ayana balan qaaday taasi. Laakinse naasib daro dalkii marba marka ka danbeysa sii bur-burayaa.

Dagaalka dahsoon ee ladagaalanka Argaxisadda marka uu dhamaado Somalia ma noqon doonta somalidii hore.? Mise dagaalan Argagixisadda ah lama oran karo waa dhibka ka taagan Somalia.? Dagaalka Somalia ka socda ma Diin iyo Dal ayaa la difaacayaa mise dano kalle ayaa laga yeelayay.? Somalia ma waxa ay gabaad u tahay Argagixisadda.? Su'alahaas iyo kuwoo kalle oo badan Maskaxda shacabka somaliyeed oo dhibaatadda dariska la noqday ayay ku guuxeeysaa.. Somalia Somali baa leh.

Wabilaahi Towfiiq.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya

Mohamed Dheere:- Maxaad ku tilmaami laheyd.?.. Akhri

Sawirada: Google images

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS