SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - IBRAHIM DAA'UUD

Wariye C/raxmaan Taysiir “Saxaafaddu waxay ka mid tahay fursadaha maanta Soomaaliya lagu badbaadin karo”   


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato 

Horudhac. 

Waxaa ii suura gashay in aan waraysi dhinacyo badan taabana aan la yeesho wariye C/raxmaan “Taysiir” oo ka mid ah wariyaasha somaliyeed ee dalkii Hooyo isaga soo hayaamay, C/rahman “Taysiir” waxa uu ka mid yahay wariyaasha aan aad u xiiseeyaa Qoraaladda uu qoro. Waxaana sharaf ii ah in aan wariye Taysiir aan wareeysigan la yeesho. 

Tariikh Nolaleedka wariye Taysiir. 

Abdiraham Sharif Mohamed (Taysiir), waxa uu ku dhashay isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, ee magaalada Muqdiso, July 16, sannadkii1986kii, Hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Faaduma Muxumed Maxamuud (Faadumo Siraad), waxaana ay wada dhasheen 6 walaalihiis ah oo da’ ahaan uu isagu u dhaxeeyo, 3 ka wayn iyo 3 ka yar.

Waxbarashadiisa:

Waxaa uu ku barbaaray isla mar ahaantaana uu ku waxbartay magaalada Mogadishu, Dugsi Qur’aanka waxaa uu ku dhigtay Degmada Hodan Gobolka Banaadir, waxbarashadiisa aasaasiga ahna wuxuu ku qaatay isla magaalada Muqdisho.

Dugsiyo gaar loo leeyahay (Private schools) ayuu sidoo kale ka soo bartay luqadaha Arabic iyo English-ka.

Taysiir iyo ku soo biiridiisii bahda Warbaahinta 

Abdirahman Taysiir intii uu ku jiray waxbarashadii aasaasiga ahayd ayuu aad u jeclaaday mihnadda Saxaafadda, wuxuuna jeclaa inuu barnaamijyo ka hor akhriyo ardayda marka ay ku jiraan safka ka hor inta aanay galin fasalladooda, sidaa daraadeed wuxuu ku fikiray inuu la ambaqaado bahda Saxaafadda (Codka arooryaad) sannadkii 2003 ayuuna ka mid noqday ardaydii saxaafadda ku baranaysay Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed ee Mogadishu (Somali Journalist Club).

“Warfaafinta waxaan dareemay inay tahay xirfad ka qeyb qaadata wacyi galinta, waxbaridda iyo madadaalinta Bulshada, qofka ka hawlgalana uu magac iyo sumcadba ku helayo haddii uu anshaxeeda ilaaliyo” ayuu yiri Abdirahman Taysiir, oo Diploma Saxaafadeed ka qaatay 2005, Somali Journalist Club, isagoo doortay qeybta Audio Visual, (Maqal iyo Muuqaal).

Intii uu culuumta saxaafadda dhiganayay ayuu bilaabay barashada Computer (Software).

Shaqadiisa Warfaafinta: 

Ugu horrayn wuxuu isku dayay inuu shaqo u doonto Raadiyo Muqdisho Codka Shacabka, oo markaasi ay ka bannaanayd fursad shaqo, iyadoo imtixaankii laga qaaday uu keenay natiijada ugu sarraysay ee 100%, Taysiir wuxuu ii sheegay inay sare u kacday niyaddii uu mihnadda u hayay, uuna aad ugu farxay guusha uu gaaray.

“Dhab ahaantii waxay ii noqotay mihnadda Saxaafadda aan ugu raadis iyo dadaal badanahay barashadeeda iyo ka shaqaynteeda” ayuu yiri C/raxmaan Taysiir, oo isagoo si niyad ah aan u sheekaysanay intaa ku daray, “Waxaa hamigayga ku weynaa inaan maalin un noqdo shakhsi haybad, magac iyo sumcad u saaxiib ah oo dadku ay xushmad iyo qadarin siiyaan, ayna iswaydiiyaan muuqaalkiisa”.

Shaqada iyo da’ yaraantu xiriir ma leeyihihiin!? 

Tayiir waxaa dhacday in shaqadii uu niyaystay uu waayo, iyadoo sabab looga dhigay da’diisa oo yarayd iyo isagoo waxbarasho ku jiray, wuxuuna ii sheegay inay taasi niyad jabisay isla mar ahaantaana aanu ku qancin go’aankii maamulka idaacadda, “Waxay ahayd in ay go’aankaas qaataan intii aanan imtixaanka galin, laakiin waxaan u arkay in qof kale booskaas lala doonayay oo sidaa aan shaqadii ku waayay” ayuu yiri.

Inkastoo ay taasi hankiisii dhaawacday, haddana wuxuu ku fikiray inuu horay ugu sii socdo dhabbihiisa, si uu heer uga gaaro mihnadda uu doortay, bishii May 2005 ilaa March 2006 wuxuu ka tirsanaa Ayaamaha Newspaper oo uu ka ahaa columnist (Maqaal qore).

Intii uu ku jiray Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed, ee uu baranayay Saxaafadda, wuxuu ka qeybgalay tartamo kala duwan oo uu agaasimay Naadiga, kuwaasoo loo qabanayay ardayda Naadiga, waxaana marar badan uu ku guulaystay dhinaca qoraal diyaarinta ee tartamadaas, Eng. Mukhtaar Xasan Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa mar kasta ku dhiiragalin jiray inuu la yimaado hal-abuur oo uu mar kasta wax cusub diyaariyo taasi oo keentay in uu hamigiisa warbaahinta uu sare kaco.

Bishii October 2005 waxaa ay BBC World Service Trust, ka bilawday magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa iyo Boosaaso, wargays lagu magacaabayay Codka Suxufiga, kaasoo loogu talagalay Wariyayaasha Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in qoraalladooda lagu soo daabaco, muddo 6 bilood ah oo uu wargayskaasi shaqaynayay wuxuu Taysiir ku soo qoray maqaallo iyo dhacdooyin, isagoo qaab madaxbannaan kula shaqaynayay (Freelance journalist).

6 April 2006, wuxuu la hawl bilaabay Wargayska National Post oo uu ka noqday Assistance Chief In Editor (Kaaliyaha Tifaftiraha), wargayskaas oo ka soo baxayay magaalada Muqdisho, hawlihii uu ka qabtay waxaa ka mid ahaa qoraalo diyaarin, samayn warar, Layout iyo design oo ah qeybta naqshadaynta ee wargeyskaasi, oo ahaa nuucii ugu horreeyay oo qaab caalami ah u samaysan kana soo baxa magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Taysiir waxa uu dib uga hawl bilaabay Raadiyo Muqdisho, isagoo ka shaqaynayay xilligii ururka SNA uu gacanta ku hayay raadiyahaas (Codka Shacabka) Maxkamadaha Islaamiga ay gacanta ku hayeen (Codka Ummadda) iyo markii ay dowladda Federaalka maamulaysay raadiyahaasi, (Codka Jamhuuriyadda) ilaa markii dambe uu ka mid noqday Wariyayaashii ka soo barakacay gudaha dalka, kaddib markii ay la soo gudboonaadeen xaalado ammaan-darro, kuwaasoo yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hadda waxa uu la shaqeeyaa Wargeeska Somali National Post, sidoo kale wuxuu qoraallo u diyaariyaa si madaxbannaan Majaladda Aaminews oo saldhigyo ku kala leh dalalka Canada iyo Kenya. Waa aasaasaha website-ka www.qalbideeqa.com oo ka mid ah shabakadaha Af-Soomaaliga ee ka hadla arrimaha bulshada. 

C/raxmaan Taysiir waxa uu mudnaan gaar ah ka helay Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo hadda uu xubin ka yahay, kaddib markii la arkay dadaalkiisa iyo sida uu u jecel yahay hawsha warfaafinta, waxaana Naadiga ku midaysan Saxafiyiintii hore ee Soomaaliya iyo kuwa cusub, iyadoo ay ka soo aflaxeen warfidiyeenno badan, kuwa kalena ay haatan wax ku bartaan. 

Taysiir wuxuu aad u jecel yahay qoraalka, isagoo horay u qoray sheekooyin jaceyl oo ay ka mid yihiin: Eed Ma leh Qof Kuu nugul, Silicii Jacaylka iyo safarkii Hargaysa, sidoo kale wuxuu diyaariyay maqaallo lagu faafiyay Website-da Soomaalida oo www.somalitalk.com ay ka mid tahay iyo idaacadaha magaalada Muqdisho.

Akhri qaybta 2aad...

Weriye Abdiraham Sharif Mohamed (Taysiir) waxaad kala xiriiri kartaa Emailada hoos ku qoran:

taysiir55@hotmail.com

taysiirka@gmail.com

mrtaysiir@yahoo.com

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya
http://www.somalitalk.com/gentleman/

Cali Geedi Ceeb kama xishooda miyaa.! "Waxaad Barataa waa baaskaa" Akhri...

Anniga iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.!.. AKhri..

Xeradda Qaxootiga ee Kakuma iyo waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan ku soo arkay.! 

Arrimaha Amaanka ee xeradda Qaxootiga ee Kakuma.! 

Magaaladda Mombasa iyo Xasuusta Somalia.!

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS