SomaliTalk.com

Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil: Qaybtii 2-aad
Qormadii  hore waxaan uga hadalay sumada iyo calaamada lagu kala garto rabaaniyiin iyo culumaa’u suu, (culimada fiican iyo kuwa xun), ka dibna waxaan ka hadalay tilmaamaha rabaaniyiinta.

Qormadaan waxaan ku qaadaa dhigaynaa tilmaamaha culumaa’u suu, culimada xunxun allah ha inaga badbaadiyee, waxaa suurta gal ah in  loo qaybiyo sadex qaybood siday u qaybiyeen qaar ahlu cilmiga ka mid ah;

Caalim rabaani ah:  diinta ayuu fidin, dadkana u cadayn, kuna camal fali, hadafkiisuna waa fidinta diinta Alle.

Caalim dowladeed:  wuxuu fiirin dowladu waxay rabto, taasuu fatwoon xitaa haddii arinkaasi keenayo inuu khilaafo kitaabka allah iyo sunnada Nabi Muxamad nabad galiyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Caalim shacab iyo dadweyne: wuxuu fiirin dadku maxay jecelyihiin si uu u raali galiyo caamada, wuxuuna dhihi mas’aladu waa khilaafi, arinkuna waa waasic.

Tilmaamaha Culuma’usuu (culumada xunxun).

1- Culumaa’usuu diinta waxay dhaafsadaan aduunyo, Allah balanta uu ka qaaday dadka la siiyay kitaabka waxay ahayd inay xaqa cadeeyaan oo aynan qarinin, culumaa’usuu iyagu xaqa dhabarka ayay ka tuuraan oo waxay ku gataan aduunyo.

2- Culumaa’usuu waxaa laga yaabaa inay xaqa sheegaan laakiin ma sameeyaan, kumana dhaqmaan . Al-Callaamah Ibnul-Qayim wuxuu yiri: Allah ha u naxariistee “culummada xunxun waxay fariisteen albaabka janada dadka waxay ugu yeerayaan qowlkooda dhanka janada, naartana dadkay ugu yeerayaan dhanka ficilkooda iyo waxay samay nayaan”, hadalkooda iyo ficil koodu wuu is burin.

3- Culumaa’u suu waa jaahiliin, Rasuulku wuxuu yiri; “nabad galiyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee” xadiis bukhaari iyo muslim wariyeen (Allah cilmiga ma qaadayo isaga oo laabta dadka laga siibayo laakiin culummadaa dhiman markii la waayo caalim fiican ‘rabaani’ dadku waxay samaysan kuwo jaahiliin ah iyagaa wax la waydiin way fatwoon cilmi la’aan iyagu way dhumeen ummadana way dhumiyeen).

Hadaba qof aan cilmi lahayn oon aragti lahayn ayaa raba inuu fatwoodo, oo uu wax maamulo, wax xukumo, umuurihii Islaamka ugu waaweynaa ka taliyo,  isagu waa dhumay dadkana waa dhumiyay,  umadiina way halaagsantay,  “walaa xowla walaa quwata illaa billah”.

4- Culumaa’u suu waxay wax ku xukumaan wax aan allah soo dajinin, waayo axkaamta sharciga ah aqoon dheeri ah uma laha,  mana ka sariigtaan dulmiga iyo gardarada, waxayna raacayaan xeerka ibnu aadamku dajiyay si ay xiliga iyo waqtiga ay joogaan ula socdaan.

5- Culumaa’usuu waxay ku been abuurtaan Allah, jago aduunyo inay qabtaan iyadoo ay ku xanbaari, taasoo garab marisa  allah cabsidiisa, Ibnul-Qayim wuxuu yiri allah ha u naxariistee: “Allah wuxuu xarimay qowl korkiisa lagu abuurto cilmi la’aan, fatwada iyo xukunka intaba, wuxuuna ka dhigay allah mida ugu weyn waxyaabaha la xarimay, waana darajada ugu saraysa xaga danbiga (Al-qowlu calalalaahi biqayri cilmi).

Wuxuu yiri sheekhu aayada ‘33’ ee ku jirta suuratul-acraaf: “Allah wuxuu darajooyin u qaybiyey wixii la xarimay, wuxuu ka bilaabay kii u sahlanaa, waa fawaaxishta, wuxuu ku labeeyay danbiga iyo dulmiga, wuxuu ku sadaxeeyay shirkiga, wuxuu darajada afraad ee ugu daran galiyay Alle ood ku been abuurato cilmi la’aan”.

6- Culumaa’usuu waxay raacaan hawadooda iyo waxay naftooda u qurxiso, allahna qalbigooda iyo indhahoodaba dabool buu xaqa ka saaray, waxay xukumaana jowr iyo dulmi bay ku sameeyaan, Allahna markuu qabto fakin maayo , Allow culumaa’usuu ummada ka qabo,  diintii bay fududaysteen, wixii  la xarimayna waa banaysteen, sida dhiiga iyo maqaasidii Shareecadu waxay ku taagnayd.

Qodobadaasi iyo kuwo kale oo badanba waxay ka mid yihiin tilmaamaha culumaa’u suu.

Gabagabadii iyo gunaanadkii halkaas waxaan uga baxnay tilmaamaha rabaaniyiin iyo culumaa’usuu,  qormada xigta waxaan u soo dagaynaa dulucda warka insha Allah, waxba yayna arartu ila tagine waxaan hoos ugu soo dagi doonaa culummada Somaliyeed. Waxaan ku fasiri doonaa qaacidooyinkii aan soo maray waaqiceena, waxaana isku dayi doonaa inaan casrigeenaan cadayno yaa culimaa’u suu ah yaase culumaa’u rabaaniyiin ah insha allaah. Waxaan su’aalo badan iska waydiin doonaa, eraygan culumaa’usuu ee waayadan danbe loo adeegsado culumadii lagu bartay cilmi iyo wanaag maxaa ka danbeeya?. Maxayse tahay natiijada iyo miraha ka dhalan ee la rabo in la goosto, la soco qormada sadexaad insha Allah.

W/Q/ Sh. Ahmednuur Macalim C/qaadir.

Imam masjid Abu-bakr Islamic Center.

Seattle, Washington.

midnimo114@hotmail.com

Shacabka deggan Beledweyne oo dalbaday in Ciidamada Itoobiya laga saaro magaalada
Dadweynaha ku Dhaqan Magaalada Beled Weyne oo Dawladda KMG ka Codsaday in Ciidamada Itoobiyaanka laga Saaro Magaalada.

Waxaa Muddo Bil ah ah laga joogaa Xilligii Ciidamada itoobiyaanku ay soo galeen gudaha Magaalada beled weeyne ee Goblka Hiiraan ayaa waxa isa soo taraya Cabshada ka soo yeereysa Dadka ku dhaqan magaalada Beled Weeyne. Cabdullaahi Cilmi oo ka mid ah Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Beled Weyne ayaa war baahinta uga hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Itoobiyaanku ku hayaan Shacabka ku dhaqan magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan.

Ganacsadahaan ayaa sheegey in Ciidamada Itoobiyanku ay magaalada ku hayaan falal Cabsi gelin ah isagoona sheegey in mararka qaar Dadka ay iska dilaan sida marar hore dhacday.G anacsade Cabdullaahi ayaa sheegey in Magaaladu ay ka bixi la’dahay jah wareer Baandow aan waqtiyeysneyn oo habeen iyo maalin ah, xayiraad lagu soo rogey meelaha qaar ganacsigii iyo socodkii gaadiidka oo si aad ah u yaraaday gaar ahaana Gaadiidkii degi jiray Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Ganacsadaha ayaa Xukuumadda Federaalka u soo jeediyay Codsi isagoona sheegey in dawladda ay weydiisanayaan in Ciidamadaas Magaalada laga saaro isla markaana Xal kan dhaama loo raadiyo shacabka ku dhaqan magaalada Beled weyne.

Isku soo duuboo Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii ay gacan ku haynta Magaalada Beled weeyne ay la wareegeen isa soo tarayay falal amni darro oo halkaa ka jiray iyadoona dhowr mar Ciidamada Itoobiyaanka Fariisimadooda lagu weerar qaraxyo taasoo ay iyaguna Rasaas kaga jawaabeen ay ku dhinteen Dad Rayid ah oo aan waba galabsan sidoo kale webiga Magaaladda dhexmara ayaa isgana maalin weliba laga soo saaraa Meydadka dad ay dileen Ciidamada Itoobiya..

Sarkaal Itoobiyaan ah oo la hadlyey Warbaahinta ayaa sheegey in Ciidamadda Itoobiya aysan ka baxeyn Magaaladda Beled weyne inta ay ku wareejinayaan Ciidamada Amisom, hase yeeshee wey adag tahay in Ciidamadda Amisom ay ka Howlgalaan meel ka baxsan Magalada Muqdisho oo weli ay kala kulmayaan weeraro kaga imaanaya Xarakadda Alshabaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Beesha Cayr oo sheegtay in ay Gen. Yuusuf Indhacade u Doorteen Siyaasiga uga Qaybgalaya Shirka London.

Kulan ay ka soo qeybgaleen waxgaradka Beesha Cayr oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafaded ay ka soo saaren kulankaas waxay ku sheegeen in beeshu ay Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade u doorteen in uu noqdo Siyaasiga beesha Cayr ku matali doona shirka 23-ka bishan ka dhici doona magaalada London ee wadanka Ingiriska.

Warsaxaafadeedkan oo qoraal ah isla markaana uu ku saxiixnaa Wabarka beesha Cayr Cabdulaahi Orey Caraale ayaa lagu yiri “Kadib markii ay shir ku yeesheen beesha Cayr magaalada Xamar, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwan sida Salaadiinta, Nabaddoonada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Beesha Cayr ayaa waxaa looga arinsanayey sidii loogu diyaargaroobi lahaa waqtiga kala guurka ah iyo dhamaadka xiliga dowladda KGM.

Sidaasi darteed waxay beeshu u dooratay inuu matalo Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade uuna noqdo Siyaasiga beesha Cayr uga qaybgala Shirka lagu qabanaayo dalka Ingiriiska ee looga arinsanaayo arrimaha nabadda Soomaaliya”.Wabar Cabdulahi Orey ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabdda Soomaaliya isla markaana taageero fiican la siiyo shirka Magaalada London si loo samatabixiyo dhibaatada dalka Soomaaliya ku jiro

Dowlada Ingiriiska ayaa soo saarin Liiska xubnaha ka qaybgalaya Shirka London inkastoo ay sheegtey in shirkaas ay ka qayb galayaan Saxiixayaashi Shirarkii ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ee looga hadlayey Road Map-ka hase yaashee Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxay sheegeen in haddi ay dhacdo in shirka lagu koobo Saxiixayaashii Muqdisho iyo Garoowe ay tahay arrin Cadaaladdaro ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Warsaxaafadeed R.W. DFKMG oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalo uu ku tegay dalalka Italy, Kenya iyo Djibouti
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Talyaaniga 29kii Janaayo ilaa iyo 1dii Febraayo ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga Mario Monti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la soo qaatay Wasiirada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Gaashandhiga iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Talyaaniga xiriirka qotoda dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo shirka London ee 23ka Febraayo 2012. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in warqad la sheegay inay ka soo baxday dalka Talyaaniga uu kala hadlay dowladda Talyaaniga ayna caddeeyeen inaysan warqadaas aheyn mid ka tarjumeysa siyaasadda Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inaan la aqbali Karin in Soomaaliya dib loogu celiyo gumeysi oo uu sheegay in Soomaaliya ay tahay Dowlad madax-bannaan oo caalamka ka mid ah.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inuu Nairobi kula kulmay 3dii Febraayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska William Hague oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shirka London ee 23ka Febraayo iyo xiriirka labada dal ee Ingiriiska iyo Soomaaliya. Waxuuna sheegay in uu u sheegay Dowladda Ingiriiska in Soomaalidu ay aad ugu hanweyn yihiin kana filayaan rajooyin wanaagsan shirka London oo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugeyso shirkaas inuu matalo maslaxadda Soomaaliya oo lagu horumariyo Roadmap ka iyo Garowe Principles oo la rajeynayo in baarlamaanka cusub uu noqdo 225 mudano oo tayo leh iyo in la sii dhameystiro Dastuurka cusub.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegey Djibouti 04tii ilaa iyo 06dii Febraayo oo uu uga qeybgalay Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah (ICG) oo kulankoodii 21aad ku yeeshay Djibouti ayna ka soo qeybgaleen 40 dowladood loogana hadlay sidii Dowladda looga saacidi lahaa Qorshaha Xasilinta Degmooyinka iyo Gobolada Gaar ahaan goobaha laga saaro Al-Shabaab, si shacabka loogu gurmado oo ay u helaan adeegyadii bulshada isla markaana u sameystaan guddiyo amni iyo maamul ay aayahooda uga tashadaan. Sidoo kale shirka waxaa aad looga hadlay sidii loo soo afjari lahaa Xilliga Kala Guurka ah.

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismail Omar Gelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal isla markaana uga mahadceliyey ciidamdii ay dhowaan Djibouti u soo direen Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta soo maray magaalooyinka Garowe iyo Galka’yo inta aanu iman Muqdisho oo uu madaxda iyo shacabka maamuladaas kala hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Roadmapka iyo Garowe Principles.

—-Dhamaad—-

Garad Salad Hersi

Communication Director, office of the PM

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Shirkii ICG oo lagu soo gabogabeeyey Djibouti
Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab, Waxaa kaloo laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay Shirka London ee 23 February 2012 oo la isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012, isla markaana la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka london lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka.

Fadlan lifaaqa waa khudbadii uu Ra’iisul Wasaarha ka jeediyey xiritaankii shirka iyo sawiro.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia

& Spokesperson of the Government

Tel: +252615479911 or +252699998854

Tel: +253783542 – Djibouti

E-mail: ayarisow@opm.gov.so

E-mail: engabdirahman@gmail.com

Baarlamanka Somaaliya oo loogu Hanjabey in Cunaqabatayn la Saari doono Haddii Khilaafaadkiisa Xalin Waayo
Waxaa Dalka Jabuuti weli ka socda Shirkii ICG oo ah Wadamada Daneeya Arrinta Soomaaliya ayaa arrimihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa Road Map-ka. Shirkan oo ay ka qayb galayaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya, Guddoomiyaha Barlamanka ee xilka laga qaaday, Madaxweynaha Gal Mudug iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa halkaa khudbad ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz.waxaa la filayey in shirkaas uu ka qaybgalo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed balse ka baaqdey arrimo Shaqo oo ka jira Gudaha Mudane Gaaz ayaa soo hadal qaaday arrimaha dhamaystirka Road Map-ka isagoona hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay meel marinta Heshiisyadii Kambala .

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegey in Beesha Caalamku ay xiligan ku hawlan tahay sidii looga gudbi lahaa ku meel gaarka sidaa darteedna ay xukuumaddiisu kala shaqaynayso sidii arintaa loo dhamayn lahaa maadaama ay Xukuumadu u harsan tahay Bilooyin Kooban.

Cabdiraxmaan Yariisow oo ah Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaa kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in qodobadii ka qayb galayaasha Shirka ay soo jeediyeen ay ka mid ahayd in Baarlamanka Soomaaliya maalmaha soo socda uu xalliyo khilaafkaasa isla markaana la helo Baarlamaan Xukuumad iyo Beesha Caalamka oo isku si u wada Shaqaynaya si soomaaliya Nabad loogu soo dabaalo .

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in shirku uu soo hadal qaaday in Cuna qabatayn la saaro cid alla iyo ciddii ka hor timaada xalka la doonayo in lagu soo af jaro Khilaafka mudada hareeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Mudane Yariisow ayaan dhinacna Eedda Saarin labada Garab ee uu Barlamanku u qaybsan yahay isagoo taa bedelkeedana kaga wareegay in cuna qabatayntu ay tahay mid u gooni ah ciddii ka hor timaada dadaalka Beesha Caalamku ku dooneyso sidii loo soo af jari lahaa Khilaafka Barlamanka

Xildhibaanada ka soo hor jeeda Guddomiyanimada Shariif Xasan ee xilka laga qaaday ayaa ku adkaysanayay in marnaba aanay aqoonsanayn Shariif Xasan inuu yahay Guddoomiyaha Barlamanka isla markaana ayan aqbalayn inuu inta Baarlamanka soo hor fariisto ilamarkaana mar kale uu Hagaamiyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Biloowga Dagaalka Shidaalka (Black Gold) Ee Soomaaliya!
Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo

Intaa kabacdi, aqristaha sharafta badanoow, ma aha wax lagu farxo wadan 20-sano iyo ka badan burbur iyo dagaalo ka dhex aloosnaayeen, magacyo kala duwanba haloo yeelee, guntooduna wada aheyd dano shisheeye oo dad maqaarka sare Soomaali ka ahi u fulinayeen, in hadana dagaal Shidaal hada iyo koow uu kusii furmo, waa naxdin iyo nasiib darro inteeda la eg!

Fadlan adigoo cinwaanka sare iyo xikmadaa kore ee Ingiriiska ku qoranba maskadxa ku heynaya, aan toos u guda galno qormadan aan rabno in aan ku qaadaadhigno arintan ummadeena muhiimka u ah.

Sii Akhri..

Toogo iyo tab-kac – Maqaal Caydaruus C. Keenadiid
Astaynta Puntland ma ahayn ban-ka-ood, caadifad iyo laab-la-kac ku timid, balse waxay ahayd baahi, qaddiyad, rabitaan iyo masiir ay bulshadu toogeysatey.

Inkastoo ay 13 sano jirsatey bilana uba dheer yihiin, haddana tabargal waa noqon weydey, inay hanaqaaddana lagala caalwaa.

Dhammaan, iyadoo aanba la kala soocin maamuladii daadihinta Puntland lagu aaminey waa ku fashilmeen inay tubtii dimoqraaddiyadda, maamul-wanaagga iyo caddaaladda u saan-qaadaan, waxay ka badin waayeen toogadii oo tab-kac loo beddelo.

Halkii looga fadhiyey horumar dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, maciishadda iyo nabadgelyada, waxayba arrini ku soo ururtay in cagta loo saaran yahay isbeddel ku dhaca juqraafigii siyaasadeed ee Puntland.

Waayaha ay Puntland marayso iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee maalmahaan loo

tafa-xeytey ma aha kuwa rajo, yididiilo iyo soo-rayn ishaaraya ama xambaarsan.

Waxa ay Puntland galabsatay ama loogu dowgalay weli loo ma duurxulin fartana si dhab ah loogu ma fiiqin.

U ma qalin qaadan inaan qormadaan uga faalloodo saha la joogo, faaqidaad iyo gudagalna ku sameeyo xaaladaha Puntland ilaa iyo astaynteedi laasumay, waxaa arrintaas iiga filan nuxurka dood odayaal wax tebeya dhexmartay:

•	S. maxaa dabray oo Puntland inay saan-qaaddo u diidey

•	J. kasmo siyaasadeed oo laga qatan yahay,damac aan gar ahayn iyo maalin-tirsi

•	S. markii ay muddo xil-hayni gabaabsi noqotaba maxaa gedo cusub, xeelado iyo

amarti loo la yimaadaa

•	J. malaha waxaaba la istusay oo maanka la gashaday in shacabku yahay warqad

cad oo wixii lagu qoraa ay ku qormayaan

•	S. juqraafiga siyaasadeed ee la hadal-hayaa muxuu yahay

•	J. tigimadii bey qaybi maqan tahay

•	S. arrinka yaa ku maqan, mase loo helayaa tabo lagu mareeyo

•	J. waxaa codkoodi la waayey aqoon-yahannadii culuumta bulshada iyo

siyaasadda kasmada iyo waayo-aragnimada u lahaa

.     waxaa gaabsaday oo aamus doorbiday suugaan-yahannadii curinta iyo tirinta

maansada ku xeeldheeraaa

waxaa faq iyo hoos-u-hadal ku negaadey culimaa’udiinkii milladdeena

suubban buuniga ku ahayd

waxaa la careeyey oo eryba laga waayey odayaashii dhaqanka ee loo irkan jirey

idilkoodba maqaawiirtii waxaa ka soo haray dhaygag iyo dhabanno-hays

Caydaruus C. Keenadiid

La xiriir aokenadid emailkaas at yahoo.com

Webiga Dhexmara Magaaladda Beled weyne oo Marti u noqdey Meydadka dadkii ku Noolaa Magaaladaas
Iyadoo dhawaan Magaaladda Beledweyne ay soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan nkuwaas oo la sheegey in ay Gacan siinayeen Ciidamo ka tirsan Dooxada Shabeele ka dib markii ay halkaa ka saareen Ciidamaddii Xarakadda Alshabaab ayaa wararka ka imaanaya Mgaaladaas waxay sheegayaan in Magaaladda Dadkii degenaa ay soo wajahdey Cabsi iyo argagax tii ugu weyneyd ka dib markii maalin weliba magaaladaas ay ku dhimanayaan dad rayid ah oo aan waxba Galabsan.

Magaaladda Beledweyne oo u dhow Soohdinta  Dowlada  Itoobiya ay la leedahay Soomaaliya  ayaa wararkii ugu Dambeeyey ee ka imaanaya Magaaladaas waxay sheegayaan in webiga dhexmara Xaafadaha Magaaladaas  uu qashin qub u noqdey Meydadka dadka ku nool Mgaaladaas ka dib marka ay Ciidamada Itoobiya Dilaan ayey hadana Webiga ku ridayaan waxaana maalin weliba  webiga laga soo saaraa ilaa shan qof oo u badan dhalinyaro.

Dhacdadii uguXanuunka Badneyd waxay ahayd markii Webiga laga heley dad muddo la weysanaa kuwaas oo Jirkoodu doorsoomey islamarkaana qaar ka mid ah la garan waayey waxayna dadka deegaan maalmahaan ku mashquulsanyeen Aasida Meydadka laga heleyo webiga Beled weyne.

Cali Jimcaale wuxuu ka mid yahay dadka Muddo ku noolaa mar uu u waramayey warbaahinta ayaa Yiri  “Dadka reer Hiiraan Balaayo ayey wacdeen  maanta ayeye hayaan Balaayadaas  waayo markii hore Nimco ayey ku jireen maanta waxay marti dadkooda u noqdeen in meydadkooda laga soo saaro webiga shabeelle  marka laba mid ayaa u banaan dadka ku nool Magaalada in ay magaaladda isaga Barakacaan ama ay la dagaalaman maanta dadka reer Beled weyne waxay ku nool yihiin nolol Tii ugu Xumeyd ee ay abid arkaan “ wuxuu sii raaciyey.

“Aniga waxaan jiraa lixdan sanno waxaa iga Go’aan in aad qaato Qoriga oo aan la dagaalamo Ciidamada Itoobiya waayo maalin weliba ma fiirsan karo Meydad laga soo guryo webiga, sidaa darteed dadkii islahaa Ciidamada Itoobiya dadka wey kala soocayaan waxaa Xaqiiqowdey in Askari Itoobiyaan haddi la dilo  uu ugu aarayo Qof Soomaali ah Ciduu doono ha ahaado marka waxaan leeyahay dadka Reer Hiiraan in ay Fadhiga ka kacaan  oo ay iska xureyaan Ciidamadda Itoobiya.

Magaaladda Beled weyne waxaa sidoo kale dadka ay ku dhiban yihiin Bandow la saarey 24 Saac oo waxaa lagu waramey in dadka ay heystaan Muddo Sadex Saac ah in ay adeegtaan ka dibna wixii saddexdaas ka dambeeya albaabada ayaa la iskugu dhufasiiyaa Meheradaha Ganacsiga  marka waxay dadka ku nool Magaalada ay bilaabeen in ay u cararaan Tuulooyinka ku dhow Magaaladaas si ay uga nabadgalaan  Dagaaladda, Qaraxyada iyo dilalka ka socda magaalada sidoo kale Dowl;adda Federaalka weli kama hadlin waxa ka dhacaya  Magaaladda Beled weyne iyo Xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Beledweyne.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Shacabka Muqdisho oo Aragtiyo kala Duwan ka bixiyey Shirka London kuna Tilmaamey Madaxii oo Majo loo Rogey
Waxaa la filayaa in 23-ka bishan Febraayo 2012 Magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka furmo shir la sheegay in loo qabanayo bulshada Soomaaliyeed, waxaana shirkaasi ka qaybgalaya dadkii saxiixay heshiisyadii Muqdisho iyo  Garoowe ee kala ah Dowladda Federaalka oo ay kala matalayeen Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo C/wali Cali Gaas, sidoo kale waxaa ka qaybgalaya Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.

Waxaana aragtiyo ka soo uruurinay dadka ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan sida ay u arkaan shirka London ka furmaya:

Prof. Ismaaciil Cali Muumin ayaa yiri “Ma xuma in la qabto shir dib u heshiisineed, hase yeeshee waxaa is weydiin mudan waxa xiligaan ku soo beegey  in Ingiriisku yiraahdo shir dib u heshiisiin ah ayaan u qabanayaan shacabka Soomaaliyeed, muxuu shacabka Soomaaliyeed ugu fiirsaday 20-kii sano la soo dhaafay dhibaatadii ay ku jireen, marka anigu waxaan u arkaan shir dano gaar ah laga leeyahay, sidoo kale waxaan la yaabanahay in dadkii Soomaaliyeed oo dhan laga soo xulay kuwii saxiixay shirarkii Muqdisho iyo  Garoowe, marka waxaan u arkaa in uu yahay shir lagu kala sii qaybinayo ummadda Soomaaliyeed”, wuxuu kaloo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in aysan fiirin ka qaybgalka shirka London balse ay fiiriyaan shirka London waxa uu bulshada soomaaliyeed ku soo kordhin karo.

Xuseen Cali Khaliif oo isna ka mid ah bulshada Muqdisho ayaa isaga  oo aragtidiisa dhiibanaya wuxu yiri “Soomaaliya waxaa loo soo qabtay shirar fara badan, shiararkaai wax natiijo ah lagama gaarin oo aan ka aheyn burbur iyo barakac, marka kan London kuwaas kama duwanaan doono waayo waxaa la doonayaa in Soomaaliya gobal gobal loo qaybiyo kadibna la gumeysto, inkastoo wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska uu  ku celceliyey in shirku yahay mid Soomaaliya ay leedahay , isla markaana Ingiriisku uu soo jeestay xiligaan in uu Soomaaliya kala qaybqaato sidii ay nabad u heli lahayd”.

Wuxuu intaa sii raaciyey “waxaan maqlay in Dowladaha Qatar iyo Sucuudiga ay bixinayaan qarashka lagu bixi doono shirkaasi, kadib markii wadamadaasi uu booqday mas’uul ka tirsan Dowladda Ingiriiska, waxayna dowladahaasi ka mid yihiin dowladaha loo soo maro burburka iyo baaba’a ummadda Soomaaliyeed, waxay fiirsanayeen malaayiin qofood oo 20-kii sano dibaatoonayey, waayo waxay noqdeen kuwa isteerinka loo hayo  oo hadba dhinicii la doono loo leexiyo, waxaa horey reer Galbeed  u amreen in hay’adahoodii taakuleynayay agoonta ee Soomaaliya joogay ay albaabada u laabaan, markii ay reer galbeedku dib u soo laabteen waxay bilaabanayaan in ay gacan siiyaan shacabka, marka waxaa la dhihi karaa waa dowlado daba dhilif u aha reer galbeedka”.

Waxaa magaalada Jabuuti shalay ka furmay shir loogu googol xaarayo shirka London waxaan ka qaybgalaya intii saxiixay heshiiskii Muqdisho iyo  Garoowe , weli waxaa layska indha tirayaan halka loo mari karo xalka Soomaaliya, waayo dalka waxaa ka socda dagaalo,dadka wada dagaaladaasi miyaan loogu yeereyn shirkaasi haba diidaan haddii doonaan, waxay u muuqdaan in weli layska indha tirayo xaqiiqda jirta iyo meesha xalka Soomaaliya ku jiro, shirkaan oo kale waxay soomaalidu ku tilmaamntaa (waa Madixii oo Majo loo rogay) Ingiriiskana waxay ka tahay “Anna Hadaan Kooyey”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Sidee Computerka Looga Xanibi karaa Websiteyada Aflaanta Anshaxa Xun
“Carruurtaada ka difaac website-yada Anshaxa Xun”..

Internetka waxaa ka buuxa macluumaad wax tar leh. Waxaa taas garab socda in ay ka buuxaan waxyaabo aad halis u ah iyo kuwo anshax ahaan khatar ah oo aan u wanaagsanayn koritaanka caqliga ama maskaxeedka carruurta iyo amaankooda naf ahaaneedba. Sii Akhri