SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
Istanbul: Khudbad

Khudbaddii Sheikh Shariif ka akhriyey Shirka Istanbul, May 22, 2010

Madaxweynaha DFKMG ayaa khudbadii uu jeediyey waxa uu ku akhriyey luqadda Carabiga, tarjumaadda hoosena waxaa sidaas ay tahay u faafisay DFKMG.

Khubadii Sheikh Shariif:

Waxaan ku faraxsanahay in aan hortiinna imaado idinkoo ah Walaalahay iyo Saaxiibbada shacabka Soomaaliyeed ee rafaadka ku raagay.

Anigoo ku hadlaaya magacayga, kana Wakiil ah Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, waxaan uga mahad celinayaa dowladda Turkiga Shacab iyo Xukuumadaba sida ay u marti galiyeen kulankan aadaminimo ee Caalamiga ee loo qabtay Soomaaliya darteed.

Waxaan u mahadnaqeynaa cid kasta oo gacan ka geysatay qabashada Shirkan aadka loogu soo qaybgalay ka socda magaalada Istambuul oo qarniyo badan ahayd caasimadda khilaafadii Islaamka, ee ahayd tii Nuurka Ilbaxnimada ku baahisay guud ahaan Caalamka oo dhan.

Waxaan ka rajeyneynaa dhammaan Dalalka, Ururrada iyo Hay’adaha Caalamiga ah in ay Kaalmada lagama maarmaanka ah u fidiyaan dalka soomaaliya si uu uga soo kabsado turaanturrada, ugana bogsoodo dhibaatadii ku dhacday.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Soomaaliya waxay soo martay 20 sano oo Fowdo, Deganaansho la’aan, Qax iyo Gaajo gudaha dalka iyo dibaddaba, kadib markii shacabku waayay kaabayaashii Nolosha lagu kasban lahaa min Degmo iyo Tuulo si isku mid ah, taasoo ay ugu wacan tahay Ammaan la’aan.

Soomaaliya xilligan waxay waajaheysaa dhaqan cusub oo aan horay u soo marin Taariikh dheer, taasoo ah in Xag-jirnimada loogu soo duggaalayo magaca Diinta, ku Fallaagoobidda Qiyamka Islaamka ee asaasiga ah, Banneysashada Muqaddasaadka iyo waxa ugu waa weyn ee Ilaahey xarrimay sida Dhiigga Aadanaha aan waxba galabsan, Dilka dadka iyagoo Soomman, iyagoo Masaajid ku jira kuna dhawaaqaya Ashahaadada.

Sidoo kale waxaa soo ifbaxay Burcad badeednimada oo ah xaalad Insaani ah oo laga naxo guddo iyo dibadba, Maalmihii u danbeeyay waxaa na soo foodsaaray xasilooni la’aan Siyaasadeed oo gudaha ah, waxaanna ku tala jirnaa in aan is-bedel aasaasi ah ku sameeyno qaab dhismeedka Xukuumadda, taasoo ku imaaneeysa doorashada iyo soo magacaabista koox karti shaqo leh, oo ka howlgala Hay’addaha muhiinka ah ee Qaranka Soomaaliyeed, waxaa kaloo aan dejin doonaa Qorshe mudadiisu dheer tahay oo looga gol leeyahay dhismaha Hay’addo dowladeed oo xasiloon.

Mudanayaal iyo Marwooyin haddii aanu jiri lahayn dhabar adayga Shacabka Soomaaliyeed iyo Diidmadiisa in uu isu dhiibo Waaqica Xanuunka leh, marnaba ma uusan noolaadeen Maanta .

Maalgashiga Soomaalida Qurbaha ku nool iyo Ganacsiga gaarka ah, waxa ay kaalin mug leh ku leeyihiin Nolosha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan garowsan nahay islamarkaana qadarineynaa Ahimiyadda ay leedahay kaalinta Beesha Caalamku ka geysaneyso dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Bani’aadminimada iyo Horumarinta.

Ujeeddada Shirka Istambuul waa dhaqaajinta iyo gaarsiinta arrinta Soomaaliya ilaa heer Caalami iyo in Tooshka lagu ifiyo dhibaato Bani’aadminimo tii ugu muddada dheereyd casrigan cusub, loona muujiyo sida loogu baahan yahay in dadaal badan loo galo soo afmeeridda dhibaatadaas.

Sababta ugu weyn ee sii socoshada Loollanka Soomaaliya waa Saboolnimada Aadanuhu sababta u yahay, waxaan u baahan nahay in la badalo Aragtida ku wajahan Soomaaliya, sidaas darteed waxaan isku dayeynaa intaan ku jirno Shirkan in aan diiradda saarno Fursadaha suurto galka ah ee wax lagu dhisi karo.

Tan iyo Heshiiskii Djibouti ee 2008 dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay isku dartay in ay gaarto dhammaan Kooxaha doonaya in nabaddii iyo xasilloonidii lagu soo celiyo Soomaaliya, waxaanna horumar nuxur leh ka gaarnay dhinaca dib u heshiisiinta wali waxay gacmeheennu u taagan yihiin Nabadda, sidaas ayayna ahaan doonaan inta nabadi ka islaaxeyso Soomaaliya.

Dadaallada nabadeed ee guuleystay waxaan ugu dambeeyay Heshiiskii dowladda Soomaaliya la gaartay Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Qaar ka mid ah kooxaha kale ee Hubka sida.

Waxaan ku guda jirnaa Qorista Dustuur joogto ah oo dalku yeesho, kaasoo laga soo jeesan doono Bisha June ee na soo aaddan, Inagoo qireyna in aysan dowladda suurto gal u ahayn in ay howlaha u yaala oo dhan ku hirgaliso muddada gaaban ee ay heysato.

Dhanka Ciidanka, Dowladda Soomaaliya waxay haatan heysataa 7000 oo Boolis ah iyo Milatari ku dhow 10.000 oo Askari .

Baarlamaanku waxa uu u baahan yahay in uu diiradda saaro arrimaha muhiimka ah ee Sharci Dajinta la xiriira iyo la xisaabtanka lagu gaarayo biseylka Siyaasadeed iyo Maslaxada Qaranka laga hor mariyo maslaxada gaarka ah.

Dowladdeennu waxay u baahan tahay in ay horay u dhaqaaqdo si ay u fuliso Aragtiyaheeda ku aaddan u adeegidda Shacbigeeda .

Waxaan mudnaanta siineynaa dhowrista iyo ka jawaabista baahida Shacabka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Nabad iyo Daganaasho ka hirgasha dalka, Dib u heshiisiin Qaran iyo in Soomaaliya Xubin Mas’uul ah ka noqoto Beesha Caalamka .

Waxaan had iyo jeer dadaal ugu jirnaa soo celinta Amnigii, Daganaanshihii iyo Horukicii Soomaaliya, Soomaaliya oo nabad ku nool, Nabadna kula nool Dariskeeda, ayna suurtagal u tahay Muwaadinka Caadiga ah in uu howl maalmeedkiisa u qabsado si kalsooni, Ammaan iyo Karaamo ku jirto iyadoo la dhowrayo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo Qiyamka Islaamiga ah.

Mudanayaal iyo Marwooyin Soomaaliya waa dal hodon ku ah kheyraadkiisa Dihan oo aan wali lala soo bixin sida Kalluunka, Xoolaha, Batroolka,Gaaska iyo Noocyo kale oo Macaadin ah.

Walaalayaal iyo Saaxiibbayaal waxaan idin weydiisaneynaa in aad nagu gacan siisaan in Soomaaliya lagu soo celiyo Nabaddii yo Xasilloonidii luntay .

Ugu dambeyntii waxaan uga mahad celineynaa ganacsatada Soomaaliyeed sida ay u garab istaageen dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaan ka mahad celineynaa marti galinta shirkan looga hadlaayay xal u helidda arrimaha Soomaaliya.

Isha: Faafinta DFKMG

___________________
Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2010


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: