Home » Warar

Puntland oo ka soo horjeesatey Dastuurka Qabyada ah ee DFKMG

May 12, 2012
- Maamulka Puntland oo ku baaqay in aan la ansixin dastuurka qabyada ah oo ay sheegeen in uusan ku haboonayn Soomaaliya, awooduna aysan si siman ugu qaybsanayn Dawladda dhexe iyo goboladda, yahayna dastuur ku xad gubbaya federaalnimada.. - iyo Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Itoobiya…. Qoraal May 11, 2012 ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa si kulul uga soo horjeesey... 
Halkudheg:

Xukuumadda KMG oo heshiis Is-afgarad MOU ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM.

May 11, 2012
DFKMG ayaa heshiis is-afgarad MOU waxay la saxiixatay Qaramada Midoobey. Heshiiskaas is-afgarad ama MOU nuquladiisii la kala saxiixday lama faafin, waxaase warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG lagu sheegay in qodobada la kala saxiixaday ay kamid yihiin kuwo la xiriira xuquuqul insaanka. Xukuumadda oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM. Ref: XRW/OM/PR 0175/05/12 Muqdisho,... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Mas’uuliyiin ka kala socota Koonfur Afrika iyo Mozambique.

May 10, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Muqdisho, May,10, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka kala socda Koonfur Afrika iyo Mozambique. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaatay Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, Mr. Jeffrey Radebe, Safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Nairobi Mr, Didumusi... 
Halkudheg:

Maxamed Xasan Xaad “ waxaan uga Digaya Oodayaasha la sheegey in ay Ansaxinayaan Dastuurka in aysan iska Horkeenin Bulshada Soomaaliyeed”

May 10, 2012
Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Shirka Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iminka uga soconaya Magaalada Muqdisho. Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha ayaa sheegey in haatan aan loo baahnaynba Dastuur Dalka loo sameeyo isagoona sheegey in uu jiray dastuur weligiis lagu dhaqmi jiray kaasoo ah kii Lixdankii. Xaad... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed oo si Kulul u Weeraray Dawladda Federaalka Soomaaliya.

May 10, 2012
Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Shiikh Axmed Dhicisow ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya xiligan ay ku hawlan tahay sidii dalka ay uga hir gelin lahayd Dastuur Shacabka Soomaaliyeed u si weyn uga soo hor jeedo. Guddoomiayaha ayaa sheegey in dastuurkaasi gebi ahaantiisaba u yahay mid ka fog shareecada iyo dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana ay dabada ka riixayaan Dad dano gaar ah ka leh. Sheikh... 
Halkudheg:

Prof. Gaas oo Muqdisho kula kulamy Saraakiil UN-ka, Mareykanka, UK, AMISOM & Midowga Yurub

May 9, 2012
Kulan ay ka soo qayb galeen Qaramada Midoobey, TFG-da, Ahlusunna, Galmudug, Puntland, IGAD, AMISOM, Mareykanka,  Britain iyo Midowga Yurub ayaa waxaa ka qayb galay ra’iisul wasaaraha DFKMG sida ku cad warsaxaafadeedk ahoose oo ka soo baxay DFKMG… Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay kulan Amniga looga hadlayay oo maalintii labaad uga soconayay Xalane iyo kulamo... 
Halkudheg:

Dowlada Jaban oo Kuwareejisay Gawaari iyo Qalab Kala Duwan Ciidanaka Booliska Soomaaliyeed

May 8, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in Japan ay Ciidanka Booliska ugu deeqday 16 Land Garuuser, 2 Ambalaas 2 gaari oo kuwa ciidanka lagu qaado ah iyo jaakadaha laga xirto xabadda iyo koofiyadaha aan xabadu karin. Warsaxaafadeedkaas hoos ka akhri War Saxaafadeed: Isaniin May, 07, 2012 Dowlada Jaban ayaa maanta ku wareejisay Dowlada KMG deeq ay ugu tala gashay Ciidanka Booliska Soomaalyeed... 
Halkudheg: ,

Hayadaha WAMY iyo HARO oo Deeq isugu jirta Raashin iyo Dhar Gaarsiiyey Dad Barakacayaal ah

May 7, 2012
Hayadaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) iyo World Assembly Muslim Youth (WAMY) oo Deeq Gargaraar oo ay iska kaashadeen waxay gaarsiiyeen dad Barakacayaal ah oo ku jirey Kaam lagu magacaabo Tawakal oo ku yaal Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa Deeqdaan la gaarsiiyey 450 Qoys oo la sheegey in ay ahayeen dad aad ugu baahnaa deeqdaas. Halkan ka daawo Sawirada Deeqdaan oo isugu jirey... 
Halkudheg: ,

Tirada Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku jirta Xabsiyada Libya oo kor u kacday

May 7, 2012
  (Tripoli):- Qunsulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Libya Md.Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa shalay(5/5/2012) 10 Muhaajiriin Soomaali ah,ka soo daayay Xabsi KMG ah oo ku yaalla Degmada ‘Nasma’ oo 200 km.xagga koonfurta kaga aaddan Tripoli. Muhaajiriintan oo kala ahaa 5 rag ah iyo 5 dumar ah, ayaa muddo lagu hayay degmadaas, ka-gadaal markii ay rag kuwa wax tahriibiya ah ku soo daadiyeen,... 
Halkudheg: ,

Turkiga Oo Ardayda Soomaaliyeed Ee Sudan Qaarkood U Dhisay Hooy Ay Ku Noolaadaan. Daawo Sawirada

May 7, 2012
Dowladda Turkiga oo hoygan deeganka ardayeed ah ugu talagashay 100 Arday Soomaaliyeed ah ayaa waxay ka dhistay meel u dhow Jaamacada Caalamiga ah Afrika ee ku taala Dalka Sudaan gaar ahaan Magaalada khartuum oo  Arday Soomaali ah gaareyso 2000 arday ay dhigtaan. Halkan ka daawo sawirada… RIIX HALKAN Hoygan oo ay Dowlada Turkiga ugu talagashay Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha kabarata dalka... 
Halkudheg:

Ciidamada Itoobiyaanka oo Toogasho ku Dilay Nin Ganacsade ahaa ka Gadaal Markii Gaadiid ay Wateen Qarax lala Eegtay.

May 7, 2012
Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha Magaalada Beled Weeyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Arbacadii qarax Nooca Miinada ee Sheeda laga hoggaamiyo ah lagula Eegtay xaafadda Hawl Wadaag ee Magaalada Beled Weeyne. Kolonya Gaadiidka Ciidamada Itoobiyaanku ay wateen ayaa Qaraxaas lala eegtay taasoo sida dad arkayay ay ku soo warameen uu Khasaare soo gaaray Ciidamadii la socday Gaariga uu qaraxu haleelay. Khasaaraha... 
Halkudheg:

Liiska Odoyaasha ka qayb gelaya Shirka Muqdisho ee lagu ansixinayo Dastuurka Jajuubka ah

May 6, 2012
Odayaashii Matalijirey Beelaha Soomaaliyeed oo qaarkood iska waayeen Liiska 135-ka Xubnood ee “Odoyaasha Dhaqanka” ee ka qayb gelaya Dastuurka Jajuubka ah ee lagu qulaaminayo Soomaalida– Waxaa maalintii labaad galay shirka aan Soomaalidu u dhamayn ee la doonayo in lagu jajuubo dastuur aan nuqulkiisa ugu dambeeya ilaa hadda loo soo bandhigin shacabka Soomaaliyeed. Markii la arkay... 
Halkudheg:

Shiikh Maxamed Cabdi Umal” Qofkii is leh Dastuur baa la Dejiyey oo Dowlad baa la Dhisayaa uu yahay Qof Qarwaya”

May 6, 2012
“Qaramada Midoobey Goormey Noqotey Mid ka Shaqeysa Danta Ummada Soomaaliyeed” Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo u waramayey qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si weyn uga Hadley Dastuurka Muranka dhaliyey ee la filayo dhawaan la ansaxiyo , wuxuuna sheegey Shiikh Umal in Dastuurka Cusub ee Soomaaliyeed uu yahay mid ay Qoreen Qaramada Midoobey oo iyagu yihiin kuwii dejiyey... 
Halkudheg: ,

Ra’iisul Wasaare-xigeen, ahaana Wasiirka Beeraha DFKMG oo iscasilay

May 5, 2012
Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim “Anigaa Qaatey in aan Is casilo si Danta Qaranka Halkeeda uga sii Socoto” Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ahaa Ra`iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirkii Beeraha ayaa 30 kii Bishii tagtay ee April u gudbiyey iscasilaad Madaxda sare ee DKMG iyadoo ay jahwareer ka heysatay Madaxweynaha iyo Ra`iisul wasaaraha sharciyada ay uga qaadeen xilka Wasiirkii Beeraha iyo... 

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka oo si Weyn uga soo Hor Jeestay Shirka Maanta Muqdisha uga Furmay Ergada Ansixinta Dastuurka.

May 5, 2012
Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmey Shirweynihii Oodoyaasha Dhaqanka ee Ansaxinta Dastuurka qabyo qoraaleedka ayaa haddana waxaa arrintaa qayla dhaan fara badan ka keeney .Xildhibaan Maxamed Mashruuc oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Bakool wuxuuna si aad ah uga hadlay kulankii maanta furmey Magaalada Muqdisho gaar ahaana Dugsigii Sare ee Boliiska. Xildhibaanka ayaa sheegey in Odoyasha... 

Warbixin: Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Saameyntii Xilliga Jiilaalka

May 4, 2012
Hay’adda Falaqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) waxay hadda soo saartay warbixin Saddex biloodle ah oo ku saabsan Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Saameyntii Xilliga Jiilaalka. Warbixintan goobani waxay i noo iftiiminaysaa xaaladda Cimilada, Colaadda Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suugyada iyo Nafaqada iyo waliba Falaqeynta Baahsan Sugnaanta Cunnada ee Magaalooyinka iyo reer miyiga. Tiro... 
Halkudheg:

Kulan looga hadlayey Xaalada Soomaaliya islamarkaana uu soo Qabanqaabyey Suldaanka Guud Beesha Tunni oo ka dhacay Muqdisho

May 4, 2012
Kulan aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimeya ayna ka soo qaybgaleen Culima’udiin Odey dhaqameedyo, Siyaasiyiin , Xildhibaano , Waxgarad, Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Haween oo lagu qabtay hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaana looga hadlayay Kulankaas xoojinta nabadda iyo sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd nabad. Islamarkaana Beesha Tunni Door Muhiim ah uga yeelan lahayd Siyaasada Soomaaliya... 
Halkudheg:

War-saxaafadeed Shirkii Golaha Wasiirada May 03 2012

May 4, 2012
Shirka Golaha Wasiirada Muqdisho, Khamiis, May 3, 2012——-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga dhagaystay warbixino Gudiyo loo xilsaaray shirka ay isgu imaanayaan hogaamiyayaasha dhaqanka kaas oo lagu wado inuu si... 
Halkudheg:

Kulan looga soo horjeedey Dastuurka Qabyada iyo Agostina Mahiga oo Dowladda Faderaalka Maanta is hortaagtay

May 3, 2012
Iyadoo maalmahaan ay jirtey Mucaaradad weyn oo looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ayaa waxaa maanta Magaalada Muqdisho Ciidamada Amaanka ee Dowladda Ku meel gaarka ay is hortaageen kulan ay isugu imaan lahaayeen Xildhibaano , Siyaasiyiin iyo Odey dhaqaameedyo iyo Aqoonyahano kaasoo looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ah iyo Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Mahiga. Kulankaan oo ka dhici lahaa... 
Halkudheg:

Qaar ka mid ah Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Magaalada Dhuusa Mareeb oo Diyaarado laga leeyahay Itoobiya u qaadeen Adis-Ababa

May 3, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guri Ceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Magaalada Guri Ceel laga duuliyay illaa Todoba Xnbnood oo ka mid ah Dadkii Shalay ku dhawaacmay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb.Dadkan Maanta laga duuliyay Magaalada Guri Ceel ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane ka tirsnaa Baarlamanka iyo Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Dadkan oo ay kala qaadeen laba Diyaaradooda... 
Halkudheg:

200 Maalmood oo u Buuxsantey inta Ciidamada Gumeysiga Kenya ku jiraan Gudaha Soomaaliya

May 2, 2012
Iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ayaguna ku jira gudaha Soomaaliya in ka badan 124-maalmood -  Ciidamada gumeysiga Kenya waxay ka gudbeen xad beenaadka NFD bishii October 16, 2011, ayagoo intii ka dambeysey deggaanada goboladda Jubooyinka iyo kuwa laolloga ahba ka geystey duqayn isugu jirta madaafiicda noocyadeeda kala duwan iyo duqayn hawada oo ay ku waxyeeleeyeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba... 
Halkudheg:

Kulankii Soomaalida Minnesota ugu mahad celiyeen Turkiga oo uu ka qayb galay Shirkii Safiir kuxigeenka Turkiga u fadhiya USA

May 2, 2012
Somalitalk Minnepolis: Shir si aad wanaagsan loo soo agaasimay ayaa ka dhacay Minneapolis, Sabti 04/28/2012 Shirkaas oo looga gol lahaa Soo dhawayn iyo mahadcelin loo naqayey Dowlada Turkiga iyo shacabkeeda. Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota ayaa waxay marti qaaday Masuuliyiin ka socday Safaarada Turkigu ku leeyahay Maraykanka. Wafdiga ka socday Safaarada Turkiga waxaa hogaaminayey Timur... 
Halkudheg:

Xildhibaano ku dhintay Qaraxii ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

May 2, 2012
Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ayaa ka mid ahaa dadkii ku dintay qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Waxaana qaraxaas in ay ka dambeeyeen sheegtay Alshabaab. Waxaa arrintaas cambaareeyey DFKMG oo soo saartay warsaxaafadeedka hoose: Warsaxaafadeed Xukuumadda oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb. Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii... 
Halkudheg:

Safiirkii Soomaalida ee Dalka Yaman oo Geeryoodey

May 2, 2012
Alle ha u Naxariistee waxaa Isbitaal ku yaala Magaalada Sanca ee Dalka Yaman ku Geeryoodey Safiirkii Soomaaliya ee Dalkaas Marxuum Axmed Aadan Cusmaan.Geerida Danjiraha ayaa waxaa xaqiijiyay Xuseen Xaaji oo ka mid ah Qunsuliyadda Soomaalida ee dalkaas Yaman isagoona sheegey in Marxuum Axmed Aadan uu u dhintay Cudur muddooyinkii daMbaba ka hayay dhinaca Beerka. Safiirka ayaa dhinaca dipolumaasiyadda... 
Halkudheg:

Dastuurka Qabyada ah oo laga soo horjeestey

May 2, 2012
Cali Khaliif Galeyr,Maxamed Xasan Xaad ,Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Shiikh Axmed Dhicisow oo si Weyn uga soo Horjeestey Dastuurka Qabyada   Waxaa isa soo taraya Qayla dhaanta looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ah oo Dowladu sheegtey in la ansaxin doono Bartamaha Bisha May ee aan ku jirno waxaana Warbahinta kala duwan ka qaylinaya Siyaasiyiin Aqoonyahano, Haween iyo qaar ka mid ah Odoyaasha... 
Halkudheg: