Home » Suugaan

Dalanbaabi socod – Maanso Dareen Huwan

Oct 29, 2014
Adeegsiga iyo xiisaynta gabayada, maansooyinka dadku iguma baran, iskaba daa inaan tiriyee, qudhaydu iskuma ogeyn wax habeysan oo aan hore maanso ahaan u idhi. Si kastaba ha ahaatee, wakhtiyada qaarkood waxa ku soo maraya xaalado iyo dhacdooyin, aanad si sahlan u cabbiri karin, hadaad is tidhaahdo qoraal ku muujina laga yaabo inay sharraxaad badan kaaga baahato, qoraalkuna afmeeridba yeelan waayo. Gabeygu... 
Halkudheg:

Aadaanka horugaar.

Oct 27, 2014
01/01/13 Hindisaha caqligu wuxuu rabaa hogatusaalayne Hammigiyo jacaylkaagu way ku horkacaayaane Higsadkoodu wuxuu jecel yahay kugu hagaayaane Naftu waw hilowdaa waxaan hal u lilaynayne Himbaabaca waxay raadisaa raaxo heersare e Dalxiis loo horkaco bay rabtaa daawashiyo heese Haddii aan hoggaan lagu xakamin naartay kugu hoyne Hillaaceeda beentaa ha dhugan wuu ku hodayaaye Xaddiis hogatusaalihi haddaan... 
Halkudheg:

Sirta kulafaq.

Oct 27, 2014
19/03/13 1. Kelinimo sugnaanshale u qira, saatir waa axade 2. Ku salliyoo rumee muxamed waa, suubanii nebiye (scw) 3. Salaadda iyo soonkiyo xajkiyo, sadaqadii maalka 4. Waajibaadka lagu saaray iyo, raac sunnada qaado 5. Cibaadaa laguu suubsadee, saamac kelimaadka 6. Caqli sugan samiic iyo basiir, siiye kuu unugye 7. Saxa iyo xumaantana fahmada, sooce kala saarye 8. Laba surin midkaad mari ogaal, waad... 
Halkudheg:

Tarab-tarab.

Oct 27, 2014
18/05/14 Tahluukiyo dhibaatiyo rafaad, tacadigaan baahay Tumaatida wixii naga qabsaday, qaranki aan tuurnay Tira beele sanadaha intaan, tiih ku soconaaye Tabcaan weeye shacabkii dhammaan, taacibiyo daale Tafa dhiigle bay kala kulmeen, tookhi dirireede Barakaca guryaha laga tagiyo, moodka tira beelay Agoomaha la tuuriyo rajada, tiinka lagu xooray Hooyo aan turriinshiyo lahayn, taakuliyo kaalmo Oo toban... 
Halkudheg: ,

Geeri waa ka daran yahay Kufsigu

Oct 25, 2012
Hordhac: Waxan halka uga ducaynayaa gabadha yarta ah ee sida foosha xun mooryaantu ugu kufsadeen Muqdisho, waxan sidoo kale uga ducaynayaa qoyskeeda iyo hooyadii dhashay gabadha, inuu Ilaahay u caafiyo, samirkoodana ka abaal mariyo. Aad baan uga xumahay xaqdarrada lagula kacay gabadh yar oo 14 jir. Waa ceeb u taal Soomaali oo dhan. Gabaygan waxan kaga hadlayaa Kufsiga iyo dhibaatada uu u geysto bulashada. Halkan... 
Halkudheg:

Qabyo kuma Ebyoontee Dagaal Qoriga Noo Tiirsha

Jan 24, 2012
waa gabay qiimo badan, Dhagayso| Waa Gabay uu hal abuurkiisu ku farayaraystay, kuna gadaaman suugaan sarbeeb hu looga dhigay, maah maana galbin looga dhigay, qisooyina lagu qalabeeyey, gabaygaan wuxuu gacma gacmeeyey meelo farabadan, wuxuuna curiyuhu cabirayaa in ummadiisii ka daashaybalaayada 20 jirsatay, adaanaha casrigan noola uu qalinka ku dagaalamo kuna kala adkaado, gabyaagu wuxuu lahadlayaa... 
Halkudheg:

Dhegeyso Gabay Ku Wajahan Mahiiga: “Muddaahano”

Dec 31, 2011
Gabaygan “Muddaahano” abwaanku wuxu kaga hadlayaa Mahiiga iyo majaxaabinta uu Soomaaliya la damacsan yahay. Mahiiga oo ah Wakiilka Xoghayaha QM u qaabbilsan Soomaaliya ayaa ah nin isagu ku mashquulsan inuu Soomaali kala qaybqabiyo, haddaba abwaanka ayaa Mahiiqo kula hadlaya gabay xambaarsan farriin u tilmaamaysa sida Ilaahay garabkiisa uga baxay oo uu ku guul darraystay dhibaatada uu dalkeenna... 
Halkudheg:

Gabay: Cali Samatar Calankuu u siday…WT- Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

Mar 29, 2011
03/28/2011 “Soomaaliyoo dawladoo qaranku saan qaaday Oo salab dirays ciidanloo nabad ku saacaysa Cali Samatar Calankuu u siday sarow kaceediiye,” Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) Gabaygan wuxuu soo baxay taariikhda kor ku xusan. Gabaygan CALI SAMATAR CALANKUU U SIDEY…waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine). Abwaanka ayaa gabaygan ka tiriyey dacwadda xaqdarrada ah ee lagu oogay Gen. Maxamed... 
Halkudheg:

Abshir: Gabay cusub | Inj. Maxamed C. Cibaar

Jul 31, 2010
Maanta, meesha uu marayo xaalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed waa mid laga wada dharagsanyahay. Waxaase in la xasuusnaado mudan in adduunyadu ay tahay hoos wareega, sida caawa ay u muuqatana aysan waligeed caloosha uga rarnaan doonin. Quraankeenna kariimka ahi wuxuu noogu bishaareeyay in culeys kasta oo jira uu ka dambeeyo fudeyd. Waxaa kale oo naloo caddeeyay in dadku ay wax badali karaan, dariiqii... 
Halkudheg:

Bidhaan Qaran: Waa gabay Jawaab u ah Gabaygii Baafin ee Abwaan Xasan Garaad

Apr 13, 2010
Gabaygan waa gabay jawaab u ah gabay uu baafin u bixiyay saaxiib abwaan xasan garaad oo dhawaan ku soo baxay inta badan shabakadaha af soomaaliga lagu qoro ka dib waxaan jeclaystay isaga oo abwaanku codsaday qof weliba siday ula muuqato baadida abwaanka ka maqnay inuu la baafiyo inaan ra,yigayga sidaan u arkay u sheego  aniga oo ku tilmaamay baadidaas qarankii umada soomaaliyeed oo dhamaantiis hawada... 
Halkudheg:

Gabay “BAAFIN” | (Abwaan Xasan Garaad Warsame)

Apr 1, 2010
Gabaygani Hal-ku-dhiggiisu waa “BAAFIN” waxaana tiriyay Abwaan Xasan Garaad Warsame.  Akhristow gabaygani wuxuu ka tarjumayaa baadi qof gashay oo wejiyo kala duwan leh, haddaba si fiican u dhuux oo isku day inaad fahamto bal baadidaasi nooca ay tahay iyo nuxurka uu gabaygu xambaarsan yahay.  Marka aad ka bogato akhriska gabayga, fadlan aragtidaada noogu soo dir emailka hoose ee abwaanka.  Waa... 
Halkudheg:

Maanso: Ma saasaa nala gudboon?

Jan 28, 2010
Maansada curinteeda waxaa igu dhaliyey kadib markaan arkay xaalada soomaali ku jirto iyo sida foosha xun ee ay u dhaqmayso, kala dambayn la’aanta iyo maamul xumada ka jirta, iyo xurmo darada shacabku ku nool yahay. Masalada aduunyadu waa mareeg Marbay murugtaa maroortaa Misana mudataa midii roon Martida aad maqashee taqaan Af iyo carab baa is xiga Misana muran baa dhexmara Makiinadahay isu listaan Is... 
Halkudheg:

Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Dec 29, 2009
Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) Email: mabdalle@gmail.com abdalle9@hotmail.com  12/07/2009 Halkan ka dhegeyso Gabayga…. (mp3) “Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri…anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go’day tiri, oohin baan la miirsaday,” Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha... 
Halkudheg:

SOOMAALIYEY KACA: Maansadii – Abdullahi Spanish

Dec 28, 2009
SOOMAALIYEY KACA   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Ubdkaa koraayiyo U halgama karaamada   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Waa kuurgal nacabkiye Yuu mudan kabaalada   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Kebeddiyo karbaashkiyo Kooraha ka dhiidhiya   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Ciyi kolay ku soo dhaxay    Kawlkiina yuu noqon   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Keenada... 
Halkudheg:

Gabay: Godane Weydiiya? | Abwaan Xasan Garaad Warsame

Dec 17, 2009
Ayadoo dadka Soomaaliyed ay ahaayen kuwo siyaabo kala duwan wax is kugu sheego ayaa hadana Gabayadu waxeey kamid ahaayeen waxyaabaha wax la isku tuuso ama wax la isku weydiiyo, waxeyna ka dharagsan yihiin Hal abuurada Soomaaliyeed in dhambaaladooda ay ku gudbin karaan waxa ka soo maaxdo Maskaxdooda, taaso mararka qaar noqota mid ufuran dhamaan dadka iyo hal abuurada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan... 
Halkudheg:

Maanso: Shacabkaa Dambiila ah | Cabdi Haro

Dec 17, 2009
Maansa ka mida diiwaanka cusube ee silsilada deelayda qarniga 21aad | Cabdi Haro Ka dib markay dhallinyaro Somaliyeed, billaabeen, silsilad Maanso-wadaag oo ay ugu magacdareen Deelleyda Qarniga 21aad, ayaan waxaan goostay inaan kaga qayb galo maansadan aan u bixiyay”Shacabkaa Dambiila ah” soona baxday 14/12/2009. Waxaan filayaa inaynu ogsoon nahay, in ninka fiican iyo ka xuniba inay ka... 
Halkudheg:

DAWO WEEYE MAANSADU | Muxyadiin

Dec 14, 2009
DAWO WEEYE MAANSADU.    Waxaan u doortay maansadan DAWO, in aan ku biiriyo Hal-abuurka Deelleyda Qarnigan 21, loogu magacdaray, anoo run ahaantii si gaar ah uga mahadcelinaya dhilintii bilaawday, iyo aragtiyahooda ay ku soo bandhigeen Suugaantooda qaaliga ah, tanoo ka mid noqondoonta sidaan filayo baraarujinta dadka Soomaaliyeed lagu kobcinayo garaadkooda, qiimaynteeda iyo halka ay taariikhda ka... 
Halkudheg:

Gabey lamagac baxay , ( Waa sedxumo weyne ).

Dec 13, 2009
Gabey lamagac baxay , ( Waa sedxumo weyne ). Gabeygan Waxa Tiriyey Abwaanka Deda yare ee Maxamed Nuur Maxamuud oo ku magic dheer ( kuluu ) . Ujjeedadii iyo dulucdii lootirey waa Iyadoo mantay marxalada somaliyed meel xun marayso hadan aan ummadii somaliyed wax u damqanaayo oo wadaniyad iyo qiiro qaaday aysan jirin balse shacabkiina ay khaladkii iyo saxdi kala aqoon wayeen oo ay kala saari wayen. waayo... 

GABAY: Cajeb!!! | Waxaa tiriyey: Aadan Maxamed

Nov 21, 2009
Cajeb!!!  Aadan Maxamed naaleeye2008@hotmail.com    Ummad waliba waxay leedahay hab ay u keydsato ama u madhxisato soo yaalkeeda, si ay dhaxal ugu reebto jiilalka soo koraya ee mustaqbalka. Soomaalidu waxay aad ugu caantahay suugaanta oo ah maktabadda ay ku keydiyaan taariikhdooda oo jiilba jiil u gudbiyo.  Haddaba innagoo ka wada dheregsan waxa ay ummaddeennu waayahan dambe ku sugantahay, ayaan... 
Halkudheg:

Luqadda Soomaaligu kama soo bilaaban Afar Reer Guuraa ah: Siciid Saalax oo Jooga Helsinki

Oct 25, 2009
LUQADDA SOOMAALIGA MA AHA MID AFAR REER GUURAA AH KASOO BILAABATAY SIDAAS WAXAA YIRI MACALIN SICIID SAALAX OO JOOGA HELSINKI. Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah Xalay (Oct 25, 2009) Fiidnimaddii markii ay ahayd saacadu 20:30 ayaa waxaa garoonka weyn ee magaaladda Helsinki kasoo degay Macalin Siciid Saalax oo ka yimid dhinacaas iyo wadanka Sweden oo uu ugasoo qayb galay shirsanadeedkii macalimiinta... 
Halkudheg:

Duullaamadii Bari – Gabay Waddani ah | Stanza

Sep 22, 2009
Hindisaaga: Abwaan Axmed Furre Aadan-garaar (1900 – 1970) Magaca Gabayga: Duullaamadii Bari Habeentiriska: 1935 – qiyaas ahaan. F.G: Waxaan gabaygan qiimaha badan ee taariikhiga ah ka qoray Cabdi Axmed muxumed (Cabdi Joqor) 21/9/2009. Sida aan ka wariyey odayga aan gabayga ka qoray oo ii sheegay inuu gabaygu intan ka dheeraa balse uu meerisyadan ka xusuusta, wuxuu hindisaagu gabaygan digashada... 
Halkudheg:

Gabay: Nabada taageera|Mubashir Sheekh

Aug 29, 2009
Nin baa layidhi hebelow goormaad seexataa? markaan geela shubayo ayuu ku jawaabay. Sidii oo kale hogaanka Soomaaliyeed kama xishoodaan beenta, wuxuu ku suganyahayba adigoo og buu misane yiraahdaa (wadankii gacanta ayaan kuwada haynaa, dadku 99% anaga ayay na taageersanyihiin iyo dalkii waan xoraynay ee wax yar baa laaban) Haddaba gabaygan Alle bariga ah waxaan si guud Soomaaliweyn si gaar ah umada... 

Gabay: Birmad Qaran

Aug 26, 2009
gabaygan aan ugu magac daray BIRMAD QARAN waxaan kula hadlayaa masuuliyiin iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulada gooni isu taagay ama kuwa goboleedka ah. Sida Somaliland iyo puntland,oo aad moodo walaalahoodii kale ee koofureed oo ay ayaan daradu ku dhacday aanaanay u jeedinba,hadii iyaga illaahay nabad iyo kala danbayn uu siiyey waxay ahayd inay mid kaas la mid ah u raadiyaan walaalahooda... 
Halkudheg: ,

Gabay:Duco Waalid

Aug 9, 2009
Gabaygan oo la yidhaahdo duco waalid wuxuu wax ka tilmaamayaa Dhibaatooyinka ay dhaqamada shisheeyuhu leeyihiin.Dhaqamadaas oo guud ahaan saameeyey dad badan oo soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool oo qaarkood u arkeen ilbaxnimo iwm. Isla markaana dhaqankii iyo hidahoodii u arkaya wax dambeeya oo aan Nolosha cusub meel ku lahayn. Duco Waalid 1. Gabal dumey dariiqoo mugdiya... 
Halkudheg: , , ,

Agoonkii Dulmane iyo| Ing. Cibaar

Aug 1, 2009
Agoonkii Dulmane & Awowgii Dagane Saddex sano ka hor ayay aheyd markii uu internetka ku faafay qoraal hal-abuur ah oo uu cinwaankiisu ahaa: Ariligu waa dhaxalkeygee, hayga iibin awoowe. Qoraalkaas oo ahaa warqad furan, waxuu ka socday agoon da’ yar oo magaciisu ahaa Dulmane , wuxuuna kula hadlayay odayaal uu ugu horreeyo awowgii Dagane oo xilligaas u ololeynayay sidii ciidamado shisheeye carrada... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...