Home » Maqaallo

OLALAHA HORMARINTA REER MIYIGA OHRM ( DEGMADA TAYEEGLOOW ) !!!!

Nov 14, 2014
HORUDHAC: Akhristoow ololaha hormarinta reer miyiga (OHRM) wuxuu ahaa olole waxbarasho oo dadka reer miyiga ah farta soomaaliga qoristeeda lagu baraayey ,wuxuuna dhacay inta u dhaxeysa Aug,1974-Mar.1975 , anniguna waxaan ka mid ahaa ardeydii ololahaas ka qeyb gashay oo muddo 7 bilood ah reer keena waan ka maqnaa. Waxaanna ka qeyb qaatay Ardeydii dugsiyadda sare iyo dhexe marka laga reebo fasaladda... 
Halkudheg:

Xildhibaannada Mooshin hallaga keeno! (Qalinkii Maxamed Xaaji)

Nov 12, 2014
Waxaan ka mid ahay dadka aaminsan inaysan Soomaalidu ahayn dad weli fahmay ama u bisil waxa la yiraahdo nidaamka iyo kala dambaynta daysan ee aan dan gaar ah ama caadifad toona ku dhisnayn (absolute rule of law). Waxaa Muqdisho ka dhacay kulan hordhac u ah mashruuca madhalayska ah ee loo bixiyay New Deal balse u muuqda ’New Dheel’’ kaasoo ay ka qaybgaleen madaxda ugu sarreeysa dowladda dhexe... 

Inta aan Baqeyno Birtu Waa na Saaran Tahay.

Nov 5, 2014
Tan iyo markii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay ammaankii iyo adeegii bulshaduna ay meesha ka baxeen waxaa jiray isku-dayo badan oo lagu doonayey in dhibaatada Soomaaliya xal loogu helo iyadoo badankood dadaaladaasi ay ku dhammaadeen fashil, waxaana aad u adkaatay in qarankii sida fudud lagu bur-buriyey dib loo helo sababta ugu weyn ee sii fogeysay in la helo qaran Soomaali ay leedahay oo... 

Maamulka Al-Minhaaj oo Safar daco ku gaaray Galdagob

Nov 1, 2014
Maamulka Mu’asasada Al-Minhaaj ee Mudug iyo Qaar kamida Ducaada Gaalkacyo oo Safar Dacwo ku tagay Degmada Galdogob. Gaalkacyo-Galdogob: Oktoober 31, 2014. Safarkaan oo ay ujeedadiisu ahayd u kuurgalida Xaalada Dacwada ee Degmada Galdogob ayaa waxaa qayb ka ahaa :- Sawiro dheeri a halkaan ka daawo 1-Dr.Aadam Muxamed Cigaal : Gudoomiyaha Shuurada ee Mu’asasada Al-Minhaaj ( Mudug) ahna Gudoomiyaha... 
Halkudheg:

Labakacleyntii Qabyaaladda (from Dekad to Saldhig)

Nov 1, 2014
Inkasta oo duufaanadii qabyaaladeed ee maalmahan magaalada Hargeysa ka dhex socdey, ay foolxumaayeen dhamaantoodba, haddana waxaa soo ifbaxayey in sidii lagu sheegi jiray cudurka HIV/AIDS marxaladaha ay dadkiisu maraan, ay ugu xuntahay marxalada dafiraada ama isdiidsiinta. Taas oo noqotey ta ugu xun ee qarisa in xalka la helo. Kuwa qabyaalada la badheedhay aad ulamaan sii yaabin, waxaase ka sii yaab... 

Geediga Wadaay & Maxaa Iga Gallay!

Nov 1, 2014
——— ———- BULXAN ——– —– 1) Kacaan baa dhashay; Bishaaro! Bishaaro! Geeddiga wadaay! 2) Qabyaaladdii waa la aasay; Bishaaro! Geeddiga wadaay! 3) Af-Soomaaligii waa la qoray; Bishaaro! Geeddiga wadaay! 4) Waxbarashadu illaa jaamacad waa billaash, Geeddiga wadaay! 5) Ololihii -Miyigaa waa la hirgaliyay; Bishaaro! Geeddiga wadaay! 6) Waxqoreyaal... 

QurboJoogta Waqooyinga America Oo Soo Dhawaysay Kala Shaandhaynta Wasiirada Xukuumada Ra’isal Wasaare Abdiweli Sh. Ahmed

Oct 27, 2014
QurboJoogta Waqooyiga Amerika, una badan racii ugu horeeyey ee uu barakiyey dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii 1990kii, deegaankasta ha ka imaadaane, ayaa muujiyey in ay si cad u taageersan yihiin kala shaandaynta uu Ra’isal Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed ku sameeyey xukuumadiisa. Arintaan oo la xariirta, walaaca ay ka qabeen xulufada ‘Damul-Jadiidka’, oo ula muuqday in ay... 

AL-SHabaab Hum Sharul Bariyah !!! ( أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ )

Oct 22, 2014
Horudhac : Akhristoow labo Qolo ayuu Quraanku Sheegay ( أُوْلَئِكَ هُمْ خَيْرُ الْبَرِيَّةِ ) iyo ( أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ ) Qolo wuxuu ku tilmaamay kuwa khlaa’iqda ugu kheyr Badan iyo kuwa Khalaa’iqda ugu Sharka Badan . Annigu markaan fiiriyey Al-shabaab,Boco Haraam,Aqim, ISIS ,AL-Qaacidda,Taalibaan IWM , waxaan... 
Halkudheg:

Tolkayow inoo kala doora

Oct 21, 2014
Nin kasta oo ina ka mid ah wuxuu jecelyahay inuu sharaf iyo karaamo ku noolaado oo aadanuhu qaddariyaan isaga, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba, mana jiro nin jecel ama raalli ku ah in la ihaaneeyo, la gumaysto, la dulmiyo ama hoos loo eego isaga iyo inta uu jecelyahayba. Dhinac kale dad badan oo inaka mid ah ayaa doonaya inay liidaan, dulmiyaan, laayaan, boobaan ama barakiciyaan qabiilooyinka ama... 
Halkudheg:

Dadka af soomaaliga ku hadla: hadal dalab leh!

Oct 20, 2014
Beryahaan dambe waxaa af soomaaliga kusoo kordhay erey-bixino cusub oo aan loo fiirsan macnaha ay xambaarsanyihiin, cidda bixisay iyo ujeeddooyinka laga leeyahay midna, waxaana ka mid ah: DADKA AF SOOMAALIGA KU HADLA oo la dhigay booskii (meeshii) Soomaali ama Soomaaliweyn ama shacabka Soomaaliyeed iwm. Dadka soomaaliyeed waa dad wadaaga wax kasta oo ummad mideeya, sida diinta, dhalashada, dalka, afka,... 

Xaqiiqda aydiyoolajiydaha

Oct 19, 2014
Waxaa jiro in badan oo is-badal doon ah haatana sahan ugu jiro cid ku dayasha mudan oo laga tusaale qaato, Qaarba horumarkaa Reer Galbeedka u riyaaqey oo xanbaarsan aydiyoolajiyadihii halkaa ka kacey oo leh waxaan nahey Cilmaaniyiin iyo Leberaaliyiin ayagoo rabo iney tiigsadaan hormarkaa iyo heerkaa aqooneed ee Reer galbeedka gaareen. Waxaa kala iyagana soo shaac baxey in wadato aydiyoolajiyda ka soo... 

Cadow iima aha

Oct 13, 2014
Ninkii jecel Ilaahay iyo rasuulkiisa, diinta islaamkana rumaysan oo qadarinaya waa walaalkay igu leh xuquuqda walaalnimada xataa haddii uu i nicibyahay ama i colaadiyo ama uu nicibyahay kooxdayda ama tolkay ama deegaankayga, waxaana u arkayaa inuu yahay walaalkay igu gafay oo u baahan in gafka iyo qaladka laga saxo sida dambiyada iyo gafafka kale looga saxayo. Laakiin waxaa cadow ii ah ninkii la collooba... 
Halkudheg:

Askar badal ah

Oct 12, 2014
Shaqaaluhu waxay u kala baxaan kuwo si buuxda cid ugu shaqeeya oo waqtigooda oo dhan ciddaasi leedahay ama ku takrifalayso iyo shaqaale dadka u dhexeeya oo ciddii u timaadaba shaqo u qabta, sida: harqaanlaha ama kabatolaha iwm. Askartu waxay ka midyihiin shaqaalaha sida buuxda ugu shaqeeya cidda ay askarta u yihiin, loomana oggola inay cid kale u shaqeeyaan ama amar ka qaataan, waxayna diyaar u yihiin... 
Halkudheg:

Lixdan (60) jirka Calanka Soomaaliya.

Oct 12, 2014
“Calanyihow cisada eebbahey ku cimri weynaahe Cawo dhalad ilaahey ninkuu ku cawimuu siiyo Caadada adduunkaa ma dhibo cayshka nololeede, adna curashadaaadii na daa culus dhadhaabeede cambarkaan lahayn lagama rogo caari meel kale e” Xaaji Maxamed Axmed Liibaan (Axyaa wadhani) 1950kii Soomaaliya qaybteeda koofureed waxaa ka hergalay xukunkii daakhiliga ahaa (Maxmiyad) ee uu kor ka xukumaayay Guumaysigii... 
Halkudheg:

Qubuuraha muslimiinta iyo qubuuraha murtaddiinta ee Baraawe!

Oct 9, 2014
Qubuuraha muslimiinta iyo qubuuraha murtaddiinta ee Baraawe! Waan ogaa in Xarakada Al-shabaab gaalo iyo murtaddiin ku sheegto dad badan oo muslimiin ah, ayna dilkooda ku sababayn jirtey waa murtadiin laakiin waxaa igu cusbaa in Qabuuro gaar ah loo asteeyey dadka ay murtaddiinta ku sheegeen. Waxaa kale oo igu cusbaa in raggii hoggaanka Al-shabaab ka mid ahaa ee la laayey lugu xabaalay Qubuuraha loo... 

DALDALLAADDA GODANE !!! MA U HELAY DARONE !!!!

Oct 7, 2014
Dhimashada Axmed Cabdi Godane aad baan ugu diirsaday, waana sidaan la rabay Maqaalladdii ugu danbeeyey ee aan ka qoro Xarakadda AL-shabaab Shufto ayaa ahaa mid aan raadinaayey wax Axmed Cabdi Godane ii Daldala Sidii uu Xijaaj Ibnu Yusuf u daldalay Madaxdii Khawaarijta ee kala ahaa : 1) Shabiib Abuu Madallah oo madax u ahaa Khawaarijta AL_shabiibiyah . 2) Qadri Ibnu Fujaa’iyah oo asaguna Madax... 

Gabadhu si ay u noqoto marwo iyo hooyo maxay u baahantahay?

Oct 7, 2014
Qormadaana waxaynu kusoo bandhigaynaa waxyaabaha xaqiiqa ahaan looga baahanyahay gabadha si ay marwo iyo hooyo u noqoto, waxyaabahaas oo diin ahaan iyo nolol ahaan loogu baahnayahay, waana kuwaan soo socda: 1- nin geeyaan ah (diin iyo akhlaaq leh). 2- say ninimo ugu filan 3- nolol ahaana dhaqan kara (masruuf lugu noolaado u heli kara ama usoo shaqayn kara). 4- hoy ku filan iyada iyo saygeeda u heli... 
Halkudheg:

Qabyaalad Federaaleedka Soomaaliya .

Oct 6, 2014
‘Hadafbaa dhismaha baarlamaan lagu hubeeyaaye, Hadbana shacabku caynkuu yahaa, lagu hogaanshaaye” Abdullahi S.Timacadde. Sida ay taariikhda nabaraysa soomaaliya ama ummada soomaaliyeed waxay soo martay marxalooyinka kaladuwan oo midkastaba huwantahay nidaamkeed gaar ah. sida Xeer Dhaqameedka, midkii Guumaysiga, Dimquraadiyada (Democracy), shuuciyada (Socialism), iyo Federaalka (Federalism). Hase... 

Waqtiga Somaliya ay Jahwareerka ka Baxayso oo Qur’aanka laga Qiyaasay

Jul 30, 2014
Dhibta haysata umadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 ilaa maanta ayaa waxay noqotay mid aan dhamaan wali, oo maalinba maalinta ka sii danbaysa  xalkeedu uu sii fogaanayo. Waa wax lagu yaqaan adduunka in hadii Dawlad ay si Fashilan u burburto ay waqti badan qaadanayso sidii ay mar Labaad dib ugu soo noqonayso sidii ay markii hore ahayd ama si kasii Fiican. Hadaba... 

Dastuurka Ha Loo Hoggaansamo

Jul 30, 2014
                               Qore: Dr. Cabdi Shire Warsame   Dowladnimo waxaa saldhig u ah, in uu jiro dastuur qeexaya qaab-dhismeedka iyo habka ay u wada shaqaynayaan qaybaha ay dowladdu ka kooban tahay. Tanina waxay ina tusaysaa in aysan dastuur la’aan dowladi jiri karain. Sida ku cad Dastuurka qabyada ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,... 

Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu !!

Jul 16, 2014
Arrimaha muujinayaa in horarradii shalay ay hagardaameynta halkoodii ka wadaan wey badanyihiin, aanse ka soo qaadanno qoraal hordhac ah oo laga soo saaray qodobbada looga hadli doono shirka Istanbul. Qoraalkaasi wuxuu sheegayaa: “Marka la eego xeebta dheer, Soomaaliya ma lahan aag ganacsiga ee gaarka ah EEZ (Exclusive Economic Zone) oo lagu sameeyay hab waafaqsan Xeerka Qarammada Midoobay ee... 

Somaliya Federal Dawlad la’an ah!! Qaybta 1aad

Jul 14, 2014
Marka laga hadlayo Hab-dhiska guud ee dawlada, dawladaha waxaa loo qaybshaa labao nooc:  Dawlad Federal ah (Federal State) iyo Dawlad Midaysan (Unitary State) Ugu horeyn Nidaamka federalka, waa qaab ay talada maamul  iyo Hanaanka siyaasadeed ee dalka ku wadaagaan Xukuumadda dhexe iyo Maamullo ama Dawlada-Deeganno u madaxbanan arrimaha siyaasada , maamulka iyo sharci Dajinta Deeganadaas. Sadexda Haya’dood... 

Codsi iyo talooyin ku socda qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalida

May 27, 2014
Waxaan marka hore salaan iyo amaanba u dirayaa qeybaha kala duwan ee Warbaahin Soomaalida sida Tv-yada,Idaacadaha iyo Website-yada, oo runti aan dhihi karno waa horumarka ugu weyn ee ay Soomaalidu ku talaabsatay Labaatankii Sano ee la soo dhaafay, Iyadoo la og yahay daruufaha ay ku nooshahay Soomaalida. Inkasta oo ay horumar weyn ku talaabsatay guud ahaan Warbaahinta Soomaalida siduu Caalamkaba qiray... 

Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Baaq u Direy Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Apr 15, 2014
Golaha Dhaqanka Qawmiyadda Beelaha Jareer Weeyne waxay kugu salaamayaan Salaan la isku salaamo midda ugu qiimaha badan ee Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu. Mudane Ra’iisul wasaare waxaanu kuugu Hambalyeyneynaa kuguna taageereynaa Safaradaadii aad ku kala bixisey Gobolada dalka qaarkood gaar ahaan safarkii aad ku tagtay Gobolka Shabeelaha dhaxe Jowhar, Hiiraan Buulo burde iyo Jubada... 

XAGGEE MARAYAA DAYACTIRKA ISBITAALKA MAGAALADA GARBAHAAREY?

Mar 31, 2014
YAASE GACAN WEYN KA GEYSTEY?  Isbitaalka weyn ee magaalada Garbahaarey ayaa waxaa haatan ku socda dayactir aad u ballaaran, kaasoo bilowdey bishii Febraayo ee ina dhaaftey, waxaanna Isbitaalku uu  ku fadhiyaa dhul aad u weyn oo ka kooban 35 qol iyo Saddex hool oo aad u weyn iyo 8 musqulood iyo waliba deyr ku wareegsan. Isbitaalkaan ayaa waxaa horey u aasaasey dawladdii dhexe ee kacaanka ahayd, kal... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...