Home » Maqaallo
Jawaab ku socota raga ka jawaabay axaadiithtii lagu heestay sh. Xasan takar (w/q Axmad Xalaal)
Bismillaah, waxaa waayahan dambe soo ifbaxay khilaafaad u dhaxeya qaar kamida culumada soomaaliyeed, khilaafkaa wuxuu lahaa dhan iijaabi ah oo masaa’il cilmi ah leesku heesto, waxaa jirtay sheikh Shibili in uu soo bandhigay 5 xadiith oo uusan asal u heynin oo uu kamaqlay sheikh Takar, wuxuuna ka codsaday in uu axaadiithtaas meel soo saaro.
Iyadoo jawaab laga sugayo sheikh Takar ayaa mid kamida shabakadaha...
Somali Hope Conference two(Kulanka Rajada soomaaliya ee 2aad).
Kulankan loo bixiyey(Rajada soomaaliya)oo wejigiisii labad lagu qabtay dalka talyaaniga waxuu ahaa kulan ay isugu yimaadeen marti sharaf aad u fara badan oo ka kala timid daafaha aduunka kazoo ay marti galisay dawlada talyaanigu.
Madasha lagu qabtay kulankan oo ahayd madal aad u qurux badan agaasinkeeduna ahaa mid aad u heer sareeyey waxaa marti habeenkaas ku ahaa Raysalwasaarihii hore ee soomaaliya...
Dhibatooyinka ”Roadmap” ku sheegga ka dhalan kara
Waxaan hordhigayaa walaalaha soomaaliyeed ee ka danqanaya ama ay dhibayaan dhigga iyo nabadgelyaxumida ka socda Soomaaliya iyo dhibatada dabadheeratay ee 20ka sano kor u dhaaftay ee ragaadisay Dalkeennii Hooyo .
Arrimaha soo socda oo ah Dhibatooyinka uu soo kordhindoono Mashruuc ku sheega ”Roadmap”ee dawladda labada Shariif iyo Ina Gaas wataan.
1) Roadmap”ku Sharcidarri ayuu ku saleysan...
Gabay ku Saabsan Duulaanka Kenya Soomaaliya ku soo Gashay iyo Cabdulaahi Soomaali
Gabayga Magiciisu waa (Aar Gedooday)
Geesi laga baqaayo oo Gambasho aqoonin,
Gawaan iyo Nin seexa yaqaan geeda dhinacooda,
Gaardiska Ninkaa u socdee Gaala ka cabaadshay
Adigaa u soo Guluf tegee Goor Xun ha Margaagin.
Waxay ila tahay in aanu mar waliba diyaar u ahaano in aanu Dalkeena, Diinteena iyo dadkeena Cadawga ka difaacano,
Waxaa is Cadeysay oo Cadawga duulaanka inagu ah iminka safka hor uga biirtay...
Reer Doxa/Qatar oo ka tacsiyeynaya geeridii Dr. Axmed Xaaji Cabdaraxmaan iyo wadanka Lusaka – Zambia oo iyaguna utacsiyaynaya.
بسم الله الرحمن الرحيم
إنا لله و إنا إليه راجعون
إن لله ما أعطي وله ما أخذ ولكل شيء عنده بقدار
Dhamaan culimada ,odayaasha dhaqanka iyo dhamaan jaaliyada somaaliyeed ee kudhaqan dalka Qatar waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ooga direynaa eheladii ,asxaabtii ,bahda culimada iyo dhaman umada somaaliyeed geeridii...
Roadmap Waa Xabashi Iyo Kenya Waana Tub Qaloocan.
kambala accord + Roadmap = Tubta Qaloocan = Maamul aanan mideysnayn = dastuur qabya lagu sheegay = Dowlad madaxweynaha ,wasiirka koowaad iyo gudoomiyaha Barlamaanka ay si garba siman ah uga qeyb-galaan shirarka caalamagi ah iyo kuwa gudaha =dowlad gobalada iyada hoos yimaado la miisaan ah= in aanan Barlamaanka la horkeenin Xabashi iyo Kenya oo IGAD kaashanayo qaraarada ay ka gaaraan waddankeena = Midawga...
Jawaab qoraalkii Saahid ee “imam axmed bin xambal oo shabaab lacnaday”
NIN LA BAXAY SAAHID OO NABIGA IYO SAXAABADIISIIBA CAAYEY —
WAXAAN AKHRIYEY FAALLO UU KU QORAY BOGGA WWW.SOMALITALK.COM Thursday, November 24, 2011. Faalladu waxaa cinwaan u ahaa (imam axmed bin xambal oo shabaab lacnaday) laakiin anigu cinwaankiisa iyo faalladiisa oo dhan kama wada hadlayo. Waxaan ka hadlayaa hal qodob oo kamid ah hadalkiisii waxaanan u qoray sidaan soo socota.
shabaab haddii...
SHIRWEYNIHII SADDEXAAD EE BEESHA CALI iBRAHIM (BICIID YAHAN) AYAA LAGU SOO GABAGABEYEY GOBALKA MINNESO,TA MINNEAPOLIS
Waxaa lagu soo gabagabeyey shirweynihii Saddexaad ee Cali Ibrahim(Reer biciidyan)
oo Sannadkiiba mar laqabto Taaso looga hadlo xaaladda guud iyo mid gar ahaaneed.
shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo kakala yimid daafaha
adduunka islamarkaasna kaga qeybqaatay Khadka Telephonka waxaana ka mid ahaa
Xilbibaan ka Tirsan Norweyn oo degan Gobolka lagu magacaabo STANGE HEDMARK
ee...
SAADAALIN MUSTAQBALKA SOMAALIAYA
Xalay goor saqdii dhaxe ah ayaa nin walaalaha kamidah la tusay riyo uu ku arkay nin kamid ahaa ragii xaadiray shirarka dibindaabayada soomaaliaya isagoo oranhaya hadalkaan:
“war kagaara wadanka kuwaa gacma hoorsadka ah”
Ninka qeeyla dhaantan latusay waxuu horay u arkay riyo inteeysan dhicin duulaankii Ethopia kuqaaday Soomaali 2006 aakhirkii, kaasi oo la tusay ciidanka Ethopia oo weerar kusooqaaday...
AROOS:Jaabir Xuseen Gaacayte iyo Ayaan Cali Axmed (cali xaad)
Waxaa 26-kii bisha November 2011, ka dhacay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden Aroos aad iyo aad u qiimo badan. Waxaana halkaas ka dhacay aqalgalka
Jaabir Xuseen Gaacayte iyo Ayaan Cali Axmed (cali xaad)
Waxaa Arooska kasoo qaybgalay ehelada arooska iyo aroosada, asxaabta iyo dhamaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Eskilstuna iyo gobolada u dhow. Dadka ehelka ah ee arooska kasoo qaybgalay...
Miyaad maqasheen Hooyadii Qaaliga ahayd ee 4 wiil oo ay dhashay ay birta isu lisanayaan.
4 taan wiil mid waa Ciidanka Sirdoonka Xamar midna waa Al-shabaab midna waa Maleeshiyada la socota duullaanka Kenya halka midka afraadna uu caseeye (baalashle ) ka yahay xamar .
Si lama filaan ah ayay hooyadan Telefishinada uga aragtay hal xili wareed 3 ka mid ah wiilasheeda oo ay suura gal tahay inay nafta iska qaadaan hadiiba ay nolol isku arkaan halka midka afraadna uu halis u yahay 3 kale falalkooda...
Gabey:Duulaankii Deyniile Ka Naxow Nafta Waa
Muslimiinta Xaqqa jecel Meel kastoo ay joogaan Maalin farxadeed ayay u ahayd 20-Bishii Octobar ee 2011-ka Maxaa yeelay Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu laayay Gaalo tira badan oo ku soo duushay dad Muslimiin ah.
Reer Muqdisho kuwooda Kheyrka doonaya Maalintaas Dabaal ayay ku jireen Alle ayayna u Mahad celiyeen laakiin Bujambura oo ah Caasimadda Dalka Burundi waxa a u ahayd Muruga iyo tacsi.
Askar lagu...
Faragelinta shisheeyuhu ku hayaan Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed
Marka aad u dhaba gasho siyaasada wadanka soomaaliya ayaa waxaad dareemaysaa
In Madax iyo minjo ay ka siman yihiin cilada ah inaysan isku filnayn dhinac walba aqoon, talo iyo dhaqaaleba sidaa awgeed waxaa muuqata inay yihiin dad wadankooda dhexdiisa ku ah shaqaale u shaqeeyaa umaddo kale oo ka leh dalkooda iyo dadkooda dano gaar ah.
Tusaale ahaan waxaad arkaysaa nin madax ah oo soomaali ah oo...
Kenya – Ethiopia Ciidankooda iyo madaxweeyne Sharif.
Soomaaliya waxay la yaabaneeyd ciidanka Kenya, waxaa soo cadaatay in ciidanka Ethiopia kusoo noqonayaan Soomaaliya, xagee loo socdaa? Soow wadamadani ma ahan kua safka hore – goormaa laga noqday.
Aawey dhaqaalihii faraha badnaa ee dowladaha Yurub ku bixiyeen-aduun kor u dhaafaya 200-milyan oo Euro, si loo soo tababaro ciidamo soomaaliyeed oo la wareega amniga dalka ayagoo caawinaad kahelaya AMISOM,...
Qeylo dhaan nabadeed oo ku aadan dagaalada ka socda Aaga Rako Raaxo
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka ACWW.
Salaan kadib Anigoo ka xun kana murugeysan dagaalada soo noqnoqday ee ka socda gobolka Karkaar ee u dhaxeeya Beelaha walaalaha ah, waxaan leeyahay oo ka codsanayaa dhammaan waxgaradka,...
Ardayda Soomaaliyeed ee sandkan ka qalin jabisay jamacad University Utara Malaysia
Sanadkan 2011 waxaa Jaamacadda University Utara Malaysia ee loo soo gaabiyo UUM ka qalin jabiyay ardaydii ugu badneyd ee Soomaali ah. Ardaydan qalinbisay ayaa isuga jira bachelor degree iyo Master degree.
Jaamacadda UUM ee ku taal Gobalka Kedah Waqooyi Galbeed ee dalka Malaysia oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaali ah ayaa horay waxaa ooga qalin jabiyay arday badan oo Soomaali ah balse sanadkan...
QORSHAHA QARSOON EE YEMEN
Waxaa jirta in beryahan danbe ay warbaahinta dunida ku badan tahay wadanka Yemen, taasoo wadamada reer galbeedku leeyihiin waxaa joogta Alqaacida weliba ku xoog weyn, haddaba si aynu wax ogaano arimaha dhabta ah ee Yemen waa inaynu fahamnaa wadankaas, sida taariikhdiisii hore, tiisii gumaysiga, tiisii markay kala ahaayeen labada wadan, tii markay midoobeen iyo sida xaalku maanta yahay, haddaba kusoo...
Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-xaj Q 4aad Fadliga Maalinta Carafo
Dardaaranka Todobaad ee Bishaan Dul-xaj waxaa uu yahay ianana ka faaiideysano Maalinta Carafada, Maalinta Carafo waa maalin aad u Fadli Badan waana Maalin maamuus Gaar ah ku leh Diinta Islaamka ah iyo Dadka Muslimiinta, waxaana tusaya Fadliga Maalinta Carafo arimahaan soo socda:
1- Maalinka Carafo waa maalintii la dhamestiray Diinka iyo Nicmadauu Allaah ku Maneestay Muslimiinta, waxaaana soo dagay...
Dardaaran ku gaar ah Dul-Xaj Q 3aad Sabtiga Sagaalka Carafo Waa la Soomi karaa!!
Waxaa horay u jiray welina taagan khilaaf ku saabsan Soonka Sunada Aadag ah haduu ku aado Maalin Sabti ah, sida hada taagan oo Soonka Carafo uu ku began yahay Maalin sabti ah, waxaanan weliba arkay Maqaal uu qoray Nin walaal ah [Mala Soomi karaa carafada sanadkan ..] , kuna soo gababaeeyay Qoraalkiisa inaan la Soomi Karin Sabtiga Carafo ahaan, asaga oo daliishanaya Xadiiskii daciifka ahaa iyo Nuqul...
Xoog aan xikmadi ku dhisneyn xabaal baa u danbaysa
Umad kasta oo dunida ku nooli waxa ay u baahan tahay in ay yeelato xoog ka caabiya cadaw kasta oo dibadda iyo gudaha kaga yimaada si ay u helaan nabad iyo nolol waarta oo caalamka ay kula jaanqaadaan.
Soomaaliya tan iyo maalintii ay dhacday xoogii militari ee maamuli jiray dalka muddo kabadan 20 sano, lahaana awood milatari oo haybad iyo quwad ku lahaa dhamaan qaardda Afrika ma is waydiisay “aaway...
Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Qeybtii 2aad
Dardaranka 5aad waa inaan si gar ah uga faaideysano Udxiyada oo ah cibaado aad u fadli badan, si aan Fadliga Udxiyada u garano waxaan faahfaahin doonaa Axkaamta Udxiyada,
Udxiyada waa xoolaha loo goowraco Ciidda darteed Cibaado ahaanmaalinta ciidda ah iyo Sadaxda maalin ee ka dambeysa (11-12-13 Dul-Xaj) Cibaado ahaana loola jeedo in ilaahey loogu dhawaado waxa uuna Qur’aankiisa allaah ku yiri:-
Suurada...
Khilaafka Madaxda dawladdaha DFKMG ah ee soomaaliya soo maray.
Soomaaliya oo dawlad la,aan ahayd tan iyo 1991kii waxa tiro ka dhawr jeera la isku dayay in dawlad wax ku ool ah loo sameeyo laakiin taasi waa lagu hungoobay oo waxaa halkoodii ka sii socda dagaalada iyo khilaafyada ragaadiyay koonfurta Soomaaliya .
Shirar dibu heshiisiin oo dalka dibadiisa loogu qabtay kooxaha Soomaaliya ayaa waxa ka dhashay dawlado KMG ah oo aasaas looga dhigay axdi KMG ah inta looga...
QADAAFI : ADUUN IQATAL
Cidina kuma fikirayn in uu sidan oo kale udhimanayo, taladiisu waxay u egtahay tii Aadan galaydh oo kale. Aadan galaydh oo ahaa nin caan ku ah, hanti iyo wiilal fara badan, kuna noolaan jiray Waqooyiga Soomaliya ayaa inankiisu dilay nin ay tol yihiiin, arintu waxay socotaba waxay duqowdii isla garteen, in mag laga bixiyo ninkaa ladilay, oo waliba tolka Aadan Galaydh ay 99 halaad keenaan, hasha kahartay...
Muqdishaa Hadashay
Muqdisho waa Muraayadii dalka wax badan waa loo soo dalxiisi jiray weyna sheekeyn jiritay waxeyse aamustay 1991kii waxii ka dambeyey sababtuna waxey ahayd wax aysan ka hadli karin ayaa lagu sameeyey xad gudub ayaa lagu la kacay madaafiic ayaa lala dhacay waa la jirdilay dharkii ayaa laga fiiqay indhihii ayaa basbaas iyo baaruud wax loo kala garan waayey looga shubay, shib ayaa ka soo hartay.
Intii...
Waxaaa Jirta Xikmad Caalami ah oo Dhaheeysa Marka Mukulaali Maqnaato ayuu Dooligu Ciyaaraa.
Marka xikmadani waxay ku rumoobaysaa xaalada soomalida markii la waayay qaranimadii soomalida waxaa soo baxay damacyo tiro badan oo u hanqal taagay inay qeyb ka helaan hantidii qaranka soomaliyeed.
Waxaan ku xusuyaa 3 ka mid ah damacyadaaas oo si muuqata u soo baxay waana kuwaan.
1-Qeybinta Soomalida ilaa Somaliland iyo Puntland in lagu daro Ethiopia inta kalena lagu daro Kenya, mida kale heshiiska...




