Home » Maqaallo

AL-ANDALUSTA QARNIGAN (Somaliya)

May 21, 2012
Qormadii: Nuur Cilmi Xalane Email: warsan54@gmail.com, elmi5754@hotmail.com   Magaca Al-Andalus iyo taariikhda ku hoos-aassan waa hubaal ah in qeyb yar oo Qowmiyaddeenna ka mid ahi ay wax ka og yihiin. Waxa aad taariikhdan ula socda, gaar ahaan culimada Somaaliyeed ee diinta Islaamka ku fogaatay iyo aqoonyahanno faro-ku-tirisa oo taariikhda Islaamka bartay. Magaca oo afka Carabiga ka soo jeeda,... 
Halkudheg:

Dastuurka dad wareeriska ah iyo danaha ka dambeeya..! (Qalinkii Maxamed Xaaji)

May 18, 2012
CARAWEELO ama ARAWEELO sida la sheego waxay la maqan tahay godobtii ragga oo ay DHUFAANI jirtey waloow ay ku baxday gacanta ninkii ay is tiri ”WAA DOQONE ISKA DAA” kaasoo ahaa ‘ODAY BIIQE’ lkn halkii ay howlmaalmeedkeeda ku qabsan jirtey oo lagu sheego meel ka mid ah buurta DAALO ayay ilaa maantadan dadku booqdaan iyadoo ay RAGU dhagxiyaan meeshii balse Waxaa CAJIIB ah in ay... 
Halkudheg:

Dastuurka qabyada ma qasabbaa in la qaataa?!

May 1, 2012
Dastuuroow maxaad tahay? Dastuurku waa nidaam qoran oo ku seesan xeer ummadeed ku salaysan heshiis iyo is afgarad bulsho, xeer ummadeedkan ayaa ah mid la waafajinayo marxaladda nololeed ee dhaqan dhaqaale ee meeshaas ka jirta, waana in lagu saleeyaa laguna sargooyaa qaabkii ay ummada xeerkaas loo samaynayaa u heli lahayd nidaam dowlideed, oo ku fadhiya sinnaan cadaalad, horseedi karana nabad iyo... 

TACSI: Beeldaaji Faarax Beeldaaje Cabdullahi oo ku Geeriyoodey dalka UAE

Apr 9, 2012
Waxa Habeenimadii Axadda 8-dii April 2012 ku geeriyoodey Cusbataal ku yaal Magaalada Al Cayn ee dalka UAE Allaha u naxariistee Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdulahi Beeldaaje Maxamed. Waxaan tacsi tiiraanye leh annagoo ah qoyska reer Xaaji Faarax gaarsiinaynaa eheladii, Qaraabadi iyo umada soomaliyeed. Waxaa tacsidan diraya: 1. Xaaji Ibraahim Xaaji Faarax 2.... 
Halkudheg:

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo soo Saaray Nidaam Cusub oo ku Wajahan Heshiisyada Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda

Mar 26, 2012
Waxaa maanta Hatelka Saxafi ka dhacay shir ay isagu yimaadeen Masuuliyiinta Xiriirka kubadda Cagta , Guddiga Fulinta Gudoomiyayaasha Kooxaha Heerka Koowaad , Iyo Tababarayaashooda , waxaana Kulankaan looga Hadley sidoo loo furi lahaa Hoyyaalkii Kubadda Cagta ee Soomaaliya ee Sannadka 2012 iyo Nidaam Cusub oo ku wajahan Heshiisyada lala galayo Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda Halkan ka daawo sawirada Kulankaa... 
Halkudheg:

Xaalado Mushaar la,aan ah oo soo wajahday ciidamada midowga Africa ee AMISOM

Mar 17, 2012
Xaalad lacag la,aaneed oo soo wajahday ciidamada midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo aan wax mushaaro ah aysan garin mudo 5 bilood ah inkasta oo ay gaareen goobo ka baxsan gudaha magaalada Muqdisho . Arinta mushahar la,aanta ah waxaa wax ka qorey wargeysyo reer galbeed ah oo wax kala socdey xaalada dhaqaale ee heysata ciidamada midowga Africa ee AMISOM waxaana arintaa u fududeeyey oo xiriir xaga taleephonka... 
Halkudheg:

GABAY:Hurgumo

Mar 15, 2012
Tixdan magaceeda waxaa layiraahdaa: “hurgumo”waxaan curiyay mudo dhaway waxayna ka hadlaysaa dhibaatada Soomalida guud ahaan,iyo xaalada iyo marxaladaha kala gedisan ee maalin walba ina soo wajahayaa , colaadaha , abaaraha, khilaafyada, shisheeyaha faragelinta wada dhinac walba . tixdani waasidane ka bogasho wacan. Hal abuurka suugaantu ma ahan hayb wax loo dhimo’e Waa hibo Ilaahay baxshiyo haybad... 
Halkudheg:

TACSI:Xaajiyo Sacdiyo Aw Axmad Cali

Mar 13, 2012
Inaa lilaahu Wa inaa ileyhi raajicuun. Waxaa  shalay oo taariikhdu ahayd.11.03.2012 ku geeriyootay magaalada Nairobi ala ha unaxariistee Xaajiyo Sacdiyo Aw Axmad Cali Dhamaan qoyska reer Barre xaaji Samatar waxey tacsi tiiraanyo leh u diyaraan reer Yaasiin Xaaji Maxamed Ibraahim oo ay hooyadood ahayd dhamaan dadkaasi waxay marxuumada eebe uga baryayaan in ilaahay qabrigeeda u waasiciyo janatul firdowsana... 
Halkudheg:

Aflagaadada Culimada Cibaado ha Moodin!!!

Mar 7, 2012
Aflagaadada Muslimiinta Carabkaaga ka ilaasho!! Illaah waxaa uu ku Mahadsan Nicmooyika muuqda iyo kuwa aan muuqan uu noo hibeeyay, nicmooyinkaasna waa kuwa aysan suura gal ahayn in tiro lagu kobo, waxaanse rabaa inaan mid kaliya wax ka iraahdo. Nicmooyinka weyn ee qaaliga ah waxaa ka mid ah nicmada Carabka kaasoo ah nicmo naloo siiyay inaan illaah ku Caabudno magaciisa iyo raali waxa uu ku yahay kaliya... 

Soomaali Nabad Xaq ma u leedahay?

Feb 28, 2012
Qandaraaska nabad u qoonso Soomaalida: Su’aashu waxeey tahey horta mujtamaca soomaaliyeed xaq ma u leeyihiin ineey nabad ku noolaadaan? QANDARAAS! QANDARAAS! QANDARAAS! Waa fursadii aad sugeeyseen ee ha moogaan! Mudanayaal, (Marwooyinka uma furna qandaraaskaan waqti xaadirkaan maadaama aysan diyaar u aheeyn ineey xasuuqaan ubadkooda, waalidkood iyo walaalahood) ha ka qadinina mashruuca laga taajiro... 

Nin ku Dilay Har Kuuma Jiido

Feb 22, 2012
Dowladda Ingiriiska oo gummeysiga Taqasus ku leh waxaa tusaale u ah in gumeystaha uu mansab ahaan ka sareeyo midka la gummeysto,sidaas daraadeedna waa in marna dadka la gummeysto loo muujinin haba yaraatee wax jil-jileec u muuqdo ama naxariis,waa in qofka la gummeysto ad-adeegnimo loola dhaqmaa ilaa laga gaarsiiyo ilbaxninmo lagu kal soonaan karo. Fikradda sidaas ah ayadoo ay jirto ayaa Ingiriiska... 
Halkudheg:

Gabay: “Calooshaada xiro Eebahay wuu ku caawiniye”

Feb 14, 2012
Gabaygan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Calooshaada xiro Eebahay wuu ku caawiniye”. Wuxuu dabajooga gabay uu horay u tiriyay abwaan Cabdilaahi Kowtame, oo ku baxay webset-ka Somalitalk, gabaygaas oo magaciisu ahaa “Duni”, ayuu abwaanku kaga hadlay dhibataada Soomaalida haysata, waxaana erayadii abawaanka ka mid ahaa: Mowloow masaakiintu waa magan Ilaaheye Mowloow mar noolee dalkaan waan muraal... 
Halkudheg:

Toogo iyo tab-kac – Maqaal Caydaruus C. Keenadiid

Feb 5, 2012
Astaynta Puntland ma ahayn ban-ka-ood, caadifad iyo laab-la-kac ku timid, balse waxay ahayd baahi, qaddiyad, rabitaan iyo masiir ay bulshadu toogeysatey. Inkastoo ay 13 sano jirsatey bilana uba dheer yihiin, haddana tabargal waa noqon weydey, inay hanaqaaddana lagala caalwaa. Dhammaan, iyadoo aanba la kala soocin maamuladii daadihinta Puntland lagu aaminey waa ku fashilmeen inay tubtii dimoqraaddiyadda,... 
Halkudheg:

Midnima La’aantiina Roadmap , Shirka London, Iyo Mid Kalaba Waa Faashil

Feb 2, 2012
Idinkaa mooday mooyee weligood saaxib idinlama noqon, waxay saaxib u ahaayeen dantooda , Ingriiska Hargaysa saaxib lama noqon ,Talyaaniga koofur saaxib lama noqon, haddeer Amisom Muqdisho saaxib lama ahan, Puntland kuwa haddeer dhegta ugu sheegayo waxaad gaarteen heer aduunka idinla mucaamilo saaxib lama ahan, Bakool, Bay, Beladweyne ,Bu’aale ,Baardheere iyo Buurdhuubo kuwa dabaabadaha ku soo... 
Halkudheg:

Mawliid Axmed Iley (Isbaandhays) oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Ardeyda Soomalida ee Dalka Malaysia.

Jan 31, 2012
Doorasho si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa ka dhacday Magaaladda Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia gaar ahaan Hoolka jaamacadda UIA da. Doorashadan oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga doorashadda ee Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Malaysia ayaa waxaa lagu dooranayey Gudoomiye cusub oo uu yeesho uruku, waxaana ku tartamayey musharixiin dhan 4 arday oo kala ah: Mawliid Axmed Ileey,... 
Halkudheg:

Ha u nixin! waxey noo sheegeen inay agtooda ku soo dhacday lug ka go’an anqowga hoostiisa oo ka soo duushay goobtii qaruxu ka dhacay!

Jan 27, 2012
Dadka muslimiinta ah wuxuu ilaahay ku tilmaamay inay yihiin dad isu diir naxa oo isu dabacsan, isuna naxariista, gaaladana ku ad-adag  ( محمد رسول الله والذين معه أشداء على الكفار رحماء بينهم)  Dhaqan ahaanna muslimiinta waxaa lagu yaqaannay inay isu damqadaan haddii qayb iyaga ka mid ah dhibaato soo gaadho, ama cadow ka taag-rooni dulmiyo ama duruufo... 
Halkudheg:

TACSI:MACALIN DAAHIR AWEYS ALLA HA U NAXARIISTO

Jan 26, 2012
Sh. Maxamed Idris Axmad: Naf walbaa geeri waa dhadhamineysaa, Ilaahay xaggiisa ayaana loo wada noqonoyaa. Innaa Lilaah wa inna Ileyhi Raajicuun..Macalin Daahir Aweys Ilaahay naxariistii Janno ha geeyo, daraja sarena Allaha siiyo, Eheladiisii iyo Qaraabadiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. macalin Daahir wuxuu ahaa nin Ilaahay cimrigiisa barakeeyey, qoys wanaagsan ayuu Ilaahay asaas uga dhigay, durriyad... 
Halkudheg:

Talooyinka beeshu ma anfacayaan tolweynaha

Jan 24, 2012
Waxaan dhawaan dib u akhriyey qoraallo farabadan (oo aan la faafin) oo aan dad kala duwan u diray sagaalkii sano ee ugu dambaysey. Waxaan si gaara u danaynayey waxyaabihii aan ka qoray dhacdooyinkii ka soo bilowday 18/02/2006. Laakiin waxyaabaha aan helay waxaa ka mid noqday baaq talobixin ah oo ay rag soo xajiyey u direen beesha ay ka dhasheen, waana xajkii ku beegnaa 1426/2005. Qoraalka waxaa magaalada... 
Halkudheg:

GABAY:Soomalaay Digtoonoow !

Jan 19, 2012
Waa Dhamaadkii sanadki tegay 2011 kadib markii ay dalka dib soo galeen ciidamda Shisheeye oo farabadan, waxaa intooda badan ka yimaadeen wadamada dariska oo somalidu xuduud beenaadka dalka somaliya la ah. Waxaa ay iska dhigaayeen inaay soomaliya tageeryaan, has yeeshaa qof kasta oo Somali ah ay garaneeyso inaanay dan soomali u iman , waxaa dad badan oo aanigu ka mid ahay u muuqatay inaan cadowgaas... 
Halkudheg:

Nadwadii Boosaaso iyo Waxyaalihii Laga Bartay (Qaybta 1aad)

Jan 14, 2012
Waxaa markay taariikhdu ahayd Janaayo 6, 2012 ka dhacday magaalda Boosaaso nadwo loogu magac daray MAQAASIDU SHARIICAH, nadwadaas oo ka dhacday masaajidka Rawdah ee bartamaha magaalada. Taas oo ahayd nadwo ay culumada gobolku isugu yimaadeen tan iyo intii Dr. axmed X. Cabdiraxmaan lagu dilay magaalada Boosaaso dhexdeeda, waxaa moodaa in shacabku aad u daneeynayeen markii la iclaamiyey nadwadaas. Haddaba... 

OGEYSIIS: Mudaharaad looga soo horjeedo qaadka oo ka dhici doona London ee dalka Ingariiska,,

Jan 14, 2012
Waxaa si sharaf iyo xurmadi ku dheehan tahay loo ogeysiinayaa dhamaan umada soomaaliyeed eek u nool dalkan ingariiska inuu maalinimada Arabacada ee taariikhdu tahay-15/02/2012 u dhici doono mudaharaad aad u balaaran oo looga soo horjeedo qaadka, Kaasoo ka dhici doona kazoo horjeedka aqalka looga taliyo dalkan ingariiska ee loo yaqaano-Number 10 downs street. Hadaba waa fursad mudo dheer la sugayey... 
Halkudheg:

ISKA DIL

Jan 12, 2012
Ciyaaraha aan ugu jecleyn yaraantii waxaa ugu muhiimsanaa laynta mulacyada, jiirka shinbiraha iwm. Sida badanna koox da’ ahaan isku dhow ayaan ahaanjirnay oo leeb iyo qaanso ley ah, inta badanna waxaa hoggaamiye noqon jiray ninka ugu laayaansan ama ugu firfircoonida badan. Waxaa dhici jirtay in xooluhu naga lumaan sidaan mulac ama shinbir u eryaneyno, sida badanna howlahaas waan joojin jirnay markii... 

Gabay; Gocasho

Dec 31, 2011
Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhu walaalayaal waxaan halkaan doonyaa inaan kusoo gudbiyo maanso yar oo magaceeda la yiraahdo (Gocasho) taasoo ka tarjumaysa dhibaato iyo geeri naxdin leh oo igu dhacday anoo jooga qurbaha kana fog ehelkayga oo laygu soo sheegay talefan taasoo xanuun gaara igu qabatay erayadaan ayaan kaga tiraabayaa xanuunka ay leedahay geerida kugu soo gaarta go.doonka qaxootinimo... 
Halkudheg:

Gabaygan Magiciisa waxaa layiraahdaa Duni

Dec 21, 2011
gabaygaan duni waxaa curiyey c/laahi c/qaadir maxamud (kawtame) isaga oo u waramaya saaxiibkiis jaamac hurfe xaaji oo gabyaa ah ugana waramaya waxa dunida uga muuqda gaar ahaane somaliya wuxuu yiri Jaamacow meekhaan gabay hadaad maalmo iga wayday Wiiraale iyo waxaan ku jiray meeratiyo faale Aduunyada murkeedaan lahaa eeg halkuu maro Maldahaan la dhoobaan lahaa eeg halkuu maro’e Majaxaabadaan soconaysaan... 

BURCAD-BADEED

Dec 20, 2011
Maan Dadeed waa mudacyo afkood waa mid ka mid ah Maahmaahda Soomaalidda, macneyn bandanna uma baahna oo waa macruuf. Ra’yiga in la isweydaarsado waa muhiim hadana in Fikradaha dadku ay is khilaafaan waa shey dabiici ah oo aan la yaab la heyn waxaase wax lala yaabo ah in qoraa Soomali magaceed wata oo misna Waaqica dhabta ah aan ka run sheegin ama si aan Cadaalad iyo dhab ka hadal ahayd wax uga qora...