Home » Islam
SOONKA | WAXAYAALAHA SOONKA FURA WAA SIDDEED
SOMALI CENTRAL LIBRARY
Kismayo – Somalia
26/07/2011
SOONKA
Mahad waxaa iska leh Eebbaha Caalamka abuuray, Naxariis iyo Nabadgelyo Alle ha siiyo Nabigeena Maxamed(scw)Eheelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaan. Intaa ka dib, tarjumadani waxay ku saabsan tahay Soonka, Axkaamtiisa, dadka sida ay ugu kala qaybsan yihiin, waxaa Soonka fura iyo faa’iidooyin...
Cashuura maalin Mudan in la xasuusto
Bishan aynu ku jirnaa waa bishii Muxaram. Muxaram waa bil ka mida bilaha Islaamka ee uu Ilaahay sida khaaska ah u sharfay. Waa bisha uu sandka Islaamku ku bilaabmo. Waxa ku irta bishan maalin wayn oo la yidhaahdo maalinta Cashuura. Hadaba Maxay tahay Cashuuraa? Fadligeedu muxuu yahay? Casharadee baa laga faa’idaysan karaa? . Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaado ku eegi doonaa qormadan.
Cashuura...
AXKAAMTA XAJKA IYO CIMRADA
HORDHAC
Risaaladaan waxaan ugu tala galay inaan hadlo axkaamta xajka iyo cimrada sida arkaanta waa jibaadka sunooyinka iyo wixii ka xaaraam ah xaajiga inta uu xarman yahay risaaladaan waxaan ugu talagalay xujeeyda soomaalida inay kafaa’iideestaan maadaama aan soomaali ku qoray risaaladaan waxaan u qoray alla dartii iyo inaa ku moodo maalin aysan dadka anfaceynin maal iyo wiilal.
XAJKA LUQA AHAAN...
Qaacidooyin Dahab ah!
DARIIQOOYIN MUHIIM AH OO KUU FUDUDAYNAYA XIFDINTA QUR’AANKA KARIIMKA AH
Walaalka/walaasha muslimka ahow, waxaad ogtahay fadliga weyn ee barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ah, nabiguna csw, wuxuu yiri: (waxaa idinkugu kheyr badan ruuxa qu’aanka barta oo hadana dadka sii bara).
Hadaba, waxaan halkan idiinkugu soo gudbinayaa qaaciddooyin muhiim ah oo kaa kaalmaynaya sidii aad...
Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q 10aad | Calinuur
Ramadaanku waa Fursada Cumriga
(Dersigii Tobnaad)
Waxaan maantana wax ka tilaameynaa Axkaamta zakada Fidriga Maadaama la gaaray xeli gabo gabo ku dhawdahay Bishii Ramadaan anagoo illaah ka rajeynaayo inuu nagu anfaco kalimaadkan, wax badana aan ka faaiideysano.
Zakada Fidriga waxaa la yiraahdaa Cunooyinka la bixiyo marka uu Ramadaanku Dhamaanayo amaba Dhamaado Soomalida ay qaarkood u yaqaanaan Zakaatul-Badan
Zakada...
Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin | Siciid
Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin
Asxaabi la odhan jiray Abu-Hurayra ayaa maaalin isaga oo suuqa jooga waxa uu dadkii uu la kulmay ee aduunka ku mashquulsanaa u sheegay in dhaxalkiii nabiga (CSW) dadka muslimiinta ah loogu qaybinayo Masaajidka Nabiga (CSW). Qaar badan oo ka mida dadkii maqlayay hadalkani waxa ay markiiba u carareen xagii Masaajidka iyaga oo is leh ka gaadha dhaxalkaas...
Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q 7aad | Calinuur
Ramadaanku waa Fursada Cumriga
(Dersiga Todobaad)
Ramadaanku waa Bil uu illaah (cw) inoogu Sharciyeeyay si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fara badan oo uu noogu dhex keydiyay Bishaas, ee looma Sharciyeeynin in aan Baahano ama aan Haraadno sida dadka qaar maleeyeen Ramadaanka.
Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garano ulajeedooyinka iyo Xikmadaha loo Sharciyeeyay Ramadaanka...
Ramadaanku waa Fursada Cumriga. Q.5aad | Calinuur
Ramadaanku waa Fursada Cumriga
(Dersiga Shanaad)
Ramadaanku waxa uu fursad u yahay Muslim kasta, waxaa uu fursad u siiyaa inuu ka mid noqdo Mutaqiintii illaah jeclaa, oo waxaa u siman Caalimka Iyo Caabidka in ay ka faaiidaan, waxaana uu illaah u yaboohay qofkii Ramdaanka fursadahiisa ka faaiideysta inuu gaaro darajada ah { لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}.
Ramadaanku waa fursad lagu toosiyo...
Ramadaanku waa fursada Cumriga|Q-4aad
Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad waayo waxaa jira dad badan oo soomay sanadkii tagay maantana ka mid ah ahlu qubuurka oo sugaya in lagula xisaabtamo maalinta Qiyaame wixii ay hor marsadeen, ama waxaa jira kuwo bukaan ah oo nool weli laakiin aan awoodin in ay Soomaan, sidaa darteed markaana waa inuu u istaagaa ka faa’iideysiga...
Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Bisha Ramadaan | Albanna
Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Bisha Ramadaan
Qore: Abdilqani Haji-Ali (Albanna)
Hargeysa
Ilaahay waxa uu abuuray khalqiga markaasuu ka doortay Nebiyada (Nabdgalyo iyo naxariisi korkooda ha ahaatee) waxaanu ka sii doortay shanta ugu samirka badan waa Nuux, Ibraahim, Ciise, Muuse, iyo Muxamed(dhamaantoodba Naxariisi korkooda ha ahaatee), waxa aha Ilaaahay agtiisa 12 bilood waxaa ku jira 4 xurmo leh,...
Fadliga Bisha barakaysan ee Ramadan|Zakaria
Fadaaisha ay leedahay Bisha Ramadaan ma, aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa in aan ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaaishaas:
xikamta Rabbaanigaa waxaa kamid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, amaakinta, wuxuu ka fadilay Bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka,wuxuu ku gaaryeelay Bishan fadli aad u wayn...
UWS:Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed leenahay Ramadan Kariim
Dhammaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay halkaan Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaan Bisha Barakaysan ee Ramadan. Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed oo dhan aan leenahay Ramadan Kariim.
Bisha Ramadan sifaha iyo faa’idooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah:
1. waa Bisha Naxariista iyo Sadaqada
2. waa Bisha Cibaadada iyo Dambi dhaafka
3. waa Bisha Cadaab ka xoreynta Adoomaha
...
Ramadaanku waa Fursada Cumriga Q3-aad|Calinuur
(Dersiga Sadaxaad)
Waxaan horey usoo sheegnay in ay jiran gafaf ay haboon tahay inuu iska dhowro ruuxa Muslimka ah ee Sooman waayo hadii aan Soonka laga dhowrin qaladaadka waxaa dhici karto in ruuxii Soonaa ee gaajeesnaa ee oomanaa wax ajar ah ka soo gaarin soonkiisa.
Hadaba waxaa kaloo jira gafa kale oo loo baahan yahay inaan ka digtoonaano Bishaan Barakeysan ee Ramadaan sida:-
1-In ruuxa sooman...
Ramadaanka Arrimahan Ha Moogaan!
Mahad oo dhan Ilaah baa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
Waxaa foodda inna soo saaray – Ilaahay Fadligi – Bishii Barakaysnayd, ee Soonka. Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu nabad iyo caafimaad nagu gaarsiiyo, noona fududeeyo Soonkeeda iyo Salaadeeda, Naguna Irsaaqo Tawbada iyo Aqbalkeeda, Janada iyo Degaankeeda, Laylatul Qadarka iyo Haleelkeeda. Waxaan dhihi karnaa si...
Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur
(Dersiga Labaad)
Waxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bishaan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaajoono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda waxyaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa...
Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur
Ramadaanku waa Fursada Cumriga
(Dersiga Koowaad)
Ramadaanku waa Bil illaah ka fadilay Bilaha kale, waana Bil mudan in lagu soo dhaweeyo u diyaar garoow wanaagsan, marka ay Bilatana mudan in laga faaiideesto daqiiqad kasta oo kamid; maxaa yelay Ramadaanku illaah (cw) waxaa uu ka yeelay mid ka dheer Bilaha kale afar arimood oo waa weyn oo kala ah:
1-Waxaa uu illaah Ramadaan dhex galiyay hal habeen oo...
Ka Qeyb-Qaaado Mashaariicda Afurinta Soomanayaasha.
Munaasabada Bisha Barakeeysan Ramadaanka waxaan
Guud ahaanba Ummaddaha Muslimiinta gaar ahaan Shacabka ama
Ummada weynta Somaaliyeed Raxmaanka uga rajeeyeenaayaa:-
Kheeyr badan-Raxmadiisa,Barakadiisa,Cafiskiisa iyo guud
ahaanba kheeyraadka fara badan ee bisha barakeeysan inagu
maneeysto, nabadgelyo buuxda,walaalnimo,is-faham buuxa iyo
xal u helida khilaafyada,colaada iyo masiibooyinka taagan
oo Dad...
Ramadaan waa Fursad Nafta lagu Badali karo|A.Albanna
Ilaahay sarreeya waxa uu siiyaa dadka fursad wanaagsan sanad walba waana fursad uu ugu talogalay inay naftooda seeteeyaan oo ay baraan samirka, dulqaadka, iyo cibaadada, waana fursad uu qofku naftiisa ku layliyi karo si uu u sameeyo is badal, qofkuna hadii uu maalintiisa habaysan kari waayo ma habaysan karo bil iyo sanad toona haba sheegsheegto inuu wax habaysan karo, ama ha ku qorto waraaqo waawayn....
Sidee u kasbanaysaa Quluubta Dadka kale
Walaalayaal marka hore waxaad iga gudoontaan salaanta islaamka, salaan ka bacdi waxaan dhammaantiinba idiin rajeynayaa kheyr iyo barwaaqo. Walaalayaal waxaan warqaddan idiinku soo dirayaa si aad iila qaybsataan kheyrka iyo nimcada aan arkey.
Walaalayaal waxaa markey taariikhdu ahayd 09kii bishii agoosto nagu soo booqday magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, sheekh Ibraahim bin cabdalla Aduweyish....
Qiso dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys|Xasan Cade
Qiso Cajiib ah oo dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys iska dhibanaa
Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab (ilaahay ha ka raali noqdee) oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa. Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta. Markaas ayuu arkay...
Somalia’s Al-Shabaab denies link to terror plot in Australia
MOGADISHU, Aug. 6 (Xinhua) — The radical Islamist group of Al-Shabaab in Somalia on Thursday denied any connection with a terror plot in the southern Australian city of Melbourne.
“We have nothing to do with that and we believe it is meant to blackmail the (detained) youths into spying for the enemies of Islam,” Sheikh Ali Mohamoud Rageh, Spokesman for the Al-Shabaab told reporters...
Jihaadka Suuqa Madow ah|Warsame Gaabane
Jihaadka Suuqa Madow ah
Waxa dadka xaq doonkaa lagu gartaa markii la hor dhigo qodob gar ah dib ayey u joogsadaan wayna gar qaataan. Dadka ahlul baadilkaana waa is maqiiqaan oo isla waynankoodaa denbi ku xanbaara (Haddii la yiraahdo alle ka cabso, islaweyni buu danbiga ugu sii bareera) Albaqara 206. Xadiithka rasuulkana csw wuxuu yiri : (haddii uu muran ama dood galo waa xadgudbaa) oo calaamadaha...
Calankii Nabigeenu (scw) caynkee buu u ekaa|abdibashir
Calankii Nabigeenu (scw) caynkee buu u ekaa?
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh. Naxariis iyo Nabadgelyo ha u sugnaadeen Nebi Maxamed (scw) iyo intii isaga raacday. Aamiin.
Muran badan ayaa ka dhashay calanka madow ee ururada islaamiga ahi ay ka taagaan goobaha ay joogaan. Dad badan ayaa ka qarracma marka ay arkaan calankaas oo babanaya. Laakiin qaar kale ayaa ku farxa...
Calanka Madow ee Alshabaab|Bilaal
Calanka Madow ee Alshabaab xaguu kasoo jeedaa, Muxuuse ka turjumayaa?!!
Ilaah baa mahadleh naxariis iyo nabad gelyo nabi muxamed korkiisay ahaatay,
Intaa ka dib, Calanka madaw ee afargeeska ah isla markaasna ay dhexda kaga qorantahay kalmada tawxiidka oo khad cad ahi, waa calan waayadan dambe lagu yaqaano meelaha ay joogaan mujaahidiinta xarakada alshabaab, marka laga hadlayo gudaha Soomalida.
Walaalahayga...




