SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHARAXA BULUUQUL MARAAM

Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha: Xadiiska 7aad 

Matni

7- وَعَنْ اِبْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُمَا;} أَنَّ اَلنَّبِيَّ صَلَّى اَللَّهِ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَغْتَسِلُ بِفَضْلِ مَيْمُونَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهَا { أَخْرَجَهُ مُسْلِمٌ .  

Ibn Cabbaas- radiyal Laahu canhumaa- waxaa laga weriyey inuu yiri: Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu ku qubeysan jirey hambada Maymuunah- radiyal Laahu canhaa-” Muslim baa weriyey.

Sharax

Xadiiska waxaa ka horreeyey xadiiskii nahyinaayey in nin uu ku qabeysto biyo ay soo hambaysay oo kasoo hadhay haweeney ama haweenay ay ku qabaysato biyo nin kasoo hadhay [Xadiiska 6aad]. Oo amraayey inay wada dardarsadaan oo ay hareeraha ka joogsadaan. Xadiiskan todobaad xadiiskaasuu marka sharxayaayoo nahyigaas Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- muxuu yahay?  Ma taxriim baa yoo xaaraam miyaa arrintaasu mise waa karaaha keliya? Kanaa sharxaayoo na tusinaaya in arrintaasu ayna xaaraam ahayn oo biyo haweenay soo hambaysay hadduu nin ku qabeystana inay sax tahay, haddii caksi ay tahay oo biyo nin soo hambeeyey haweenay ku qabeysatana ay sax tahay. Hadday iskula qabeystaan inay bannaan tahayna iyaduna waxaa imaan doona xadiis kale. Kii horena waa amray ka soo socdaana waa sheegi doonaa.

Maymuuna na waa ibn Cabbaaskan xadiiska werinaya habaryartii weeyaanoo Maymuunah bint al Xaarith al Hilaaliyaa la dhahaa. Ibn Cabbaas hooyadiina waxaa la dhihi jirey Lubaabah bint al Xaaris al Hilaaliyah- radiyal Laahu canhum dhammaantood- Markaa Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- biyo ay Maymuunah janaabo kaga qabeysatay yuu uga dambeeyey suu janaabadii kaga qabeystay.

Riwaayaatka kale: Asxaabu Sunan,

- وَلِأَصْحَابِ "اَلسُّنَنِ": { اِغْتَسَلَ بَعْضُ أَزْوَاجِ اَلنَّبِيِّ صَلَّى اَللَّهِ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي جَفْنَةٍ, فَجَاءَ لِيَغْتَسِلَ مِنْهَا, فَقَالَتْ لَهُ: إِنِّي كُنْتُ جُنُبًا, فَقَالَ: "إِنَّ اَلْمَاءَ لَا يُجْنِبُ"  وَصَحَّحَهُ اَلتِّرْمِذِيُّ, وَابْنُ خُزَيْمَةَ.

Asxaabu Sunanka ayagana waxaa u sugnaaday oo xadiiskan ay ku weriyeen: “waxay ku qabeysatay haweenkii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- middood (waa Maymuunee) xeedho [dabadeedna] Nebigaa yimid inuu ku qabeysto xeedhadii yada ahayd, markaasay ku tiri: anigu janaabaan qabey. Markaasuu yiri: “biyuhu ma janaaboodaan”

Sharax

[Yacnii] Janaabadaadii biyaha umaynan soo gudbin weeyaan.

Waxaa saxiix yeelay Tirmidi iyo Ibn Khusaymah.

Waana sidaa uu sheegay oo xadiisku saxiix weeyaan, waxaa saxiix yeelay Albaanii: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo qeyrkiiba.

Sidaa Ibn Cabbaas u weriyey oo kale ayey Maymuunana iyaduna qisadan u werisay. Markaa waxa weeyaan sidaa macnaheedu arrintii xadiiskii hore uu sheegay inayna arrintaasu xaaraam ayna ahayn oo biyo ay haweenay ku qabeysatay nin kaga daba qabeysan karo, biyo nin ku qabeystayna haweenay kaga daba qabeysan karto. Laakiin sida ugu fiicani waxa weeyaan kolba ninkii iyo haweenaydii hadday yihiin inay isla wada qabeystaan.  

......

Akhri Xadiiska 8aad

....

Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur

W: www.shariifcabdinuur.org

E: buluuq@shariifcabdinuur.org 

Hordhaca ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

 

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;