SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHARAXA BULUUQUL MARAAM

Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha: Xadiiska 6aad 

Matni

6- وَعَنْ رَجُلٍ صَحِبَ اَلنَّبِيَّ r قَالَ: { نَهَى رَسُولُ اَللَّهِ r "أَنْ تَغْتَسِلَ اَلْمَرْأَةُ بِفَضْلِ اَلرَّجُلِ, أَوْ اَلرَّجُلُ بِفَضْلِ اَلْمَرْأَةِ, وَلْيَغْتَرِفَا جَمِيعًا }  أَخْرَجَهُ أَبُو دَاوُدَ. وَالنَّسَائِيُّ, وَإِسْنَادُهُ صَحِيحٌ . 

Nin asxaabtii Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- ka mid ah waxaa laga weriyey inuu yiri: “Rasuulka Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu reebay in ay haweenaydu ku qabeysato ninka hambadiisa ama ninku uu ku qabeysto haweeneyda hambadeeda, ee ha wada dardarsadeen.

Sharax

Yacnii biyo uu nin ku qabeystay baaldi iyo wax la mid ah oo intuu musqul la galay uu ku qabeystay, haweenay inaynan kaga daba qabeysanin wixii kusoo haray, biyo cusub inay qaatado mooyaane. Ninkuna sidoo kale weeyaane, haweenay biyo ay ku qabeysatay aanu kaga daba qabeysanin intay soo reebtay. Siday yeelayaan markaa? Intay musqushii isla galaan, sida inoo imaan doonta Nebigu- sallal Laahi calayhi wasallam- iyo Caa’ishaba inay yeeli jireen, sacabadooda ha dardarsadeen oo haku wada qabeysteen.

Abuu Daawuud iyo Nasaa’i baa weriyey, Nasaa’i na magiciisu waxa weeyaan Axmad ibn Shucayb. Xadiiska isnaadkiisuna waa saxiix, isnaadka ragga weriyey [xadiiska] baa la yiraahaa. Waana sidaa uu sheegay, xadiisku saxiix weeyaan Ibn Maajjah isaguna waa weriyey, shaykhul Albaani na waa saxiix yeelay oo Saxiix anNasaa’i iyo Saxiix Abii Daawuud iyo Saxiix Sunan atTirmidi iyo Irwaa’ul Qaliil iyo Mishkaatul Masaabiix; kutubahaas faraha badan buu ku saxiix yeelay- xadiisku waa saxiix.

Ninkan uu leeyahay “nin asxaabtii Nebiga ka mid ah” waa ‘ibhaamiyey’[1] oo magiciisa ma sheegin, ninkaasi kumuu noqonayaa? Ibhaamkaasi xadiiska wax ma u dhimaayaa? Xadiiska ibhaamkaasi waxba u dhimi maayee, haddaan xataa ninkaasi ninkuu yahay aan la garanin kolka mar haddii inuu saxaabi yahay naloo sheegay waxba u dhimi maayee xadiisku sidaas saxiix buu ku noqonayaa; daciif kuma noqonayo. Illeen saxaabada- ridwaanul Laahi calayhim- kulligood waa wada caadiliin weeyaan oo Allaaba taskiyeeyey[2]- ridwaanul Laahu calayhim- laakiin hadduu weriye (raawi) kale ahaan lahaa oo saxaabi aan ahayn xadiisku sidaas daciif buu ku noqon lahaayoo sida fannu musdalaxil xadiis lagu yaqaano qofka mubhamka ah [aan magaciisa la sheegin] iyo qofka majhuulka [aan la garanayn] ahba riwaayadooda lama qaato. Markaa ninkaasu ninkee buu marka noqonayaa? Waxaa jira laba nin oo asaxaabo ahoo midkoodba arrintaa laga weriyey, oo midkood waxaa la yiraahaa Cabdullahi ibn Sarjis, ka kalena waxaa la yiraahaa AlXakam ibn Camr al Qifaarii, - radiyal Laahu canhum- labadaa midkood inuu yahay ayey u eg tahay. Inuu mid kale yahayna waa iska suuroowdaa, kollaba ibhaamkaas xadiiska la ibhaamiyey waxba xadiisku kuma noqonayo xadiisku saxiix weeyaan.

Marka xukunku wuxuu noqonaayaa [haddii] raggiyo haweenku intay isla galaan musqusha- dabcan labadii isqabta weeyaan- [oo] ay iskula qabeystaan weelkana dhexdooda intay dhigtaan wada dardarsadaan inaynan dhib lahayn. 

...... 

Akhri Xadiiska 7aad

....

Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur

W: www.shariifcabdinuur.org

E: buluuq@shariifcabdinuur.org


[1] Ibhaamin: marka silsiladda weriyeyaasha xadiiska aan midkood la magacaabin.
[2] Taskiyeeyey: cadaaladdooda ka markhaati-kacay.

Hordhaca ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

 

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;