SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHARAXA BULUUQUL MARAAM

Buluuqul Maraam |Kitaabka Dahaarada| Cutubka Biyaha: Xadiiska 5aad

Matni

5- وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اَللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اَللَّهِ صَلَّى اَللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ { لَا يَغْتَسِلُ أَحَدُكُمْ فِي اَلْمَاءِ اَلدَّائِمِ وَهُوَ جُنُبٌ }  أَخْرَجَهُ مُسْلِمٌ.

Abii Hurayrah- radiyal Laahu canhu- waxaa laga weriyey in uu yiri: Rasuulkii Alle- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu ka yiri: “Yaanu ku qabeysanin midkiinna biyaha fadhiya isagoo janaabo qaba.” Muslim baa weriyey.  

Sharax

Biyaha fadhiya raakid na waa la yiraahaa waana isku macne, biyahaan soconin weeyaan, [qofkiin] Isagoo janaaba qaba biyihii intuu dhexgalo yaanu ku dhex qabeysanin. Markaa waxa weeyaan biyihii socdey iyagu waa inaanay dhib lahayn. Biyahaas la sheegayaana waa biyihii yaraa.  

Riwaayaatka kale: Bukhaari,

وَلِلْبُخَارِيِّ: { لَا يَبُولَنَّ أَحَدُكُمْ فِي اَلْمَاءِ اَلدَّائِمِ اَلَّذِي لَا يَجْرِي, ثُمَّ يَغْتَسِلُ فِيهِ }.

Bukhaari isaga waxaa u sugnaaday: “Midkiin yaanu ku kaajin biyaha fadhiya ee aan soconin, haddana uu ku [dhex] qubeysto.”

Sharax

Labadaa yaanu isku darin weeye. Markaa biyihii fadhiyey haddii lagu kaajo waa inaan lagu qabeysan. Saasay riwaayadani keenaysaa, laakiin haddii aan lagu kaajin in lagu qabeysan karo bay keenaysaa. Oo kolkaas....kaadida Banii Aadamku inay nijaas tahay oo biyihii yaraa oo fadhiyey haddii lagu dhex kaajo ay ku nijaasoobayaan, laakiin biyihii socdey iyagu isasoo gaari maayaan oo waxba markaa arrintaasi u yeeli mayso. Biyahu hadday fara badan yihiinna xadiiskii Ibn Cumar baynu kusoo marray iyada dhib malaha. [Fiiri xadiiska afraad]

Riwaayaatka kale: Muslim

وَلِمُسْلِمٍ: {مِنْهُ}.

Muslim isaga waxaa u sugnaaday: “Yaanu ku qabeysan biyahaas”

Tii hore waxay ahayd inuu biyaha intuu ku kaajo haddana ku dhex qabeystaa loo diidayey. Tanna waxa weeyaan biyihii intuu ku kaajo inuu biyihii ku qabeysto xattaa intuu weel soo darsado uu dibadda meel kale la tago (musqul iyo la tagaba ha ahaatee). Markaa biyihii fadhiyey ee uu ku kaajay waa inaanu ku qabeysan. Haddaan lagu qabeysan karin markaa kumana weyso qaadan karo. Markaa sidaa macnaheedu waxa weeyaan biyihii haddii lagu kaajo fadhiyey inay saa ku nijaasoobayaan, waa inayse biyahaasu yihiin biyo yar oo qullataynka ka yar. [Fiiri xadiiska afraad]

Riwaayaatka kale: Abii Daawuud

وَلِأَبِي دَاوُدَ: { وَلَا يَغْتَسِلُ فِيهِ مِنْ اَلْجَنَابَةِ }. 

Abii Daawuud isagana waxaa u sugnaaday: “Yaanu kaga qabeysanin janaabada”

Oo markaa riwaayada Abuu Daawuud waxay noqonaysaa:

{ لَا يَبُولَنَّ أَحَدُكُمْ فِي اَلْمَاءِ اَلدَّائِمِ اَلَّذِي لَا يَجْرِي, وَلَا يَغْتَسِلُ فِيهِ مِنْ اَلْجَنَابَةِ}

“Yaanu ku dhex kaajin Midkiin yaanu ku kaajin biyaha fadhiya ee aan soconin, janaabana kaga qabeysanin”

Abii Daawuudna magiciisa waxaa la yiraahaa Sulaymaan ibn Ashcas asSijistaanii.

Tanu markaa labadii riwaayo, riwaayadii Muslim ee ugu horreeysay iyo tii Bukhaari bay isku dartay oo labada arrimood bay midba gaarkeed u mancinaysaa (reebaysaa); inuu biyihii fadhiyey ku kaajo gaarkeed bay u nahyidey, biyihii fadhiyey inuu janaabo kaga dhex qabeysto oo dhex galana gaarkeeday u nahyiday (reebtay).

Saddexdaa riwaayadood marka laysu geeyo waxay noqonaysaa biyaha fadhiya inaan laguna kaajin laguna qabeysanin labadiina aan laysku darin (isagoo lagu kaajo iyo isagoo lagu dhex qabeysto).

Laakiin haddii aan lagu dhex kaajin laguna dhex qabeysanin oo biyihii inta lasoo darsado musqusha lala tago oo sidaa lagu qabeysto taas marka dhib maleh.

Xadiiskan riwaayada Abii Daawuudna marka iyadu saxiix weeyaan waxaa saxiix yeelay Shaykh Albaani: Saxiix alJaamic asSaqiir iyo Saxiix Sunan Abii Daawuud.

...... 

Akhri Xadiiska 6aad

Sharaxa Buluuqul Maraam: Shaykh Shariif Cabdinuur

Waxaa diyaariyey: Mashruuca qoraal-u-rogista casharadii Shaykh Shariif Cabdinuur

W: www.shariifcabdinuur.org

E: buluuq@shariifcabdinuur.org

 

Hordhaca ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | November 25, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

 

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;