www.somalitalk.com/beder
Macadka, Beder Institute of Education, waa macad wayn oo ku yaalla
Soomaaliya magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo. Xarunta macadka ee Boosaaso
waxaa ay ku taallaa ka soo horjeedka dhanka bari ee shirkadda war isgaarsiinta
ee NETCO. Xarunta macaka ee Gaalkacyo waxaa ay ku taallaa ka soo
horjeedka guriga gobolka.
Koorsooyinka macadku bixiyo waxaa ka
mid ah:-
Maamulaha Macadka
Said Ismail Hassan (Urur)
Tel. 252 5 82 3232
Tel. 252 5 23 6641
Mobile: 252 5 72 6530
Mobile: 252 5 75 6071
Email: bederall@hotmail.com
Email: bedergal@hotmailcom
Bosaso, Galkayo
- Somalia -
Warbixinadii
Hore ee Machadka Beder - GUJI HALKAN
Faahfaahinta Koorsooyinka
Machadka Beder
Computer Software Course (koorsada barashada
Softwareka computer-ka) waa koorsada ugu horraysa ee ardaygu qaadan koro
ayaa ka kooban ilaa iyo 8 prograam oo waxtar leh, kuwaas oo ah prograammadii
ugu danbeeyey ee caalamku soo saaro, waa XP oo loola jeedo 2002 iyo wixii ka
danbeeya. Inta ardaygu koorsadan ku jiro waxyaabaha la baro waxaa ka mid ah
isticmaalka iyo adeegsiga Internetka. Prograammada lagu bixiyo koorsadan
waxaa ka mid ah:-
1. Microsoft Windows XP. oo ah
program kasoo jeeda bahda Operating System-ka, oo loogu tala galay in uu
kiciyo computerka, isna fahamsiiyo aaladaha kala duwan ee computerku ku
shaqaynayo iyo prograammada computerku isticmaalayo. La'aanta Windowsna
waxma kuuma suurta galayaan.
2. Microsoft Explorer version 6.
waxaa loogu tala galay adeegsiga Internet-ka & E-mail-ka, waxaa uu
sahlaa samaynta E-mail Account laga samaysto pages-ka kala duwan ee
Internetka sida www.somalitalk.com
IWM. Waxaa uu sahlayaa in ay farriin isu diraan ehelada iyo saaxiibbada
kala fog ee doonaya in ay akhbaar degdeg ah kala helaan.. Waxaa kale oo ku
lammaansan program loo yaqaan MSN Messenger oo u sahlaya
isticmaalayaasha in ay si toos ah u wada sheekaystaan iyaga oo
isticmaalaya qoraal keyboardka computerka ah ama wada-hadal toos ah iyada
oo la isticmaalayo microphone iyo sameecado.
3. Mavis Beacon for Windows XP.
Waxaa uu bartaha u sahlayaa in si sahlan oo aan shaki lahayn aad u garaaci
kartid xarfaha keyboard-ka computerkaaga, si aad muddo yar ugu qori kartid
akhbaar fara badan.
4. Microsoft Word XP: Waa
program loogu tala galay qoridda, qurxinta iyo isku dubaridka qoraallada
xaafiisyada, soo saaridda wargaysyada iyo nakhshadaynta documeentiyo kala
duwan oo fara badan.
5. Microsoft Excel XP.
Prograamkan Excel waxaa uu ku shaqeeyaa kuna fiican yahay qaabka
xisaabeedka bankiyada, diiwaan galinta badeecadaha iyo la xisaabtanka
macaamiisha, haseyeeshee waxaa jira shaqooyin kale oo uu qabto kuwaas oo
aan halkaan lagu soo koobi karin.
6. Microsoft Access XP. Waa
program ku fiican u gudbinta xisaabta ay qabaan macaamiisha shirkadda (invoice)
iyo dhisidda database ku salaysan hadba baaxadda ay le'eg tahay baahida
shaqo ee shirkad ama shaqsi leeyahay. Waxaa uu akhbaar ka soo akhrisan
karaa prograamada kale ee database-ka ah iyo kuwa spreadsheet-ka ah.
7. Microsoft PowerPoint XP.
Waxaa uu qayb mihiim ah ka qaataa soo bandhigidda iyo xayeysiinta
badeedacadaha iyo alaabooyiinka shirkaddu suuq-gayso. Waxaa kale oo ka
qayb qaataa cashar bixinta tababarada loo qabto dad aad u fara badan iyada
oo la isticmaalayo slide projector.
8. Microsoft Outlook XP. Waa
program ku shaqeeya habka communication-ka waxaa loo adeegsan karaa in
farriin internet ah lagu kala helo, waxaana laga samaysan karaa E-mail
Account. Waxaa uu aad ugu fiican yahay ilaalinta ballamaha waqtiga ku
xadaysan. Waxaa kale uu u sahlaa isticmaalaha jihaynaya qaabka shaqo ee
hore loo diyaarshey.
Marka ardaygu uu dhammaysto koorsada software-ka waxaa uu sii wadan
karaa barashada qaybaha kale ee computerka. kuwaas oo si buuxda u kaabi doona
aqoonta ardayga. Koorsooyinkaas oo mid kasta lagu qaato muddo kooban.
<><><>
Software Quick Course
(koorsada
deg-deg ah ee Software-ka). Koorsadan waxaa loogu tala galay dadka doonaya
in ay koorsada Software-ka ku qaataan ugu yaraan hal bil, koorsan waxay
saamaxaysaa in muddo yar lagu barto prograammada uu ka kooban yahay
Software-ka, iyadoo laga soo qaatay inta mihiimka u ah ardayga si uu muddo
gaaban awood ugu yeesho maamulidda programmada software-ka ah ee looga baahan
yahay xaafiisyada caadiga ah, shirkadaha iyo ha'adaha. Qaadashada koorsadan
waxaa ay ku fiican tahay dadka hore u lahaa aqoon tacliimeed oo fiican.
<><><>
Computer Hardware Course (koorsada
qalliinka iyo illad bixinta computer-ka). Koorsadan waxaa ay mihiim u tahay
qofkasta oo bartay Software-ka, gaar ahaan kuwa sida tooska ah ugu shaqeeya
computerada. Barashada koorsadan waxaa ay awood u siinaysaa ardayga in si toos
ah u kala barto qaybaha computerka iyo sida ay isula shaqeeyaan. Waxaa kale oo
ardaygu baranayaa in uu si sahlan u fahmi karo cilladda iyo meesha uu ka buko
computerka jirran ee loo baahan yahay in la dabiibo.
Koorsadan waxyaabaha looga
faa'iidaysan doono waxaa ka mid ah kuwaan soo socda:-
Computer Basic Electronic
Units of Power Supplier
Understanding how computers work
Motherboard and its parts
Processors and PC data cycle
Working Random Access Memory
Display Adapters and Monitors
BIOS system Configuration
Assembling and Dissembling PCs
Maintaining Disks and Storage Media
External PC ports and Printers
Hardware and Software Installation
Definition of what caused computer Viruses
PC Terminology
<><><>
Advanced HTML course (koorsada
nakhshadaynta HTML-ka). Waa barashada nakhsadaynta bogagga Internetka.
Waxaa ardaygu awood u yeelanayaa in nakhsadeeyo iskuna dubbarido bog Internet
ah haddii uu helo server lagu kaydiyo. Barashada koorsadan waxaa loo adeegsadaa
dhowr prograam oo ku kala duwan xagga awoodda iyo waxqabadkaba.
<><><>
Computer Network Course (koorsada
iskuxirka iyo wada-shaqaysiinta computera-da). Waxaa lagu bartaa sida
xiriir shaqqo looga dhexaysiiyo computero yaalla meelo kala duwan iyo kuwo
yaalla hal xafiisba iydoo la adeegsanayo prograamada fundamental-ka u ha
networking-ka. Isticmaalka ugu yare e networking waxaa uu suurto galinayaa in
hal printer loo isticmaalo dhammaan ama qaar ka mid computerro wada shaqeeya.
<><><>
Computer Accounting Course
(koorsada barashada prograammada
dhaqaalaha). Waxaa lagu bixiyaa prograammadii ugu danbeeyey ee dhinaca
dhaqaalaha. Ardaygu kuma khasbana in uu dhammaysto prograammada ay ka kooban
tahay koorsadan, balse waxaa uu hadba qaadan karaa prograamka laga xiiseeyo
shirkaddiisa ama ugu isticmaal dhib yar. Prograammada casriga ah ee Accountigu
waxaa ay awood u leeyihiin in aad report-ka dhaqaale ee shirkadda ku dirtid
email ahaan, adiga oo aan prograam kale ku xawiln. Barashada koorsadan waxaa ay
ku fiican tahay dadka hore u soo qaatay manula Acconting-ka iyo computerkaba.
<><><>
Advance Practice Course (koorsada
baraaticada computerka). Waxaa qaata aadna uga faa'iidaysta dadka ay waqti
fof ugu danbaysay isticmaalka computerka, kuwaas oo doonaya in ay muddo yar ku
soo ceshedaan khibraddoodii aqooneed ee la xariirtay computerka. Qaadashada
koorsadan kuma xaddidna hal meel oo kali ah ee ardaygu wuxuu awood u leeyahay
in uu barto dhammaan koorsooyinka iyo prograammada uu baahida u qabo.
<><><>
Languages and Scientific Course
(koorsada
luqadaha iyo sayniska). Koorsadan oo ah koorso aad u mihiim ah waxaa waxaa
sidii loogu tala galay u barta kana faa'iidaysta dadka dhallinyada ah oo kali
ah. Maadooyinka ka baxa koorsadan waxaa ka mid ah:-
Science
Maths
Arabic
English
Somali
Figuring
Warbixinadii
Hore ee Machadka Beder - GUJI HALKAN
SOMALITALK.COM| NOV 17, 2002SOMA
|