Hooyadda Isgaarsiinta Soomaaliya.

Bishaaro...Bishaaro ..... Bishaaro.

Telcom Somalia oo aad uga barateen Isgaarsiinta Casriya ayaa imminka sii laban laabtay Hawlaheedii. Waxayna Shirkaddu haatan tartan kula jirtaa Shirkadaha Waawayn ee Caalamka.

Telcom Somalia waa shirkadii ugu horaysay ee Hanaan Isgaarsiin ka hirgalisa Somalia xilli uu dalku burbursan yahay.

Shirkada Telcom Somalia/Telsom Mobile waa shirkad ku shaqaysa qalabka isgaarsiinta casriga ah kii ugu dambeeyay waxayna bixisaa dhamaan adeegyada hoos ku xusan:

»»land line service: Shirkadu waxay telafoon gelin ku samaysay inta badan Gobaladda iyo Magaalooyinka Dalka Somalia. Waxaana Shirkaddu ay sidoo kale billawday iibinta Kaarar Pre Paid ah oo loo isticmaali karo Taleefoonka Telcom Somalia ee Land Line-ka. Waana fursad ay Macaamiishu uga maarmayaan inay dhigtaan Dabaaji ama damiin la yimaadaan.

GSM-ka Casriga ah ee Telsom Mobile. Waa Taleefoon Jismigiisu yar yahay oo Jeebka iyo gacan qaadkaba ku wanaagsan.

»»Mobile service: Waxaa shirkadu Telcom Somalia lagu tilmaami karaa hooyada qalabka GSM-ka ee Somalia. Waana shirkadii ugu horaysay ee Dalka ka hirgalisa Hanaanka Moobayladda ee Pre-Paid iyo Post- Paid.
»»Telcom Somalia/Telsom Mobile waxay xarumo ku leedahay dhaman gobaladda Dalka Somalia. Iyadoo haatana Telcom Somalia ay qorshaynayso inay deegaano hor leh ka hirgaliso hanaan isgaarsiineed Caalamiya.

»»Telcom Somalia waxay sidoo kale ugu bishaaraynaysaaa Macaamiisheeda inay wici karaan Asxaabtooda haysta Taleefoonada Shirkadaha kale iyadoo laga qaadayo Qidmad aad u jaban. Waana fursadii aad muddo dheer raadinayseen.


Telcom Somalia mar kastaa aad tagto waxaa kuugu diyaar ah shaqaalo u diyaarsan shaqadda ay qabanayaan Isla markaana Khibrad fog u leh. Waana goob dadka ka shaqaynaya dhamaanteed ay yihiin Xirfidlayaal loo soo qadimay. Soo dhawaynta. Qabashadda Lacagaha iyo diyaarinta Biilalka. Cilad Bixinta Taleefoonadda. Iyo Hawlwadeeno qibrad u leh Hawlaha Isgaarsiinta.

»Ogow in aad hesho line ama mobile shirkadaasi ah ay kuu tahay fursada keliya oo aad si toosa oo joogta ah ula xiriiri kartid dhamaan qaraabadaada, asxaabtaada iyo ehelkaagaba ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadisa. Waana Taleefoon Tayo Wanaagsan. Cod Fasiix ah.

»Kuuma dhamaystiri karo horumarka shirkada Telcom Somalia. Hooyadda Isgaarsiinta Somalia. Mucjisadda Qarnigan ee Tiknoolajiyadda Somalia. Laakiin waxaad ka daalacan kartaa Xogta dhabta ah ee waxqabadka Telcom Somalia Boggan:-

www.telcomsomalia.com 

Xafiiskyadda Telcom Somalia waa goob bilicsan oo Nadaafadooda aad looga taxadaray inta aad dhex socotana waxaad dareemaysaa inaad ku jirto goob laga shaqeeyay Bilicdeeda iyo Faayadhawrkeeda.





(C) SomaliTalk.com | Daabacaad: May 20, 2004