SOMALITALK Dugsiga Iqra   

 

 

Barbaari ubadka, barbaarin suuban

Ku: Dugsiyada Quraanka
Ku: Maktabadaha Islaamiga
Ku: Ummadda Soomaaliyeed
Ku: website-yada Soomaliyeed
Ku: Dhammaan laamaha warbaahinta

Ujeedo: Baaq wargelineed

Waxaan jecelahay inaan ku wargelino dhammaan Dugsiyada Quraanka lagu barto, Maktabadaha islaamiga, website-yada, qaybaha kale ee warbaahinta iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inuu soo baxay CD cusub, oo carruurta iyo qofkasta oo raba barashadda diinta islaamka uu si fudud u adeegsan karo.

                                                                                                                         Tusaale Halkan riix

Maduucayada CD-gani ka kooban yahay waxay kala yihiin (qayb kastaana waa maqal iyo Muuqaal):

1. Higaada Alifka

  • Waxaa higaada laga bilaabayaa alif ilaa abjed.
  • Waxaa lagu higaadinayaa afsoomali (higaadii Sheekh Yuusuf Alkawnayn).
  • Waxaana la isticmaalayaa higaada loo yaqaan Baqdaadi.
  • Waxaa kale o la socda 3 ciyaarood (memory Game) oo carruurtu ku xafidayaan alifka.

2. Farbarasho

  • Haddii aad haysato printer waad daabacan kartaa, aad ayeyna u sahlan tahay inay caruurtu ku farbartaan. waa alifka.

3. Higaadda Quraanka

  • Wuxuu ka bilaabmayaa Suurtul Fatixa (Al-xamdu)
  • An-naas ilaa Al-Casr (waxaana loo higaadinayaa erey erey)

4. Jus Cama

  • Akhris iyo muuqaal

5. Jus tabaarak

  • Akhris iyo muuqaal

6. Arkaanu Islaam

  • Shanta tiir oo midkasta lagu sharxayo afcarabi iyo Afsoomali

7. Asmaaul Xusnaa

  • Waa sida loogu dhawaaqo iyo macnihii oo kooban oo afsoomali lagu sharxayo.

8. Adkaar

  • Waxaa ku jira 37 werdiyo iyo ducooyin ah.

9. Nashiidooyin

  • Waxaa ku jira nashiidooyin islaami ah, oo qaarkood wataan sawiro ka turjumaya mawduuca nashiidadu ku saabsan tahay.

Si aad uga bagato una aragto tusaale ka mid ah dhammaan qaybaha CD-ga Fadlan booqo www.nugaal.net ama la soo xiriir emailkan: abdirashidogle@yahoo.com


 

Ads:SomaliTalk.com | May 20, 2004

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great
 
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD