About

Somalitalk oo Toban sano jirsatay 1999-2009

Somalitalk.com Xog iyo Xaqiiqo

Waayo Somalitalk

Somalitalk waa shabakad warbaahin iyo xog aruurin isugu jirta, kana mid ah kuwa ugu da’da wayn bogaga Internetka ee Soomaalida. Waxayna aad isugu howshaa inay soo gudbiso Baaritaano, Faallooyin, Warbixin iyo Qormooyin, laxiriira Badaha iyo Bariga Soomaaliya, kuwaas oo u badan dhacdooyin horay u dhacay oo ay soo faagto iyo waxyaabo Mustaqbalka la qorshaynayo inay dhacaan oo ay soo bandhigto ama ka digto, iyo dabcan wararkii iyo maqaalladii maalinlaha ahaa. Somalitalk.com waxay ka hadashaa somaaliya iyo Soomaalida oo dhan wixii ku saabsan.

Somalitalk.com waxay ummada Soomaaliyeed ugu shaqaysaa iskaa wax uqabso, si bilaash ah. Somalitalk waa madxafka ugu wayn ee ay ku kaydsanyihiin xogo farabadan oo ka hadlaya Soomaalida iyo Soomaaliya.

Hadafka Somalitalk

1-Hadafka Somalitalk waa kobcinta aqoonta iyo garaadka ummada Soomaaliyeed.

2-Waa wacyi galinta iyo u jihaynta ummada dhinaca horumarka, iyo isku xirka ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba. Somalitalk waxay ahmiyad wayn siinaysaa kaydinta Taariikhada iyo dhamaan xogaha muhiimka ah ee khuseeya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

3-Waa soo dhawaynta iyo tababarida suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, sida aad lasocotaan Somalitalk waxaa ku tababartay dhalinyaro Soomaaliyeed oo farabadan, kadibna markay khibrad yeesheen helay shaqooyin kala duwan oo saxaafada ah, arintaasna somalitalk aad ayey ugu farax santahay.

4-Waa dhiiri galinta saxafiga Soomaaliyeed inuu noqdo mid hal abuur leh oo wax kusoo kordhiya saxaafadda Soomaalida, isagoo ka duulaya ummada dhaqankeeda wanaagsan. Iyo in saxaafadda Soomaalidu ka korto isticmaalka eraybixita qalaad ee loosoo waarido ee aan waafaqsanayn Diintooda, Dhaqankooda iyo Waaqicidooda toona.

5-Hadafka Somalitalk waa inay ilaaliso luuqada Af-Soomaaliga, iyo inay kobciso isticmaalkeeda. Sidoo kale inay ka ilaaliso inaysan lumin ama yaraan Qorista iyo Akhriska Luuqadda Soomaaliga.

Somalitalk oo Toban sano jirsatay 1999-2009

Somalitalk waxay ugu horayntii u mahad celinaysaa ilaahay oo fududeeyey hirgalinta iyo joogtaynta bogaan, marka xigana waxay umahad celinaysaa ummada Soomaaliyeed ee markasta lawadaagaysay macluumaad una soo diraysay dhiiragalin. Somalitalk waxaa farxad u ah inay ummada Soomaaliyeed lawadaagto maanta Agoosto 03, 2009 farxada Dabaaldaga kasoo wareegtay toban jirsigeeda.

Somalitalk waxaa la aas aasay August 05, 1999 laga soo bilaabo xiligaas ilaa hada waxay ku mashquul sanayd sidii ay ummada Soomaaliyeed war iyo wacaal ugaarsiin lahayd.

Somalitalk aas aaskeedii waxaa dhiiri galiyey hana qaadkii Cilmiga Computer-ka iyo Internet-ka, iyo iyadoo xiligaas ay adkayd in lahelo xog iyo war ku qoran af-Somaali sax ah, oo kahad laya ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Somalitalk xiligaas waxay go’aansatay inuu bogu noqdo mid ku hadla luuqada Soomaaliga oo kaliya, isagoo uga gol-lahaa, Ilaalinta iyo Kobcinta luuqada Soomaaliga.

Tobansano kadib ayaa markale dib loo naqshadeeyey somalitalk sida idiin muuqta qaybo hor lehna lagu kordhiyey iyadoo laga faa’iidaysanayo horumarka cilmiga casriga ah ee Computer-ka iyo tixgalin lasiinayo baahida loo qabo ama faa’iida ay mushtamaca ay u leeyihiin in talaabadaas xiligan laqaado.

Maxaa lagu kor dhiyey Somalitalk

1- News in English (warar Ingiriisi ah)

2- Articles (maqaallo Ingiriisi ah)

3- Qayb Video isbadbadalaysa (youtube.com/somalitalk )

4- Barnaamijyo muuqaal ah oo toos ah (somalitalkshow.com) somalitalk.com/live

5- Kayd iyo raadin sahlan – Kaydka waxaad ku baari kartaa maalinta qoraalka la qoray – Fiiri dhanka midig barta ay ku qoran tahay Kaydka maalinkasta (Archive/Search)

6- Coments (Waa qayb aad jawaab celin kaga samayn karo qoraalkii aad doonto, qaybtaan jawaab celinta waxaa ka reeban in lagu qoro (CAY IYO ANSHAXUMO) waaxaan codsanaynaa inaan lagu qorin qoraal aan haboonayn dhinacna, hadii jawaab khaldan aad soo dirto lama soo siidayn doono, waxaana laga yaabaa in Computer-kaaga laga mamnuuco inuu jawaab danbe oo khaldan soo diro)

7- lg-share-enShare (qaybtaan waa qayb aad asxaabtaada si sahlan ugu diri karto ama ula wadaagi karto qoraalada muhiimka ah, e-mail ama Face-buugooda ama xiriirada kale ee ay isticmaalaan. Fadlan sawirkan click-sii qoraal kasta xagiisa hoose .

8- Xayeysiis ( Somalitalk waxay dhamaan dadka doonaya in xayeysiis loo sameeyo ugu tala gashay qaab casri ah oo xayeysiiskooda loo arki karo, xaga sare ee boga iyo inuu hoos ama dhinac kala socdo qoraalkasta oo boga lagu daabaco, somalitalk waxay aaminsantahay in lasoo gaaray xiligii ummada Soomaaliyeed ku caawin lahayd inay xayeysiis u samayso, si ay somalitalk usii horumarto)

Isticmaalka Boga

Waxaan usoo qaadanaynaa sida cinwaanadu u kala horeeyaan

1- Articles (waxaad ka halaysaa dhamaan maqaallada iyo rayiga ingriiska ku qoran, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

2- Cilmibaaris (waxaad ka helaysaa Cilmibaarista Somaalitalk ay samayso ama Soomaaliya laga sameeyo, sida tii badda oo kale, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

3- Directory ( waxaad ka helaysaa mowduucyo kala duwan ee ha udaymo la’aan, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

4- Islam ( waxaad ka helaysaa dhamaan wixii Islaamka ka hadlaya, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

5- Maqaallo (waxaad ka helaysaa dhamaan maqaallada iyo rayiga Af-Soomaaliga ku qoran, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

6- News (waxaad ka helaysaa warar Af-Ingiriisi ku qoran)

7- Sugaan (waxaad ka helaysaa Suugaanta noocyadeeda kala duwan, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

8- Tech (waxaad ka helaysaa waxyaabaha ku saabsan cilimiga casriga ah noocuu doonaba hanoqdee, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo )

9- Warar (Waxaad ka helaysaa dhamaan wararka Af-Soomaaliga ku qoran)

10- Warasiyo (waxaad ka helaysaa waraysiyo kala duwan oo cod iyo qoraalba leh, waxaana kusii hoos jirta khaanad ku gaynaysa hadba mowduuca uu markaas ka hadlayo)

11- Random Video (waa qayb aad ka helayso filimaan tiro badan oo ka hadlaya qaybo kala duwan, waana filin is badalaya markasta oo aad bog furato, kana mida qaybta youtube-ka ee somalitalk, youtube.com/somalitalk )

12- Somalitalkshow (waa qayb aad ka daawan kartaa barnaamijyo live ah, sida Shirarka iyo Mu’tamarada ka dhaca meelo kala duwan, xiliga aysan tooska ahayn waxaad ka helaysaa Barnaamijyo xiiso leh oo aan idiin dooray)

Somalitalk Maxay idiin soowadaa

1- Diiwaanka Somalitalk (waa qayb aad ka diiwaan galinaysid Ganacsigaaga, xaruntaada iyo hay’addaada, si sahlana aduunka oo dhan lagaaga helayo, si kale hadaan u dhigno waa xayey siis lacag la’aana)

2- Jadwalka Salaadaha (waa qayb loogu sahlayo Qurbajoogta saacaddaha latukanayo Salaadaha, inta badan magaalooyinka waawayn ee ay caalamka ka daganyihiin Soomaalidu)

3- RSS Feed (oo ah nidaam warka si fudud loo xiriirsan karo)

4- Somalitalk Mailing list ( waa qayb muhiima oo dadka iska diiwaan galiya somalitalk ay ugu soo diri doonto waxyaabaha muhiimka ah oo dhan)

Ugu danbaytii Somalitalk waxay si khaasa ugu mahad celinaysaa dhammaan wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay difaaca badda Soomaaliyeed. Markale waxaan idin kaga mahad celinaynaa dhamaantiin Talooyinkiina iyo dhiirigalintiina joogtada ah.

Waxaan idin ka codsanaynaa inaad nala wadaag taan xogkasta oo muhiima ama taariikhi ah si aan ummada ugu bandhigno, uguna kaydino. Gaar ahaan waxaan codsanaynaa dhowr qodob in qoraallo laga soo diro.

1- Caafimaadka (Waxaan kasugaynaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed)

2- Waxbarashada dal iyo dibaba (Waxaan ka sugaynaa dadka aqoonta u leh)

3- Arimaha Bulshada sida; Qosyka (Waxaan kasugaynaa ku xeel dheeraayaasha, gaar ahaan hooyooyinka Soomaaliyeed)

4- Ganacsiga (Waxaan kasugaynaa ganacsatada Soomaaliyeed)

5- technology ( Waxaan ka sugaynaa dadka ku takhasusay Cilmiga casriga noocyadiisa kala duwan inay soo ban dhigaan si sahlan oo looga faa’iidaysan karo aqoontooda)

6-Sayniska (waxaan ka sugaynaa saynis yahanka Soomaaliyeed)

7-Suugaanta (waxaan ka sugaynaa abwaaniinta Soomaaliyeed)

Fadlan nala wadaaga fikirkiina sida aad u aragtaan qaabka cusub oo Somalitalk laga dhigay, diyaar ayaa somalitalk u tahay inay dhagaysato fikradaha ummada Soomaaliyeed.

Markale iyo Dabaaldeg wanaagsan Tobonguuda Somalitalk.comm 1999-2009

Ing. Maxamed Cali | Xasan Dhooye |iyo dhamaan Bahda Somalitalk.com

Somalitalk oo Toban sano jirsatay 1999-2009