Home » Warar »

Soomaaliya oo Kenya ku cambaaraysay faragelinta ay ku hayso Badda Soomaaliya

“DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya,” sidaas waxaa qeexay warsaxaafadeed June 14, 2020 ka soo baxay Soomaaliya, sida ku cad qoraalka hoose:

………………………..

Mawqifka Dowladda Federaalka ee ku Saabsan Doorashooyinkii Dowlad Goboleedka Jubaland

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka;

DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday;

DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go’aamadan;
1. DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaweynaha Maamulka Kumeel Gaar ah ee Jubaland.
2. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.
3. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.
4. DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

14ka Jun, 2020
Muqdisho-Soomaaliya

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.