Home » Warar »

MIDBA MARKIISAA LA WAREYSTEY !!

Waxay ii ahayd Farxad in aan booqdo Xarunta Jaamacada ummada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdishoo oo aan ka baxay Sannadkii 1989 kii, gaar ahaan Kulliyadda Saxaafadda, markii aan galey Hoolkii Jaamacadda markiiba waxay Indhaheyga qabteen Gabar Da’a yar oo Kaamiro wax ku duubeyso.

Waxaan u qaatey in ay ka mid tahay Suxufiyiinta loogu yeerey in ay Dhaqaajiyaan Barnaamij Jaamacada ka socdey hase yeeshee waxay ii sheegtey Khowtar Cabdulaahi Maxamed in ay ka mid tahay Gabadhaha wax ka barta Kuliyadda Saxaafada Kaamiradana ay tahay mid ay ku Tababaraneyso

Markii ay afkeeda uu ka soo baxay in ay dhigato Kuliyada Saxaafadda ayaa waxaa mar kale I saameeyey Farxad Dareenkeygana waxaa uu ahaa mid aan la qiyaasi karin waayo Waa waqti aad u dheer in aan arko Gabar dhiganeyso Kulliyada Saxaafada Jaamacada Ummada Burburkii ka dib .

Markii aan isku sheegey in aan Kuliyadaan ka baxay Waqtigii Dowlada Milatariga ayey Farxad la dhacdey sidoo kale waxaan u sheegey in aan hada ka mid ahay Qorayasha Soomaaliyeed mar kale hadana waxaa qaadey Farxad oo indhaheeda laga dareemayey waxayna I tiri “ aad baa u nasiib badanahay maanta in aan arko Qoraa Soomaaliyeed oo ka baxay Kuliyada Saxaafadda

Markaan isku tuur Tuurney oo waxaan rabey oo Su’aalaha ah iiga jawaabtey , iyadana wixii Su’aalo ahaa oo ay iiga baahneyd aan uga jawaabey ayey Tiri marka la gaaro Sannadka 2022 ayaa dhameynayaa Jaamacada waxaa iri “Ilaaha Caafimaad iyo Nabad ha igu gaarsiiyo waxaana rajeynayaa in aan ka qayb galo Qalin jabintaada “waxay I tiri “Inshaa Alaah”

Waxaan weydiiyey mar kale Kaamirada ma jaamacadaa iska leh waxay markiiba la soo boodey “Maya Jaamacada malaha Kaamiradaan Qolo Saaxiibadey ah baan ka soo qaatey “ aad baan uga Xumaadey in Jaamacada aysan lahayn Qalab noocaas ah oo ardey ku tababartaan hase yeeshee Xiligeenii Jaamacada Kaamirooyin iyo Laababka lagu Dhaqi jirey Filimada ayey lahayd

Isku soo duubo o Ardey badan baa Dhigata Jaamacada waxaana u hambalyeynayaa Dhamaan intii isku howshey in dib boorka uga jafaan Jaamacadda ummada oo ah Hooyadii Jaamacadaha Dalka sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa Dhamaan intii ka baxdey Kuliyada Saxaafada in ay ka qayb qaataan sidii Kuliyada u heli lahay Qalab ay ku Tababartaan sida Kaamirooyin ,MP3 iyo Qalabka Daabacaada

Dhinaca kale waxaan Filayaa in markii ugu Horeysey ay tahay in ay Wareysi iska qaadaan Laba Qof oo midba markiisa la wareystey marka Taariikhda hana lagu daro Labadeena

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252615532494

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.