Home » Islam, Warar »

CIID MUBAARAK – Bahda SomaliTalk waxay Muslimiinta u dirayaan Hambalyada Ciidul Adxaa

CIID MUBAARAK – 

Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr – 

Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.

Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan ummadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan xujeyda sannadkan 1440 (2019) u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalidana Allah niyadooda  isuwanaajiyo.  Dalka Soomaaliya iyo Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadcelinaynaa dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1441 haka dhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaalida iyo dunida oo dhanba.

madinah

Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.

 

Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq

Bahda SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " CIID MUBAARAK – Bahda SomaliTalk waxay Muslimiinta u dirayaan Hambalyada Ciidul Adxaa "

  1. Asc.

    عيد مبارك‎. كل عام و انتم بخير.
    Ciid Mubaarak.
    KULLU CAAM WANTUM BIKHAIR.

  2. suleiman says:

    تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال . عيد مبارك

  3. kullu caam wa antum bilkheyr eebbe mahaddiis waxaa ii farxad ah inaan halkaan ka salaamo dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kastoo aay dunida ka joogaan waxaana leeyahay ciid mubaarak ,

    mohamed warsame farah

    toronto canada

  4. Bilqeyr. says:

    magaceygu waa bilqeyr xuseen cali oo joogta wadanka finland waxan halkan ka salaamayaa shaqaalaha somalitalk ciid wanaagsan.

    waxan kaloo salaamayaa shacabka soomaaliyeed meel walba ay dunida ka joogan waxan leeyahay ciid mubaarag

    waxan kaloo salaamayaa waalidiinteyda iyo walaalahey oo kala jooga somalia iyo kenya ciid wanaagsan ayaan iyaguna leeyahay ciidan ciideeda Allaha inagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo iyo somalia oo midowday Aamiiiiiiiiiiiin