Home » Warar »

Munaasabad isugu jirtey Xiritaanka Sannad Dugsiyeedka 2016 iyo 2017 iyo Furitaanka Sannad Dugsiyeed 2017-2018 oo lagu qabtey Dugsiga Mocaasir

Waxaa Dugsiga Mucaasir ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabado isugu jirtey Xiritaanka Sannad Dugsiyeedka 2016 iyo 2017 iyo Furitaanka Sannad Dugsiyeed 2017-2018 iyo Qalin jabinta Dafcadii Labaad Dugsiga sare, waxaana Xafladaas ka qayb galey Bahda Waxbarashada, Ururada Bulshada, Ganacsato, Shirkaddaha gaarka loo leeyahay, Macalimiin,Waaladiin, ardeyda Dugsiga iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey Xafladaas.

Ugu horeyn waxaa halkaa warbxin ka soo jeediyey Maamulaha Dugsiga Mahad Faarax Shaaciye oo si weyn ugu dheeraadey Marxadihii uu soo marey Dugsiga mudadii uu jirey , waxaa uu sheegey in mudadaas Waxbarashada Dugsiga ay ahayd mid marba marka ka dambeysa sare u kacaysey islamarkaan uu qaato ardey fara badan

“Dugsiga waxa uu leeyahay Macalimiin Xirfadooda sareysa,Moqararka Waxbarasho ee Dugsiga waa mid la socda Waqtiiga, Imtixaan badan oo lix ah  Sannadkii oo is daba joog ah ,Waxbarasho dadban” ayuu yiri Maamulaha Dugasiga mucaasir oo sheegey in Dugsiga uu Xooga uu saaro Dhinaca sayniska si loo helo ardey isku Filan

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah Macaliinta wax ka dhiga Dugsiga Mucaasir  waxaau hadley Ustaad Bare Shiikh Cabdulaahi Bangaladesh oo marka hore u mahadceliyey Waalidintii Subax waliba Caruurtood ku Koontoroolayey Waxbarashadood iyo Nadaafadooda wuxuuna Carabka ku dhuftey in Dugsiga uu ku haminayo in uu hormuud u noqdo sidii Soomaaliya u soo saari lahayd Dayax gacmeed

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Maxamed  Buule Maxamed oo ku hadlayey Magaca Waalidiinta ardeyda wax ka barata Dugsiga Mucaasir waxaa uu yiri”, haddii aan nahay Waalidiinta Dugsiga  si wanaagsan baan u soo dhaweyneynaa Horumarka  Waxbarasho ee uu Dugsiga ku talaabsadey sidoo kale waxaan ugu baaqayaa Waalidiinta in ay mar waliba la socdaan Caruurtooda ”

Maxamed Nuur Siyaad oo ka socdey Bahda Waxbarashada waxaana uu ugu horeyntii halkaa uga mahadceliyey intii soo abaabushey Xafladaan , waxaa uu hoosta ka xariiqey in Dugsiga Mucaasir uu ka dhabeeyey Hadafkii markii hore loo sameeyey ee ahaa Tayeynta Waxbarashada ardeyda isagoo sheegey in ay ka hormareen dugsiga muddo jirey marka la fiiriyo waqtiga yar uu uu jirey Dugsiga

Mascuud Maxamed Xuseen  oo ku Hadley magaca Ardeydii ka qalin jabisey Dugsiga Mucaasir ayaa waxaa uu sheegey in ay si weyn uga faaideenWaxbarashadii Dusiga ayna ka hormareen ardery kale oo ay tartan  la galeen wuxuuna u mahadceliyuey intii ku gacansiisey Waxbarashadaas

Xubnhii kale ee halkaa ka hadley waxaa kamid ahaa Drs Luul Maxamed Axmed oo ka socotey Isbitaalka Banaadir iyo Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax waxayna labadooda sheegeen in soo dhaweynayaan tayada waxbarasho ee Dugsiga ka jirto waxayna  kula dardaarmeen Maamulka Dugsiga in ay halkaas ka sii wadaan Howlaha waxbarsho ee uu dugsiga hayo

Ugu dambeyn ardey aad u da’a yar ayaa hakaa ku soo badhigeen Heeso iyo Gabayo ka Tarjumaya Faaiidada Waxbarashda waxaana halkaas Abaalmarino lagu gudoonsiiyey Shaqsiyaad, Shirkado iyo ardeydii Kaalimaha hore ka galey Waxbarashada.

Amiin yuusuf khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.