Home » Warar »

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha amniga, hindise sharciyeedyada, waxqabadka wasaaradaa Gargaarka iyo arrimo kale

Muqdisho, 20 July 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, hindise sharciyeedyada, waxqabadka wasaaradda Gargaarka iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirada Amniga, Difaaca iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabad-Sugida ka codsaday inay warbixin ka siiyaan golaha xaalada amniga. Howlgallada xasilinta amniga iyo howlgalka militariga ayaa si wanaagsan u socda dalka. Deegaanka Kuunyo-Barrow ee Jubbaland ayaa12kii ilaa iyo 15kii July lagu dilay ilaa 90 maleeshiyaadka argagaxisda ah. Warbixino faahfaahsan ka dib Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen hay’adaha amniga kuna dhiirigeliyeen inay sii laba-laabaan horumarka ballaaran ee xasilinta amniga, waxeyna si gaar ah ugu mahadceliyeen shacabka Soomaaliyeed doorkooda xasilinta dalka oo muhiim u ahaa horumarka ballaaran ee laga sameeyey dhanka amniga.

Golaha Wasiiradu waxey u mahadceliyeen Maamulka iyo shacabka Jubbaland sidii hagar-la’aanta aheyd oo ay u soo dhoweeyeen kulankii usbuucii hore ee ka dhacay Kismaayo.

Golahu waxey warbixin ka dhageysteen guddi heer wasiiro ah oo loo saaray hindise sharciyeedka Jinsiyadaha, dood dheer ka dibna waxaa la isla gartay muhiimada sharcigan uu u leeyahay dalka gaar ahaan doorashooyinka. Sharcigan ayaa dhowraya xaquuqda muwaadinka, midnimada, wadajirka iyo ka hortaga faquuqa. Waxaana laga codsaday wasiirada inay waxii talo iyo fikir ah soo gudbiyaan sida ugu dhaqsiyada badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada soo dhameystirka hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo laga duulayo khudbadii Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaarahu waxuu faray dhammaan wasiirada inay sida ugu dhaqsiyada badan u soo gudbiyaan hindise-sharciyeedyada si loogu gudbiyo baarlamaanka.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisey safar shaqo oo ay ku tagtey Roma iyo Geneva oo ay sheegtay in labada shirba ay muhiim u ahaayeen dalka Soomaaliya. Wasaarada Gargaarka ayaa waday wadatashi lagu diyaarinayey siyaasadda gargaarka oo si fiican u qabsoomay. Sidoo kale Wasaaradu waxey soo bandhigtay waxqabadkii wasaaradda oo iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka lagu guuleystay in la xakameeyo in dalka macluul ka dilaacdo iyo ka hortag laga sameeyey faafka cudurada dilaaga ah, welina waxaa la wadaa dadaal weyn.

Wasiirka Gaadiidka ayaa golaha wasiirada ku wargeliyey in qiimeyntii ay dawlada Kenya ka sameysey nidaamka garoonka diyaaradaha ee Aden Adde inay soo gudbiyeen in garoonka uu u dhamestiranyahay dhammaan shuruudihii airport caalami ah laga rabey. Sidoo kale Hay’ada Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa ku guuleysatay in qalabkii lagu hagayey diyaaradaha la keenay oo lagu rakibey xarunta hay’ada ay ku leedahay garoonka diyaaaradaha ee Aden Adde.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
fariimaha@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.