Home » Warar »

Ciid Mubaarak – Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr – Eid Fitri

 كل عام وانت بخير

May 13, 2021: Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ramadaan ee Ciidul-Fidriga u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.

Waxaan idiinku hambalyaynaynaa cibaadada suuban, waxaana idiin rajaynaynaa nabad, barwaaqo iyo baraare. Allah cibaabada suuban dhammaanteen ha inaga aqbalo.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isu wanaajiyo.

Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noo soodiray hambalyada ciida barakaysan, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan kiisa kale nabad iyo barwaaqo ha inaku gaarsiiyo, iyo nabad caam ku noqota dunida, insha Allah.

Mar labaad Hambalyada Ciida naga guddooma.

Dhamaantiin waxaanu idinleenahay Ciid Mubaarak, ilaahay haynagu daro kuwa uu u dembi dhaafo.

Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-lilahill xamdu.

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq

Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Ciid Mubaarak – Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr – Eid Fitri "

  1. Somalitalk waxaan idiin soo dirayaa HAMBALYO, CIID WANAAGSAN.
    Sidoo kale Soomaali oo idil waxaan leeyahay CIID WANAAGSAN.

  2. M AA says:

    Eid wanaagsan Somalitalk. Waxaan idiin rajeeynayaa in aad sanadkaan sanadkiisa kale ku ciidaan nabad, cafimaad iyo cibaado suuban.Amiin.

  3. moe says:

    Ciid mubarak, كل عام و انتم بخير
    Waxaan dhamaan umadda islaamka gaar ahaan umada somalida u rajeynayaa cimri dheer iyo cibaado suuban. waxan Allaah uga baryaa in uu sanadkaan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo iyo baraalle. Waxan si gaar ah Allaah uga baryaa in uu umadda soomaaliyeed isku soo dhaweeyo qalbiyadooda kana dhigo kuwo is jecel oo wadankooda iyo dadkooda wax u tara. Allaahu aamiiiiiiiiiiin.

  4. Absher says:

    May this EID DAY be filled with all good things, and may it leave in your hearts with many happy moments to remember. May your hearts and home be filled with all the joys of this wonderful Eid. This is a Eid wish from me that i’m sending your way, hoping this will bring joy to your hearts, and brighten up your day. Bari waa ciid, bishaaraysta.

    Eid Wanaagsan!

  5. yoolah says:

    soomalitalk ciid wanaagsan, soomaali oo idil ciid wanaagsan, muslimiinta oo idil ciid wanaagsan,

    JZL kheyr