Home » Warar »

Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Warbaahinta Madaxa Bannaan.

Muqdisho (05 Maars0, 2017)- Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta.

Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay kusoo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo uga mahadceliyay sidii ay u garab istaageen xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha, oo ay xukuumaddiisa dagaal adag kula jirtay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab . Dagalkaas ayaa markii dambe looga xorreeyey argagixisada magaalada Muqdisho iyo gobollada qaar.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada saxafiyiintii Soomaliyeed ee naftooda u waayey sidii dalkan u gaari lahaa nabad, islamarkaanna dhallinyarada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa afkaaraha gurracan ee kooxaha aragagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa xaqiiqo ah inaad dhibaatooyin badan la kulanteen si la idinka hor istaago inaad bulshada u gudbisaan runta. Masuuliyad iyo waajibaad idin saaran ayaa jira, dowladdana masuuliyad iyo waajibaad saaran baa jira sidaad darteed waa inaan iska kaashannaa sidii aan dalkeenna u nabadeyn lahayn.”

Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday bahda saxaafadda in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay wada shaqeyn buuxda la yeelato, waxa uuna ka codsaday in ay dhankooda kaalin mug leh ka qaataan wacyigelinta bulshada ee xagjirnimada, abaaraha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.”

-Dhammaad-
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.