Home » Warar »

Bayaan ka soo Baxay Ganacsata Soomaaliyeed oo ku saabsan Doorashada Rugta Gancsiga

Waxaa Xarunta Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir  ee Magaalada Magaalada Muqdisho ka soo baxay  Bayaan ku aadan Shirweynaha Rugta Gancsiga oo dhawaan lagu qaban Magaalada Muqdisho waxaana Bayaankaas Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta u Akhriyey Bile Cabdi Siyaad oo ah Afhayeenka Ganacsatada Soomaaliyeed wuxuuna u Qornaa Sidatan;

Anagoo ah Madaxda Qaybaha kala duwan ee Suuqyada Banaadir, Shirkadaha kala duwan,  Waxaa Noo Muuqata in Doorashada Gudoonka  Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee la doonayo in dhawaan la qabto in aysan ku socon sidii Saxda ahayd.

Hadaba si ay u noqoto Doorasho Xalaal ah kana Tarjumeysa qaybaha kala duwan Ganacsiga wadanka isla markaana haysata aqlabiyada Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa Muhiim ah in aan lagu deg degin , lagana dhowro Doorashada wax kasta oo Fashilaad Sabab u noqon kara

Hadaba waxaa Muhiim ah in marka hore la helo Dastuur iyo Nidaam la  isla ogol yahay oo laga maarmaan u ah Sharciyadeeda Rugta Gaqncsiga

Marka la helo Dastuur Sax ah ayey dhici kartaa Doorasho Xalaal ah ayna ka soo bixi karaan  Hogaan Xalaal ah oo matela Gaanacsatada Soomaaliyeed

Waxaa Cad sida hada Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Somaaliyeed ay u maamuleyso  Howsha Doorashada aysan ahayn sax taasoo weliba Khatar ku ah Sumcada , Sharciyada , Hogaanka iyo Cida ay Mataleyso Rugta Gannsiga Spomaaliyeed.

Waxaan Soo Jeedineynaa

  1. In la qabto Gudi Gancsato oo matela Dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed
  2. in  la derso , la saxo , lana dhameystiro Dastuurka iyo Xeeraraka Rugata Gancsiga.
  3. In Dooorashada ay Maamulaan Gudi ama shaqsiyaada aan damac kala hayn in iyaga la doorto si looga hortago Xaglin Dano gaar ah

    Bayaankaas ka dib waxaa iyana Saxaafadda la Hadley Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Cabdinaasir Cali Maxamed oo sheegey in in arrintaan ay Gaarsiyeen Wasiirka Ganacsiga Dowlada Federaalka una sheegeen qaabka  lo qaban karo Doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha

    Bayaanka  waxaa si wadajir ah isku raacey Gudoonada  qaybaha Ganacsiga ee Hoose ku saxiixan

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.