Home » Warar »

Madaxweynaha oo uga Mahadceliyay Golaha Shacabka Kalsoonidii ay Siiyeen Ra’iisul Wasaare Khayre.

Muqdisho, 01, Maarso, 2017- Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa soo dhaweeyay go’aankii taariikhiga ahaa ee ay xubnaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Mudane Xasan Cali Khayre oo uu 23kii bishii Febraayo u magacaabay jagada Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Madaxweynaha oo jeedinayay khudbaddii dastuuriga ahayd ee furitaanka kalfadhiga koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waydiistay in ay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub, si loo dardargeliyo howlaha horyaalla xukuumadda.
Intii aan Ra’iisul Wasaare Kheyre loo qaadin codka kalsoonida ayuu Madaxweye Farmaajo u caddeeyay xildhibaannada Golaha Shacabka in Mudane Xasan Cali Khayre uu yahay shakhsi karti iyo khibrad maamul u leh shaqada loo magacabaay, xog ogaalna u ah siyaasadda dalka, gobolka iyo caalamka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Mudane Khayre uu yahay qof hufan oo ka fog qabyaaladda iyo qof jecleysiga.

Ka dib markii ay Golaha Shacabka codka kalsoonida ah si buuxda u siiyey Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu Madaxweynaha oo mar kale hadal ka jeediyay “Waxaan idin kaga mahadcelinayaa in aad siiseen codka kalsoonida Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Khayre, iyada oo aan qofna diidin, qofna ka aamusin. Taasi waxay muujinaysaa in ay bilaabatay midnimadii dadka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa sheegay in ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto dibu heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta amaanada loo dhiibay, caddaalad bulshada wada gaarto iyo in loo naxariisto dadka saboolka ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa mar kale ugu baaqay qurba joogta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

—DHAMMAAD–
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.