Home » Faallo »

Waan ku jeclahay!

Waa runtay oo waan ku jeclahay. Jacaylka aan kuu qabo maaha mid aan adiga kuugu danaynayo ee waa mid aniga dantayda gaarka ahi ku jirto. Waliba jacaylka kaliya maaha ee in aan dantaada ka fakaro iyo in aan wax ku taro labadaba dantayda gaarka ah ayaa ku jirta. In aan ka hortago wax kasta oo dhib ah oo kugu soo fool leh iyo in aan ka shaqeeyo sidii aan kaaga dul qaadi lahaa dhibaatada hadda ku haysata iyaduna waa dantayda khaaska ah, kumana xirna in aad adigu i walaalaysatid ama i jeclaatid ama wax ii tartid ama dhibta i haysata aad ila qaybsatid ama aad ii abaalgudid.

Dhinac kale inaan waxaas oo dhan kuu sameeyo maaha baryo iyo abaal aan kuu galay ee waa xaq aad igu leedahay oo haddii aan intii tabartay ah kaa hagrado aad adduunka iyo aakhiraba ii raacan kartid.

Ha ila yaabin, meel fogna wax ha ka doonin ee i weydii caddayn iyo markhaanti. Hadalka aan kugu iri caddaymo iyo markhaantiyaal badan baan u haystaa ee iga dhagayso:

  1. In aan dar Ilaahay kuu jeclaado oo kuula walaaloobo iimaankayga ayay kaamil ka dhigaysaa, waliba guntimaha (laamaha) iimaanka kan ugu adag weeye.
  2. In aan ku jeclaado oo kula walaaloobo iimaanka macaankiisa ayaan ku helayaa.
  3. Qiyaamaha mimbar nuur ah oo Ilaahay u dhaw ayaa Alle igu fariisinayaa jacaylka dartiis ah ee aan kuu qabo awgi.
  4. Hooska carshiga ayaa la I harinayaa maalinta aan hoos kale jirin (qiyaame) jacaylka dar Alle ah ee aan kuu hayo dartiis.
  5. Jacaylka dar Alle ah oo aan kuu qabo awgi ayaan jannada ku galayaa.
  6. Kaaga sii darane jacaylka dar Alle ah ee aan kuu qabo dartiis ayaa Allaha weyni igu jeclaanayaa.

Danta iigu jirta jacaylka dar Alle ah ee aan kuu hayo kuma koobna dano aakhiro ee dano badan oo adduunka aan ka helayana waa jiraan. Tan kale maaha faa’iido Ilaahay uu aniga igu gaar yeelay ee waa faa’iido uu siinayo qof kasta oo muslimka dar Alle u jecel oo ula walaalooba. Midda kale arrintu dano qofeed kaliya maaha ee dano ummadeedna waa ku jiraan.

Faa’iidooyinkaan faraha badan ee aynu ku helayno jacaylka dar Alle ah ee aynu isu qabno waxaa caddaysay axaadiista nabigeena صلى الله عليه وسلمee saxiixa ah, waana xaqiiqo aynu u hubno sida aynu geerideena u hubno.

Way socotaa ….

Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.