Home » Warar »

Kulan Balaaran oo lagu Taageerayey Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka dhacay Muqdisho

Kulan  balaaran oo lagu taageerayey Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaali Xasan Cali Khayre  oo uu soo abaabuley  Ugaaska Beesha Murusade Ugaas  Cabdulaahi Ugaas Xaasi Faracadde ayna ka qeyb galeen siyaasiyiin odayaal dhaqameedyo oo isugu jirey Ugaasyo, Salaadiin, Malaaqyo, Wabaro, Garaado, Culumu’diin ururrada bulshada iyo Haween  ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho

Xubnhii ka hadlay Kulanka    lagu taageerayey Raiisul wasaaraha cusub ayaa waxaa ka mid ahaa  Siyaasiyiinta kala ah Daahir Shiikh Maxamed ( Daahir Dayar) iyo Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed ooh ore Wasiiro u soo noqdey  waxayna ugu horeyn u hambalyeeyeen  Raiisul Wasaaraha  cusub xilka loo magacaabay, iyagoo si gaar ah ugu baaqey Xildhibaanada labada  aqal in ay Codka Kalsoonida Siiyaan Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre

Kulankaas lagu taageerayey Raiisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka Hadley Imaamka Beesha Mdulood Imaam Maxamed Yuusuf oo ugu horeyn u duceyey Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha isagoo halkaa ka balan qaadey in ay la shaqeyn doonaan Dowlada ay Hogaaminayaan

Ugaas Cabdi Daahir oo isna ka Hadley kulankaas ayaa u mahadceliyey inti soo qaban qaabisey Kulankaas oo uu ugu horeeyo Ugaaska beesha Murusade waxaana uu sheegey in ay Garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha wuxuuna u soo jeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay si deg deg Codka Kalsoonida u siiyaan Raiisul wasaaraha

Ugaas Cabdulaahi  Ugaas Xaashi Faracade oo ahaa Ugaaskii soo qaban qaabiyey Kulankaas ayaa u mahadceliyey Dhamaan Odoyaashii Dhaqanka ee Taageerada u Muujiyey Raiisul  Wasaare Xasan Cali Khayre isagoo ugu baaqey Odoyaasha Dhaqanka in ay ka shaqeeyaan sidoo ay Xubnaha Baarlamaanka uga dhaadhicin lahaayeen   sidii Raiiusl Wasaaraha loo ansaxin lahaa

Dhanka kale Marwo Salaado oo ku hadleysey Magaca Haweenka Soomaaliyeewd oo ka hadashay kulankaasi ayaa ku amaantay madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi sida Geesinimada leh ee uu u soo magacaabey Raiisul Waaaraha iyadoo ka dalbatey Xubnaha Baalamaanka in ay  ansaxiyaan Raiisul Wasaaraha  maadaama Labada Masuul ay ku yimaadeen Rabitaanka Shacabka

Tan iyo markii la Magacaabey Raiisul Wasaare  Xasan Cali Khayre  waxaa soo badanaya taageerIdda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, sidoo kale  waxaa banaanbaxyo lagu taageerayey Raiisul Wasaaraha  ka dhaceen Gudaha dalka iyo Dibadda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaroo@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.