Kulan balaaran oo lagu taageerayey Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaali Xasan Cali Khayre oo uu soo abaabuley Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaasi Faracadde ayna ka qeyb galeen siyaasiyiin odayaal dhaqameedyo oo isugu jirey Ugaasyo, Salaadiin, Malaaqyo, Wabaro, Garaado, Culumu’diin ururrada bulshada iyo Haween ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho
Xubnhii ka hadlay Kulanka lagu taageerayey Raiisul wasaaraha cusub ayaa waxaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta kala ah Daahir Shiikh Maxamed ( Daahir Dayar) iyo Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed ooh ore Wasiiro u soo noqdey waxayna ugu horeyn u hambalyeeyeen Raiisul Wasaaraha cusub xilka loo magacaabay, iyagoo si gaar ah ugu baaqey Xildhibaanada labada aqal in ay Codka Kalsoonida Siiyaan Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre
Kulankaas lagu taageerayey Raiisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka Hadley Imaamka Beesha Mdulood Imaam Maxamed Yuusuf oo ugu horeyn u duceyey Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha isagoo halkaa ka balan qaadey in ay la shaqeyn doonaan Dowlada ay Hogaaminayaan
Ugaas Cabdi Daahir oo isna ka Hadley kulankaas ayaa u mahadceliyey inti soo qaban qaabisey Kulankaas oo uu ugu horeeyo Ugaaska beesha Murusade waxaana uu sheegey in ay Garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha wuxuuna u soo jeediyey Xildhibaanada Baarlamaanka in ay si deg deg Codka Kalsoonida u siiyaan Raiisul wasaaraha
Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Faracade oo ahaa Ugaaskii soo qaban qaabiyey Kulankaas ayaa u mahadceliyey Dhamaan Odoyaashii Dhaqanka ee Taageerada u Muujiyey Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre isagoo ugu baaqey Odoyaasha Dhaqanka in ay ka shaqeeyaan sidoo ay Xubnaha Baarlamaanka uga dhaadhicin lahaayeen sidii Raiiusl Wasaaraha loo ansaxin lahaa
Dhanka kale Marwo Salaado oo ku hadleysey Magaca Haweenka Soomaaliyeewd oo ka hadashay kulankaasi ayaa ku amaantay madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi sida Geesinimada leh ee uu u soo magacaabey Raiisul Waaaraha iyadoo ka dalbatey Xubnaha Baalamaanka in ay ansaxiyaan Raiisul Wasaaraha maadaama Labada Masuul ay ku yimaadeen Rabitaanka Shacabka
Tan iyo markii la Magacaabey Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa soo badanaya taageerIdda Ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa banaanbaxyo lagu taageerayey Raiisul Wasaaraha ka dhaceen Gudaha dalka iyo Dibadda
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaroo@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.